Sign in to follow this  
Jacpher

Awkuuku Passed Away - Alla Yarxamu

Recommended Posts

Jacpher   

15.jpg

 

Majaajiliistihii weynaa C/llaahi Amiir Rooble Aw-kuu kuu oo Muqdisho ku geeriyooday

 

Jimco, March 28, 2008(HOL): Waxaa caawa fiidkii ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Hoygii Fannaaniinta Soomaaliyeed (Ex-Fiyoore) Majaajiliistihii weynAA C/llaahi Amiir Rooble Aw-Kuu Kuu oo ay Dadka Soomaaliyeed intiisa badan ay garanayeen.

 

Marxuumka ayaa wuxuu u geeriyooday xanuun beryahan hayay, kaasi oo uu ugu dambeyntii u geeriyooday. C/llaahi Amiir Rooble Ow-Kuu Kuu oo ka tirsanaa Majaajiliistayaasha waa weyn ee Hobolladii Waaberi waxaa uu xiligii burburka ku sugnaa Dalka Soomaaliya oo uusan ka bixin, isagoo marar qaarkood ka qeybqaadan jiray Bandhig Faneedyo ay sameyn jireen Fannaaniin aan dalka ka bixin iyo weliba kuwo soo baxay xiligii burburka.

 

Sidoo kalena, Fannaanka wuxuu wax ka sameyn jiray muddooyinkan dambe Sheekooyin isugu jira kuwo ka tarjumaya dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya, kuwo ku saabsan Wacyigelinta Bulshada iyo kuwo Jaceylka ku saabsan, kuwaasi oo laga sii daayo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

 

Marxuumka ayaa intii uusan geeriyoon oo aan ku booqannay hoygiisa wuxuu Dadkii u yimaadaba ku lahaa hal kalmad oo ahayd “ii soo duceeya”, wuxuuna ahaa qof aad u xanuunsanayay.

 

Haddaba Ma dhinte waa Alle, qof kastana mar uun ayuu geerida dhadhamin doonaa, sidaas darteed waxaan leenahay Alle ha u naxariisto Aw-kuu kuu Qoyskii, Qaraabadii iyo Ehelladii uu ka tegayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Ilaahay ha u naxaristo dadkiisana sabar iyo imaan haka siiyo insha allah

 

fatboi everyone is going to die walaal it is a matter of time. Insha allah May Allah grant us Jannah, that is the ultimate success.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hayat   

allah yarham. my gosh why do i suddenly see the erosion of somali-culture and somalia as a whole. i know we are all going to die- but to lose cultural people like this only reinforces the gravity of somalias situation.

 

with no one to replace these individuals who have driven somali culture i feel like the somali-culture is going to disintegrate into thin air.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this