Sign in to follow this  
Jabhad

nin mar wada aroosay laba dumar!!Only in Hargeysa

Recommended Posts

Jabhad   

One is enough for now atleast.... ;)

 

 

Somaliweyn -Hargeysa-13/11/06

 

cajiib!!!! qiso ku cusub dhaqanka Somalida, nin mar wada aroosay laba dumara gudaha magaalada Hargeysa

 

Aroos_2_dumar.jpg

 

Waxa xalay ka dhacday magaalada Hargeysa xaflad aroos loo sameeyay nin mar laba dumara aroosay goob kaliyana ku aroostay, dhacdadan oo ahayd mid ku cusub dhaqanka Somalida waxa ay dad badani aad ula yaabanaayeen sida uu nin hal habeen mar kaliya laba dumara uu guursan karo.

 

Arooskan oo ka dhacay xaafada Xero Awr ee magaalada ka Hargeysa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka yimi daafaha magaalada Hargeysa, si ay u daawadaan dhaqankan aanay hore u arag ee laba dumara mar la wada aroosaayo. waxana dadkii halkaasi ka soo qayb galay uu qof waliba ka hadlaayay dareenkiisa iyo sida uu u arko dhaqankan cusub ee haatan soo baxay dadka qaar ayaa aad u soo dhawaynaayay oo lahaa dee waa loo baahan yahay in laba iyo sadexba la wada arooso hadii aanay diinta islaamka ka hor imanayn halka qaar kalena ay lahaayeen ma fiicna ee waxa ka fiican mida qudha waana in la kala horaysiiyaa.

 

Ismaaciil Cismaan c/laahi iyo labadiisa xaas oo la kala yidhaahdo Gaasira Muxumed Xuseen Iyo Shukri Cismaan Axmed

Waa calaf in aan labadayna xaas mar soo wada hooyo , Sidaa waxaa yidhi Ismaaciil mar su’aalo lawaydiiyey isagoo ay labada hareerood ka fadhiyaan labadiisa xaas.

 

Sidoo kale labada caruusadood ayaa iyana sheegay inay aad ugu qanacsan yihiin in ay isku mar lawada aqal galaan ninkooda , iyagoo sheegay in ayan jirin wax ka mancinaya

 

Waa markii labaad ee xafladan oo kale ay ka dhacdo magaalada Hargeysa mudo sanad gudaheeda iyada hore nin kan oo kale ahi u guursaday laba dumara hal mar meel galbeed ka xigta magaalada Hargeysa.

 

Waynu eegi bal in cid kale ku dayato nimanka reebay sheekada ma hadhada ah ee ku cusub dhaqanka Somalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Waxaa xalay magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur, xaafadda Xero-Awr ka dhacay Aroos ka mid ah aroosyada mucjisada ah ee ku cusub dhaqanka Soomaalida, kaas oo uu laba dumar mar keliya uu la wada aqal-galay nin keliyi, xaflad aroosna loo wada qabtay.

 

Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ah wiil dhalinyaro ah waxaa xalay goob keliya ku wada aroosay Gaasira Muxumed Xuseen iyo Shukri Cismaan Axmed, iyadoo ay munaasibaddii arooskaas oo ka dhacday xaafadda Xero-Awr ka soo qayb-galay dadweyne aad u farabadan oo aad ula yaabanaa arooskan saddexan.

 

Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee taariikhda dadka Soomaalida ah lagu arko, ayaa dad badan ku abuurtay layaab, iyadoo qofkaastaba si arkay ugana faalooday.

“Waa calaf inaan labadayda xaas mar soo wada hooyo.” Sidaas waxa yidhi Arooska Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd sida uu u dhacay qorshihiisan guurka labada dumar ah.

 

Dhinaca kalena, labada caruusadood ee xalay Ismaaciil Cismaan la wada-aqalgalay ayaa iyaguna si kooban u sheegay in ay ku qanaxsan yihiin guurkoodan lamaanaha ah, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in goob keliya xaflad loogu wada-sameeyo, sey keliyana ay wadaagaan.

 

Dhacdadan dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa ah tii labaad ee sannadka gudaheeda ka dhacday Somaliland, gaar ahaan gobolka Hargeysa, iyadoo badhtimihii sannadkan uu aroos kan oo kale ah uu nin keliya laba gabdhood goob keliya kuwada aroosay tuulada Garabis ee koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa.

 

Dhaqanka cusub ee ku soo kordhay hab-dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay, ayaa la moodaa inuu hirgalay inkastoo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aanay la dhacsanayn, isla markaana ay saluug badan ka muujiyaan, gaar ahaan dhinaca haweenka oo iyagu u arka inuu meel-ka-dhac ku yahay haweenka, isla markaana xuquuqdii.

 

haatuf.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan dhaqan Soomaali ma'aha. Meeshii laga keenay ha lagu celiyo dhaqankaan fooshaxun intuunan faafin.

 

He should have at least waited intuu toddobaadka ka baxaayo. Iimaanlaawe iga leh. Kacsi maa heerkaas gaarsiisay.

 

Hambalyo ma dhihi karee, laakiin dad isguursaday waaye oo isku qanacsan see ugu soo warameen ee marka hambalyo iyo boggaadin, eniwey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Maskiin-- Ma waxaa kuhaya qaraar,lol

 

Congratuations to him, Masha allah,Dhalintan oo kale baa ku dayasho mudan,Geesi weeye, insha allah wadanka oo dhan way ku faafi, iyada aysidan qura soo celin karto bulshadii duntay, iyadoo ragu ku yaryahay bulshada soomaalida dagaalkii sokeeya ka dib.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lamo Lamo deey baa ka dhacday ,,,,,,,,,, Waar ragow 2 hala ogaado inta la nool yahay ,,,, haweenkii masayrkii way iska daayeene ka faa'iidaysta ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

That is so disgusting uuuufff. look at the lady on the left , she looks very sad. waxaan dhaqan maaha, diintana kuma jirto ee waa in la joojiyo. mucjiso kulahaaa what so mucjiso about it :rolleyes:

koley gabdhaha familigooga waa dad is danyar oo waxay u galeen lacag :confused: . I am sure ineysan jecay ku guursan. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

The dude is just saving himself the expense of having TWO weddings.

 

I wonder how he sorted out the wedding night tho? 2 mins for one, followed by a break and a nap and then 2 mins for the other? Or in the vein of his wedding, might he've saved his energy and turned it into one big session for all of them?

 

Oh the curiousity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

"Or in the vein of his wedding, might he've saved his energy and turned it into one big session for all of them?" :D

 

Is menage-a-trois allowed?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Val,

If you look closely at the groom (come on just stare at him for five seconds) you’ll see that he’s already decided to have you as his number three. Look! Look! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lo0oL! OK, you're far too observant, NG. I hope a woman took the pic as the alternative is disturbing. :D

 

 

Sophist, I can't say. But if that wedding is allowed....

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

It’s a very eerie and hypnotising stare, wouldn’t you say? The posture is even more alarming! Observe the hands on thighs and the erect way he seems to be sitting, ready to bounce any minute. What a fascinating photo, and I have not even looked at the wives yet. Heh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol.Who knows,either one might have gone with here style or simply they compromised as it was probably the case by both being married by one guy at the same time.

 

Anyways,although,I wouldn't recommend this sort of practice,but if he can serve justice in between and make 'em happy,then I don't think,it's really that bad.

 

Good luck to the trio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this