Sign in to follow this  
The Zack

Mid xunoo aan saaxiib nahay!

Recommended Posts

The Zack   

Sheekadan waxey ka hadleysaa sida dadka qaarkii ay wax walba wax xun uga dhigayaan ama negative u yihiin. Here we go:

 

Qol xunoo ku yaalla xaafad xun oo magaalada dibadeeda ayaa islaan xun oo iska leh ay kiradii igu dalacday.

 

Mushaarkaygii xumaa markuu ku filaan waayay ayaan mid xunoo aan walaalo nahay oo shaqo xun ku haysta

Carabaha ayaan idhi war dee wax ii soo ***.

In yaroo xun ayuu ii soo diray oo uu iigu soo dhiibay kii xumaa ee ina jaamac ahaa.

Galabta ayaa Taxi xun ka soo raacay wasaaraddii xumayd ee aan ka shaqaynayay oo aan aan intii xumayd ee ii soo

diray ka soo qaatay kii xumaa ee ina jaamac ahaa.

Dee ka dibna suuqii xumaa ee jaadka ayaan soo maray oo aan ka soo qaatay jaad xun oo qaali ah.

Makhaayaddii xumayd ayaan ka dibna qado xun ka sii cunay.

Islaantii xumayd ee uu qabay kii xumaa ee aan ilmo adeerka ahayn ayaan gurigeedii xumaa fadhiisanay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^ :D . Wax walba waa la xumayn karaa hadii la doono. Anigoo yar baa reer maalin la ii geeyay, markii la iga soo waday aan iri gaajaa i haysa cunto halay siiyo. Markaasa la i waydiiyay, oo reerkii qado kuma siin miyaa? Markasan iri, mayeee baasto xun oo biyo lagu kariyay ay i siiyeen! Bal ma horti aan basto caano lagu kariyay cuni jiray.

 

Ma aragtay ruwayada Somalida, ma xasuusta magaceeda, qofta ka sheekenayso arooskii xalay ay tagtay? Mida leh 'Aroosada waxay u ekayd daayeerad yar' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaan qabaa in kalmada 'xun' oo sidaa iyo sidaa ah laga heli karo luuqad kasta. Af ingiriisku waa uu qabaayo waa tan aay mar walbaaba ku hayaan f*** this, f*** that, my f****** lanlord wants his f***** money and so on... Annigu waxaan qabaa in 'xun'-ta soomaliga labo micno aay afkeena ku leedahay:

 

1- xun - wax yar (small in quantity). Tusaale ahaan: "Guriga ayaan hadda dhow bariis xun ka soo cunay.

2- xun - very bad or (f****** woman = islaan waalan ama xun)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga laftaydu hurdo xun baan xalay seexday, anigoo aad i moodo gaadhi qallibmay baa markaan kacay mid yaroo xun oonu jaar nahay albaabka si xun u garaacay, intuu madaxu i kaxay baan si xun u maagay ilaa uu oday xun oo dariiqa marayay iga kexeeyay. Hadana gaadhi xun oo meesha marayay baa si xun hoonka u garaacay, bakoorad xun oo halkan taalay baa intaan qaaday aan si xun ula dhacay ilaa gaadhigii xumaa jajabay.

 

Connection ka ayaa maalmahan iga xumaa dabadeed waxaan is idhi bal email kii xumaa yara eeg, waabuu shaqaynayay. Ka dib SOL tii xumayd baan is idhi bal isha yara mari waxa ku cusub mise tobic gan xun baaba igaga soo booday ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Line dheer oo xun baan laba saac ku jiray, Iphone xun baan soo gatoo then kii xumaa ee dukaanka AT&T joogay baa si xun u activate gareeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

You know what else they say or use ...Bahalkii = the beast = the animal or Geedkii = the tree.

 

Ninyaho ma aragatay bahalkii meeshaan yaalay? He wants the remote control not a lion or tiger.

 

 

Fiiri geedkaas ii soo qabo - he wants you to hand him something not a tree.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Daahyo xun baan isir dhaq ,markaan warey baa stormkii uugu xun baa yimid,waaxd u maleeysa in uu isugagey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this