Sign in to follow this  
me

Movement of the people

Recommended Posts

me   

02 Sebtembar, 2008, 12:10 GMT; 15:10 SGA

 

Axmed Maxamed Cali

BBC Garowe

 

10 doonyood oo tahriib uga baxay Boosaaso

Labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa xeebaha magaalada Bosaso ka dhoofay 10-doonyood oo ay la socdaan dad ka badan 500 oo qof kuwaas oo u tahriibay xeebaha Yemen oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan boqortooyada Sucuudiga.

 

Doonyo kale oo ay tiradoodu gaarayso 24-doon oo iyana ay la socdeen dad lagu qiyaasay 1000 qof ayaa saddex maalmood ka hor ka degay xeebaha Yaman.

 

 

Warbixinta Tahriibka

 

Tobanka doonyood ee dhoofay labadii habeen ee la soo dhaafay waxay isugu jiraan sagaal kuwa yar-yar ah oo middiiba ay qaadi karto inta u dhaxaysa 35-40 qof iyo dooni nooca waawayn ah oo markiiba qaadi karta 120-150 qof oo tahriib ah.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa BBCda u xaqiijiyay in dadka raacay doonyahani ay u badnaayeen rag dhallinyaro ah hase ahaatee ay ku jireen haween iyo carruur aad u fara badan kuwaas oo qiyaas ku meel gaar ahi ay muujinaysao inay 20% ka yihiin tirada dadka xilligan u tahriibaya xeebaha Yaman.

 

Doonyahani waxay ka dhoofeen xeebaha Mareera iyo Shimiro oo bariga Bosaso ku yaalla, ilaa iyo haddana lama oga halka ay ku dambeeyeen doonyahaas iyo waxa ay kala kulmeen badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yaman.

 

Waxaa muuqata in muddo aan ka badnayn toddobaad gudaheeda ay xeebaha Bosaso ka dhoofeen tahriibayaal aad u fara badan oo ku ku sii jeeda dalka Yaman taas oo muujinaysa xawliga ay sannadkan ku billaabatay tahriibtu.

 

Tahriibayaal kale ayaa ku sugan magaalada Bosaso kuwaas oo doonaya inay markooda soo taabtaan xeebaha Yaman, saraakiil ka tirsan hay’ado ku mashquulsan ururinta xogta tahriibta ayaa sheegaya in gudaha Bosaso ay xilligan ku sugan yihiin tahriibayaal ay tiradoodu ka badan tahay 3000 oo qof.

 

Dadkaas intooda badan waa Soomaali ka soo jeeda gobolka Soomaalida Itoobiya iyo kuwo kale oo ka yimi koofurta iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya waxana inta aanay ka dhoofin lagu diyaaariyaa xeryaha qaxootiga ee ay ka mid yihiin Tawakal, Buulo-******, 100-ka buush, Abboow, iyo Buulo-eelaay.

 

Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya ayaa iyana kaalin wayn kaga jira tahriibta kuwaas oo iyana xilligan lagu arki karo makhaayadaha iyo buushashka u dhow dekedda Bosaso, Laanta hawada iyo xaafadaha Bosaso qaarkood.

 

Dhammaan tahriibayaasha waxaa goobahaas laga raraa xilliyada habeenkii iyadoo mararka qaarkoodna la raro maalintii gaar ahaana gelilnka dambe, maalmihii la soo dhaafayna waxaa tahriibta qaadayay doonyo kuwa yar-yar ah laakin hadda waxaa kaalinka soo galay doonyo waawayn.

 

Kooxaha ka shaqeeya tahriibta ayaa iyana u muuqda kuwo si wayn isu abaabulay, waxaa la shaqeeya oo ay qorteen ciidamo aad u hubaysan si ay uga hortagaan cid walba oo ay u arkaan inay inay ka horjeeddo hawlaha aan sharciga ahayn ee ay ku mashquulsan yihiin.

 

Dadka caadiga ah looma oggola inay tagaan ama ay arkaan goobaha doonyaha laga raro ee Bosaso oo markii hore ku koobnaa xeebo wax yar ka baxsan magaalada, hase ahaatee haatan u soo tallaabay xeebaha daafaha magaalada ku yaalla.

 

Dadka xogogaal ahi waxay tilmaamayaan in kooxaha ku hawlan tahriibtu ay dhinaca kalana qayb kaga jiraan burcad badeedka faraha kulul ku haya badaha Somaliya, waxana la sheegayaa in marka tahriibtu dhamaato ay u jeestaan afduubka maraakiibta.

 

Badfuranka sannadkan oo ku soo beegmay bisha Ramadaan ayaa lagu fasirayaa inuu sii kordhiyay tirada dadka faraha badan ee u tahriibaya Yaman, dhibaatooyinka ka aloosan koofurta Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya ayaa iyana sabab looga dhigayaa dadka faraha badan ee dalka haajiraya.

 

Haddidi aan arrintan si kale loo maarayn qiyaastu waxay ku socotaa in sannadkan uu noqon doono mid ay xeebaha Puntlnad ka dhoofaan tahriibayaashii ugu faraha badnaa tan iyo intii ay amuurtani socotay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^Adiga goormaad horta af-Soomaali baranaysaa?

 

SOL'ers gabartan nooc af ingiriis ha siinina. Af Soomaali ha barato.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^Lool maa khaasaba?? icon_razz.gif

 

I have learnt Somali, I just don't have the patience and energy to read two pages of Somali. Too many X, and aa and ee and oo. Makes me feel dizzy.

 

SOLers know if they want me to respond, it is ingiriis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Ibtisam:

^^^Lool maa khaasaba??
icon_razz.gif

 

I have learnt Somali, I just don't have the patience and energy to read two pages of Somali. Too many X, and aa and ee and oo. Makes me feel dizzy.

 

SOLers know if they want me to respond, it is ingiriis.

This reminds me of that ignorance sketch by Chris Rock.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Waryee ka daa dee, miyaad ku qasbi inanta, ma aqaano ayey ku tiriyee, laakin am sure she knows more Somali than alot of people here in SOL, she just didn't find the language romantic!

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Smugglers force African refugees off boat; 39 dead

 

 

By AHMED AL-HAJJ

Associated Press

September 08, 2008

 

SAN'A, Yemen — Smugglers threw two children overboard and forced dozens of other African refugees to swim to shore in the middle of the night, leaving more than three dozen dead, the U.N. and an aid group said Wednesday.

 

The bodies of 29 refugees washed ashore near Wadi al-Barakin in Yemen on Tuesday after smugglers forced them to jump into the water, according to Medecins Sans Frontieres. Most of those who died could not swim, survivors told the aid group.

 

About 120 passengers had boarded the boat in Somalia, survivors said. Up to 10 died during the journey: Several people were suffocated and three people, two of whom were children, were thrown overboard by the smugglers, the group said.

 

One unnamed survivor, a 23-year-old Somali, told the group that the boat was old and overcrowded and that the passengers did not receive food or water during the two-day journey.

 

"In order to intimidate us, they beat us heavily with their belts," he said. "One of the smugglers threw petrol on us and showed off his lighter."

 

The U.N.'s refugee agency said 74 people survived the journey. It said 26 bodies washed ashore and 20 people were missing. The reason for the discrepancy between the death tolls was not immediately clear.

 

Hundreds of Africans die every year trying to reach Yemen, many of whom drown or are killed by pirates and smugglers in the dangerous waters separating Somalia and the Arabian peninsula. Those who survive the journey register with the U.N. refugee agency and stay in refugee camps in Yemen, while others take jobs in the cities as laborers for less than a $1 a day.

 

Yemeni authorities have reported a spike in the number of refugees reaching their shores, with 882 Somalis and 12 Ethiopians making the trip in just the last week — double the usual numbers.

 

The U.N.'s refugee agency warned Tuesday of a sharp increase in refugees fleeing the violence in Somalia. According to UNHCR spokesman Ron Redmond, 59 boats brought more than 1,700 people in the course of August.

 

"That's triple the number of arrivals for August 2007, when 633 people landed in 10 boats," he said, in remarks on the agency's Web site. "Smuggling normally subsides between May and September because of stormy weather."

 

According to the U.N., at least 25,859 people have arrived in Yemen this year after making the crossing. More than 200 have died and at least 225 remain missing.

 

On Wednesday, heavy fighting between Ethiopian troops and Islamist-led insurgents killed at least nine Somalis in Mogadishu, witnesses said. The fighting in Somalia's capital followed vows by the strengthening Islamist movement to intensify attacks over the holy Muslim month of Ramadan.

 

Analysts say the Islamist movement appears to be strengthening after Ethiopian troops supporting Somalia's shaky transitional government chased them from power in December 2006.

 

Somalia has been at war since clan-based militias ousted a socialist dictator in 1991, then fought each other for power.

 

Source: Associated Press

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Gacankii Geerida

 

W/Q Maxamed Mukhtar

Sept 15, 2008

 

Gacanka Cadmeed waxa uu noqday meel ay ku geeriyoodaan dadka Soomaliyeed ee u qaxaya Yaman. Waxay Hay’adda Sare ee Qaramida midoobay u qaabilsan qaxootiga [uNHCR] ku sheegtay warbixin ay soo saartay sanadkii 2006 in 27,000 qof oo magangalyo doon ah Yaman ka soo gaareen dhanka Soomaaliya, sidoo kale 330 waxa ay ku dhinteen badda iyada oo 300 oo kalena lagu sheegay in la waysan yahay.

 

Sida laga soo xigtay Takhaatiirta aan Xuduudda Lahayn [MSF] sanadkii 2007, in 27,960 oo ah soo galooti ay soo gaareen Yaman, 593 ay ku dhinteen badda halka 659 la waysan yahay. Sanadkaan 2008 sida laga soo xigtay Qaranida Midoobay, waxaa Yaman yimid 25,859. In ka badan 425 waa dhinteen ama waa la waysan yahay.

 

Waxay safaradaan halista ah la degeen nolol badan waxayna kuwa nasiibka leh ee soo gaaro Yaman sheegayaan sheekooyin xanuun badan leh oo ah haraad xad-dhaaf ah, gaajo iyo daal. Waxay dadka soo safro qaarkood doortaan inay ku boodaan badda markii ay u adkaysan waayaan haraadka, qaarkoodna waa waashaan. Dadka doomaha leh waa ay garaacaan rakaabka, marmarna waaba toogtaan, waxaana maydadka lagu tuuraa biyaha. Waxaa si is-dabajoog ah qoray-caaradiisa loogu qasbaa inay ka boodaan si ay doomanka si degdeg ah u baxsadaan. Socotada intooda badan ma dabaalan karaan waxaana loo daayaa inay badda dhammaystirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this