Che -Guevara

Fahad Yasin HOP86 (s)election

Recommended Posts

Maxkamadda sare ee dalka oo billowday dhegaysiga dacwadda hakinta kursiga Fahad Yaasiin

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah hakinta kursiga hop086 oo uu horey ugu guulaystay taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Maxkamadda ayaa dhegaysanaysa dacwadda u dhaxeysa qareenka Fahad Yaasiin iyo xafiiska garyaqaanka guud ee dalka oo ka wakiil ah guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Qareenka udoodaya Fahad Yaasiin ayaa maxkamadda usoo gudbiyay codsi ku aadan in la diido go’aanka lagu hakiyay kursiga hop086, wuxuuna sheegay in aanay jirin awood ka sarreysa go'aanka maxkamadda sare ee dalka.

Xafiiska Garyaqaanka guud ee dalka ayaa ku doodaya in heshiiska doorashada ee 17 september ee uu meel mariyay barlamaankii hore ee Soomaaliya inuu yahay sharci awood siinaya guddiga doorashada islamarkaasna aysan jirin cid kaga sarreysa go’aannada doorashada la xiriira.

Dhegaysiga dacwadda maxkamadda sare ee kursiga hop086 ayaa kusoo aadaya iyadoo ay billaabatay diiwaan galinta musharraxiinta guddoonka barlamaanka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.