Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The First Somali Newspaper in Somaliland

Recommended Posts

Maalmahan waxa lagu jiray xuskii konton-guuradii ka soo wareegtay maalintii uu soo baxay wargeyskii caanka ahaa ee Alliwaa. Wargeyskaas oo soo baxay bishii Oktoobar 1958kii. Qoraal uu ka diyaariyey ruugcaddaaga, siyaasiga, suxufiga caanka ah Axmed Yuusuf Ducaale ayuu inoogu faahfaahiyey qaabkii iyo qoraaladii Alliwaa. Qoraaladaas oo aad u xiise badnaa, waxa uu xanbaarsanaa taariikh muhiim ah. Marnaba ma isweydiisay, wargeyskii ugu horreeyey ee ka soo baxa Smaliland? Goorma ayuu soo baxay? Yaase soo saaray.? Wargeys la odhan jiray Al-somal ayuu ahaa wargeyskii ugu horreeyey ee xor ah ee ka soo baxa Somaliland. Waxa uu soo baxay 1949kii ama horraantii 1950kii. Waxa soo saaray ilaahay ha u naxariistee Marxuum, Maxamuud Jaamac Uurdoox. Waxa lagu soo daabici jiray dalka Yaman (Cadan) oo xilligaa xidhiidh fiicani ka dhexeeyey labada shacbi, ee Somaliland iyo Yaman.

 

Alliwaa, waxa uu noqday wargeyskii ugu horreeyey ee lagu daabacay dalka gudihiisa. Waxa lagu daabacay madbacaddii ugu horreysay ee dalka la keeno oo ahayd madabacad ganacsi. Waxa shirkaddaa wada lahaa, ilaahay ha u naxariistee, Axmed Jimcaale iyo Ibraahin Guuleed, iyo Cabdilaahi Oomaar oo isagu nool xilligan. Madbacadda waxa la odhan jiray "Horseed Printing Press". Goobtii ay madbacaddaasi ka hawlgashay waxa ay ahayd magaalada Hargeysa. Wargeyskii Alliwaa sidaas ayuu uga soo baxay Hargeysa, caddadkiisii ugu horreeyey, maalin jimce ah bisha Oktoobar na ay ahayd afar iyo labaatan.

 

Waxa aad u xiise badan qaabkii uu u qaybsanaa Wargeyskaasi, oo aad odhan karto waa ay ka habaysnaayeen qaabka maanta wargeysyadeennu wax u soo qoraan. Akhristoow bal qaybahan ila eeg oo barbar dhig kuwa maanta soo baxa iyo sida ay u qaybsanyihiin qoraalada ku soo baxa wargeysyada maanta.

 

1. Ereygayaga, oo ahaa maqaal joogto ah oo bogga hore ku soo baxa.

2. Bogga ardayda.

3. Bogga haweenka

4. Mimberka Gabayga

5. Warka todobaadka

6. Dhallinyarada

 

Qaybahaas iyo kuwo kale ayuu ka koobnaa Alliwaa. Taariikhda dahabiga ah ee uu innoogu deeqay Mudane, Axmed Yuusuf Ducaale, kuma koobna wargeyska Alliwaa ee waxa uu inoo soo bandhigay wargeysyadii kale ee dalka ka soo bixi jiray intii ka horreysay xorriyaddii Lixdankii ee saqiirtay. Muddo yar markii ay jirtay Alliwaa ayaa waxa soo baxay wargeys kale oo la yidhaa Qarni-Ifriiqiya, oo uu tifatire ka ahaa Marxuum, Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar Dheere). Waxa ku xigeen ka ahaa Marxuum, Cali Meygaag Samatar. Waxa kaloo xilliyadaa soo baxday Asaraaxa, oo uu mulkiilaheedu ahaa Marxuum, Xasan Cumar Camey. Tifatiraheeduna uu ahaa, Cabdilcasiis Xaaji Ismaaciil (Dakhare). Intaasi waxa ay ku soo bixi jireen af-Carabi, halka ay markii danbe ka soo baxday Somaliland News oo af-Carabi iyo Ingiriisi ku soo bixi jirtey.

 

Somaliland News muddooyinkii hore waxa la odhan jirey "War-soomali-sidihii" Waxa ka madax ahaa Cabdiraxiim Caabi Faarax. Intaas oo wargeys oo xor ah ayaa Somaliland ka soo bixi jiray. Waxa aan jeclaan lahaa, in aynu wax ka ogaanno, maalintii xorriyadda aynu qaadannay, ee ay saqiirtay, halkii ay ku danbeeyeen wargeysyadaasu in ay odayaashii xilligaa goob joogga ahaa inoo iftiimiyaan. Gaar ahaan Axmed Yuusuf Ducaale oo aan aad ugu mahadnaqayo sida xilkasnimada ah ee uu u soo koobay una soo gudbiyey taariikhda wargeysyada Somaliland in uu markale qalinka u qaado oo uu inoo soo bandhigo halkii ay ku danbeeyeen wargeysyadaasi.

 

 

Sayid Maxamed Yuusuf-dhegey

Sweden

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Ma ogtahay in Madbacadda maanta soo saarto jaraaidka Hargeysa ee Haatuf iyo Jamhuuriya in ay tahay madbacaddii Qaranka ee Muqdisho oo lasoo fujistay, eesan aheen mid ee soo gateen reer Somaliland :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by Oodweyne:

People are coming out from the woodwork with all kind of a outragous nonsense in regards to Somaliland, to say the least..

 

Wonder never seemed to be in a short supply, right here of
SOL
...
:D

Waryaa, JB, you heard the man, stop the nonsense. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Prinz   

Oodweyne^

You guys always label the truth teller as a hater, I honestly love S.Land, and It's not nonsense you go ask anyone who works or got anything to do with the printing press companies there, I even know the ladro who vandalised, robbed, and moved it to Hargeysa in person.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

U are probably not a hater but ur suffering from a rare chronic disease many other Somalis have called somalilandophobia. People with this condition also have another chronic condition called hypegiaphobia.

 

I think the first press room is near the old jail and that building may still be there unless bombed to the ground during the independence war.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

What about teh first somali Radio; Radio Hargeysa established in 1950s: radio%20hargeysa.jpg

 

 

Hargeysa allow iidaa, burcona sidoo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Aayar dee waryee, waa la wada ogyahay in Radio Hargeisa uu horreeyey, lana oran jirey Radio Somalia, then radio Hargeisa loo baxshey, kadib Radio Mogadishu yimid, and this is when Radio Hargeisa was relaying all its news and commentary from Radio Mogadishu, till 1991, then Radio Hargeisa was named Radio SNM, till that name was droped and the Radio was on and off the air for so many times untill Codka Jamhuuriyada loogu magac darey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Radio Kulmis was somewhere in Ethiopia used by both SNM and SSDF .....

 

Radio Halgan was later for SNM only and it was a mobile one captured in Balligubadle in 1990.

 

Radio Hargeisa has always the same name since it was established until now. I has always been Radio Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this