Sign in to follow this  
biG mOm

Maxad ka xasuusataa Maah Maahyada Somalida ?!

Recommended Posts

Baashi   

Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa

Rati diraac qooqey weyd ma aha :D

Note: weyd = caato; diraac = abaar/jiilaal.

 

'Laba qaawan isma qaadaan' or as MMA would put it 'labo qaawan waa u toostey' :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adna   

Salaaa calaykum

 

 

Well let me see i don't remeber much of maah maahiyo but here what i think should wrok,,,

 

1. Qoysatye yaa kuu qoorxiiridono,,loool

2. nin yaah ku yiri ku maqal,,, i don't know if this one is right but i have hear some ppl saying that,,, will update the rest some other time....

much love to ya'lll

Share this post


Link to post
Share on other sites
biG mOm   

asalaama calaykum wa rahmatullahi wabarakaatu

 

To the Admin

First of all: why are you moved this topic to here? from camel milk debate?

second: what's the different between General forum And Camel Milk dabeta?

Third: why are you delate my last Topic,,, I wanna know why?? :mad: :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Deeq A.   

BIGMOM, sister please don't post complaint topics on the forum again. Private Admin if you have questions or concerns. Topics are moved to the appropriate forums on a daily basis. I moved your topic from the debate forum to the general forum because it is not a debate topic. I also moved many other topics that weren't supposed to be there.

 

Bal aan ku waydiiyee, What does this topic have to do with Camel Milk Debate-Intellectuals' Social debates forum? Why are you taking this personal also. Have you read the rules lately?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Maama, Soomaali saan ay dhaheen:

 

Af waakoow, mey liki aamee.

 

Haye marka walaashiis, iska iloow waxaan yaqeey. Is daji. Isbarmuuto ii cab. Raqeey iyo isbaandhees lasoo shiiday waa laguugu soo daraa. Canbo xataa, aaheey. Is daji lee, baliis.

 

Inkastoo ani Admin. aheen, lakiin runtii topic inta hadii la keeno wax xun ma'aha, teeda kalena intaaba ka fiican oo dad badan arkaayo mise aqrin doono, ee walashiis si kale ha u qaadan. Maahmaahdaadana noosii wad yaqeey.

________________

 

Originally posted by Baashi:

as MMA would put it 'labo qaawan waa u toostey'
:D

Baashi, ii fasir nooh. ;)

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
biG mOm   

saddex- saddex

 

-Saddex baa la yidhi: Lixdan jir iyo lexo jeceyl ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin.

 

-Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe

 

 

-Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar iyo aabe wiilkiis ka yar, :D

 

-Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.

 

-Saddex lagama kaco: Gaajo guri og, gardarro garab og iyo cudur geeri og,

 

-Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis.

 

-Saddex wel-wel bay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faheema.   

On top of my head here are few I can recall...

 

*Abeensada farta loo taagaa fanaxay u boodaa.

 

*Fardo la isku hayo maxaa la isaga faani

 

*Maroodigu takarta kutaal ma arkee ta kakale kutaal ayuu arkaa

 

*Beentaada hore runtaada danbe ayay beeneysaa

 

 

Also the ones below

 

|

v

Share this post


Link to post
Share on other sites
maajo   

dooli bood boodkiis mukulaal xanaaged waaye

sac madoow wixi canihiiisa cadeeyay cibaaro waaye

gaal wixi cadeyay camalkiisa waaye ee ciisa madoowe aas ahaa lahaay

balaayo ku heesato aba aba ma loogu baxo,,

 

mareekan tagoow war aa ku heesto,,,

 

xamar waala xumeyay yaa xaal mari doono,,, ibni aadan is waayay arin aa kala geesay,,, kuunto wixi loo kuusay ee kastuumo loo geliyay karaamo lee waaye,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

1-Arileey intey aragtay orgi baa u weyn

2 - Dameeralleey dadka la xeer ma ahan

3 - Nin abeeso koriyoow adigaa u aayi

4 - Sagaaro miyirkeeda qabto masaajid booneed ma gasho

5 - Wiil faan-badan iyo gabar fadhi-weynba guur xumaa u dambeyso lol

6 - Dan la'aan waa wixii deeqoow boorle dibida ka xaraashtey lol

7 - Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.

----

 

Xaasasku sadex bey u kala qeybsan yihiin

 

A) Kuu Kacdo

B) Kula Kacdo iyo

C) Kaadideed u Kacdo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xalimo7   

Lee waxaas maahmaah miyaa, anigana iga gudooma tan/B]

 

1- Qajac Qaniis

 

2-**** Madow

 

3-Hurdaaye

 

4-***** Weynaadey

 

enough,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

isbaandhees

I have a bad craving for dhanaan stuff and this is the one thing I honestly miss about xamar...I went everywhere for this fruit and couldn't find it :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

I have a bad craving for dhanaan stuff and this is the one thing I honestly miss about xamar...I went everywhere for this fruit and couldn't find it
:(

Maxaa igu sheegi weysay. Xamaraa kaaga soo qaadi lahaa iyagoo kartoon kartoon eh. The other day qof kalaa i lahaa if I knew inaad Xamar aadeysid waxaa kuu dirsan lahaa 'dhangaloow.'

 

Isbaandhees isn't the way it used to taste or perhaps my taste buds had long forgotten it. I tried to eat it while I was there, and I couldn't even taste it--it was too bitter for me.

________________

 

Maahmaahdii Xamariga aa sii wadaa hee:

 

 

Mukulaal qoor qabad caano ma ku dhanto.

 

Musbax minankaaga u baahan meel kale ma la geeyo.

 

Timir geed saaran buunsho ma loo daadiyo.

 

Faradheer ishii aas kugu dayo lamadiisa ku day.

 

Bishimihii shaah lagu dhamo biyo eey rabaan. :D

 

Gurbaan ama gacantaa hakuugu jiro, ama gacalkaa hakuu haayo.

 

Kuunto waxaa loo kuukuusaa kastuumo loo galiyaa karaamo lee maahinoo.

 

Bunkaa cuntay bood boodkiisaa lagaa rabaa.

 

Af Macaan, Gacan macaan aas ka fiican.

 

Kabo kaa waaween dhiiqeey kugu firdhiyaan.

 

Libaax duqooway duqsi aa ku dhee-dheelo. :D:D

 

Af daboolan daqsi ma galo.

 

Albaab furan lama galee waji furan aa la galaa.

 

Kaadiye Badane waa loo gogol badiyaa!

 

Hadal meel dheer aas ku dhacaa dhagaxna meel dhow.

 

Salaadda cishaha iyo naag foolxunba waalees dhaafiyaa. :D Istaaqfurlaahul cadiim.

 

Dheeroow dhuglaawe dhuusadiisuu ku qoslaa.

_________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this