Sign in to follow this  
xiinfaniin

For Baashi!

Recommended Posts

A rebirth of your elementary School!

--------------------------------------------

Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi oo ka dhacday xarunta Dugsiga.

 

Xaflad lagu maamuusayay furitaanka Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi oo ka dhacday xarunta Dugsiga oo ku taalla Degmada H/wadaag.

 

Furitaanka xafladdaasi ayaa waxaa aayado Qur'aan ah ka akhriyay C/fitaax Max'ed, kaddib waxaa wacdi baraarujin ka soo jeediyay Sheekh Max'ud Taag, waxaa kaloo codka macallimiinta Dugsiga ku hadlay C/kariin Tuuryare, kaasoo ku dheeraaday faa'iidada ay leedahay waxbarashada.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wakiil ka socday midowga maxaakiimta islaamiga oo lagu magacaabo Cabdi Aadan Barrow, wuxuuna ka halay muhiimadda ay nabaddu u leedahay waxbarashada, isagoo xusay in nabad la'aanteed aysan waxbarasho suurto gal aheyn.

 

Xafladdaasi furitaanka dugsiga waxaa ka hadlay wakiil ka socday dalladda waxbarashada SAFE Sheekh Xuseen Calas.

 

Waxaa sidoo kale xafladda furitaanka dugsiga ka hadlday maamulaha Dugsiga H/dhexe iyo sare ee Xasan Qariidi C/xaliim Max'ed Sheekh oo isna ka warramay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in macallimiinta iyo maamulkuba ay xoogga saari doonaan sidii ay ardayda aqoontooda kor ugu qaadi lahaayeen, wuxuuna ballan qaad buuxa ku bixiyay in intii karaankooda ah ay ku dadaali doonaan sidii ay aqoon ku filan u gaarsiin lahaayeen bulshada, wuxuuna ka codsaday waalidiinta ardayda iyo guddiga deegaanka inay gacan ka geystaan meel marinta hadafka laga leeyahay waxbarashada ardayda.

 

Xafladdaasi oo si heer sare loo soo qaban qaabiyay isla markaana uu xiriirinayay Macallin C/qaadir Sheekh Dheeroos ayaa gabagabadii waxaa warbixin ka jeediyay Guddoomiyaha mu'asada dugsiga dhistay Eng. Xasan Cabdulle, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa:

 

Dugsigan waxaa dhisay oo maal geliyay hay'adda UNHCR oo ka mid ah internatinal Agencies waxaana maal gelinta bixiyay ninka Xamar wakiilka uga ah hay'addaas, waxay bixiyeen qarash dhan 29454 doolar, waxaa lagu dayactiray oo shaqada qabtay oo dhaqan geliyay hay'adda SAHDO Somali Action For Humanitarian & Development Organization, waxaa guddoomiye ka ah Eng. Xasan Cabdulle Max'ud, shaqada dhismaha dugsiga waxay socotay afar bilood, wuxuuna ka kooban yahay 12 fasal, lix musqul iyo maqaayad iyo masaajid, sidaas darteed waxaa dhaqan geliyay howsha tan oo kaalin weyn ka geystay maadaama goobta dugsiga la dhisay ay ka mid tahay goobaha ugu xun ee dagaalku saameeyay Guddiga deegaanka oo uu guddoomiye ka yahay Axmed Siciid ku xigeenkiisana uu yahay Cumar Max'ed shariif.

 

Guddoomiyaha Mu'asada Dugsiga H/dhexe ee Xasan Qariidi Eng. Xasan Cabdulle Max'ed waxa uu u mahad celiyay guddiga deegaanka iyo dadka deegaanka kaalinta mugga leh oo ay ka qaateen dhismaha dugsiga, waxaa intaa dheer dhismaha dugsiga waa la dhameystiray, xafiiska dugsiga waa la qalabeeyay, kuraasta iyo miisadaha waa diyaarsan yihiin, dugsigana waa furan yahay saacaddan laga bilaabo.

 

Muuse Maxamuud Jiisow

 

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Notice awoowe it’s no longer an elementary school only; it’s got promoted to high school! A humble beginning to be sure but it signals a healthy change in that city.

 

Go Sharif, go, i say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, Xasan Qariidi shaqsi ahaan muxuu ahaan jiray horta oo loogu magac daray iskoolkaas?

 

Aniga waligeey inkastoo aan dhigan jiray iskoolka ee mataanaha ahayeen ee ku dheganaa, kaas oo ahaa H/wadaag Hoosedhexe hadana waligeey iskoolkaas in la dhahaa moodi jiray Cismaan Geedi Raage. Illeen Cismaan Geedi Raage dhanka Wardhiigleey uu ku yaalay.

 

Cumar Boodboode ma xasuusataa? Ma'ogi in gadaashaa la keenay, laakiin caan uu ka ahaa labadaas iskool, inkastoo uu kaliya diratoore u ahaa kan Hawlwadaag H/dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Baashi, Xasan Qariidi shaqsi ahaan muxuu ahaan jiray horta oo loogu magac daray iskoolkaas?

 

Aniga waligeey inkastoo aan dhigan jiray iskoolka ee mataanaha ahayeen ee ku dheganaa, kaas oo ahaa H/wadaag Hoosedhexe hadana waligeey iskoolkaas in la dhahaa moodi jiray Cismaan Geedi Raage. Illeen Cismaan Geedi Raage dhanka Wardhiigleey uu ku yaalay.

 

Cumar Boodboode ma xasuusataa? Ma'ogi in gadaashaa la keenay, laakiin caan uu ka ahaa labadaas iskool, inkastoo uu kaliya diratoore u ahaa kan Hawlwadaag H/dhexe.

^^Waryee MM, iskadaa Baashi waa reer XQariidiye. Anigaa dhigan jiray Hawl H DH. Cumar bood-boode iyo Dhicisow labadaba waa xasuustaa; Diritoor iyo Fiishe-diritoor ay kala ahaayeen. I would love to know where they are today...have they made out of the civil war?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ayaanxumo markaan bilaabay iskoolkaas Cumar Boodboode asagoo ka tagaayo aan bilaabay. Sanadkeyga birimo kaliya in uu diratoore ahaan u joogay aan u maleynaa, oo waala badalay saan filaayo.

 

He was a family acquaintance, and walaalaheey iga waa weynaa soo wada maray iskoolkaas kuligood waa jeclaayeen.

 

Markuu tagay asaga waxee keeneen mid macangag ah, oo waligeey aan ilooweynin suu ciyaalka ugu garaaci jiray alwaaxa. Cismaan wax loogu daro aan ilooway aa la dhihi jiray, Cismaan Gacmeey camal.

 

Cumar Boodboode markii igu dambeysay walaasheey aa i lahayd wuxuu deganaa Qaahiro, Masar. 2003 ee ahaydna markaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Addiga korontada maa kaa maqan inna Sheekh Muqtaar? See issugu qaladay Qariindi iyo Cismaan Geedi Raage? Qariindi waxuu ahaa H/wadaag H/Dhexe's twin and the two shared the same building! Whereas Geedi Raage uu ahaa high school ku yaala Tokyo. Plus ur own big bro went to Qariindi!! C'mon yaa Maxruug Mashalaaye Majixinjixe :D

 

Anyway, Hassan Cilmi Qariindi waxuu ahaa barre in badan ka soo shaqeeyey hay'ada waxbarashada. Waxuuna ka mid ahaa raggii wax ka dajiyay curriclum-ka waxabrashada Somaliya.

 

BTW awoowe maxkamadaha waa niman wado fiican haya e taageer. Perfect ma ahan laakiin kuwii hore bay wax badan dhaamaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Addiga korontada maa kaa maqan inna Sheekh Muqtaar?

MM...

No wonder in aad Siyaad Barre iska saaran tahay saaxiib... Ileen ragii laga ciideeyey baa wax kuu galeen.

Waryaaya.. Sedex Oday baad tihiin :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oo yaan laga ciideyn Abaadirow? The irony is that those who think they are the beneficiaries of Barre’s repressive regime are the ones who lost the most!

 

So Bood-boode is in Cairo now. Good for him. I met him long after I left Hawl-Wadaag middle school at a Mehrijaan exercise in Hodan. He didn't change a bit.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi, Xasan Qariidi shaqsi ahaan muxuu ahaan jiray horta oo loogu magac daray iskoolkaas?

 

Aniga waligeey inkastoo aan dhigan jiray iskoolka ee mataanaha ahayeen ee ku dheganaa, kaas oo ahaa H/wadaag Hoosedhexe hadana waligeey iskoolkaas in la dhahaa moodi jiray Cismaan Geedi Raage. Illeen Cismaan Geedi Raage dhanka Wardhiigleey uu ku yaalay.

MMA are you serious? and all along i thought you was big reer xamar guy..Indeed xassan qariidi was the school that was facing to axmed suudi store.. Cismaan geedi raage was little futher down, before isgoyska h/wadaag... this is bringing lots of child memory..

Cumar Boodboode ma xasuusataa?

for sure man cumar boodbode was a great guy, as a kid he was one of few pple that i looked upto, i can honestley say this guy was well ahead of everybody, he was kind and always kept the kids busy and entertained, whether it was sports or simply just talking to them..

I didn't want hijack this topic but i thought i share with you guys, this guy ws a good leader and didn't care about qabiil or politics.. Wallaahi upto this date sometimes i act like him whenever i am in charge of anything.. Thank You Cumar for being a role model.

As far as the school this a good step and we should be proud of what those guys are trying to accomplish..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa Baashi, hana caarifin nooh. Ciyaal kuni kuni ayaa iska ahayn, you darn knew that, ee markaas aan yaraa ayaan u maleyn jiray in la dhihi jiray Cismaan Geedi Raage. Markuu C/wahaab dhigan jiray ma xasuusti, and by the way, I wonder why uu asaga u dhigan jiray xagaas, because walaalaheey kale kuligood H/wadaag Hoosedhexe ee soo wada mareen oo aan xasuustaa.

 

Playmaker [is this A+ horta? I always wanted to ask this, for I han't seen him for years on here.], saa sheegtay waaye tukaanka Suudi waan xasuustaa, si fiican. Waliba Suuqa Miijiska, dhankaas kaga dhawaa kawaankii ku yaalay. Yaana iloowi karo barxadihii perfect bacaadka weynaa labadda gees kaga kala yaalay labadda iskool, oo abkeey ciyaal dhan iskugu imaan jireen, banooniga ku ciyaari jiray. Xataa meeshii biyaha fariisan jiray, iyo Laantii ku taalay.

 

Markuu dagaalka dhacaaye galableey aan ahaa, saa'id aa u necbaa maxaa yeelay barxadaas galabtii ciyaal dhan ayaa buuxsami jiray, oo dariishada ka arkeysid qeyladooda iyo xaragadooda banooni u baxaayo.

 

Iskoolkii kale H/wadaag Sare asagana ha iloowin hortiis lagu ciyaari jiray.

 

Cumar Boodboode saa sheegtay waaye, oo waa saa ku maqlay. Diratoore ama macalin saas loo jeclaa ma arkin. Qof ciyaal iskooleey dhaqankooda fahmay waaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraa MMA my bad, i had to change that name because i failed the A+ test! dang.. I've been around mainly in the sports section and now that there are no sports news, we taking over this section..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this