Che -Guevara

Fahad Yasin HOP86 (s)election

Recommended Posts

Musharaxa madaxweyne ee kaliya ee u hambalyeeyey xildhibaan Fahad

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa noqday musharaxii ugu horreeyey iyo kan kaliya ee uu u hambaleeyey xildhibaan Fahad Daahir Axmed oo maanta lagu doortay Beledweyne.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Xildhibaannada lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne ee ka mid noqonaya Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo waajibaadka ka saaran ummadda Soomaaliyeed.”

Qoraalka ayaa waxaa raacsanaa muuqaal ay ka muuqdaan sawirada xildhibaanada maanta la doortay, oo uu ku jiro sawirka Fahad.

Tallaabada uu qaaday Kheyre oo ka duwan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu ka tirsan yahay, ayaa dhalin karta su’aalo horleh oo ku saabsan xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo Fahad.

Fahad ayaa xubno badan oo musharaxiin madaxweyne ah waxay ka tirsanayaan  cadaadis xooggan iyo dhibaatooyin, waayna u arkaan inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay xadgudubyadii uu Farmaajo dalka ka gaystay shanti sano ee uu madaxweyne ka ahaa.

Kheyre ayaa horey waxaa loogu xantay inuu weli ku xiran yahay Fahad, islamarkaana laga yaabo inuu taageero ka helo haddii uu gadmi waayo Farmaajo. 

Waxaa sidoo kale jirtay eedeymo ku saabsan inuu yahay isha Fahad u dhex fadhisay Golaha Midowga Musharaxiinta, oo uu xogtooda uu u gudbiyo, waxaana hambalyadiisa maanta ay xoojineysaa tuhunadaas.

Tallaabo ka duwan Kheyre, waxaa qaaday musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar ku qaaday Fahad kadib markii maanta la doortay.

“Horta Baarlamaankii shalay hor muuqadkiisa la diiday, maanta ka mid noqoshadiisa badbaado ma laga doonay? Dadkii la iska qarinayey, isla sawirkoodu ma loo baahday? Xildhibaanadii taleefanada lagu dhagaysan jiray, garbo buuxis ma laga doonay? horta sow lagama quusan xukun baqdin gelin iyo kalitalis? In halkaa lagu soo dhaco, halgan adag oo naf, hanti, waqti iyo tamar ku kacay ayaa laga soo maray,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo.

Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday.

Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad.

Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo.

Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo.

Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga.

Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo.

Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Wax lala yaabo ma'ahan in siyaasiyiin sumacadoodii xumaatay fahad yaasiin laga furfuri waayo, waayo wanaaguu dalkiisa u qabtay yaa xumaantoodii banaanka keenay.

Waxaan la yaabanahay shakhsiyan labadan oday midna samafale sheeganayo midna ina dhagaxtuur waxa maskaxdooda sidaa ba'an u masaxay!!

Koley wax qabad "qarran" waxba kama yaqaaniin sida ka muuqata, balse haday noo sheegi lahaayeen waxa uu beeshooda u dhimay dhaqamadeena soo jireenka ah bay ka mid ahaan lahayd.


Macquul ma noqonaysaa beel waynta usc oo waligood soo dhimanayay haba ugu darnaato sodonkii sano ee lasoo dhaafay oo ay xaq iyo xaq daro kusoo  dhimanayeen yaa gabar la waayay fahad yaasiin ugu midoobay ayagoon wax caddayn ah u haynin.

Fahad yaasiin waa hanti qaran madaxwyne kasta oo mustaqbalka yimaadana ku xisaabtami doono.

Wuxuu aamusnaanta sirdoonka lagu yaqaano kusoo maamulay sirdoon hufan oo ugu yaraan aan ajnabi faraha kula jirrin sidii kuwii ka horeeyay oo imaaraad kenyati Ethiopian eu iska maamulanayeen si madax banaan oo saxaafadda u furan.

Fahad yaasiin Waxaa ka muuqata akhlaaq, diin, dulqaad degenaan waji musaamax oo furfuran.

Qofkii cadaalad wax ka yaqaan aragiisaa ku fillan laandheeraha macnihiisu waa intaas ma'ahan beeshaydaa tiro badan ayagoon tayo lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Xasan Cirro: Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu abuurayaa xasarad cusub oo doorashada lagu jahwareeriyo

 Guddoomiyihii hore guddiga doorashada Soomaaliya Maxamed Xasan Cirro ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorshooyinka inuu abuurayo xasarad cusub oo lagu jahwareerinayo doorashada golaha shacabka.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa shalay sheegay in guddgigooda uu hakiyay natiijada kursiga Fahad Yaasiin iyo kuraasta kale oo horey loogu doortay koonfur galbeed.

“Kursi doorashadiisa horey loo dhameeyay, waa un nuuc xasarad abuur ah. Waqtigii 25-ka bisha wuu dhow yahay, halkii dardar galinteeda iyo dhameystirkeeda xoogga la saari lahaa, in loosoo nooleeyo cabaqado horey looga gudbay waa xasarad abuur,” ayuu yiri Cirro.

Cirro wuxuu tilmaamay inay gacme shisheeye dagaalkooda soo dhex galiyeen guddiga doorashada. Wuxuu sheegay caqabadihii isaga ka hor yimid ee horseeday inuu meesha ka baxo ay haatan haysataan madaxda guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashada ayaa dhexdiisa isku khilaafsan kuraasta uu hakiyay guddoomiyaha guddiga doorashada, waxaana xubnaha kasoo horjeeda arrintaan ay sheegeen inuusan jirin wax fadhi oo gudidigu ka yeeshay arrintan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddiga xallinta khilaafadka doorashada oo fasaxay kursiga Fahad Yaasiin

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa fasaxay 6 kursi oo uu ku jiro kursiga uu dhawaan ku guulaystay Fahad Daahir Axmed, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in ay warbixin ka heleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Hirshabelle, kuwaas oo u sheegay in aanay jirin cabasho rasmi ah oo lagasoo gudbiyay doorashada kuraasta lagu doortay Hirshabeelle.

Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Aadan, ayaa dhawaan kursigaan hakiyay.

Guddiyada doorashada waxaa saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed iyo loolanka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa, taasoo keentay in go'aanno is khilaafsan ay guddiyadu soo saaraan.

2022223637811947724769000.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi90   
On 2/21/2022 at 1:17 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Waa kaftamaayaa igaarka.

 

Mujrim iyo muslim si sahlan ayaa loo kala garta marku qofka hadlo, ninkaan waxbadan ayaa laga sheegay laakin inta aan ka arkay hada ilama eka nin mujrim/munaafiq ah (sida C/raxman C/shakuur oo kale). Bal waan arkeyna wuxu la yimaado, dadka qaar ayago muslim ah ayey siyaasada ku biiran laakin mudo kadibna waxaad arkeysa qarkood iyagoo noqday mujrimiin weyn oo ay wajiyadooda iyo hadaladooda ay ku marag furaayan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
8 hours ago, Abdi90 said:

Mujrim iyo muslim si sahlan ayaa loo kala garta marku qofka hadlo, ninkaan waxbadan ayaa laga sheegay laakin inta aan ka arkay hada ilama eka nin mujrim/munaafiq ah (sida C/raxman C/shakuur oo kale). Bal waan arkeyna wuxu la yimaado, dadka qaar ayago muslim ah ayey siyaasada ku biiran laakin mudo kadibna waxaad arkeysa qarkood iyagoo noqday mujrimiin weyn oo ay wajiyadooda iyo hadaladooda ay ku marag furaayan.

Wixii laga sheegay iyo buun buuninta intaa iska deysid aqriso qoraalada uu ku qori jiray Soomaalitalk labaatan sano ka hor. Aragtidiisa ayaa ka arkeysaa wuxuu aaminsanaa markaas. Aniga waagaas ayaa aqrin jiray. Sanado ka horna waxaaba ogaaday inuu qabo gabar aan ilma habreed nahay ilmaheeda eedadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/3/2022 at 2:25 PM, Arafaat said:

How is this possible? Who excluded him from the list of elected MPs and on what basis? 

There are no legitimate bases 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.