Sign in to follow this  
Maaddeey

Xamar: tartan Quran akhris abaal-marin qaali ah 'sawirro'

Recommended Posts

Maaddeey   

Tartankii quraan akhriska ee wilaayooyinka Islaamiga ah oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho.

 

tatan%20quraan%205.jpg

 

 

 

 

Maanta waxaa Masaajidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho lagu soo gabogabeeyay Tartankii quraan akhriska ee labo maalin ka hor ka furmay Masaajidka Dabaqaynka, tartankaasi oo loo qabtay arday ka kala socday todobo wilaayo oo ka tirsan wilaayooyinka islaamiga ah ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, wilaayooyinkaasi oo dhinac kale marka laga fiiriyo ka kooban sagaal gobol oo kala ah: labada Jubbo, Gedo, Bay, Bakool, Shabeelaha hoose, Shabeelaha dhexe, Banaadir iyo Hiiraan.

 

tartan%20quraan%202.jpg

 

Xafladan maanta oo bilaabantay salaaddii jimce kadib waxaa kasoo qayb galay dadwayne aad u badan iyo masuuliyiin ka socday Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Xarkada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, waxaanay halkaa ka jeediyeen hadalo waano iyo waxsheeg u badnaa.

 

tartan%20quraan%208.jpg

 

Ugu horeyn Xaflada waxaa furay Sheekh Abu Ruqiya oo ah Masuul ka tirsan Maktabka Dacwada ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab, gaar ahaan qaybta quraanka Kariimka.

 

tartan%20quraan%204.jpg

 

Sheekh Abu Ruqiya wuxuu halkaa ka bilaabay in uu mid mid ugu yeero dhammaan ardaydii kaalmaha hore gashay iyo kuwii aan galin intaba, mid kastana waxaa la gudoonsiiyay lacag dolar ah, saacad kaasiyo ah, Shahaado iyo alban quraan ah, waxana dadwaynihii daawanayay mar kaliya takbiir ku dhufteen markii ay maqleen ardaygii koowaad oo magaciisu ahaa Maxamed Aadan Cigaal da’diisuna ahayd 12 jir, yarkaasi oo la gudoonsiiyay labo kun oo dolar $2000, saacad kaasiyo ah, alban quraan ah, iyo shahaado, wiilkaasi oo ku tartamayay 30-ka jus una tartamayay wilaayada gobolada Jubbooyinka.

 

tartan%20quraan%207.jpg

 

 

Dhammaan ardaydu waxay ka simanyihiin alban quraan ah, shahaado, iyo saacad, hadaba halkan hoose ka ka akhri shaxda magacyada ardayda sida ay u kala guulaysteen iyo wilaayooyinka ay u tartamayeen iyo lacagaha abaalmarinta ay u heleen intaba.

 

 

Magaca ardayga

Jusaska

Wilaayada

Abaal marinta

 

1

Maxamed Aadan Ciqaal

30-ka jus

Jubooyinka

$2000

 

2

Cabdiraxmaan Cabdilahi

30-ka jus

Banaadir

$1500

 

3

Anas Macalin Isxaaq

30-ka jus

Bay&Bakol

$1000

 

4

Cabdilaahi M.Max’ud

15-ka jus

Banaadir

$ 800

 

5

Muslix Maxamed Diriye

15-ka jus

Sh.Hoose

$ 600

 

6

C/samad Maxamed

15-ka jus

Jubooyinka

$ 500

 

7

C/Rashid Maxamed

5-ta jus

jubooyinka

$ 400

 

8

Liibaan Macalin C/lahi

5-ta jus

Banaadir

$ 300

 

9

Isxaaq Cabdi Ibraahim

5-ta jus

Bay&Bakol

$ 200

 

tartan%20quraan%201.jpg

 

Sidoo kale dhammaan ardaydii aan kaalmaha galin waxaa lasiiyay midkiiba $200 labo boqol oo dolar, shahaado, alban qur’aan ah iyo saacad kaasiyo ah.

 

 

Kadib halkaasi waxa ka hadlay Masuuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Alshabaab oo marka hore u mahad celiyay waalidiintii iyo macalimiintii kusoo dadaalay ardaydani inay heerkan soo gaaraan, waxaanu booriyay inay dadaalka sii wadaan oo ardaya ay baraan Tafsiirka quraanka Kariimka ah, waxaanu xusay in gobolada qaar uu kusoo arkay 12 jir la xifdisiiyay tafsiirka quraanka kariimka ee ibnu kathiir.

 

 

Sheekh Cali wuxuu intaasi raaciyay in ay jiraan macalimiin quraan oo lagu dhibaataynayo goobaha ay gacanta ku hayaan Murtadiintu kuwaas haatan ku jira xabsiyo tacadiyo loogu gaysaanayo wuxuuna ilaahay uga baryay in uu kasoo daayo.

 

 

Kadib halkaasi waxaa ka hadlay Sheekh Mukhtaar Cali Abuu Mansuur, waxaanu yiri dadkii waxay u jeesteen dhinaca quraanka iyo diinta, waxaanu xusay in gaalo usoo duushay oo ay diidantahay quraanka kariimka ah, waxaanu yiri “Bahuuke iyo asxaabtiisu uma joogaan wax kale oo aan ahayn in kitaabkaasi ay ka hortagaan”.

Ugu dambayn sheekh Abuu Mansuur wuxuu dadka kula dardaarmay in aan lakala reebin kitaabka quraanka ah iyo qoriga Ak 47 oo ah kii lagu ilaalinayay kitaabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Abu-Mansur iyo Cali Dheere ma dhulka hoostiisa ayay deggan yihiin oo ku naaxeen. Sidee haddii ay dagaal ku jiraan sidaan ugu cayileen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
who-me   

Lately religion were used for the wrong purpose. I hope they dont prepare these youngsters to be mindless killers and assassins afterwards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Goormee dhihi doonaan isa soo qarxiya?

 

And lacagta Mareykanka ee doolarka 'xaaraan' inay la ahayd moodee. Mise lacagtaas doolarka iyo hubka Mareykanka sida loo isticmaalo wey yaqaanaan, laakiin waxa kale gaalada isticmaalaan haddii la qaato waa gaalo raac miyaa? Iyagaa dadka saas ku eedeyn jiree.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

MMA, anaga ushii mareerta iyo mastarad ayaa nalagu soo tumay, laakiin ciyaalkaan yaryariska, aake iyo miino aa lugu rakibay... aboo Al-shabaab macalin quran hakuu noqday cadaab waaye... iinsha allah ilaahey ciyaalkaan wuu ka bad baadin doonaa xaqdarada iyo isticmaalka ee ku haayaan caruurta..

 

nuune, maxasuusataa tartaankaan oo kale mar aan qaadi jirnay in Libooye Kenya? loool aboo lacagtaas xagee geesay horta?

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RaMpAgE   

Typically Somalis, always criticizing while not lifting a finger.

 

Cyber Warriors, I am sure Somalia is be proud to have such cyber warriors.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

The prize might be rubbish but, remember, these kids are 'xafadat al quraan' now (regardless of their teachers). Not a simple feat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this