Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Dowladda Soomaaliya oo deeq caafimaad ka heshay Turkiga

202052637239962849199273.jpg

Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegtay deeq caafimaad oo ka timid Jamhuuriyadda Turkiga,  waxaana loogu tala-galay in xaaladda caafimaad ee waddanka wax weyn looga qabto.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Fowsiya Abiikar Nuur iyo wasiirka wasaaradda gargaarka iyo hortagga masiibooyinka ayaa la wareegay taakuladaasi caafimaad ee ka timid Turkiga.

Waxaa sidoo kale madashada Soomaaliya ay ku guddoomeysay agabkaasi caafimaad joogay wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,  waxeyna dhammaantood sheegaan in qalabkaan uu yahay mid kusoo aaday waqtigii loo baahnaa.

Deeqdan maanta Soomaaliya la siiyay ayaa waxaa kamid ah mashiinnada bukaanka ka saacido neefta oo aad dalka ugu yaraa iyo dharka ay xirtaan shaqaalaha caafimaadka xilliga ay la fal-galayaan bukaannada qaba xanuunka COVID-19.
 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kheyre oo arrimo muhiim ah kala hadlay madaxa WHO

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyey kulan khadka telefoonka ah oo uu la yeeshay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan cudurka faafa ee Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus iyo sida ay u la taacaleyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhankiisa Tedros Adhanom ayaa u ballaan qaaday xukuumadda federaalka Soomaaliya inay WHO si weyn uga gacansiin doonto dagaalka lagu jiro cudurka Covid-19.

Kulankaan khadka taleefoonka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan socdaan dadaallo oo ay dowladda federaalka ay ku dooneyso inay ku xakameyso fidista cudurkaasi.

Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geiyey kiisas gaaraya 671 qof, sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda caafimaadka xukuumaadda federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland: Tirada dadka laga helay covid19 oo gaartay 30 qof xilli uu istaagay bandowgii saarnaa magaalooyinka

Cudurka Coronavirus ayaa kusii kordhaya degaanada Puntland, iyadoo cudurku gaaray 30 qof. Waana tiradii ugu badnayd ee laga diiwaan galiyo Soomaaliya marka laga yimaado muqdisho oo cudurkun uu si aad ah ugu faafay.

Labadii habeen ee ugu dambeysay ku dhawaad 20 qof ayaa laga helay cudurka, sida aan kasoo xiganay tirokoobka guddiga Puntland u qaabilsan la tacaalida covid19

Masuuliyiinta Puntland ayaa lagu dhaliilay inaanay weli xakamayn shirarka dadka badan iskugu yimaadaan ee hay'adda maamulka qabanayo. Waxaana sidoo kale iskiis u istaagay bandowgii habeenimo ee saarnaa magaaloyinka Puntland.

Sidoo kale goobaha cibaadada ayaa furan oo sidoodii loogu tukanayaa, halka qaar kamid ah masaajida habeenkii lagu tukanayo salaadaha Taraawiixda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaarisa

Kenya oo xirtay suuqa ugu weyn xoolaha ee gobolka Gaarisa si loo xakameeyo faafitaanka Covid-19

Maamulka gobolka Gaarisa ayaa xiray suuqa xoolaha ee Dhagaxley ee Dhadhaab si loo xakameeyo faafitaanka coronavirus.

Suuqa ayaa ku dhow soohdinta gobolka Wajeer halkaas oo la xaqiijiyay laba xaaladood oo ah Covid-19.

Mas'uuliyiinta Gaarisa ayaa sheegay in xiritaanka ay ka dhalatay baahida loo qabo in la yareeyo dhaqdhaqaaqa dadka ee ka dhexeeya labada gobol. Labada degmo waxay xuduudo la wadaagaan Soomaaliya halkaasoo uu ku soo badanayay kiisaska cudurka coronavirus.

Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane ayaa sheegay in xiritaanka suuqa uu qeyb ka ahaa olole balaaran oo lagu xoojinayo u diyaarsanaanta gobolka ee wax ka qabashada faafitaanka cudurka.

“Walaaca ugu weyn ee aan qabno waa in coronavirus uu yahay cudur zoonotic ah oo lagu kala qaado dadka iyo xayawaanka. Ma jeclaan lahayn in ay heerkaas gaarto maxaa yeelay waa musiibo, ”ayuu yidhi, Gudoomiye ku xigeenka Garissa Cabdi Dagane.

Bukaanada Wajeer Covid-19 ayaa ah labo nin oo da’doodu tahay 36 iyo 32 oo ka soo jeeda gobolka Gaarisa kuwaas oo ka yimid Diif oo ku yaal Koonfurta Wajeer iyada oo ay wehelinayaan saddex qof oo kale markii ay ka soo laabanayeen socdaalkii ganacsi ee xoolaha ee ay kaga yimaadeen Muqdisho-Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Injineer Soomaali ah oo soo saaray Mashiinka Neefta

202053637240925117037831.jpg

Injineer Soomaali ah ayaa soo saaray qalabka neefsashada , xilli ay kordhayaan dadka aan helin Mashiinka Neefta ee u dhimanaya fayruska COVID-19.

Maxamad Cadaawe oo ah 21 jir ku nool caasimadda Muqdisho, ayaa ku sheegay  waxa ku dhaliyay farsamada qalabka neefsashada inuu baraha bulshada ka daawaday Aabbe Soomaali ah oo sheegay wiil uu dhalay inuu u dhintay markii uu waayay Mashiinka neefta siiya bukaannada.

" Dalkeenna ma leh awood lagu gaarsiin karo dhammaan bukaannada Mashiinka neefta ,taas ayaana igu dhalisay farsamo ahaan inan annigu isku dayo." ayuu yiri Cadaawe " Hadda waxaan u arkaa ugu yaraan in bukaannada uu caawin doono Mashiinka oo aan gurigeyga ku farsameeyay." ayuu ku daray.

Dadaalkii uu u galay farsamada qalabkan ayuu ku sheegay inuu ku dhammeystiray muddo 20 cisho ah.

" Qalabkan wuxuu ka sameysan yahay neef bixiyihii gacanka lagu siin jiray, balse ninkaan dhallinyarada ah wuxuu u farsameeyay hab sahlan oo ah inuu neefta gudbinayo iyadoon cidna gacan u adeegsan." ayuu yiri Dr Xuseen Cabdicasiis Fatxi oo ah agaasimaha isbitaalka Soomaali Suuuriyaan ee magaalada Muqdisho.

Dr Xuseen , wuxuu xaqiijiyay in si rasmi ah uu isbitaalka u adeegsan doono qalabkan oo tayo ahaan caawinaya bukaannada u baahan mashiinnada neefta.

Baahida ay dunidda u qabto qalabka neefsashada ayaa koradhay si aan horey loo qiyaaseyn, kaddib markii si safmar ah uu ugu dhuftay caalamka fayruska COVID-19 oo Soomaaliya ay u dhinteen 31 qof.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya oo maanta laga helay 51 xaalad oo ah COVID-19, iyo xanuunka oo kusii fidaya gobollo ka fog caasimadda

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey sii daaysay warbixintii maalilaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka Covid-19, waxaana lagu sheegay in maanta oo qura ay soo kordheen 51 xaalad, halka 10 bukaan ay ka bogsoodeen xanuunkaan, sida lagu sheegay Warbixinta dowladda Soomaaliya ay sii shaacisay.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kamid ah dadkii la xanuunsanaa cudurkaan uu maanta u geeriyooday, taas oo kor u sii qaadeysa bukaannaa ugu dhimanaya Soomaaliya COVID-19.

Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo lagasoo duubay muuqaal  ayaa waxay sheegtay in dadka maanta xanuunka laga helay ay kala yihiin 32 rag iyo 19 haween ah. Laakiin wasiirku ma aysan sheegin dadka guud ahaan maanta la baaray iyo haddii ay jiraan shakhsiyaad laga waayay, sida waddamada kale ay ku sheegaan warbixinnadooda.

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee uu xanuunka COVID-19 kusoo ritay bukaannada sida ku cad warbixinadda wasaaraddu ay sii daaysay, 37 kamid ah dadka maanta laga helay waxay ku noolyihiin Muqdisho, halka 12 ruux lasoo sheegay in ay ku suganyihiin Puntland,  2 xaaladna waxaa laga helay Galmudug.

Wadarta guud xanuunka Coronavirus waxa uu soo ritay guud ahaan Soomaaliya bukaanno gaaray  722 ruux, waxaa ka bogsooday 44 qof halka ay u dhinteen 32 ruux, sida lagu sheegay warka dowladda kasoo baxay.

Soomaaliya waxay hadda kamid tahay waddamada safka hore xagga dhimashada uga jira xanuunkan gobolka geeska Afrika.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baraawe

Dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad oo uu kamid yahay agabka Sheybaarka ee lagu baaro COVID-19 gaarsiisay magaalada Baraawe,

kadib markii Ra’iisul Wasaare Khayre uu faray guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 inay ka jawaabaan baahiyaha jira ayna hubiyaan xaaladdda dad ku sugan Baraawe oo lagu arkay astaamaha lagu garto Feyruska Karoona.

95897845_3045977755454039_27623693080372

Share this post


Link to post
Share on other sites

 Turkiga oo markale qalab CAAFIMAAD ka soo dajiyey magaalada Muqdisho

95634310_2644585372453675_22029445392184

95566251_2644585905786955_99834616849471

Labo diyaaradood oo ka yimid wadanka Turkiga ayaa maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo keenay gargaar caafimaad oo lagu talalagay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay deeqdaasi markale ka timid Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradda Turkish Airlines ay keentay qalab caafimaad.

“Diyaaradii afaraad ee sida qalab caafimaad ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri muuqaal la soo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Turkiga oo ah saaxibka dhow ee Soomaaliya ayaa labo jeer oo hore Muqdisho ka soo dajiyey gurmad caafimaad oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka,  si looga hortago Covid-19 oo fara ba’an ku haya Somalia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo xiriir la sameeyey dhiggiisa, Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga mahadceliyey hiilka walaalnimo iyo agabka caafimaadka uu sida deg-degga ahi ugu soo diray Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxuuna  Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa tababarka ciidamada, siyaasadda iyo bani’aadanimada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo oo xiriir la sameeyey Erdogan iyo ujeedka uu u wacay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa xalay khadka telefonka kula xiriirey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne fFarmaajo uu wacay Erdogan, isla markaana uga mahad celiyey taageerada walaalnimo ee dalka Turkigu u soo direy Soomaaliya.

“Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxaan kaaga mahadcelinayaa mudane Madaxweyne iyo shacabka qiimaha leh ee Turkiga gargaarka deg-deg ah ee aad na soo gaarsiisey, taas oo naga caawineysa in aan ka hortagno cudurka COVID-19,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Turkiga ayaa maalintii Sabatida Muqdisho ka dejisey diyaarad nooca Milteriga ah oo sidey agabka looga hortago cudurka COVID-19.

Kadib gargaarkaas, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri “Mashiinada neefta bixiya (ventilator) ee lagu sameeyey gudaha Turkey waxaa ku neefsan doona walaalaheen Soomaaliya, oo ay ka jirto mashiino yari aad u darran. Dareenkeena waxa uu mar walba la jiraa kuwa la caburiyo ee iyo dalalka baahida qaba.”

Kaalmadan agabka caafimaad ah ayaa isugu jirtay maaskaro , galoofyada ilaalinta leh, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, dharka isku-joogga ilaalinta leh ee loogu talogalay xirfadlayaasha caafimaadka, qalabka lagu baaro COVID-19, qalabka neef-siinta (ventilators) iyo agab kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.