Suldaanka

Xukuumadda Soomaaliya: Somaliland waxay diidday in Abiy Axmed iyo Farmaajo oo wada socda ay ka degaan Hargeysa

Recommended Posts

https://www.bbc.com/somali/war-48169464?ocid=socialflow_facebook

 

Xukuumadda Soomaaliya: Somaliland waxay diidday in Abiy Axmed iyo Farmaajo oo wada socda ay ka degaan Hargeysa

Ra'iisul wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in 'Soomaaliland ay khasaarisay fursad dahabi ah'.

Intii ay jirtay dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa hakad ku jiray wadahadalladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland.

* Soomaaliland: Wadahadal lama galeyno Soomaaliya ilaa madaxbannaani nala siiyo

* Edna Aadan oo loo magacaabay ergayga Somaliland ee wadahadallada Soomaaliya

Mahdi Maxamed Guuleed oo ah ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta GoobJoog ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu ku dambeeyo wadahadalka labada dhinac iyo waxa dhankooda u qabsoomay.

"Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas'uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan".

Ra'iisul wasaare ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajoyo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

"Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii", ayuu yidhi Mahdi.

'Soomaaliland waxay lumisay Fursad Dahabi ah'

Hase yeeshee, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliland ay khasaarisay fursad gacanteeda soo gashay.

"Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy", ayuu yidhi.

Farmaajo ayaa markii xilka loo doortay ballan qaaday inuu dardar galin doono wadahadallada labada dhinac ee wajiyada kala duwan soo maray.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa markii ugu horreysay la billaabay sannadkii 2011-kii, markaasoo dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay uu madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Diblomaasiyiin kala duwan oo gaaray Hargeysa

Magaalada Hargeysa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad ugu badnaa socdaalka ay ku tagayaan diblumaasiyiin iyo siyaasiyiin heerkoodu sarreeyo oo ka kala socday dalal iyo hay'ado kala duwan.

Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo oo dalkaas madaxweyne ka soo noqday intii u dhaxeesay sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Madaxweyne Obasanjo ayaa garoonka magaalada Hargeysa waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirada, duqqa caasimada, mas'uuliyiin katirsan axsaabta siyaasadda ee Somaliland, waxaana uu booqasho ku tegay xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil katirsan laamaha kala duwan ee dowladda oo ay kamid yihiin waaxda garsoorka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay madaxweynihii hore ee Nigeria, oo madaxda maamulkaas ay shegeen in booqashadiisu ay tahay mid rasmi ah.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Sidoo kale waxaa siyaasiyiinta socdaallada kala duwan ku tagay Hargaysa kamid ah, Xoghayahii hore ee difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson, oo 6-dii Janaayo ee sanadkan booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wadahadallada Gavin Williamson, uu la yeeshay madaxda Somaliland ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Waxaa sidoo kale socdaallo kuwaas lamid ah Hargeysa ku tagay saraakiil kala duwan oo ka socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Hay'ado kale oo calaami ah, ayadoo ay halkaas booqdeen danjireyaal kala duwan oo caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo dawladaha kale ee gobolka.

4-tii bishii Abriil, ayaa waxaa Somaliland tagay danjireyaal matalayey dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, madaxda Xisbiyada mucaaradka ah, baarlamaanka, guddiga doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Warkaasi waa Run. 

A friend who just came from Mogadishu told me last week that Abiy told Biixi that he and Farmaajo will come to Hargeisa together. Biixi didn't reject out right but requested that he should be given time to prepare. 

Wakhti ha la i siiyo ayuu yidhi. 

If some of us had brought that news, I can assure you that our friend Suldaanka would have rejected, but it is good to hear from the horse's mouth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I heard this a while ago from folks close the Presidency. But I needed more sources.

Whether President MBC rejected it outright or whether it was rejected after consultative meeting with political figures in Hargeisa (which is what happenned), the result is the same. I think it was the right move. 

The last time a President from Mogadishu set foot anywhere in Somaliland territory was back in 1987 when Afwayne returned from signing the peace treaty with Ethiopia's leader in Djibouti. 

And the next time a leader from Mogadishu will be allowed to set foot is when Mogadishu fully recognises Hargeisa's right to dissolve the now non-existent Unity of the 1960. 

There are no shortcuts to this. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Children's work this Abiy and Afwerki are doing.

Even just a meeting itself.

If the meeting is done under Abiy, neither Somalia or Somaliland gets a penny and all the money all the propaganda goes to Abiy.

Afwerki will send his ministers to Somaliland and him travel to Mogadishu to tell UAE that all the work was done by Afwerki, but sent Abiy last minute for appearance, there fore Afwerki takes the credit and of course the money.

Any serious or real talk between them should have been in Djibouti. Period. Anything outside of that is murky and corrupt.

 

Ghelleh will be perfect middle man. He is not all supporting of Somaliland. He is against any war in the area and he might still be inclined for Somalia and Somalialnd to come together by some formulae. He can be good middleman. Abiy and Afwrki cannot.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qisada ugu wayn oo riwaayadan ku jirta waxay iila muuqataa, abey yaa loo diiday inuu hargaysa yimaado farmaajo dartiis.

Sida snm in badan sheegtay cadaw aan ahayn koonfurta soomaaliya kuma laha geeska afrika waana cuqdad gacan ku rimis ah oo ay aduunka ku marin habaabinayeen mudo aad u dheer.

Hadii abey kaligiis imaan laha waan hubaa in ubax qalalan lagusoo dhawayn lahaa, hargaysa siday u dhantahayna lagama seexdeen hadaysanba ka codsan inuu lasii joogo ilaa 18ka may.

Aragtidayda intii amxaar dhexdhexaadin lahaa  waxaa ka fiican inaysan waligood heshiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
3 hours ago, gooni said:

Qisada ugu wayn oo riwaayadan ku jirta waxay iila muuqataa, abey yaa loo diiday inuu hargaysa yimaado farmaajo dartiis.

Sida snm in badan sheegtay cadaw aan ahayn koonfurta soomaaliya kuma laha geeska afrika waana cuqdad gacan ku rimis ah oo ay aduunka ku marin habaabinayeen mudo aad u dheer.

Hadii abey kaligiis imaan laha waan hubaa in ubax qalalan lagusoo dhawayn lahaa, hargaysa siday u dhantahayna lagama seexdeen hadaysanba ka codsan inuu lasii joogo ilaa 18ka may.

Aragtidayda intii amxaar dhexdhexaadin lahaa  waxaa ka fiican inaysan waligood heshiin.

Waxa hore lo yidhi doqontu waslad cada (hilib) ah oo ciida loogu tuuray sadbursiimo ma moodo. Muse Bixi diidmada uu diiday, dheg xumida ay leeday ama reebi lahayd ayu sii arkaayay. Doqon la iska wato sidii xoolaha in Hargeisa ka so dego waa arin ceeb ku ah magac Soomaali meelshi ay joogtaba.  Kolay dhiig xumadiisa dad shisheeye ha ka faa'iidaystaan sida Kikuuyada Kenya, anagu waa ka diidnay in nalagu hor bahdilo.

Hadii uu doonayo inu cid ku soo hoos dhuunto/gabado, inu Ismaciil Cumar Geelle ayaa malaha ka farsamo fiicnaanlahayd. At least, Somali wada hadlaysa ayaa meesha ka muuqanlahayd. 

 

1 hour ago, maakhiri1 said:

Fursad dahab ah, laakin waa cult.

We have standards.  Dad wax diidi kara ayaan nahay. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan dambiga ma joojin kartide iska yaree bisha ramadaan

Aniga iima muuqato somaali heshiinayso in cid dhex gasho waana sida ugu quruxda badan

Balse snm waxaa laga furfuri la'yahay waa in beesha caalamka iyo itoobiya nagu dhex jirtaa hadii kale waxaan u ekaanaynaa gal-mudug iyo hir-shabeele.

Ninkaan farmaajo ah oo aad doqonka layska wato u aragto amuu maslaxdda dalkiisa iyo dadkiisa maqaar ey ugu sexanayaa si adeerkaa biixi ugu godlodo somaaliya itoobiya iyo snm yaa wada hadal u furmay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, gooni said:

Suldaan dambiga ma joojin kartide iska yaree bisha ramadaan

Aniga iima muuqato somaali heshiinayso in cid dhex gasho waana sida ugu quruxda badan

Balse snm waxaa laga furfuri la'yahay waa in beesha caalamka iyo itoobiya nagu dhex jirtaa hadii kale waxaan u ekaanaynaa gal-mudug iyo hir-shabeele.

Ninkaan farmaajo ah oo aad doqonka layska wato u aragto amuu maslaxdda dalkiisa iyo dadkiisa maqaar ey ugu sexanayaa si adeerkaa biixi ugu godlodo somaaliya itoobiya iyo snm yaa wada hadal u furmay?

Awoowe, hadii runta la sheego miya la danbaabaya? In Abiye Ahmed sidii neef xoolo ah kolba dhinac u kaxayso Cheeseman so cid walba ma oga.

Arinka ah in Hargeisa laga soo dego, waa arin ku dhashay Abiy Ahmed kolkii uu diyaaradda dhexda ku jiray. Cheeseman choice ama kala doorasho lama siin ee, Abiye Ahmed Hargeisa ayuu la soo hadlay si uu uga helo ogolaansho. Hargeisa waa reject gareeyasay.

Qofka kolka ay fikir kiisa ka timid oo ay tahay siyaasad qoto dheer iyo kolka sidii neef xoola ah kolba dhinac loo kaxaysto, waa laba arin oo aad u kala fog. 

Mida aad sheegtay Hargeisa in meel caalami ah lagu kala furdaamiyo Mogadishu, waa arin loo baahanyay. Arinka Hargeisa iyo Mogadishu Cheeseman majaraha uma hayo, Hargeisa ayaa majaraha u haysa. 

Qofka aad la hadlaysa kolka hore waa inu sifooyin leeyay si wada hadalkaa midho dhal u noqdaan. Waxa ka mid ah 1. inu qof go'aanleh yahay ama qaadan kara 2. Inu qof aan wuxu saxeexo hadhaw gocasho ka keenin yahay 3. Waa inu yahay qof contract la wada galaayo difaaci kara.

Anigu uma arko Cheeseman qof intaaa baa sifooyinkeedi leh. 

Madaama beesha Caalamka doonaysu in wada hadal lagu kala baxo, Somaliland waxay leeday dad markhaati ka noqda waxa lagu saxeexaayo oo fulin kara ama ku qasbi kara dhinicii ka baxa heshiiska in dhexdhexaadiyaan. 

Anigu shakhsiyan waxaan qabaa in Somaliland shuruudaha waliba sii adkayso, maha in Somaliland la kulanto Cheeseman oo Mogadishu ba laga necebyay oo cago aan sidaa u adkayn ku taagan. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Simply show off and like children wanted to show Djibouti.

Bravo Somaliland.

Meeting of the two should be either where there is big reward money for just holding the meeting like in Saudi Arabia or no money and real talk in Djibouti, most preferably in secret.

The fact that both Ethiopia and Eritrea do not want Djibouti or Kenya here is bad very bad intention ed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan

Wax badan yaa isaga kaa qasan awoowe.

Sodon sano bay snm beesha caalamka hor taagnayd waxbana kamasoo naasa cada sida muuqata

Koonfurtana sidoo kale sodon sanoo towfiiq xumaa bay kusoo jireen

Xalkii waxaa gacanta loo geliyay itoobiya iyo waxa loogu yeero IC.

Hadii arrintu meesha taala ay snm majaraha u hayso ayadaa surwaal le'eg ku tolan lahayd caalamka dhinac ka raaci lahayd.

Dhiiqada meesha taala soomaaliyoo dhan bay lugaha ugu jirtaa koonfur galbeed bari iyo waqooyi.

Farmaajo nin layska wato ma'ahan wuxuu doonayaa in itoobiya fara gelinta ka dayso gobolada soomaaliya wuuna ku guulaystay in badan in kastoo ay adag tahay in itoobiyaanku kasii jeesto qowm aan is doonayn jacaylkoodana la seexan la'

Muqdisho madaxweyne nool oo naftu ku jirto waligood ma jeclaan, hadana laga sugi maayo sababtoo ah dadkii jacayl yaqaan yaa wax jeclaada.

Snm waa daciif inay shisheeye iyo itoobiyaan isku xoqdo mooyee ma qabo inay oday soomaliyeed noqon karto.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Quote

"Farmaajo nin layska wato ma'ahan wuxuu doonayaa in itoobiya fara gelinta ka dayso gobolada soomaaliya wuuna ku guulaystay in badan'"

Hadii aanay ahayn wax laga murugoodo, waan ku qosli lahaa runtii. Danaha laga fushaday Cheeseman xataa warlordkii Mogadishu ayaa ka dhiidhiyi jiray. Dal kale oo ONLF listka argagaxiso ku daray aduunka ma jiro aan ka ahayn TPLF iyo Cheeseman. 

Waligeed sheeko iyo shaahid laguma arag madaxweyne dal oo madaxweyne kale oo dal shisheeye sidii xaaskiisi diyaaradda saartay oo daadahinaayo. Waa ceebta Cheeseman taariikhda u galaysa.

Waxa kaga darane in wax walba laga soo dhamaystay hadii ay tahay Uhuru Kenyata ama Musevini. 

Cheeseman laba ayay noqonaysa 1. inu yahay qof runtii aad u bahdilan oo wuxu diidayaaba jirin. 2. In siro badan iyo sawiro waa wayn laga hayo oo doonayn in debada uso saaran siiba Ethiopia. 

Arinka Somaliland, alxamdilah, waligeed dal shisheeye ciidan uu leeyay so ma hungiryay iska daa inay cago soo dhigaan. Waa laga yaaba Leyu Boolis ayda sakhraansan inay xadka meeshu yahay ayago habaw ah ka so talaabeen mudo kooban oo daqiiqado ah. 

Wax Somali la yidha ma jirto ee awoowe, indhaha kala furo. Somali ayada ayaa cadawga koowaad isku ah. Kolka sheekada caruurta ugu sheeke.

Quote

Sodon sano bay snm beesha caalamka hor taagnayd waxbana kamasoo naasa cada sida muuqata

Koonfurtana sidoo kale sodon sanoo towfiiq xumaa bay kusoo jireen

Xalkii waxaa gacanta loo geliyay itoobiya iyo waxa loogu yeero IC.

Hadii arrintu meesha taala ay snm majaraha u hayso ayadaa surwaal le'eg ku tolan lahayd caalamka dhinac ka raaci lahayd.

Sodon sano oo nabad iyo horimar ah. 

IC ayaga ayaa aduunka ka diig ah maanta. Waa ku khasbantay in lala shaqeeyo, ama diid ama doon. Waa shay aanad iska indho tiri karin. 

Somaliland ahaan, IC ul dheer ayaan iskaga hayna arimaha gudahaya kama taliyaan ee waxay noqdeen balo loo baahanyay kolka arimaha debadda laga hadlaayo ee cilaaqaadka aduunka. Waa wado aanad ka talaabi karin adiga oo la jaanqaada mooye. 

Kolkaan ku leeyay Somaliland ayaa majaraha u haysa, waxaan uga jeeda wixii miiska lagu wada hadlaayo SOmaliland ayaa keenaysa oo Mogadishu ku qasbantay. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Suldaan nin aqoonyahan oo muxtaram ah yaad ahayd balse aqoon beesha dhaafsan waad ka indho beeshay.

Farmaajo siyaasada uu soomaaliya ugu yimid ama loo doortay waxay ahayd dad kala qaybsan oo qoys qoys u kala degan itoobiyana korka ka maamusho.

Intaa miyaad igu diidantahay walaalo?

Maxay tahay shaqada ugu horaysa oo uu qaban karo aqoontaada markay noqoto arimaha dibada ee dalka qaabka noocaas ah kusoo dhaqmayay sodon sano?

Waa inuu la kulmaa taliyaha guud, diyaarad la raacaa layska wataa si ugu yaraan uu fara gelintu uga yaraato.

Taasna wuu ku guulaystay waana midda keentay in dumarkii oo dhan caroodaan.

Ma yeelan karo khayaar uu madaxa ku taago mar hadii dadkiisa iyo dalkiisuba gumaysi dadban iyo mid toos ahba labadaba ku jiraan

Ma maqashay gabaygii

Ha laydilo, ha lay dayriyoo doqon ha laymoodo.

Duleedyada ha laygala hadloo, dumarku ha hiifo.

Jeeraan dubaha meel la helo aan iska duubnaado.

Markhaati waxaad ka ahay inaadan aragti dheer lahayn doodaada dulucdeedu waxay kusoo ururaysa, beeshayda itoobiya uma talin karto toos ahaan balse maskaxdeedaa la midaysan.

Soo ma ogid in dhakhtaradu cudurka maskaxda gala aysan si sahlan ku dawayn karin markii la barbar dhigo kan jirka caadiga ah ku dhaca?

Si kastaba farmaajo iyo golihiisa barakaysan labaduba sumucadii soomaaliya qayb fiican bay kasoo celiyeen oo aan la inkiri karin wayna ka fiican yihiin kuwii iska qosli jiray ayadoon wax lagu qoslaa meesha oolin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, gooni said:

Farmaajo siyaasada uu soomaaliya ugu yimid ama loo doortay waxay ahayd dad kala qaybsan oo qoys qoys u kala degan itoobiyana korka ka maamusho.

Intaa miyaad igu diidantahay walaalo?

Ma arko wax is bedelay awoowe. hadii aad adigu wax aragtid bal noo balbalaadhi warka.

TPLF hadii xukunka sii joogi lahayd wali General Gabre ayaa Villa Somalia office ku dhex lah'aan lahaa. 

Laakin intii Abiye Axmed yimid ayu isagu dantiisa wuxu u gartay inu wax ka badalo siyaasaddi TPLF. Taa macnaheedu maha Ethiopia faraha way kala baxday, xaasha. Taa macnaheedu waxa weeyan Abiy Axmed wuxu urursanayaa/consolidation awoodiisa wali aan saldhigan. Hadii aad dib u noqoto Meles Zenawi 1991kii kolkii uu yimi waxay ku qaadatay mudo 4 sano ah inu koonfurta ciidankiisa geeyo oo Baydho kala wareego ciidanka Ina Caydiid. 

Kolka waxan ku odhan lahaa, maadaama wax is bedelay aanu jirin, xisaabta laguma darsado nin kale shaxda godka uu guuray ee u inshaartay in Afaray u noqon doonto waa Abiye Axmedeh.

Cheeseman saxeex wuxu ku duugi karaayay oo u fududayn karaayay waa sameeyay, laakin waaciga jira ayaa mar walba dabar kuu ah. 

Anigu waxaan u arkaa in Cheeseman yahay doqonkii ugu wayna abid ee Somali soo mara.  Taariikhduna sida ayay qori doonta. 

 

5 hours ago, gooni said:

Markhaati waxaad ka ahay inaadan aragti dheer lahayn doodaada dulucdeedu waxay kusoo ururaysa, beeshayda itoobiya uma talin karto toos ahaan balse maskaxdeedaa la midaysan.

Ethiopia waa jaar, waliba waa dawlad hadii gobolka loo eego ugu quwadda wayn. Saamayn wey yeelan kartaa. Laakin Somaliland marna ba ka suurtowdo in Ethiopia u kala dheerayso sida koonfurta ka dhacda.

Somaliland iyo Ethiopia waxa ka dhaxeeya dhulka oo dadka labada dhinac degaaba waa isku ul iyo diirkeed. Waxa ka dhexeeya waa ganacsi iyo amniga labada dhinac oo la iska kaashado.

Wax kale oo ka dhexeeya ma jiraan. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Talks  should be held in Ethiopia  Kenya  the U.K.  and only with  mediation.     It's pointless to invite farmaajo  to hargeysa  or for president  muse biixi.  Because  wa  in horta  sii  fiican loo  kala baxa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.