Sign in to follow this  
Suldaanka

A 10 thousand dollar bounty on Morgan's Head: JVA spokesman announces

Recommended Posts

Who could be the lucky man to collect this huge richies :D

 

 

Jeneraal Morgan oo soo qabashadiisa Lacag la dul dhigay

Isbahaysiga dooxada Jubba ayaa maanta sheegay in ay abaal marib lacageed siin doonaan qof alaale qofkii soo qabta Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo dagaalo ay ku dhex mareen meelo ka tirsan gobolada Jubbooyinka Maleeshiyooyin isaga taageera iyo kuwa isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Afhayeen u hadley isbahaysiga dooxada Jubba oo la yiraahdo Bile dheere oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in jeneral Morgan ay u aqoonsan yihiin in uu yahay dembiile dagaal, wuxuuna afhayeenka sheegay in lacag gaareysa ilaa iyo toban kun oo dolar ay siin doonaan qofkii soo qabta Jeneraal MOrgan ama soo sheega meel alla meesha uu ku sugan yahay Jeneraalka.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada jeneraalka, wuxuuse ka gaabsadey halka uu jooga, wuxuuna sheegay Afhayeenkan in ay doonayaan in ay u gudbiyaan jeneraalka maxkamad ku qaada dembiyadii dagaal ee uu dalka ka galay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca jeneraal MOrgan, waxaana warkan uu soo baxay kadib markii dagaalo xoogan ay dhex mareen maleeshiyooyin taageera Jeneraal MOrgab oo dhowaan gaaray gobolada Jubbooyinka iyo kuwa isbahaysiga dooxada Jubba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sxb, waa iska sheeko. These people are as broke as the cockroaches that are living large on my old pizza under my bed

I am not sure about that, but I tell ya technicals that were captured from Morgan are worth money in Mogadishu's Cirtoogte markets.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

suldaanka, lool, magacaan cirtoogte ayaan ku qoslayaa magac kale ayey waayeeen laakin waxay iibinayaan iyo magacaa wuuba is leeyahay ma is tiri :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this