Holac

Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?

Recommended Posts

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay faafitaanka Covid19

Wasiirka wasaarada caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inaay soo kordheen xaalado cusub oo laxariira Covid19. Waxaana aay sheegtay in aay soo kordheen 54 qof.

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegtay in xaaladaha soo kordhay aay dhamaan joogan gobolka Banaadir, waxaana aay intaas ku dartay in tirada guud ee laxanuunsan Caronavirus aay gaarayaan 582 qof.

Fowsiya Abiikar ayaa mar kale ku celisay inaay muhiim tahay in laqaato talooyinka caafimaadka si looga hortago cudurkan faafitaanka badan ee Covid19, waxaana aay shacabka ugu baaqday inaay ku dadaalaan ka fogaanshaha goobaha aay dadku ku badanyihiin iyo in lagu dadaalo nadaafada.

“Xaaladaha soo kordhay waxaay gaarayaan 54 qof, dhamaantood waxaay joogaan gobolka Banaadir, hadda tirade guud ee dadka qaba Covid19 waxaay gaareeysaa 582 qof. Dadkeena Soomaliyeed waxaan u jeedinayaa inaay qaataan talooyinka wasaarada caafimaadka si aan uga hortagno Caronavirus” Sidaas waxaa tiri Dr. Fowsiya Abiikar.

Dowladda ayaa sameysay qorshe guud oo lagu xakameynayo faafitaanka iyo saameynta kale ee COVID-19. Waxaa la hir-geliyay Isbitaallo lagula tacaalo bukaannada uu haleelo Feyruska Karoona, waxaana dalka soo gaaray qalab caafimaad oo dowladdu soo iibsatay.

Covid19 ayaa ku faafaya Soomaaliya, waxaana inta badan baaritaanada laga sameeyaa magaalooyinka Hargeysa, Garawe iyo Muqdisho, waxaana aad u adag in lala socdo xaaladaha dadka ku nool gobolada kale ee Soomaaliya. Ilaa hadane majirto qorshayaal wasaaradu u sameeysay dadka kunool gobolada Soomaaliya si looga badbaadiyo Covid19.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Death rate of COVID-19 intensive care patients falls from 58% to 10% in Turkey

Health Minister Fahrettin Koca said Wednesday that the death rate of coronavirus patients in intensive care units has fallen from 58% to 10%.

He added that Turkey has 5,849 filiation units currently on duty, these units have detected 468,390 people in the contact chain of COVID-19 patients.

"This success does not mean that we will give up on measures but cling to them instead. We will continue measures throughout this month," he said in a press conference.

A total of 7,428 health workers have been infected, he added.

Turkey’s coronavirus death toll stands at 2,992. The number of patients in intensive care, as well as those intubated, also maintained a downward trend. Also, the country saw recovery figures hit another record high of 5,018 on Tuesday, bringing total recoveries to 38,809, with more than a third of all cases testing positive.

Daily Sabah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaladihii ugu horeeyay ee Covid19 oo laga xaqiijiyay Koofur-Galbeed Soomaaliya

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur oo maanta ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Covid19 ayaa sheegtay inaay sii bateen kiisaska Caronavirus ee Soomaaliya, waxaana kiisaska qaar laga helay maamulada Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.

Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in xaaladihii ugu horeeyay oo ah Caronavirus in laga helay deegaanada Koofur-galbeed, waxaana aay sheegtay in taasi aay sawir u tahay in xanuunkan uu ku faafay dhamaan deegaanada Soomaalida islamarkaana aay muhiim tahay in dadku aay qaataan talooyinka caafimaadka.

“Maanta xaaladaha soo kordhay waxaay gaarayaan 48 qof, dadkaas 41 kamid ah waxaay joogaan gobolka Banaadir, 3 qof waxaay ku suganyihiin Jubbaland, sidoo kale 4 kamid ah waxaay joogaan Koofur Galbeed, kiisaskii ugu horeeyay ayaa laga xaqiijiyay koofurgalbeed taasina waxaay cadeeyneysaa in cudrkaan uu ku faafay gudaha Soomaaliya. Tirada guud ee laxanuunsan cudurka Covid19 waxaay gareeysaa 528 xaaladood” ayaay tiri wasiir Fowsiya Abiikar.

Wasiirka caafimaadka ayaa markale ku celisay wacyigalinta Covid19, waxaayna sheegtay inaay muhiim tahay in dadku aay kala fogaadaan, sidoo kale waxaay ku baaqday in laga taxadaro dadka da’da ah iyo kuwa qaba xanuunada.

Xaaladaha Covid19 ayaa kusii faafaya Soomaaliya waxaayna sameeyeen dhimasho badan, waxaana dadka geeriyooday guud ahaan aay gaarayaan 28 qof sida aay xaqiijisay wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Xaaladaha Covid19 ayaa hore looga helay maamulada Soomaliland, Puntland iyo Jubbaland, hasa-ahaatee waa markii ugu horeeysay ee kiisaska Caronavirus laga helay deegnaada Koofurgalbeed Soomaaliya.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF: Qof kasta oo geeriyooda waxaan u aqoonsannahay inuu dilay cudurka Covid-19

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in xanuunka uu yahay mid aan la yareysan karin, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Maareeye ayaa tilmaamay in kiisaska cudurka Coronavirus maalin kasta ay isa soo tarayaan, taasina ay muujineyso halista uu cudurkaan ku hayo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka qof kasta oo dhinta maanta ay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sababta ku sheegay in dadka dhimanaya maanta ay badankood  u geeriyoonayaan cudurkan saf-marka ah ee Corona.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Qandha oo dhan ay tahay Coronavirus, isagoona ugu baaqay dadka inay ka fogaadaan qof-kasta oo Qandheysan.

“Wuxuu dhahayaa qofka Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow buu u dhintay dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta waxay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaana uu yahay majority -ga ugu badan.” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu badan ee kiisaska Coronavirus laga helay ayaa waxaa jira dad badan oo xanuunsan, islamarkaana sheegaya inay isku arkeen astaamo u eg kuwa Covid-19-, sida qandho, qunfac, kor xanuun iyo urta oo ka maqan, kuwaas oo hadana aan tagin gooba caafimaadka, si loogu saameeyo baaritaan guud.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo shaacisay qofkii ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus u geeriyooday

 Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka warbixiyey xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan cudurka saf-marka ah Covid-19.

Ugu horreyn wasiir Jaamac ayaa xaqiijiyey in qofkii ugu horreeyey uu xanuunkaan ugu geeriyooday deegaanada maamulkaasi, wuxuuna tilmaamay in ruuxaasi oo looga shakisnaa cudurka uu dhowaan dhintay isaga oo ku jiray xaalad karantiil ah.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in baaritaanka dheecaan laga qaaday ay u direen dalka Kenya, islamarkaana ay haatan jawaabta soo baxday lagana helay Covid-19, taas oo ka dhigeysa dhimashadii ugu horreysay xanuunka ee deegaanada Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marxuumka uu ahaa qof da’ah, islamarkaana uu ku noolaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Dr Jaamac Faarax Xasan wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi inay qaataan talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo fidista Coronavirus.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo marba marka dambeysa uu ka sii darayo cudurka Covid-19 ee Soomaaliya oo laga xaqiijiyey kiisas kor u dhaafaya 600 oo qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland: 12 qof oo cusub oo laga helay Covid 19

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa xaqiijiyey inay korortay tirada dadka laga helay cudurka Covid19.

Wasiirka ayaa cadeeyay in la baaray 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, xanuunkana laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay.

Da’dooda ayaa udhaxaysa 15jir ilaa 65jir

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 23ruux, uuna hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka.

Puntland ayaa maalmihii uu dambeeyay uu hakad ku jiray arimaha baaritaanka cudurka Covid19, iyadoo maamulku ku mashquulsanaa gurmadka Qardho.

Dhinaca kale, muwaadiniin Ethiopian ah oo ka tagay magaaladda Bosaso ayaa markii ay ku laabteen dalkooda laga helay cudurka Covid19, waxaana taasi ay sababtay in  Ethiopia ay adkaysay in loogasoo gudbo xadkeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay kiisas cusub oo Covid19

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inaay sii kordheen dadka qaba cudurka Covid19, waxaana aay sheegtay in 48 saac gudahood laga helay 70 qof.

Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in 67 qof aay joogaan gobolka Banaadir, 3 qofna aay ku suganyihiin Soomaaliland. Cudurka Karoona oo kusii faafaya Soomaaliya ayaa tirada guud ee laxanuunsan waxaay gaarayaan 671 qof.

“24 saac waxaa soo kordhay 70 xaaladood oo cusub oo ah Covid19, 67 qof waxaay joogaan gobolka Banaadir, 3 qof waxaay joogaan Soomaaliland. Xanuunkan wuu sii faafayaa waxaana muhiim ah in laqaato talooyinka Caafimaadka oo maalin walba aan soo gudbino”. Fowsiya Abiikar.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo aay ku xakameeyneyso cudurka, waxaayna sameeysaa wacyigalin, hasa-ahaatee dadka Soomaaliyeed ayaanan weli qaadan talooyinka kooxaha Caafimaadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.