Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Another useless maamul goboleed squabbles:

CORONA oo Khilaaf cusub ka dhex abuuray labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland

Waxaa haatan soo shaac-baxay khilaaf xoogan oo u dhexeeyo labada maamul ee HirShabelle iyo Puntland, kaas oo ka dhashay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus ee dhowaan ka dilaacay Soomaaliya.

Khilaafka ayaa yimid, kadib markii Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu faray ganacsatada deegaanada maamulkiisa in aysan raashin u iib-geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Deni ayaa arrintaan oo saameyn ku yeelatay reer Hiiraan ku sheegay mid lagu xakameynayo cudurka Covid-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya.

“Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan.” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ee HirShabelle, Cali Jeyte Cismaan oo ka jawaabay arrintaan ayaa shaaciyey in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, isaga oo sheegay in ganacsatada maamulkaas iyo kuwa gobollada dhexe uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u xoogan.

Sidoo kale Jeyte oo warbaahinta ugu warramayey magaalada Beledweyne ayaa raalli-gelin ka dalbaday Madaxweyne Deni, wuxuuna wacad ku maray haddii uu bixin waayo inay qaadi doonaan tallaabo ka daran mida ay qaadeen, sida uu hadalka u dhigay

“Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii ay sii socoto arrintaan inay kor u qaadi doonaan ka maamul ahaan lacagaha Canshuuraha ee xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolka Hiraan ee la geeyo deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“Ganacsatada waxa aan u ballan qaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan.” ayuu markale yiri Jeyte.

Khilaafkaan ayaa durbo saameyn ku yeeshay xiriirka ganacsi ee HirShabelle iyo Puntland, iyadoona dhibaatada ugu daran ay wajahayaan ganacsatada labada dhinac.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galmudug oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug, Naciimo Maxamed Catoosh ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeeyey ee cudurka halista badan Covid-19 laga helay deegaanada maamulkaasi.

Wasiirada ayaa sheegtay in qofka laga helay xanuunka haatan lagu hayo isbitaalka weyn ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale Naciimo Maxamed Catoosh ayaa carabka ku dhufatay inay jiraan dad kale oo looga shakiyey cudurka Coronavirus, kuwaas oo ay shaacisay nay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caabudwaaq oo hoostaga maamulkaasi.

Wasiir Naciimo ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in ka maamul ahaan ay diyaariyeen isbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada Galmudug inay muujiyaan taxadar, islamarkaana ay qaataan talooyinka caafimaadka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu marba marka ka dambeyso cudurka Covid-19 uu ku sii baahayo gudaha dalka, kaas oo kiisas ugu badan laga helay Muqdisho.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa illaa iyo hadda shaacisay kiisas gaaraya illaa 237 qof, iyadoo dhimashaduna ay mareyso 8 ruux.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay ololaha buufinta Covid-19

2020421637230436956988449.jpg

Maamulka gobolka Banaadir ayaa daahfuray ololaha lagu buufinaayo xaafadaha magaalada Muqdisho si looga hortago cudurka faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna maamulku sheegay in ololahan uu sii socon doono.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud (Cumar Filish) ayaa ayaa xariga kajaray ololahan wuxuuna sheegay in aay muhiim tahay in laga hortago cudurkan oo kiisaskiisu aay sii badanayaan marka la’eego gudaha Soomaaliya.

Agaasimaha waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aay wadaan qorshe lagu yareeynaayo faafitaanka Covid19, waxaana uu sheegay inaay isticmaaleen ant-virus ama kahortaga faayriska.

Gudoomiyaha arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir ayaa sheegtay inaay buufin doonaan dhamaan xaafadaha gobolka Banaadir, waxaay sheegtay in cudurkan uu leeyahay kahortag islamarkaana aay ku dadaali doonaan in laga hortago.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoojin doono ololaha kahortaga cudurka Covid19. Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacabka looga baahanyahay in aay qaataan talooyinka caafimaadka.

“Xiliga habiinkii ah oo bandoow uu jiro ayaan buufin doonaa magaalada oo dhan, waxaan ku buufineeynaa jeermis dilayaal, anaga iyo dowlada federaalka waxaan isla qaadanay inta laga tirtiraayo Covid19 in lasii wado buufinta iyo wacgigalinta” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Ololahan ayaa imaanaya xili magaalada muqdisho laga helay kiisas aad u badan, waana halka kaliya ee aay ka socdaan baaritaanada islamarkaana kiiskan uu aad ugu fiday.

Caronavirus ayaa dhib badan ku haaya caalamka, waxaana Soomaaliya laga dareemayaa qal-qalka ku aadan cudurka, maamulada dalka iyo dowlada federaalka ayaa wada dadaalo ku aadan kahortaga cudurkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkii ugu badnaa oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus iyo kuwa kale oo badan oo laga helay

c-3.jpg

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan.

6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19.

Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka.

30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin.

Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo.

Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof.

Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF Somalia oo war cusub kasoo saartay isbitaalka Martiini oo lagu daweeyo dadka qaba Coronavirus

martiini.jpg4_.jpg

martiini.jpg1_.jpg

martiini.jpg3_.jpg

War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in isbitaalka Martiini loo dhammeystiray qalabkii caafimaad ee loo baahnaa, kaas oo ka mid ah isbitaalada lagu dabiibo dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus.

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah ACU ee Isbitaalka ku xirtay 20 sariirood oo loo dhammeestiray qalabkii loo baahnaa si loogu baxnaaniyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay, sida lagu sheegay qoraal goor dhaw kasoo baxay xukuumadda.

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal takhasus u leh xirfadaha loo baahanyahay, kuwaas oo kala ah 10 dhakhtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka Digfeer horay uga howlgeli jiray.

Saraakiishaas caafimaad ayaa hada qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in dhawaan ay ka howl billaabayaan Martiini la taliyaal sare oo caafimaad, kuwaas oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada ku dhaca neef mareenka.

Isbitaalka Martiini oo lagu howl billaabay bishii hore Maarso16-keedii ayaa lagu qaabilay 218 bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay, halka afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ay ka bogsadeen xanuunka COVID-19, sida lagu sheegay warbixintan.

Haatan Martiini waxaa jiifa oo lagu baxnaaninayaa 17 bukaan, waxayna xukuumaddu sheegtay in lasii dardar gelinayo horumarinta isbitaalkan.

Ugu dambeyntii dowladda federaalka ayaa mar kale bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad, si gaar ah waxaa looga deyriyey in dadka qaba xanuunada daaha hadii uu ku dhaco cudurkan ay gelayaan xaalad halis ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bashiir Qaasim Maxamed oo xaaladdiisa caafimaad la gula tacaalayo Isbitaal Martiini ayaa dhaqaatiirta ku dadaalaya dib-u-kabashadiisa uga mahad celiyay sida ay ugu taaganyihiin daryeelkiisa iyo daryeelka bukaannada kale ee isbitaalka jiifa

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaal Martiini ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka uu soo rito #COVID19 ee xaaladoodu aadka u adagtahay

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Waaryaa MMA, 

Why don't you tell us what your folks in Bay and Bakool doing to prepare for the pandemic or has Abiy Ahmed and his army generals already taken care of that? 

I guess I should be asking the relevant government department in Addis Ababa anything to do with your region, is that right? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 minute ago, Tallaabo said:

Waaryaa MMA, 

Why don't you tell us what your folks in Bay and Bakool doing to prepare for the pandemic or has Abiy Ahmed and his army generals already taken care of that? 

I guess I should be asking the relevant government department in Addis Ababa anything to do with your region, is that right? 

I know inay Soomaaliya jaad la'aan ka dhacday, but didn't realize meesha aad joogtidna marqaan la'aan kugu heyso.

Rabi haka qabto dadweynaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan cudurkaan baas waqti ciyaar ciyaar iyo qosol qosol ah mala joogee, jeega dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.