Sign in to follow this  
MUQAWAD

WAAN IDIN WADA SALAAMAY KULLIGIIN!

Recommended Posts

MUQAWAD   

Walaalayaal waxaan ahay nin walaalkiin Soomaaliyeed ah oo ku nool carri aad u fog.

waan ka xumahay inaan af gaaleedka aqoon oo waan idinkula hadli lahaa, marka waxaan goostay waxaan rabay inaan idiin sheego aan idinkuga sheego afkeennii hooyo!

waxaan aniga ku noolahay beer dhexdeeda oo ku taalla magaalo la yiraahdo STUTENHAM oo wax u jirta Good Hope.

meeshaas aan iskaga qayilaa waxaana halkaa igu weheliya cajalad Soomaali ah oo ay ku jiraan marxuumkii CUMAR DHUULLE iyo XASAN AADAN SAMATAR

idinkana waxaan rabaa inaad wehel kale ii noqotaan maadaama aan hada helay INTERNETKA!

waxa meeshaas i geeyana waa Jaceyl oo dadkeygii iyo Dalkeygiiba igasoo waday, kadib markii laii diiday gabar aan aad u jeclaa oo aan rabay inaan guursado!

waxaan idinka idinkula talin lahaa hadaad iga maqleysaan inaadan sameyn sida aniga laigu sameeyey oo kale.

qaas ahaan gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool oo aan maqlay iney wada guursadeen Jameican(uf uf uf Biddayaasha) iyo wax baas oo indha yar yar iyo qashiin kaloo ah sida Pakistan iyo wax baas oo aan maqlay iney gabdhihii naga bareen Tambuul iyo wax baas.

waxaad ogaataan inaadan heleyn nin idiin dhaama walaalihiin Soomaaliyeed oo iska qayila reerkana usoo hoyda oo Qayilaadiisa aan wax dhib ah keeneyn.

Hooy Gabdhayahoow i dhageysta waa iga waano intaad dhaban dhalaalaya leedihiin haka dhex bixina walaalihiin Soomaaliyeed oo ka jooga Cabiida iyo qurunka kaloo meelaha taag taagan!

wiilashiinana Gabdhaha sasabta oo soo dhoweeya!

halkeed idinku la' dihiin markey idinkoo taagan ey Gabdhiinu Addoomada raacayaan?

ma idinkey wax idinka waayeen? ogaada Raggii soomaaliyeed baad magaciisa wadaan ee meel hauga dhicina.

anigu meeshaan wax Soomaali ah kaligey baan ku joogaa oo meelahaan indhaha iska taag taagaa laakiin inta badan waan iska qayilaa aniga iyo xiiranteyda jirka cad leh!

anigu waxaan dumar Soomaaliyeed aheyn xiiran baan ugu yeeraa marka waan idinka war sugayaa haduu eebe yiraahdo hadana waan qayilaad tagayaa intuu iga dhammaan bahalka ee nabadeey!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War ninyahow marka hore, iga guddoon salaan qiimo iyo qadarin ay ku dheehantahay. Marka labaadna, runtii ahaantii waan yara uur-xumaadey markaan akhriyey qoraalkaaga iyo dhibaatooyinka uu jaceylka kuu geystey. Waa mar la'aragoo jaceylku nimba si' uladhaqan, balse sida aan ereyadaada ka dhadhansaday, jaceyl dartii ayaad u hurtey dumarkii Soomaliyeed. Taasi waa hagaage hasayeeshee sow kama warqabtid in uusan jaadku wehel marnaba u noqon qofkuu jaceyl lagdaday iyo qokfii kaleba?

 

Hasa-ahaatee waa in aan kuugu mahad-naqaa taladaasi wanaagsan ee aad noo soo gudbisey. Waxa aan ku dadaali doonnaa in aanan marnaba gabdhahayaga ku doorsanin gabdho kale smile.gif

 

Walaakin bal aan ku wediiye - mar hadaad tahay nin uu jaceyli saaqay, murtidii boodheri mid la mid ah makugu soo tagtey , talow? lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Iffah   

Cajiib! Hadane nin marqaansan aa noo khutbeynaa... :rolleyes:

 

Walaal..hadii aad internetka heshay.. anagaa ku wehlineynee Jaadka iska tuur icon_razz.gif

 

Btw, ku soo dhawoow SOL!

Share this post


Link to post
Share on other sites

War ninyahow Muqawad marka hore salaan iga gudoon marka labaadna ku soo dhawoow SOL marka sadexaadna marqaanka iska jabi oo koob dheer kafee ah ku dhufo dabadeed na indha Buul ha ku dhehaana, marka afaraadna beerta ka dhexbax uu ka jafjafo go'yaashaada madaama aad aad ugu fakartay meesha taasoo dee aan u maleynayo in ay wax kuu geysatay xag caafimaad iyo ba xag dhaqaale..... War waa iga intaaaaaaaaas

 

 

Peace

Love &

Unity

Share this post


Link to post
Share on other sites

wow!

nice report ;)

-lakin qaadka ku badal dikriga ilahey iyo u dagalamida diintada macan,

 

-hesahana ku badalo dhageysiga kalaamka rabbi ee inuugu tala galay inaan ku camal falno, marnaba ha weheshanin acmasha sheydanka, kuna so dhawoow S-O-L.. wadna ku mahadsan tahay salaantaada.

baraka allahu fiikum

Share this post


Link to post
Share on other sites
mahdi-   

Sxb Muqawaddoow, marka hore salaan kal iyo laab ah ayaad mudan tahay. Marka xigana MARTI SHARRAFLE baad tahaye soo dhawoow, oo ka qayb qaado afkaarraha kala duwan ee looga hadlo shabakaddan SOL, oo dhinacyo badan taabanaya.

 

Magacaaga markii ugu horesey ee aan isha ku dhuftayba waxa uu qalbigaygu sawiray MIJINTII QAADKA ahayd dhallaalkeedii. Waan haamhaamsaday, xarraaro aan ilaaway seben-dhexaadkii oo waayo hore iigu dambaysay ayaa gebi ahaanba jidhkaygii si daran u saaqay oo fallaadhihii MARQAANKA ee sammada isku shareeri jiray ayaa waaxyahayga hadba dhinac u dulun-dulceeyey. JIdhiidhico MARQAAN ayaa I-qabatay oo waxan moodday markii aad lahayd 'waan iska qayilaa' in garabkayga ay taalo MIJIN QAAD AHI oo waxbaan haabhaabtay,

balse nasiib daro waxay igu noqotay dhallanteed aan raadraac lahayn.

 

Halkaas markay xajo ii marayso ayaan soo xusuustay "Maanso' aan beri-dhexdaas ahayd maqlay [arkay] oo dhiddidka ka soo burqada wejigaagu uu labada dhaban ku qoynaayo macaanka iyo miid-murtiyeedka tiraab ahaan ay tibaaxayso aawadeed, lana yidhaahdo MIJINTAYDA QAADKA AH....

 

Weedhahaaga akhrintooda markaan sii muquurtay, ayaan haddana damcay inaan dib u dhugto akhrinta Maansadan MIJINTA QAADKA ah dhiraandhirinaysa, balse nasiib daro kuma aan guuleysan oo waraaqdii baasayd ee ay iigu qorayd ayaaban waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtayba. Waxanse maankayga ka doonay in aan dib tixraac ugu sameeyo oo aan isu soo uruiyo tuuducyadii ay ka koobnayd, taasina nasiib daro waan ku guuldaraystay oo waa igu adkaatay, maadaamo aanan ahayn nin hayb ku leh Hibbada Suugaanteena Hodanka ah. Hadda Afkii Hooyo ayaaban ka cabsi qabayba inaanu darafka is-daro oo saarkayagu isu kacsan yahayba kala,laakiin haddana (ciddi wax-garanaysa ee garaadkeedu meel shishe wax ka eeggo) cahdiga Afku maaha mid laga bixi karo oo si dhayal ah lagu lumiyo waase mid lagu dhaato had iyo jeer, hadh iyo habeenba.

 

MIJINTII QAADKA ahayd ee maanka iyo maxkasdayda ka dhex-guuxaysay aawadeed, shuushaamiska sawirkeedii qurxoonaana uu ku dengiignaa Maansada aan kur ku tibaaxay, ayaa waxaa shanqadheedu I-soo gaadhay tuduc yar oo ku jirta MIJINTYADA QAADKA AH. Halkaas oo uu abwaanku si la yaableh ugu muujiyey arrin muhimaddeeda lahayd balse ay MIJINTII ka hor-joogsatay inuu dabaro ilaa uuu markii dambe weydiiyey sababta keentay in MIJINTAN mmariinkeedu yeelan waayo bar-dhamaad. "Meherkaagu badanaa , Ma magtii Bacayrbaa"

 

.... Sug sug, waar bal dee ha degdegine kaadso shiikh, halkay xaajo qotontay, haa, haddaan helay. U kaadi, U kaadi. War halkaa ha inoogu shakaalnaato MUQAWADDOOW, ileen doorkan duulka iyo Xerta Muqawaddiinta ka mid ma ihiyoo waan ka goostee. Niddar waxaan ku maray in aanan dib Afka u saarin gacan aan leeyahayna aanan ku qaban MIJINTAA inkaar qabtada ah. Siday ii uur-dooxday ee ay xididdadaydii u naafaysay waa mid lama ilaawaan ah. Tuhunkii uu na soo kala dhex-dhagay Qaadkaasi 'ANNIGA + QAYSKAYGII + QALANJADAYDIIBA' waa astaan hoosta ka xariiqan oo lama ilaawaan ah. Muqawaddoow nin yahaw waxabad mooddaa inaan isku marfash wax ku wada qaysan jiree. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

MUQAWAD sxb ku soo dhawoow somaliaonline,waa runtaa jacelyka meel kasta ayaa loo maraa midda adiga kugu dhacdayna mid sahlan ma ahan,jaceylkana sidiisa wuxuu u qaybsamaa 124 nooc,noocaagana waa nooca sadaxaad sida aan kaa dareemay balse aniguba laftirkayga jaceel meela badan ayuu iga tuuray sida ay tahay anigu nooca 15 tobanaad baan hadda ku jiraa,waa nooc aad u daran laakiin xagga xiirmada ku dheereeya.

 

niyahoow qayilka badan mar mar buu fiicanyahay,qayilaad iyo jaceel haddii ay is helaana waa laba diidiin oo is biiqday camal.

 

ilaah hakuu sahalo,mida kale badso dhageesashada cajaladaha heesaha aniguba saas baan ahayee,maalinkii anigu illaa lix cajal oo heesa ah ayaan wada dhageestaa waxay la mid tahay 5 saacadood ooo maalin kasta dhageesi heesa ah,anigoo gabartii aan jeclaa heesta ayaan saas suubiyaa marka adigana waxaa la rabaa inaad ka dhigto toban cajaladood oo heesa ah maalinkii,aamiin,boqol wardi soo akhri,aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Macalin   

qaas ahaan gabdhaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool oo aan maqlay iney wada guursadeen Jameican(uf uf uf Biddayaasha)

------Cajaaacib

Muqawad(axsan Muqayil maa isku yeertid!)

 

Soo Dhawoow oo Dariinta kusoo farisa.

 

Marka labaad,Jaceylka Kuhaayo Waa mid Jaad ah(lol)--Habraha waa dhib badan yahin-iska ilaali

'

Tan sadaxaad,Jaad waa SUNN,Waa Geed halis Ah-Maskaxadaada ayuu Warerina-Waxaa layiri... Qalbi qooqanoo IYO Qoora(balls) aan wax tarin Qaadow adigaa leh --Marka iska yaree!

 

Heesaha Cumar Dhule iyo samatar waa Arin gooni ah-Ninkaan Nuune ah Baa kuu faafaniye!--inkastoo asaguna uu yahay nin :confused: UU yahay :D

 

iLhaan-LOL@marqaan---i dint hear tha word in a looong time..Adeerka iska dhaaf..he could be in Marqaan right NOW

Share this post


Link to post
Share on other sites
MUQAWAD   

Jamaal_11, Nuune,Mire,King450,Muslim Sis iyo Clown

adeerayaal waad ku mahadsantihiin sida aad ka u wacan ee aad halkan iigusoo dhoweyseen!

LAKKAD,

haka sakateyn adeer,

 

waqti horaan kasoo jawaabi lahaaye waxaan ku mashquulsanaa arrin kusoo gudboonaatay wiil soomaaliyeed iyo gabar shiica ah oo reer Ciraaq ah.oo ku heshiiyey illaa mudo saddex bilood ah uu Qudbo sireysto(Mutco) iyo inuu siiyo saddexdaa bilood lacag gaareysa illaa iyo 800$.

mudadii oo aan dhammaan baa waxaa dhacday iney Gabartii uur qaaday taasoo ahna mid aan heshiiska ku jirin taasna waxey dhalisay inuu wiilkii ka xanaaqo arrintaas oo uu yiraahdo waxaan doonayaa in 800$ laiisoo celiyo maadaama ay mudaduba tahay mid iska gaaban ee gebigeedaba ku eg 3 bilood.

waxaan aad arkeysaan waa wax caadi la ah dadka Shiicada ah (Mutcada) laakiin waa wax aniga igu cusub oo aan waligey hore u arag.

in lacag lagu bixiyo guur gaaban oo gebigiisaba ku eg 3 bilood.

reerka Gabadha ay ka dhalatayna waxey ku andacoonayaan in lacag dheeraad ah loogu daro ilmahana ay iyaga qaataan oo aabaha aysan shaqo isku leheen.

arrintaas xallinteeda baan ku maqnaa ee wax kale hau qaadanina adeerayaal.

xittaa waqti aan ku qayilo baan waayey oo orod baan ku jiray beryahaan oo idil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Duqa, hoo marduuf kale. Makuu sii biisaa?? Hoo. Ee marka wacdiga noosii wad.

 

Lakiin, su'aalaa qabaa:

 

Adi oo beer dagan oona ka bixin, see jaadka ku heshaa? Mise jaadka beertaas uu ka baxaa? Lakiin waa iska marqaansantahay ee su'aashaas adeeg ay kugu noqonee ee iska dhaaf.

 

Haye, sheekada noosii wad.

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this