Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) "Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac ah laga soo horumariyay xilligii hore. Bandawga waxuu bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo, waxuuna ku ekaan doonaa 5:00 Arroornimo."

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF oo shaacisay in kiisaska dhimashada iyo kuwa cusub ee Coronavirus ay kordheen

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus iyo kiisaska cusub ee dalka laga diiwaan geliyey.

Wasaaradda ayaa sheegtay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 41 xaaladood oo cusubna ay soo kordheen kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowziya Abiikar Nuur oo kamid ah guddiga kahor tagga COVID-19, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba ruux oo kale.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in deegannada dowlad gobaleedka Galmudug laga diiwaan geliyay xaaladdii ugu horeysay ee COVD-19 ah.

Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 40-ka kale ee bukaannada cusub ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho. 31 kamid ah bukaannda cusud waa rag, 10-nna waa haween.

“Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ayaa noqotay 328 qof, bukaannada bogsooday guud ahaan waa sideed, sidoo kale bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 16,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Beyle "Maamul goboleedyada shuruudaha buuxiyay waa la siiyay lacagtii loogu talogalay"

Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sababta dowladda u bixin la’dahay lacagihii halka milyan ahayd ee ay u balanqaaday inay siinayso dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in lacagtaasi loo diray dowlad goboleedyadii buuxiyay sharuudihii ka horeeyay lacagtaas.

“Lacagahaasi waxay ahaayeen lacago loogu talo galay in wax looga qabto ka hortagga xanuunka, laakiin lacagahaasi waxay u baahan yihiin sharuudo ku xiran iyo maamul, cidii soo gudbisayna waa loo fasaxay,” ayuu yidhi wasiir Beyle.

Dhawaan Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee uu khilaafka kala dhexeeya dowladda federalka, ayaa sheegay in aysan lacagtaas soo gaarin.

 Maamulada kale ee dalka weli kama hadlin lacagtaas.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

RW Kheyre oo sheegay inaay maamulada gaarsiin doonaan qalab caafimaad

Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaayay barnaamijka kahortaga cudurka Covid19 ayaa sheegay inaay dhawaan sugayaan in dalka uu soo gaaro qalab caafimaad oo dowladu aay dalabtay. Waxaana uu sheegay in qalabkaas uu muhiim u yahay kahortaga cudurka Covid19.

RW Kheyre ayaa sheegay in qalabka caafimaad uu muhiim u yahay guud ahaan cisbitaalada dalka islamarkaaana qalabka loo qeybin doono maamul-goboleedyada Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa qeybaha bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inaay meel ugasoo wada jeestaan kahortaga cudurka Covid19, oo hada ku faafaya gudaha Soomaaliya, waxaana kiisaskiisu aay gaareen 328 qof.

“Waxaan dalbanay qalab caafimaad oo muhiim u ah ka hortaga iyo latacaalista cudurka Covid19, dhawaan ayuu nasoo gaari doonaa, waxaana u qeeybin doonaa maamulada dalka si aay uga hortagaan cudurkan” ayuu yiri RW Kheyre.

RW Kheyre oo hadalkiisa sii wada ayaa yiri “Dhamaan hay’adaha caalamka oo aan laxariirnay waxaan ka codsanay inaay meel iska dhigaan wax walba oo kale islamarkaana xooga la’isugu geeyo ladagaalanka masiibadan, waxaan ku bogaadinayaa inaay nala qaateen”.

Dowlada federaalka ayaa hergalisay cisbiyaalka Martiini oo ah goobta lagu karaantiilo dadka qaba cudurka Covid19, waxaana lasheegayaa in cisbitaalka aay kajiraan qalab iyo daawo la’aan.

Cudurka Covid19 ayaa ilaa hada soo ritay dad kabadan 300 qof waxaana jira cabashooyin ku aadan qalab iyo daawo la’aan kajirta goobaha loo qorsheeyay in lagu daweeyo dadka qaba cudurka Covid19.

Hasa’ahaatee dowlada ayaa maalinwalba ku celcelisa in aay wadaan dadaalo balaaran.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwait oo ballan qaad u sameysay xukuumadda Ra’iisul wasaare KHAYRE

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaara Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait ayaa ka wada hadlay xaaladda uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee COVID-19.

“Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida Kuwait ay Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta saf-marka ah ee Covid 19.” ayuu lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khayre ayaa sidoo kale ka dalbaday Kuwait inay ka gacan siiso la dagalaanka cudurkan oo ah mid safmar ah, islamarkaana dhibaato ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Al-Sabaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa ay ka caawin doonto mida Muqdisho xakameynta Coronavirus.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, waxaana horay deeqo kala duwan ay uga heshay wadamada Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

 Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Coronavirus 'devastating Somalia's economy'

Somalia's finance minister has told the BBC that Covid-19 is having a devastating effect on the economy.

Abdirahman Duale Beyle said remittance flows have dried up because so many Somalis abroad have lost their jobs due to the virus.

He added that government revenue has shrunk by 40% because it is unable to collect taxes.

Mr Beyle said he believed some people would starve as a result of the crash in remittance flows.

About $1.5bn (£1.2bn) a year are remitted to Somalia, significantly more than foreign aid, and many families depend on the cash for their survival.

It helps people pay for school fees, medical help or simply to buy food.

One of the largest money transfer companies in Somalia says remittances from the UK have fallen by 50%.

The country is already affected by Islamist militancy, clan fighting, regular droughts and floods and a locust invasion.

It is possible the hit to the economy from coronavirus will bring it to its knees.

But there is one glimmer of hope.

A $5bn injection of funds from the World Bank and International Monetary Fund - together with improved financial discipline - have made Somalia eligible for debt relief for the first time in 30 years.

The World Bank has just released a report saying that sub-Saharan Africa could lose $37bn in remittances because of coronavirus.

BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaaradda caafimaadka oo sheegtay in maanta 2 ruux ay u geeriyoodeen COVID-19 gudaha dalka, 60 xaalad oo cusubna ay soo kordheen

War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay halka uu marayo xanuunka samfareenka ah ee COVID-19, kaas oo aad ugu sii fidayo gudaha Soomaaliya .

Warka wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen kiisas gaaraya 62 xaaladood, kuwaas oo kala ah 44 rag ah iyo 18 dumar ah , kiisaskaan ayaa waxaa la diiwaan-geliyay 24- saac ee u dembeeyay.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo sidoo kale xubin ka ah guddiga ka hortagga COVID-19 ee Soomaaliya ayaa waxey tilmaantay in dadkii horay uu xanuunkaan usoo ritay ay laba kamid ah ka bogsadeen.

Sida ku cad war bixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  wadarta guud ee dadka qaaday xanuunka COVID-19 ayaa waxey gaarayaan 390 ruux, halka guud ahaan bukaannadii u geeriyoodana ay yihiin 18 qof.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxey qaadday tallaabooyin dhammaan la doonayo in lagu xakameeyo faafidda xanuunkaan samfarka ah ee uu caalamka u caal la’yahay xalintiisa, waxeyna mas’uuliyiinta dowladda shacabka farayaan in la qaato awaamiirta iyo talooyinka dhaqaatiirta caafimaadku jeedinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland: Shan qof oo laga helay covid19 kadib markii loo keenay qalabkii baaritaanka

Puntland ayaa caawo shaacisay inay shan qof ka heshay cudurka Coronavirus, kadib markii maanta baaritaan laga qaaday 9 qof oo kamid ahaa dadka laga helay caalamadaha cudurka Covid19.

Shaacinta tiradaan cusub ayaa kusoo aaday kadib markii Puntland ay maanta howlgalisay qalabka lagu baaro cudurka oo ay ka heshay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar laga helo cudurka, waxaana guud ahaan kiisasku haatan marayaan 6 qof.

Keenista qalabka cudurka lagu baaro ee Puntland, waxaa la filayaa in kiisas badan soo bixidoonaan maadaama maalintii ugu horeysay tiro intaas ah la sheegay.

Dhinaca kale, Muqdisho ayaa galabta waxaa laga diiwaan galiyay 62 kiis oo cusub, labo dhimasho iyo labo ka bogsatay cudurka.

Haatan cudurka tiradiisa guud waxay ku dhowdahay 400 xaaladdood, dhimashaduna waa 20.

Soomaaliya waxay kamid noqotay wadamada Afrika ee sida xoogan ugu faafayo cudurka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaalka ma sahlano. Alloow sahal amuuraha.

Sagaal qof oo ku geeriyootay isbitaalka Martiini ee la dhigo dadka qaba COVID-19

 

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay oo kaliya ay sagaal qof ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19.

Qoraal ay wasaaradda soo dhigtay barteeda facebook ayey ku tiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.”

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa hore isbitalka loo jiifiyey oo la xaqiijiyey inay qabaan COVID-19, iyo kuwa ayaga oo garaab ah laga keenay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, kuwaas oo dhintay ayaga oo aan weli la baarin, balse qabay astaamaha cudurka.

Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkan ayaa xalay la keenay isbitalka, isla xalayna geeriyooday.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.”

“Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.”

Tiradan ayaa ah tii ugu badneydn ee dad 24 saac gudahood cudurka Coronavirus ugu geeriyooda isbitaalka Martiini.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dr. Fuje: Isbitaallada Xamar midka ugu yar waxaa COVID-19 laga helay 50 shaqaale

Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu aad u saameeyey dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoo walaac badan ka muujiyey sida xowliga ah ee cudurkaas uu ugu sii faafayo dalka.

Dr. Fuje ayaa sheegay in xanuunkaas uu ku dhacay dhakhaatiir badan, isbitaalada waaweyna midka ugu yar uu uga dhacay illaa 50 qof oo shaqaalaha caafimaadka ah.

“Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan”ayuu yiri Dr. Fuje.

Dhakhtarka ayaa ku taliyey in dadka waaweyn ay guryaha joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan dhalinyarada ay waalidka u yihiin oo ay macquulka tahay inay cudurkaas u keenaan, maadaama ay iyagu u nugul yihiin.

Dadka illaa hadda gudaha dalka ugu dhintay cudurkaas ayuu sheegay inay u badanyihiin dad da’doodu ay ka weyntahay 50-sano jir.

Sidoo kale waxa uu aad ugu cel-celiyey Dr. Fuje in qof kasta uu xirto Maasgaraha afka lagu duubto, isagoo dadka ku shaqeysta Harqaamada kula taliyey, inay ka dhigtaan shaqa abuur oo ay sameeyaan maaskaraha afka lagu xirto, oo sida uu sheegay gaashaan weyn u noqon karta cudurka COVID-19.

In lakala fogaado ugu yaraan hal mitir, laguna dadaalo nadaafadda ayuu mar kale dhakhtarku kula dardaarmay bulshada. Si buu yiri ‘loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID-19 oo kusii faafaya gudaha dalka’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.