Sign in to follow this  
Juje

Somali Woman, 5 daughters die in apartment blaze + PICS

Recommended Posts

Juje   

Ina Lillahi Wa Ina Illeyhi Rajicuun

 

Somali Woman, 5 daughters die in apartment blaze

 

Sunday, July 26, 2009

 

A Somali woman and five of her daughters were killed Saturday night in an apartment fire in Stockholm, Swedish authorities said.

The 42-year-old and her family had attempted to escape the fire and smoke via the stairs and were found in the stairwell of the six-story building, police said. The woman's sixth daughter is in hospital in a critical condition. The youngest victim was around one-year-old.

The family lived in an apartment above the fire. A resident of another apartment in the building was also taken to hospital.

Police said the cause of the blaze, which started in a ground floor apartment, was not yet known.

"There are no signs to suggest that a crime is behind the fire, but we have started an investigation into the cause of the fire," Stockholm police spokeswoman Karin Solberg said.

 

Source: CNN, July 26, 2009

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Sweden: Hooyo Soomaaliyeed iyo Shanteedii Carruur oo ku dhintay dab ku qabsaday Gurigooda

C/laahi Cilmi Maxamed (Asad)

Sunday, July 26, 2009

 

Stockholm, Sweden (HOL) - Waxaa magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda Rinkeby oo ah meesha ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan eek u nool magaaladan ka dhacay xalay dab sababay dhimashada hooyo iyo shantteda carruur. Hooyo Rodo iyo shanteeda gabdhood oo u dhexeeyey da’da 16 jir iyo gabar yar oo dhalatay dhamaadkii sanadkii hore, waxay ku xirmeen wiishkii ay rabeen in ay hoos ugu dagaan si ay uga carraraan dhab ka dhacay guriga ay deggaayeen, oo ah sar shan dabaq ah.

Waxa uu dabku ka bilowday guriga reer kale oo Soomaaliyeed oo iyagu deggan dabaqa hoose ee dhulka la siman, waxaana dabka sababay cilad dhinaca korontada ah. Hooyada iyo carruurta dhimatay waxy degganaayeen dabaqa shanaad, kuwaas oo markii ay arkeen guriga hoostooda ku yaala ee gubanaaya is yiri hoos u degga oo wiishka raaca. Kadibna waxaa ku xirmay wiishkii ay soo raaceen, waxaana qabsaday qiiq iyo holac.

Waxaa dabka ka badbaaday aabbihii reerka iyo laba wiil oo bannaanka ku maqnaa. Waxaa sida la sheegay ka soo daahay kooxdii dab-demiska oo markii ay yimaadeen howshoodii galay. Waxaa kaloo jira dad kale oo aan Soomaali aheyd ooiyaga ay waxyeelo ka soo gaartay balse aanan ku dhiman.

Badkan iyo dhimashada dhacday waxaa wax ka qoray dhamaan wargeysyada ugu waaweyn ee dalka Sweden. Waxaan socda kulanno ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada Stockholm, gaar ahaan xaafadda ay wax ka dhaceen.

Khasaarahan waa midkii ugu xannuunka badnaa ee soo gaaray Soomaalida ku nool waddankan gaar ahaan magaalada Stockholm.

 

C/laahi Cilmi Maxamed (Asad), Hiiraan Online

Stockholm, Sweden

 

 

GurigaDabkaQabsaday1.jpg

GurigaDabkaQabsaday.jpg

GurigaDabkaQabsaday3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Ilaahay dhamaantood ha u wada naxariisto.

 

 

Hooyada iyo carruurta dhimatay waxy degganaayeen dabaqa shanaad, kuwaas oo markii ay arkeen guriga hoostooda ku yaala ee gubanaaya
is yiri hoos u degga oo wiishka raaca.
Kadibna waxaa
ku xirmay wiishkii
ay soo raaceen, waxaana qabsaday qiiq iyo holac.

It is the responsibility of the owners of the apartments to let the people dwelling there know more about the health and safety in case of emergency or fire.

 

 

It is a BIG no to take wiishka even if there is a false alarm, always da stairs.

 

 

The Somali community in Stockholm specially in Ringkbey waa iney xil iska saaraan sidey ugu sharxi lahaayeen qoysas badanoo sidaas oo kale apartmentsya dagan balse aan waxba ka aqoon health and safety in case of emergency.

 

 

Tii Ilaah baa qorneed laakinse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun, Ilaahay dhamaantood ha u wada naxariisto.

 

 

quote:

Hooyada iyo carruurta dhimatay waxy degganaayeen dabaqa shanaad, kuwaas oo markii ay arkeen guriga hoostooda ku yaala ee gubanaaya
is yiri hoos u degga oo wiishka raaca. Kadibna waxaa
ku xirmay wiishkii
ay soo raaceen, waxaana qabsaday qiiq iyo holac.

It is the responsibility of the owners of the apartments to let the people dwelling there know more about the health and safety in case of emergency or fire.

 

 

It is a BIG no to take wiishka even if there is a false alarm, always da stairs.

 

 

The Somali community in Stockholm specially in Ringkbey waa iney xil iska saaraan sidey ugu sharxi lahaayeen qoysas badanoo sidaas oo kale apartmentsya dagan balse aan waxba ka aqoon health and safety in case of emergency.

 

 

Tii Ilaah baa qorneed laakinse.
Nuunka, anigaba waa yaabanaa see wiish ku raacee iyada iyo reerkeedaba ku jiraan sar holceyso, adduunkaba lagama ogalee. Laakiin tan ayaa horey u aqriye:

 

"The 42-year-old and her family had attempted to escape the fire and smoke via the stairs and were found in the stairwell of the six-story building, police said."

 

Kan warka Soomaaliga qoray amee wax ka qaldanyihiin koley, mise others are downplaying that wiishka ku geeriyoodeen. If it is, baaritaan weyn imaaneyso.

 

Eebba ha u naxariisto hooyada iyo barbaarteedaba. Samir iyo iimaan reerkeedana.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

iimaankeyga Ayaa i Siinaya in Aan Xamilo Dhibta Igu Dhacdey

 

zvakbn.jpg6s5q8k.jpg

 

Qoyskii balaarnaa ee Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa ka haray laba wiil oo yar yar kuwaas oo da’doodu tahay 3 iyo sideed jir. Xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay waxa ay ku dhinteen masiibadii dabka ee ka dhacdey Rinkby Stockholm, Sweden. Waa imaankeyga midka awooda ii siinaya in aan xamilo karo dhibta. Allaah ayaa i siiyey reerkayga haddana isaga ayaa iga qaadey, ayuu yiri Yusuf.

 

Yusuf Maxamed Maxamuud waxaa hal mar uu waayey xaaskiisi iyo shan caruur ah oo uu dhalay, waxaa u haray labadiisi wiil Mubashir iyo Mubaarak.

 

Yusuf waxa uu aadey in uu koob kaffe ah la soo cabo saaxiibkiis. waxa uu ku yiri caruurta guriga gudihiisa ku cayaara wax yar kadib ayaan soo laaban, laakiin dib danbe uma arag xaaskiisi iyo shan hablood oo uu dhalay iyaga oo nool.

 

- Ma fahmi karo in dhamaantood dabkii ay ku dhinteen ayuu yiri Yusuf.

 

Markii Joornaalka Aftonbladet uu la kulmay Yusuf Maxamed Maxamuud waxa uu la joogey labadiisi wiil Mubashir 8 jir iyo Mubarak 3 jir.Markii dabku kacay banaanka ayey ku cayaarayeen sidaas ayeyna uga bad baadeen masiibadii ka dhacdey Rinkby Stockholm.

 

- Ma aan ka qarin karo wiilkayga wayn waxa dhacay, waan u sheegay in uu waayey hooyadiis iyo dhamaan shantii hablood ee la dhalatay.

 

Codka ayaa ka kala go’ay Yusuf cabaar ayuuna fadhiyey isaga oo aamusan, inta aanu hadalka sii wadan:

 

- Ma aamnisani in wiilkayga yar uu fahmi karo waxa dhacay. Waa ilmo aad u yar.

 

Sideed bilood oo Keliya

 

Dhamaan intii kale qoyska shan hablood oo ay ugu yartahay gabadh sideed bilood jirta, iyo Xaaskiisi, waxa ay ku sugnaayeen guriga marka dabku dhacayo waxa ayna isku dayeen in ay banaanka uga baxaan guriga.

 

Laakiin taasi may dhicin in ay ka badbaadaan dabka waxaana dhamaantood laga helay iyaga oo yaala jaranjarada guriga dabaqa ah ee ay deganaayeen.

 

Saacaddu markey ahayd 10:00 fiidnimo Yusuf waxa uu ogaadey in dhamaantood ay dhinteen.

 

- Waxaan ogaadey in aan waxba samayn karin. Diinteyda ayaa awood ii siineysa in aan xamili karo dhibta igu dhacdey. Allaah ayaa i siiyey qoyskeyga haddana isaga ayaa qaatay.

 

Yusuf il isku qabad xitaa ma aanu seexan. jirka oo dhan ayaa i damqanaya ayuu yiri Yusuf.

 

Ku wareegidii Isbitaalada Stockholm

 

Habeenimadii waxa uu ku wareegay inta badan Isbitaalada Stockholm si uu cadaymo u helo, qoyskiisi ah.

 

- Waxaan doonaayey in aan arko caruurteydi. Waan awoodi waayey in aan rumeysto dhimashadooda.

 

Yusuf waxa uu ka hadley saacado ka hor qoyskiisa hal mar ay wada casheeyeen caruurtuna kubad ku cayaarayeen guriga dhexdiisa.

 

Saacaddu markey ahayd 8:00 fiidnimo ayuu banaanka u baxay si uu ula kulmo saaxiibkiis si ay kaffe ugu wada cabaan centerka Rinkby.

 

Yusuf caruurtii ayuu macasalaameeyay isaga oo u sheegay in ay ku cayaaraan guriga dhexdiisa.

 

- Waxaan ku iri caruurta aabe mar dhaw ayuu soo laaban. Guriga gudihiisa ku cayaara, maadaama amnigu sidaas ku jiro. Way qosleen waxayna igu yiraahdeen waa hagaag Aabe.

 

Teleefon ayaan Direy lagamse Jawaabin

 

Wax yar kadib waxaa igu soo dhacay telefon, waa mid ka mid ah deriskayga, waxa ay ku qayliyeen in cimaaradii aan deganaa ay gubanayso.

 

- Waxaan wacay telefoonka gacanta ee xaaskeygi, iyo weliba kii guriga , laakiin lagama jawaabin. Markaas ayaan fahmey in xaaladu aysan caadi ahayn oo ay wax dheceen.

 

Yusuf waxa uu bilaabey in uu ku ordo dhankii guriga, isaga oo calooshu hureyso.Markii u ku soo dhawaadey guriga waxa uu arkey olol ka soo boodaya dariishada guriga iyo

 

qiiq madow kaas oo cirka isku shareeray. Waxa ay ahayd sidii isaga oo arkaaya riyo naxdin leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this