Sign in to follow this  
RedSea

HCTV(Horn cable tv).

Recommended Posts

Waar niyow kaas weli ma daawanba ,, somehow i'm not following those somali TVs ,, say Universal, RAAD, HCTV, etc ,,,,,,,,,,, Horta maxay sheegaan ??

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Libaax,

 

SBC looks awsome. I can't believe it that bosaaso has two cable tv. Ayada lafteeda ayaan dab yar shideen.

 

JB,

 

caadi maaha walle sida ay warka usoo gudbinayaan. halkaa kadaawo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Telefeeshinka caalamiga ah ee Horn Cable Tv. Oo kamid ah telefeeshinada ku baxa afka Somaaliga kuwooda ugu waa weyn, ayaa markii koowaad hawada Yurub soo galay oo laga hirgaliyay. Telefeeshinkan oo ka baxa ama laga daawado waddamada Afrika, Carabaha, Australia, America, wuxuu ka maqnaa oo qudha waddamada Yurub.

 

 

Haddaba xalay ayuu markii kobaad soo galay hawada waddanka Ingiriiska, yadoo dad badan oo xiisaynaayay inay dawadan Telefeeshinka Horn Cable Tv, ay fariimaha halka laga dawan karo isugu gudbinayeen telefoonada gacanta iyo fariimo ay isu dirayaan.

 

Horn Cable Tv wuxuu hadda jiray muddo sannado ah wuxuuna si xawaare ah ugu fiday dhammaan dhulka Somaalidu degentahay. Waxaana ka baxa barnaamijyo xiiso leh. Haddaba waddanka Ingiriiska iyo waddamada Yurub oo ay ku dhaqan yihiin Somaali aad u tiro badan ayaa soo dhaweeyay hawo soo galitaanka uu hawada soo galay Horn Cable Tv, xarunta Yurub ayaa noqon doonta magaalada London, siduu ii sheegay Abwaanka saxafigana ah Cali Axmed Raabi (Cali Seenyo) oo kamid ah masuuliyiinta Telefeeshinkan ee carriga Ingiriiska. Sidoo kale waxaa loo qaban doona furitaanka rasmiga ah xaflad ballaadhan oo lagu daah furaayo, xalay ayuu si tijaabo ah u soo galay hawada waddanka Ingiriiska. Haddaba haddii aad doonayso inaad daawato frequency’ga uu ka soo galaayo ayaa ah

Hotbird 10815 (H) 27500. Waa hadad joogto waddanka Ingiriiska, ama Yurub. Wixii ka soo kordha wararka Telefeeshinka Horn Cable Tv

 

 

holhol.net

 

 

holholnews@hotmail.om

 

 

Telefishanka Caalamiga ah ee Horn CableTv oo markii ugu horaysay si rasmi looga daawaday Dalalka Yurub

 

 

 

 

 

Hargeysa January 28, 2011 (HCTVnews)- Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah looga daawaday dalalka Yurubta.

 

Horn Cable Tv oo ka mid ah Telefishanada afka soomaaliga ku hadla kuwa ugu waa wayn ayaa hore looga daawan jiray Wadamada Afrika, Carabaha, Australia iyo America isagoo haatana si rasmi ah u galay Dalalka Yurub, kuwaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen dadweynaha Soomaalida eek u dhaqan dalalkaasi, waxaana guud ahaan inta badan laga dareemayay dalalkaasi gaar ahaan dalka Ingiriiska inay dadka Somalida ahi si weyn u xiisaynayeen soo galitaanka hawada iyagoo inta badan iskugu dirayay fariimaha iskuguna bushaaraynayay.

 

Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa ku baahay dhamaan dalalka ay adduunka kaga sugan yihiin Somalidu, kaasi oo ka haqab tiray dhinaca wararka ee Caalamka iyo xaaladaha ku soo kordhay aduun waynaha iyo Somalidaba meel kasta oo ay joogaan, iyadoo xaflada furitaankii si rasmi ah loogu qaban doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

 

Maxamed Kuraase

 

Kuraasevip2@hotmail.com

 

Horn Cable Tv

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this