Sign in to follow this  
Buuxo

Maseeyrku waa miyir la'aan

Recommended Posts

Buuxo   

Nin maseersan miyaa masjiid Dhoobleey ku yaala bam ku tuurey?

10/08/08

(KN):Maanta ayaa qabuuraha Dhoobleey lagu aasay 2 nin oo shalayto ku geeriyoodey qarax bam oo lagu tuurey masaajid ay dad ku tukanayeen, 24 saac kadib dhacdadaasi ayaa waxaa soo baxaya warar faahfaahsan oo tibaaxaya sababaha keeney in bam masaajid lagu tuuro, iyo cidda ay ahaayeen bartilmaameedka, KismaayoNews ayaa gunta u dhacday, kana warbixineysa. (EXCLUSSIVE KISMAAYONEWS/QAAS KISMAAYONEWS)

 

Shalay goor salaad loo taaganyahay, ayaa qof ku hubeysan bam gacmeed waxa uu galay masjid ku yaala Dhoobleey, bamkii inta uu amaanka ka jaray ayuu dhex dhigey jameecadii salaada ku jirtey, waxaa meesha ku dhintey labbo nin oo ka mid ahaa jameecada, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen, ragii dhintay maanta ayaa la aasay, kuwa dhaawacmayna waa la dhayayaa.

 

Dhacdadani waxaa kulan degdeg ah ka yeeshey maamulada Dhoobleey, Qooqaani iyo Afmadow oo saakay uu shirkoodu ka dhacay Dhoobleey, waxaa shirka fadhiyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Cali Dheere gudoomiyaha Dhoobleey iyo Maxamed Sahal oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Afmadow, iyo saraakiil kale oo xagga amaanka ah.

 

Sida uu KismaayoNews u sheegey Mudane Cabdi Mamaxed oo ah taliyaha amaanka ee degmada Dhoobleey, kulanka madaxda waxaa lagu go’aamiyey baaritaan sal balaaran oo arrintani lagu sameeyo, isla markaasina kuwii ka dambeeyey sharciga la hor keeno, wuxuu Cabdi Maxamed ayaa “baaritaan ayaan ku jirnaa, waxaan heynaa warar kala duwan, ninkii falka geystey waa uu baxsaday, waana lagu raad joogaa, laakiin wararka aan heyno waxaa ka mid ah in arrimo qoys ay arrintani salka ku heyso, waan sheegi doonaa waxa kasoo baxa baaritaanka aan heyno”.

 

Haddaba sidee wax u jireen: marka koowaab masaajidka bamka lagu tuurey waxaa si qaas ah ugu tukada koox diimeed la yiraahdo
“Takfiir”, waa koox diimeed sanadihii ugu dambeeyey soo shaac baxday, afkaaraha mad-habtani ay ku shaqayso waxaa kamid ah in dhamaan dadka islaamka ah ee aan mad-habtooda aaminsanayn ay u yaqaanaan gaalo kufaar ah, jamaacadani ma cunaan hilibka xoolaha, waxbo lama wadaagaan dadka kale, salaad kuma xirtaan, guryahooda lama booqdo, dadka kale kama guursadaan, iyagana lagama guursado, meel gaar ah ayay ku tukadaan, caadi ahaan waa koox dadka oo dhami ay necebyihiin, oo qofkii kooxdaasi ku biirra uu la midyahay sidii qof dhintey oo kale.

Sida muuqata Dhoobley tirro aad u baddan ayay ku joogaan, taasina waxaad ka garanaysaa in eeyba xittaa masaajid ku leeyihiin, taas oo ah wax aanan hadda ka hor suurogal ahayn.

 

Kooxdani waa mid hesha lacago aad u tiro baddan, dadkana waxay kusoo jiitaan lacagta, gaar ahaan dumarka, sida ay sheegayaan wararka aan helnay waxa dhacday in Dumar rag qaba oo Dhoobleey degen ay duufsadeen kooxdani, diintooda rogeen, kana fureen ragii qabay, kaaga daran iyagii guursaday.

 

Markii ay taasi dhacday waxaa cabasho daran sameeyey ragii hawweenka qabay, iyo kuwii dhalay ama la dhashay, muddo aad u baddan ayuu taagnaa murran arrintan ku saabsan oo maalmulka magaalada ay u caal waayeen.

 

Ugu yaraan mid ka mid ah ragii haweenka laga guursaday, lagana gaaleeyey, ayaa samri waayay, waxaa la sheegey in uu xaaskiisa aad u jeclaa, si daran waliba, heer waali ah ayuu gaaray, wuxuu isu keene waayay, xaaskiisii uu jeclaa, oo magaalada la joogta, diintii badalatay oo isaga gaal u taqaana kuna dhahaysa “war ninyahoow soo islaam”, kaaga darane uu ninkale oo isaga uu gaal u yaqaana qabbo, bal adigu qayaas xaalkaasi?. Mar kaliya ayay kasoo wareegtey, Soomaaliya oo muddo baddan qorigu iyo hubka uu ahaa xaakimka qoyska ayuu ninkani maciin bidey in uu adeegsado wax aanan bam ka yarayn , kadibna bam gacmeed la eegtay ninkii naagta ka qabay iyo kuwii sayidka u ahaa ee masaajidka ku jirrey. MASEERKU WAA : MIYIR LA’AAN, MARYO QAB. ( WAALI AANAN MARYAHA LALA TUURIN)

 

Dad baddan oo aan la xariirnay oo kala duwan ayaa isku raacay in bamka masaajidka lagu weeraray ay la xariirtay arrimo maseer, waxaa kale oo ay sheegeen in arrimaha aysan halkaasi ku ekaan doonin oo laga yaabo rag kale oo falal kuwani ka daran geysan doona, xittaa waxaa dhacday in magaalada uu ka dhacay qaab kacdoon ahaan, oo dadka ay damceen in eey dab galiyaan masaajid ku sheega sheeydaamada lagu caabudo, laakiin waxaa hor istaagay ciidamada maamulka.

 

Maamulka Dhoobleey ayay tahay in eey iminka xal waara u keenaan masaajidkaasi iyo koox diimeedka Takfiir oo dadka inta baddan ay qabaan in dhagax lagu dillo, boosna aysan oga banaaneed bulshada Soomaliyeed.

 

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email:

 

KismaayoNews.com

This Takfiir group seems very cult-like. Ninka waxbaa la tusey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Tell me in english, my head hurts today from looking at "X" and double letters. [translated something from somali to english] :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaalillaahi ,,,,,,,,,,,,

 

 

mid ah ragii haweenka laga guursaday, lagana gaaleeyey

Kan wax qoraya ayaaba wax gaalaysiinaya ma is tidhi ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^true seems biased. but the takfiir exist baa la yiri ,they would consider most of us gaalo.Is there any takifirs in Hargeisa JB?

 

I know how you feel Ibti.Basically ,somebody threw a bomb in a masjid in Dhoobley.This masjid is owned by a group of people called Takfiirs. They think that anyone not following their madhab is a kaafir.And they suspect a jelous man might be behind it.After his wife was taken in by this group ,who got her to marry a takfiri and she thinks her husband is a gaal and tells him to convert and has left her children and her family.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Ok. Would you know anything about other groups ,what they believe. eg Al-itihaad comes to mind but i am sure there is more.How are they different or similar to Ahlu sunnah wal jamaaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^Why not BG?? If shia's can have a mosque?? :confused:

 

Buuxo:

Al-Itihaad is almost the same as Ahlu Sunnah wal Jamaaca, (the original ones, now called Salafis) These are just way exterem

 

Cabdiyo, I've heard of Asian Takifirs, never Somalis. Strange.

 

Although the truth is each sects things they are the only right one and the other 72 is going to hell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Everyone says they are ehlu sunnah wal jamaaca even the Sufis ,,,,,

 

Here i know:

 

Al-Itihad (Now Al-ictisaam)

Al-Islah

Al-Tabliiq

Al-Salafiya Al-Jadiidah

 

Hmmmm ,, may be others ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Yeah.I have only recently heard of Al-Itixaad & Al-islah..and wondered how they are different.I always thought somalis just followed imam shaafici madhab.

 

LOL@BG.

 

IBti..i never heard of them.But i guess we'll find anything.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^they are both Salafis. But Alitixaad believes in military taking power in Somalia by waging war against XABASHIs and Somali secular regimes, mainly warlords, they also carried out some humanitarian work. Al Islax concentrates on dawa and humanitarian work only and doesn't believe arms should be used to establish Islam(state) in Somalia. Takfir Wal Hijra is on another level; they declared all Muslims in the world as disbelievers and hence excommunicated themselves from them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Cabdiyo, the whole grougie thingie is a very sensitive topic, and I am refering to Akhwaan muslimiin, Islaax, Ash-cariyah, Tabliiq, Salaf etc,

 

I am afraid it is not something easy to debate, and I am sure if this topic steps in that debate, it would reach the record level of number of pages.

 

 

Takfiir iyo qolada la dhaho Khaarijiyah, labadaasba ka fogaada, I will add Tabliiqa as well since their knowledge of the religion is limited only to praying and nothing else, they don't know much about Ahaadeeth, or Fiqh, or even Seerah, but they are better than many groups since they are observing their prayers!

 

 

Let me not turn your topic into groups abaayadiis

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

^Aah..Al-Islax jihaad bey fududeystaan and the other doesn't ok.

 

I agree they seem to be on another level.Bisinka their name is even odd. Takfir apparently means to judge someone/something as kafir and wal hijra is to flee from it, thanks to sheykh Google.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ lool@sheikh Google,

 

Sheikh google doesn't follow any math-habs, so be careful dear smile.gif

 

waa hadba dhankii loo dhigo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Al-Ittihad = They have more knowledge but they believe in taking over the xukun by force. They have a military wing and they carried out some fights during the 90s in some areas in Somalia.

 

Al-Islah = They believe in Da'wah and going through politics. They are part of the large Ikhwaan in the world although they differ from them some minor issues. They concentrate on some youth programs and clubs and they make sure they have some members in the existing government/administration.

 

Al-Tabliq = Less knowledge about diin at all. They just concentrate on bringing people to the Masjid and that is it. They consider the religion knowledge as an obstacle to their Da'wah.

 

Al-Takfiir = No question. They consider every muslim as a Kafir and should be killed/fought before the other Gaalos. They are too dangerous.

 

Al-Salafiyah Al-Jadiidah = This group is new. They started during the 90s only when Iraq invaded Kuwait to be more specific. They believe all the current Ulimah's are Jaahiliin (ignorants) and they believe they are Ahlu Sunnah wal jamaacah and the rest are going to HELL. They believe the current world presidents (in the muslim countries) are Imam al Muslimiin and should be followed no matter what ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this