Sign in to follow this  
Hibo

SHEEKO-XARIIR

Recommended Posts

Hibo   

hi, MATAAN, bro walaahi sheeko qosol badan waaye horay waa u maqlay lakin si fiican uma aqonin thnx alot. waxan ku qoslay marka uu laxda waranka ku dhuftay eraryga uu yiri , iyo marka afka salaxa ooga dhagay . waa mahadsantahay mataan . peaceeee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

hi, MATAAN, bro walaahi sheeko qosol badan waaye horay waa u maqlay lakin si fiican uma aqonin thnx alot. waxan ku qoslay marka uu laxda waranka ku dhuftay eraryga uu yiri , iyo marka afka salaxa ooga dhagay . waa mahadsantahay mataan . peaceeee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

JamaaL-11, this is an interesting topic. I moved it to POETRY section from the general area. Maybe the peots here can get this literature going.

 

Thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Thank you very much Admin

 

I appreciate that much and i'm sure the poetry lovers will appreciate it too.

 

Thanks

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

:D:D:D waaaaaaaw Sheekooyin fiican ayaaba ka socdo meshaan akhyaarta Buubta waa idin salamay Inta kalana sidoo kale,

 

Dadqalatadii Dhagdheer

Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen, labana nacasyo. Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal. Markii uu yimid ayuu yidhi,

" Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?"

Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli", gabadhi tidhi.

Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi, "Midhaynu soo guranaynaaye inna keena".

Way fogaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey. Wuxu yidhi "Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. "Geed hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go' qudha ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen, Waxay uugu tageen gabadh ku tidhi waxan ahay inna "Dhagdheer", gurigana hooyaday ayaa leh.

"BIyo nasii", ayay caruurtii tidhi.

"Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay cabbeen waxay yidhaahdeen "meel naseexi".

"Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa". ayay gabadhi uugu Jawaabtay.

"Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.

Naas gabdheed ayaa uraya". ayay tidhi dhagdheer.

"Hooyo waa naaskayga ", ayay tidhi inantii.

Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay gabadhi:"Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin".

Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay. Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, "Yaan u xiiraa inankooda?"

Nacastiiba tidhi "Inankayaga u xiir".

"Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon",

ayey ku amartay dadqalatadii.

 

"Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.

Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.

 

"Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee". ayey caruurtii waydiisteen.

"Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada". ayuu maskii ku celiyey.

Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen, laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii, dabadeed wuu cunay.

Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:

 

"Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee"

"dadoo ma isu soo dhawaanaa?"

 

Sheekadaaan yaa xasuusta

 

_________________Kamila_______________________

Qofkii Ilaah Ka cabsado Aduun Iyo Akhiro Wuu libnayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
TALIB   

HI WASSUP YA ALL. WARADA JAMAAL IYO KAALIMO WAA MAHADSANTIHIIN . ABAYAO KAAMILO 4REAL WAA SHEEKO XIISO BADAN WAA MAQLAY LAKAIN SIADAAN FAAHFAAHSAN U MA AQOONIN SHEKADA DHAGDHEER. WAABA SHEEKO MACAAN SIIWADA WARADA BARNAMIJKA SHEKOYINKA SORYY FOR THE LATE REPLAY VACTION AAN KU MAQNAA SXBYAAL HADA HA NOO SII SOCOTO SHEEKDA IYO MAWEELADA KULIGIINA WAA IIDN SALAAMYAA {KAAMILO THX SHEEKO KALE NOO SOO POST GAREEY OK ] BYE YA ALL SISYERS & BRO. HALLA AT YOU LATER

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamila   

Salaamu caleeykum buubaaye,

 

waa soo laabatay ayaan filayaa hadeer waxaan ku leeyahay wlc back halkaas ayaan ka sii wadeeynaa sheeko xariirtii,

 

Beri baa Libaax, Dacawo, goray, Dhurwaa iyo bakayle ayaa geel wada lahaa. Dacawada, Gorayga, Dhurwaaga iyo bakaylaa maalinba midbaa geela raaca ama labaa wadda raaca. Libaaxunna wuu iska Joogaa waayo isagu waa boqorkii.

 

Maalintii danbe, "waxa wada raacay geelii, dacawadii iyo goraygii markaasay tidhi dacawadii ama xabag inoo doon ama geela la sii joog".

"Geelaan la sii joogayaa " goraygii.

Dacawadii ayaa xabagtii doontay, markaasay laba dhagax xabag korkooda u soo marisay.

"Hoo xabagtan liq", dacawadii ayaa tidhi.

Markaasuu liqay goraygii oo uu ku margaday, cunnahana u fadhiisatay.

"Geela soo kaxee oo ku soo hees", tidhi dacawadii.

"Wuu-uu-uu-mn" goray oo codkii ka soo bixiwaayey.

"Gorayow geela ha didin", dacawaa tidhi.

Markay yimaadeen gurigii ayey libaaxii u sheegtay oo tidhi maantoo dhan goraygu geeluu didinayey.

"Maxaa kugu dhacay ee aad geela u didinaysaa?

Libaaxii ayaa waydiiyay.

"Wuu-uu-uu-mn", goray.

"Ogaan ayuu kuu diidayaa", dacawo.

Libaaxii goraygii ayuu ku soo booday uu dilay.

 

Maalintii labaad, bakayle iyo dawoco ayaa geelii wada raacay. Hadhkii markay ahayd ay gaajootay oo ay cano libaax xasaystay dhantay. Markay dhamaysay ayey labeentii caanaha soo qaaday, sidii wax la cayaaraya ayey bakaylihii labeentii afka u marmarisay. "Caanahaygii yaa dhamay?" yidhi libaaxii.

"Bakaylaa afka labeen ku leh oo dhamay", ku jawaabtay dacawadii.

Bakaylihiina libaaxii ayaa dilay.

 

Maalintii danbe ayuu libaaxii hal dilay, markaasuu habar - dugaag oo dhan isugu yeedhay.

"Inoo qaybiya hilibkan oo waraabow qaybi", yidhi libaaxii.

Laba qaybood ayuu ka dhigay, qaybna libaaxow qaado ayuu yidhi qaybta kalena intayadda kale.

Libaaxii wuu ka xanaaqay qaybtii dhurwaaga oo dhirbaaxo ayuu il kaga soo tuuray.

"Dawoco qaybi", yidhi libaaxii.

"Sadex meelood marka laga dhigo, laba qaybood libaax ayaa leh, meelna habar-dugaag, may, may! qaybiyee wada qaado". tidhi dacawadii.

"Oh.Ho.Ho. Yaa ku baray dacowoy qaybta?" Libaaxii oo faraxsan.

"Isha cumar ka laalaada ayaa i bartay", ku jawaabtay dacawadii.

 

Maalintii danbe ayey libaaxii ku tidhi gogol cusub ayaan kuun samaynayaaye tii hore way kaa gabowday ee maanta geela raac. Libaax markaas ayuu yidhi "waan u baahnaaye ii samee".

God ayey u qoday markassay dab iyo xaabo ku shidday, markaasay godka afkiisii caws saartay iyo qoryo.

"Bal ku soo bood gogoshan cusub ee aan kuu sameeyey", tidhi dacawo. Libaaxii ayaa ku soo booday oo godkii ku dhacay oo ku gubtay.

 

Dhurwaagii oo ishii hadhay saxar kaga dhacay ayaa u yimid dacawadii.

"Saxarka isha iiga saar", yidhi dhurwaa.

Dacawadii isha ayey qori ka galisay oo ishii labaad kaga soo tuurtay.

Halkaas ayey dawacadii geelii uugu hadhay kaligeed.

 

Peace

 

_____________________Kamila_____________________

Love is the quest, marriage is the conquest, Divorce is the inquest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
TALIB   

HI WASSUP YA'LL (ASSLAMU CALEYMUK )SXBYAAL BAHDA SHEEKO XARIIR MESHEENI AAN KA SII WADNO .

THX KAMAILO SIS..

** bari baa waxa jiray maroodi geel faro badal ayuu lahaa, geela waxa ka mid ahaa hal la dhihi jiray (CARWO). maroodiga geelisa asaga ayaa raaci jiray . malain maalmaha ka mid ah ayuu geelisa soo xareysaty markii ay qoraxda dhacday . hal-carwo oo geela ha mid ahayd uguna caano badneyd halha. ayaa xerada ka booday oo isku dayday iney maroodiga ka baxsato hasayeshee maroodigii ayaa isna eryaday, waxu eryadaba hal-carwo waxay ka kordhacday libaxaa ayadoo leh:- {LIBAXOOW HAL-CARWO MA I DHAQTAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA?} libaxaii:-MAYA..MAYA. wey ka gudubtay hadane waxy argtay dhurwaa , dhuwraayoow HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MRODI CAGWEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA? DHURWAGII ISNA .. MAYA..MAYA. hashi hadane dawaco ayey aragtay iyadoo amroodigu eryanayo. dawacooy HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA dawacadii:- maya maya.. hal-carwo waxey sii carataba oo marba dugaag iyo bahal magan-galyo weydisato oo mid ksatana yirahdo maya, waxy ugu danbeyntii argtay dabagaale . DABAGALOOW HAL-CARWO MA I DHAQATAA MA I MASHAA MAROODI CAG WEYN OON LA CELIN KARIN MA IGA CELISAA?? dabagalihii oo dudumadisa dul- taagan baa yiri haa aniga ayaa kaa celinayaa . dabagalihii hashii ayuu xeroo u sameyey oo xeradi irideda ka istagay si uu maroodiga uga celiyo maroodigii oo ordayo ayaa dulyimid isagoo yasaya dabagalah ayuu damcay inu hashii xerada ugu galo mise gabagalihii ayaa sanka ka galay oo calosha u fadhistay .marodigii oo xanunsaday ayaa yiri:- dabagaloow iga soo bax dabagalihi:- xageen ka soo baxaa. maroodigii afka. dabagalhiihi:-maya afkaga candhufta lahaa!!!!!. wuxu amrodigii marbo meel sheego iga so bax dabagalihina wuxu ugu jawaabaya may ila uu mindhicirada gooyey oo amrodigii uu halkaa ku dhintay. markuu dilay ayuu dabagalihii ka soo baxay asagoo leh:-XASANOO XUSEEN DILAY MA'ARAGTEEN NIN-YAR OO NIN-WEYN DILAY MA' ARAGTEEN. DABAGAALLE Aar dilay ma aragteen......... sidaas ayuu hashii u badbadiyey dabagalihii isga ayaana dhaqday oo lahaday hashii. dhamaad. peace ya keep up good work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this