Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dumar kale ma caashaqin

Recommended Posts

BROWN: I feel honoured to hold the dheelo title. Thanks yaakhey. You too have the beauty and swiftness of an ostrich

You are welc & yahuu(shaqfir)to the ostrich analysis! icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AAliyah416:

quote: Perhaps you should try Brothas instead Brotheris

:confused:
:cool: Nevermind,abayo!

 

Please raali noqo. smile.gif I Just remembered you are canuck,I understand these yankee slangs dont work over there! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Daalo by Hanuuniye,

 

Durdur iyo xareedeey

Doog iyo ugbaadeey

Dalaalimadaa cadarkiyo

Dhibic iyo daruureey

 

Ubax daraaya muusaay

Waabari dilaacaay

Marku maalku Dararo iyo

Daallo aragtideedaay

Daallo aragtideedaay

 

Dayixiyo xidigahoo

Nuurka isku daray iyo

Dusha roob la dhaca iyo

Da'uus la moodyeey 3

 

Diirimaadka laabta iyo

Dawadii nafteeydaay

Taan hablaha ka doorteen

Dareenkeeyga siiyaay

Xubna dabcasan leeyeey 2

 

Nabi Yuusuf dabadii

Tii dumarka quruxda le

Halgoorkooda noqotaay?2

 

Dambar iyo labeen iyo

Dahab midabkii leeyeey 2

Xuuralceynti dunidee

Daawashada u timidee

Dalka lagu maneeystaay 2

 

Haduu diido calfkee

Aqal labadaryaloo

Aan xariir ku daahniyo

Inaan dadab wadaagnoo

Waqtigu uu nakala diro

 

Alaa deeqda bixiyee

Anna kuuma dudayoo

Naxariis da'weeyn iyo

Ducaan kugu sagootin

 

Ninka damacu racee

Dookhu calanka saree

Guur aad ka doontee

Kugu gacan dambeeyana

Aan dardaaran siiyee 2

 

Waa libin dadnimaduyee

Aamina kan doortoow

Daji meel barwaaqa ah

Dihaalkaa gaajo iyo

Dibindaabyo yeey arag

 

Daranyadu ma fiicnee

Yeey ka noqon maryuhu duug

Ha u yaalo dahabkuna

Daris aan habooneeyn

Yeey dareemin qeeyladii

 

Dibada iyo gudahaba

Meelaha la daawado

ee dalxiiska loo tago

Ha ildoogsatee gee

 

Dusha nabar ha taabsiin 2

Ha dagaalin waa gobee

Hadal doqon magarata ah

Haku dayin ma yeeshee

 

Waxaa dihatay hooyadii

Dadnimada ku beertee

Aabaheedna waa diric

Ragna doorkii weeyee

Waa duriyad xalaalee

Waalidkeedna daadihi

 

 

Waxaa jira nin doonoo

Dantu ceeb u yeeshee

Wixa Aamina u dan ah

Hadii waaye diidaan

 

Soo doonoo

Waa garee waa garee

Anaa kuu diyaaroo

Daryeelkeedu uu yahay

Xilaad duudka saartee

 

Hadii taa aad diidee

duuga nolosha Aamina

Dayac noqoto waa qaan

Waanan kula dacwinayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Mays aroosna - Fu'ad Omar

 

 

indhahayga aragtidaada

aadbay ugu farxaayaane

adoo kale aadmigaba

kumaan aragee

ubax caro ka baxay iyo

xidadiisu qalbiga

kasoo baxay ayaad tahee

axdi meel ma dhiganaa

macaan mays aroosnaa

 

hablaheena kolkaan eego

aado ugu ilwaad quruxey

afkeygu amaantaada

gacaloy u fududaayee

inkastoo adduunyadu

ay tahay ayaan qudha

adaan kaa ishaartee

axdi meel ma dhiganaa

macaan mays aroosnaa

 

Link:

http://www.youtube.com/watch?v=-hE36-afLDc&mode=related&search=

 

Enjoy ;)

 

wa salaamu alaikum

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Adan

 

caashadu ilaahay

cirka taagay udubli

ciidana ka dhigay gogol

wabiyada cartamayiyo

cidhifyada bad kaga xidhay

iyo buuraahaa culus

cimrigeed aduunyadaa

waxa jiraa col iyo nabadee

caydhiyo nin xoola leh

iyo laba is caashaqay

caawana kamay tagin

caynkaynu ku ogeyn

adna calafka kuu qoran

cuuna seegi maayee

caashaqa ha baayicin

 

Magool

 

cadadkuu ilaahay

caradeena joojee

aadan ciida ka alkumay

xaawana cadkiisiyo

feedh calaanta laga dhigay

cishadaa ma uuneyd

caawana ma nooshahay

caqliga sidaa hadalkuye

carab dalab la sheegee

ceeryaamo iyo boodh

ciiro ha isku qarinine

noloshayda caydh iyo

cilmi guraan ku fadhiyin

ku caar caari maaye

caashaqa iska ilow

 

Xasan

 

xalaytabao caweskii

canabay daruuruuhu

cimidh bay ahaayeen

caawana lagu ma oga

wakhtigii ku ciiliyo

cisigiyo wanaaguna

way is daba caraabaan

waxana kuu cadayn kara

caamiyaha indhaha liyo

ma ogtahay curyaankaba

cago loo ma waayine

caynkaa wax loo yidhi

ku wa cararayee ladan

inay ku cibro qataan

caashaqa ha baayicin

 

Magool

 

bada caarid maalmaha

cawa daranta fiidkiyo

caddadaa walaala

cadcedii timaadaan

dadka ruux cadibanoo

waayhuu ku ciiriyo

mid caruusa yaa jiroo

caad iga ma saarnee

ee cilmiyada ilaahay

anigoon aan casiyin

cabsi ha igu galine

adigoon cuud dhaqan

caashaqan ku taabtaan

cudurdaar u yeelee

ceeb kale miyaan dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Iyaah...waxaas aa Jeceel eh...filin hindi maan soo galay mise Somaliaonline aan joogaa?

 

ileen meesha waa lais dabaalin jirey mooyee dadkaan Jeceel eeba la jiran yihiin oo eeba la jiifaan?

 

Waxaaba iigu daran...Aaliyah...weligey waxaan umaleen jiray inee Af Soomaali garaneenin...ileen waaba Master when it comes to Somali songs and their lyrics!

 

 

Mr Admin...igaarkaaga MMA waa xanuunsanyahay... jeceel uu bestiis la yahay ee mau gargaartidoo intee goor-goortahay?

 

 

Widaagey Baashi xittaa hada waa ku cikiseen CEJEELKA... waayo waayo aa soo xasuusiseen fiiri waxa dhidid ka baxaayo iyo xamaasadda ka muuqato!

 

 

Hoosha meesha halaga wado...Jeceel iyo baddaas aniga waa ka xanaaqaa...sida reer Mudug camal aan u inkiraa nooh.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baddacase by C/salaan Macalin Siciid.

 

Dhul biyuhu maraanoo

Xareeduna baliga taal

Wacan bay ku dhalatiyo

Dhul barwaaqo ah ood garan

 

Biraanteedaan waayoon

Baadi doon ku waashee

 

Bariga ay ku nooshahay

Shimbir buuba igu tiri

 

Bararkeeda oon barkadiyo

Basharkeeda ayaan u bogaya

Bishaan dhexdeeda oon helaan

Boqol aan soomaan

Balan ku qaadee

Bilaash laguma dhaartee

 

Buurahaan jecleystiyo

Bartii muuqa dheereyd

Bartankeediyo

Beledweyney ku nooshahee

 

Boqolka soo baxaayeey

Shan iyo tobnaadeey

Baahida aan kuu qabo

Barniyeey, biraan aragaa ha iga tagin

 

Bootin dheer Bureeqa

Oo baalasheedii fidisoo

In ay buubto bilowdoo

Bilcinnadii ka boodaay

 

Berigii aan isbaranaan

Wadnaha boog ku yeeshee

 

Beerkii bay damqadayoo

Boqoduhu kuu basaasee

 

Baddacas baan ku geynayaa

Biyo janaan ku siinayaa

Bogeyga waan ku saarayaa

Badbaado oo aragtiyo

Barwaaqo oo aan gaarnaan

Bilaahi kuugu marayaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faynuus   

Illaahayoow ii caafi ilmaha. kuligood waa sakaraad.

 

Kk adiga oo aboowgaa iyo nuuneeydaada haystaba hadaa calaacaleesid maxaan ka sugaa MMA oo wali cidlo qaboow ku dilay iyo Aaliyah oo dadka u ganbanaysay? :(

 

true colours iga dheh. anigana ma ku biiraa taloow? maya iga dhaaf duq aan ehee aminkaan hadaan calaacal iyo jabkii jaceeyl iga qabsaday ka waramo, ilmaha dhan rajo beel aa ku dhacaayee.

 

Zafir runtaan kugu jeclyahay yaaqeey. u sheeg, never hurt a woman.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

Dabshidow, Hanuuniye heesishiisoo dhami waa cajiib walle...

 

Dambar iyo labeeniyo

Dahab midabki leeyeey

Xuural-ceyntii dunidee

Daawashada u timidee

Dalka lagu maneystee

 

Hadduu diido calafkoo

Aqal labo dayaanoo

Aan xareed ku daaqnee

Inaan dadab wadaagno

Waqtigana naka la diro

 

Anna kuuma dudayoo

Naxariis door weyn iyo

Ducaan kugu sagootiyey

 

Ninka damacu raacee

Dookhu calanka saartee

Guur aad ka doontee

Kugu gacan danbeeyana

Aan dardaaran siiyee

 

Waa libin dadnimaduye

Dunida taan ka doortee

Daji meel barwaaqa

Diihaalka gaajiyo

Dibindaabyo yey arag

 

Daranyadu ma fiicnee

Yey ka noqon maryuhu duug

Ha u yaallo dahabkuna

Daris aan haboonneyn

Yey dareemin qeyladii

 

Dibada iyo gudahaba

Meelaha la daawado

Ee dalxiiska loo taggo

Ha ku doogsatee gee

 

Dusha nabar ha gaarsiin

Ha dagaalin waa gobe

Hadal doqon ma garata ah

Ha ku dayin ma yeeshee

 

Waxaa dihatay hooyadii

Dadnimada ku beertee

Aabaheedna waa diric

Ragna doorkii weeyee

Waa duriyad xalaalee

Waalidkeedna daadihi

(actually in reality Aabeheed was a miskiin man, Hooyadeedna qun-yar socod ayey ahayd)

 

Waxaa jira nin doorroo

Dantu ceeb u yeeshe

Waxaa ayaan darro ah

Hadii waayu diidaan

 

or How about Kuluc and his classics...

 

Diiggaa habeenkiyo

marku waagu daalaco

Dumaroo aad ugsoontahey

Dayaxoo badh kala maqan

Dabuubta ugu yeedhaa

 

Diinkuna madhuunyadoo

Dareemada abaartii

afka uu diidaa

halku g'ugii ku daaqee

 

Ana dookhu yaab lee

sidu iigu kaa diray

Dawoy adiga mooyee

Dumar kale ma eege

 

Dan kaama le taa dhaaf

Waa doqone haw jabin

Dar baa igu yidhaahdee

 

Ama diraadiraalaa

dadka kaa xanaaqee

uunka kugu colaadshaan

inta daaya leeye

 

Daya awrka geeluba

wuxu micida duugaa

dayrta iyo g'uguu

isba dayrcadkiisuu

Sheeda uga doobyaa

 

Marku daalo xiisaa

wuu kali dawaafaa

darba samada cawshu

daruurahaa ka faashaa

 

Ana dookhu yaab lee

sidu iigu kaa diray

dawoy adiga mooyee

dumar kale ma eegee

 

dan kaama le taa dhaaf

Waa doqone haw jabin

Dar baa igu yidhaahdee

 

Ama diraadiraalaa

dadka kaa xanaaqee

uunka kugu colaadshaan

inta daaya leeye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Beledweyney ku nooshahee

MMA, Yaa Beledweyne kuu joogo hee? Last I heard Bari aa ku sugneedee? Iyaah, wax maa iga dambeeyay? Khayrka Allaha badsho...

 

Kk adiga oo aboowgaa iyo nuuneeydaada haystaba hadaa calaacaleesid maxaan ka sugaa MMA oo wali cidlo qaboow ku dilay iyo Aaliyah oo dadka u ganbanaysay?

Jaceyl maa wax heesasho yaqaan...Saas uu ii laliyaa on a daily basis lately...LOL...Haku soo biirin dadkaan jeceylka heysto...Meeshaada kuugu ogahay, hadii kale adoo foor foorinaayo lagu arkaa... :D

 

Heestaanaa labadaan bari ii sareyso ani:

 

Oonbaa biyaha loo cabaa

oomatana qaajo

uurkeyga wuxuu doonayaa

adiga weeyaane

indhahaygu waxay jecelyihiin

inay ku eegtaanee

afkeyguna amaantaaduu

aad u tiriyaayee

ilililaha wadnaha iyo

bogaad igaga taalaaye

alle idin kiiyow

amini ha ina kulan siiso

 

adduunayda ma siisteen

mar qudha aragtidaadiiye

oo awaadaa bay naftani

ololka dayneyne

ilwaad quruxsan

ayaan deeqo

oonka soo diraye

oo wali adoo kale

aragaha ma saarine

unugyada jidhkeygaad

tiniyo udub dhexaadkiiye

ala idin kiiyow

amini ha ina kulan siiso

 

adduunayda ma siisteen

mar qudha aragtidaadiiye

oo awaadaa bay naftani

ololka dayneyne

adimadaydu waxay u ordayaan

adiga awgaayee

afkeyguna amaantaaduu

aad u tiriyaa

ililaha wadnahiyo

bogaad igaga taalaaye

ala idin kii yow

amini ha ina kulan siiso

 

Ar igadaa, igadaa, igadaa...Waa liitaa...

 

BOB, walaalow intaa iga naxdo maa Mudug nimada igu daaratid...Ana aan goorteyda inkiree? Xaasid... :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this