Che -Guevara

Fahad Yasin HOP86 (s)election

Recommended Posts

Hirshabeelle oo ka hortimid go’aanka lagu hakiyey kursiga loo xiray Fahad Yaasiin

Fahad-Yaasiin.jpeg

Guddiga doorashada maamulka HirShabelle ayaa ku gacan sayray go’aan kasoo baxay guddiga doorashada heer federal oo lagu hakiyey doorashada kursiga HOP#086 ee loo xiray Fahad Yaasiin, taasi oo la filayo inay dhacdo Axadda.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada HirShabelle ayaa lagu sheegay in warqadda kasoo baxday guddiga heer federal ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aysan jirin cabasho kasoo gaartay kursiga HOP#086.

“Kaddib markii Guddiga maamulka doorashada Hirshabelle GMDHDX iyo dhammaan wakiillada Guddiyada heer Federal iyo Xalinta Khilaafaadka arkeen warqad lagu baahiyay baraha bulshada ee faraysay in la hakiyo Kursiga HOP#086 oo aan wadan wax faahfaahin ah iyo sababo lagu hakin karo kursi qabashadiisa la shaaciyay, Guddiga Doorashada HirShabelle asagoo gudanaya waajibaadkiisa Qaran iyo heshiisyadii Madasha wadatashiga qaran iyo dhammaan habraacyadii doorashada dalka waxa ay idiin xaqiijinayaan in guddigu uusan soo gaarin wax cabasha ah ee ka timid kursiga kor ku xusan,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga HirShabelle.

“Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee HirShabelle waxuu sii dardargelinayaa qabashada kuraasta la jadwaleeyay, oo uu kamid yahay HOP#086 si waafaqsan habraacyada iyo heshiisyada doorashooyinka, mana jirto sabab loo hakiyo kursigaas maadaama la xaqiijiyay odayaasha dhaqanka ee soo xulaya oo uu ku jiro odaygii saxiixa u ahaay doorashadii 2016.”

Qoraal kasoo baxay guddiga heer federal ayaa lagu yiri “Kadib markii Guddiga Hiirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ay soo gaareen cabashooyin ka yimid nabadoonnada iyo oday dhaqameedyada jufada iska Ieh kursiga sumaddiisu tahay HOP#086. Waxaa lagu wargalinayaa Labada Guddi ee warqaddani ku socoto inay hakiyaan qabashada Kursiga kor ku xusan inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.”

Qoraalkaas ayaa sax ahaanshihiisa waxaa xaqiijsay Caasimada Online, hase yeeshee waxaa kadib la isku dayey in jahwareer lagu sameeyo warqaddaas.

Xubno ka mid ah guddiga oo ku xiran Villa Somalia ayaa la wareegay gacan ku haynta bogga facebook ee guddiga, halkaas oo lagu beeniyey warqadda kadibna lasoo dhigay warqad kale oo lagu sheegay inaan la hakin kursiga HOP#086.

Guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal uu ku faafiyey barta twitter-ka iyo warbaahinta qaranka ku xaqiijiyey in la afduubtay bartooda facebook, waxayna ku adkeysteen inay sax tahay warqadda lagu hakiyey doorashada HOP#086.

Share this post


Link to post
Share on other sites
6 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

'Gacan kale galay' kulahaa. Waala jabsaday la garayee gacan kalena maxee ahayd.

Is the most recent Fahad Yaasiin sawir? Sawirkiisa si fudud looguma qaado.

That's the picture which is circulating.

Imagine Fahad on presidential election day among MPs. They turned this guy into mythical villian.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Kulahaa waa sawirkii ugu dambeeyey. 
they are making Fahad a super spy unknown to the people.

Who knows , since the Mogadishu media made him the power behind everything, he could be the deputy parliament speaker and all hell will break lose accusing him of running the parliament 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.