baala xoofto

Diano vs Deni

Recommended Posts

I am still baffled at the thought that Deni, who has miserably failed in Puntland, was thinking about leading Somalia. I need some of what Deni was smoking, because it is just doesn't calculate. 

Anyway, Deni needs to face the music and resign. There is no other option open for this man. Period. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

One of Deni's closes has written this:

 

MUDANE MADAXWEYNE WAY KAA BAAHDAY ARRINTU.

W/Q:Wasiir hore Cabdi Faarax Juxaa.

--

Waa nasiibdarro, magac xumo iyo wax maangalka ka weyn in Bosaso oo ah Deked iyo magaalo ganacsi ay maanta dad ugu dhintaan dagaal afar KARTOON oo macaawino ah oo diyaaradi siddo ka dhashay.

Tani waa dhegxumo taariikhi ah iyo fashil Dawladnimo oo weyn.

1. Mudane Madaxweyne, tabashooyinka iyo is-diidooyinka ka dhashay dagaalkii hore ee Bosaso, doorashooyinkii xildhibaanada Federaalka ah iyo tartankaagii Madaxweynenimo ee Mugadishu weli waa taagan yihiin, kumana bosanayaan in indhaha laga qarsado ee waa inaad wajahdaa oo foodsaartaa.

Adiga ayaa lagaa rabaa inaad garbaxdo oo u geedfariisato si boggaas loo xiro oo horay loogu socdo.

Mudane Madaxweyne waan kula xallinaynaa arrimaha ee imow geedka gogosha. Ogow waxwalba danta Puntland ayaa ka weyn, adiga ayaana masuuliyadaas iyo amaanadaas lagugo ogyahay.

2. Reer Puntlandow, ogaada is-muquunin, kala-adkaansho iyo is-xiniinyo taabad maanta kama bixi karro. Kala-roonaansho iyo isu-dulqaad keli ah ayaan maanta uga gudbi karraa sursuurtan ciriiriga ah.

Ogaada, sidan ninna halyeey ku noqon maayo maanta ee kulligeen waa inoo gunnimo buuxda.

3. Gudoomiye Sacdia Salaad,

Walaaleey annagoo wanaag iyo sharaf weyn kuu haynna, haddana "armaa waxtarka afarta KARTOON ee macaawinada ah ee diyaaraddu siddo ay ka weyn tahay waxyeelladoodu".

Gudoomiye Sacdiya,

Walaaleey adiga iyo Puntland isla saxa qaabka xiriirkiina iyo wadashaqayntiinna si ay mirodhal u noqoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 minutes ago, baala xoofto said:

Walaaleey annagoo wanaag iyo sharaf weyn kuu haynna, haddana "armaa waxtarka afarta KARTOON ee macaawinada ah ee diyaaraddu siddo ay ka weyn tahay waxyeelladoodu"

juxa, labaduba si fiican buu ula hadlay. waa haday wax maqlayaan.

Sacdiyo, hadii ay caawino keenayso iyadoo madaxweeyne ku sime ah, waxay aheed in ay la soo xiriirto meesha dowlad iyo maamul baa ka jira. ilmo diyaano waxay noqdeen Calooshi u shaqeeystayaal, ayagaa dagaalka bilaabay, dad badan baa ku dhintay. 

Alow sahal amuuraha

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa siday warbaahinta Puntland wax u qorayaan. Waa  sidan

Sacdiyo Salaad,waxaa Sadex Diyaaradood udiyaarisay Khadiijo Diiriye oo ka rabta garab si ay Wasiir uga hesho Golaha Wasiirada cusub.

Sacdiyo oo wadata qorshe,ayaa Sadexda Diyaaradood ukala qaybsatay Gaalkacyo,Garowe iyo Bosaso.

Diyaarad walba,waxaa saaran xoogaa Deeq ah oo gaaraysa 3500 oo dolar,waxaana lagu kireeyaa calaa diyaarad halkii duulimaad 15000 oo dolar.

Diyaaradii ugu horaysay,waxay kasoo dajisay,iyadoon cidna ogayn Garowe,kadib Dowlada Puntland waxay garoonka ugu dirtay Wasiir ku xigeenkii Gargaarka oo soo dhaweeyay kalana wareegay Deeqda.

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland,ayaa looga dooday Diyaarada Sacdiyo la timid iyo kuwa kale ee xogtooda la helay,waxaana la go’aamiyay in aysan diyaarad danbe oo iska socota PL loo ogolaan,waxii deeq ah ee ka imaanaya dhanka Fadaraalkana ay kawada xiriiraan labada Maamul.

Saakay,ayaa markale lagu waabariistay Diyaarad Hawada Bosaso ku jirta oo la leeyahay,waxaa saaran Sacdiyo Salaad iyo Kartoono ay wado.

Waxaa ku xigay Ciidan PSF ah oo soo jiiray Bartii Kayntarool ee garoonka diyaaradaha Bosaso gudahana soo galay.

Ciidamada amaanka,ayaa ka hawlgalay,waxayna ka saareen garoonka Ciidamadii PSF ee soo duulay,waxayna sugeen amnigii garoonka.

Diyaaradii siday Kartoonada iyo Sacdiyo oo dul heehaabaysa garoonka,ayaa waxaa amar soo bixiyay Madaxweyne xigeenka kadib markii Duuliyaha diyaaradu ku cawday in uusan haysan Shidaal ku filan,sidaa ayaana loosoo dajiyay loona siiyay Shidaal,iyadoon Kartoon laga dajin Dadkii saarnaana Qof ka degin dibna oogu ceshay Muqdisho.

Dowladnimadu xoog ma’ahan ee waa is ogol iyo ilaalin Sharci.

Sacdiyo xadgudub nidaam oo weyn ayay ku kacday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Under what constitution does Puntland follow? 

"Acting President of Somalia" is denied entry into Bosaso. Can you help understand what that supposed to mean?

I mean, this blows out of the water the "Fake-it till you make it" Qooto-Qooto governance in South Somalia. 

This is what Sacdiya posted:

image.thumb.png.a7f266e38b2570fafb3bc32ceb413107.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Is Sacdiyo bringing her Firimbi in Puntland? Honestly though what was she thinking; landing and thinking she could bulldoze her way on the back of PSF rogue militia. If she is coming with couple of cartons of biscuits at least go through the government channels.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sacdiyo Has blood on her hand, waana lala xisaabtami doonaa. Hadii ay rabto in siyaasadii dhici soowday ee Farmaajo ay wali lugta ku hayso, oo aheed in ay Puntland kala qayb qaybiso, isku dirto, cadowsato.

 

waxay la soo hadashay Karash,i sagoo deni joogo. iyo odayaal, karash ku xiran, iyo ciidamo calooshu u shaqeeystayaal ah. Hadii ay Madaxweeyne Tahay, maxay mdaxweeynaha u la soo hadli wayday ee madaxweeyne ku xugeen u la soo hadashay. Laf timir baa ku jirta.

 

Hada ka hor mar ay Garoowe wax geeysay, waxay ku timid as Speaker denina waa maqnaa marka waa banaantahay in ay crash la soo hadasho. Balse Hada

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Caqligu ma kii Deni uun baa, what are you all smoking? Deputy speaker ,.who is from PL, came back to her people,  with some donations, tell us how is she responsible the fighting?

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 minutes ago, maakhiri1 said:

tell us how is she responsible the fighting?

marka hore,, ciidamada ay meesha ku balansatay ee masheeyidka ah (which she shouldnot do it, her security should be grantee by the state) ayaa xabada furay si ay goankii wax uga badalaan. Maxay ugu sheegi wayday maleesheeshiyaadka, wax dhiig ah ma rabo waan iska noqon. ma dhihin, iyadaaba sii baraajujisay

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This is the best example of decline of the " Hooyada Federaalka".

For over decade Puntland was cashing in and enhancing mercenary forces paid by foreign nations. These forces are not loyal to the regional government and the leadership. Now they are reaping the fruits of their labour.

They used to have Daraawiish or local militia, but now you hear about PMPF and PISF who are  both illegal mercenaries paid by others. Corruption, nepotism and fake boasting had finally caught Puntland. 

For Sacdiya Firinbi, she will probably burn out soon due to her oversized ego. 

Waxaad moodaa in ay Bakhaar iyadu leedahay raashinka ka keentay. 

If there is a relieve effort why not let the federal government take the lead?

Anyway, 20 military men dying for for few cartons of biscuits tells a lot about Deni and Puntland itself. This man should be kicked out before its too late or warlordism will take root in Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.