Sign in to follow this  
Nur

Camelot!

Recommended Posts

hodman   

Originally posted by Sharmarkee:

[but all in all this guy said it all:

 

Maansooy nin Kugu duul

Nina maalin kugu dood

Nina dhuuni kaa doon

Nina derejo kaa dhigay

Nina nabarka kugu damaq

Nina dakharka kugu dhayey

Nina doogta kugu kici

Nina ololka kugu demi

Nina nabada kugu didi

Nina belada kugu dadab

 

Nina dookha caashaqa

Kaa dhigay daf loo tumo

Oo ka doorkan joogiyo

Dura gabayadii jiray

 

Intuu heesta kugu daro

Jacayl kugu dalaandali

Marna darayamuus iyo

Dhaclihi dunta ahaa

Aduu kuu derays yahay

Dumar kugu buraambure

---------Ibrahim Gadhle

 

May be we need anew thread called Sugaan Fiesta:

 

Salaam [/QB]

That is just brilliant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Gabay:Ammaan-geel

 

Gabaygan waxaa tiriyey cabdi galayax oo ah Abwaanada Soomalida kuwa loogu sacab tumo xaga Ammaanta geela iyo jeclaanta geela uu u qabo waxuu yidhi:-

 

 

Haddaan baawar kama waayayee, bilo dhaqaaleeyo

Barrimada caleentana leh haddaan, bariba meel geeyo

Markay balaxsi doontana haddaan, dhanaha boobsiiyo

Bartuu fadhan ku yaallana haddaan, baalash kaga jiido

Middii aan dhukaan bido haddaan, biimo ku ogaado

Goortii ay bogsootana haddii aan, badhika fuudsiiyo

Haddaan baanto xooluhuba way, badan xumaadaane

 

Baadida lumaysiyo haddaan, baylah ka ilaalsho

Bahalkiyo waraabaha haddaan, Baar ka celinaayo

Haddaan baytimaal kuma gashee, Buro xannaaneeyo

Inay bulanto mooyee haddii, bixinta loo diido

Haddaan naago kuma baayacee, baali laga dhiibin

Barbaarnimiyo doobnimo haddaan, baaqi ku ahaado

Anigoo basaas qaba haddaan, bawdka hore seexdo

Boolbaraha ciiddiyo haddaan, boorashka u jiifo

 

Waa baxarka gelee haddaan, bidho ku haaneedo

Bakhayl magac ma yeeshee haddaan, bixiyo dheefteeda

Haddaan labanka Boodey martida, ugu bashaasheeyo

Bun haddaan u dubo oo wadaad, baro ku yaasiimo

Haddaan baraha jiilaal kobtii, baadle ku ekeeyo

 

Oon baagamuuddiyo u huro, inaan ka baashaalo

Bandarada magaaliyo haddaan, balad u moogaado

Buugtiyo iskuullada haddaan, barashadood daayo

Haddaan kabo banbiira ah toshiyo, rabadhka baabuurta

Haddii anan bashlaynine xarrago, baal isaga tuuro

Baqoole iyo guuraba haddaan, baadhi la ahaado

Bilaheeda oo idil haddaan, Baayir daba joogo

 

Barigay dhalaysana haddaan, boqon ku seeteeyo

Barqin horada laba goor haddaan, baaciyoo celiyo

Goortay cabbaar biliqsatay, meel isbabacdaaye

Bishamaha madow iyo markay, buulka hore keento

Bisinkiyo haddii aan u maro, baabaddii nabiga

Haddaan nirigta beydaanka dheer, bogga ka soo jiido

Bishaaraan idhaahdaa intaan, bururo reynreyne

Basarka geela loo dhaqo haddaan, baab walba idleeyo

Intaasoon ku baaqtamay haddaaan, been ka dhigi waayo

Saw badashadiisu waa waxyare, boqol ma dhaafaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Qudhubow. The poem, though poorly composed, and harbors contradictory assertions, is a good one still. Galayax’s other poem with similar theme has a lot more literary agility, and a superbly arranged stanzas. . Here are few leading verses from his famous poem;

 

Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye

Kobtii qadowga laga daaqi jirey, qoob la dhigi waaye

Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile

Waakaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode

Qodqod iyo qallaalkii Kigliyo, Quracshil oo doogtey

Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalaxkadheeraaday

Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle

Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka

Qulunquulka suubaanka iyo, qaaxawadeheeda

Quraar faraq leh qodaxtoosha iyo, qaalalyada saarka

Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyey baarkaaga

Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay

Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshey

Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda

Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene

 

Aaway raggaadii? Bal car garo bay taagantahay :D . Sharmarkow waa lays hayyaa! :D

 

 

P.S: You see, I can safely bet (figuratively) every penny in my pocket not many nomads, here, understand what this poet is talking about.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

LOL. I said I was talentless, not emotionless. :mad:

 

Warka noo dildilaaci ninyahow, oo gabayga noo sharax. You know it's bad when the gallery begs for commentary, right? We should be afforded one sans any begging. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wuxuu yiri:

 

Wixii geela lagu qeybsan jiray gabaygu sow maahan?

Wixii gamaan faras looga dagi jiray, gabaygu sow maahan?

Wixii guurka loo dooran jiray gabaygu sow maahan?

Wixii guubaabo iyo nabadba gala gabaygu sow maahan?

Xiinfaniin Yare waxaan ku gubay gabaygu sow maahan? :D

 

Gantaalaha wixii kaga darnaa gabayga sow maahan?

Ilaahey wuxuu nagu galaday gabayga sow maahan?

 

Nacam, walee Castro hadaadan xiinfaniin gabay iskaga dhicin, waligaa soomaali waxaad ka joogeysaa meesha uu ngonge dhex mutaxan yahay!

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

Thanks Qudhubow. The poem, though poorly composed, and harbors contradictory assertions, is a good one still. Galayax’s other poem with similar theme has a lot more literary agility, and a superbly arranged stanzas. . Here are few leading verses from his famous poem;

 

Geelyohow Qulciyo la isu diid, qolalkii xaarnaaye

Kobtii qadowga laga daaqi jirey, qoob la dhigi waaye

Qax baan kaaga soo waday dhulkay, qadadu kuu tiile

Waakaas qiyaamuhu ka dhacay, qarankii toomoode

Qodqod iyo qallaalkii Kigliyo, Quracshil oo doogtey

Qawdhaha Ardaayaale iyo, Qalaxkadheeraaday

Qurqurada caleentiyo dharjada, qubatayee hawle

Qajigii hareeriga ku yiil, qaranradii hawdka

Qulunquulka suubaanka iyo, qaaxawadeheeda

Quraar faraq leh qodaxtoosha iyo, qaalalyada saarka

Intaas oo qashkii hoos ka baxay, qariyey baarkaaga

Adigoo qummaati u cunoo, qiro ku soo yeeshay

Oo qadi madow wada noqdoo, qaarka wada deyshey

Ama qaayo uga soo darmaday, qararka hoostooda

Inuu kurusku qaab kuu baxiyo, qurux ma weydeene

 

Aaway raggaadii? Bal car garo bay taagantahay
:D
. Sharmarkow waa lays hayyaa!
:D

 

 

P.S:
You see, I can safely bet (figuratively) every penny in my pocket not many nomads, here, understand what this poet is talking about.

Salaam,

 

Good Xiin, Qabo waa kanee (Encore)

:D

Cumar Xaji Xuseen (Austaralia) in Amaan Geel

 

Dhudaa gabay haddaan Maxamadow dhuuxa ka abbaaro

Abidkayba xarafkaan dhigaa dhaxalgal weeyaane

Anigoo dhallaanaan xafiday dhihitinkiisiiye

 

Caawuu gadhkaygii dhafmoo dhabannaday buuxshay

Inuu xarafku iga dheelliyaa waa dhegxumo weyne

I dhegaysta caawana tix waan dhaabadayn jiraye

 

Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye

Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede

Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha siima dhaafsana'e

 

Lo'da dhiiqda laga maalayiyo dhayda iyo xoorku

Dhudhunkay biyaha kula jirtiyo dhabarka weeyaane

Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye

 

Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka

Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday

 

Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane

Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele

 

Dheeraad u raaca iyo bilay dhacarsataa Hawde

Iyadoo dhinbiishii suuda iyo dhilatay maygaagga

Iyadoo dhammaan wada rintoo dhaaddan oo quruxsan

 

Oo farowga oofaha ku dhigay dhinacu goobaystay

Iyadoo dhawaysoo candhiyo dhays la socon weyday

Ayey jeelka kama dhawrsatee dhanaha xiistaaye

Dhabbaduu ku soo ururiyaa dhoobigii jiraye

 

Markay dhawr habeen soo dhaxday Dhamal timaaddaaye

Dharaar bay carrada joogsataa oy dhegadka ruugtaaye

Habeenka waxaa laga dhiijaa dhay habeed badane

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.

 

Dhag salaaddu goortay tidhaa bay dhacanta jiidhaaye

Dhismaha naadhka iyo wiilashay laba u dhiibaane

Goortay dhagax malkada shiishiyo dheenta lagu tiirsho

Sidii faras dhambaal culus siday kala dhaqaaqdaaye

 

Markay soo dhawaatay kalgacal Dhudi la yeedhaaye

Markaasay dhegaystaan kuwii ceelka loo dhigaye

Dhaqashay ugu dhacaan kaalintay Dhebi u xaadheene

Ma dhursugo irmaankoo wax badan dhanaha moogaaye

 

Dhaltida iyo ratiga baarqabka ah dhibidu suudhaysay

Dhaqasho waxay u keenaan qoltida dhaqayadeediiye

Heesteeda niman bow dhignaa dhooy la'aan jiraye,

Dhallinyaro hormada loo dhigay oo timaha dhoobaystay

 

Sida nimanka dhaantada tumay ugu dhawaaqeene

Dhufsashada hadhuub-gaalladaa la isu dhiibaaye,

Markay dheregto ayaa meel burca ah Dhool la tu'iyaaye

 

Sida dhaan harraad loo qabay ugu dhaqaaqeene

Markaasaa dhulkuu joogi jiray lagu dhaqaajaaye

Xeryo guulkii loo dhigay dhag uga siiyaane

 

Waxa dhaba habeenkaa ninkii dhama galxoodkeeda,

Dhallaanimo qodxihii kugu mudnaa kaaga soo dhaca e

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.

 

Waxay sii dhowaataba kolkay Idhamadii dhaafto

Halka dhuubka caws laga helay uga dhex oodaane

Iyadoy horraantii dhashoo dhiraha loo waabay

 

Oo aad dhogorta qaalmaha xariir dheehan ku astayso

Ayaa dhool gu'oo soo onkoday dhibic ka hooraaye

Markaasay xeryaha uga dhigaan dhinacsinkii Hawde

 

Dhaldhalaal magaaliyo bariis ma laha dheecaane,

Jiilaalku reeruu dhibay Dhool ku hoyataane

Markaasay karuur laga dhigtaan dhiilo baalidaye

 

Inkastood adduun badan dhaqdo dheemman iyo daaro

Inkastood dhar wada suufa iyo dhag iyo laas qaaddo

Dhaxal male nin Soomaaliyoon dhaqannin koorreeye

 

Dhabbadii carraabaha markii nabar la sii dheelmo,

Dhoorwiiloow goortuu ratigu Dheeho dhabar joogo

Dhudhunkeeda laafyaha markuu dhan ula boodaayo

 

Dhegta iyo tawaaddiyo xubnaha laysku wada dhaabay

Dhudda kuruska beerkiyo kelyaha dhibidu gaashaysay

Dhexda labada qaar noqotay iyo dhabarka soo xoodmay

 

Dhegeysigu micida meel cidla' ah dheef u rabinaayo

Dhufashada rakaadday farxadi kugu dhammaataaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

 

Ammaantiisa kuumaan dhammayn kumana dheeraane,

Dhaayaha geelu leeyahay haddaan dhool yar ka iftiinsho

Dhaddigiisa lama iibiyeen lamana dhiibeene

 

Dhool lama muquunsheen haddii dhawr lagaa xidho e

Waa dhagax nafloo heeyjaddaa dhigay Ilaaheeye

Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene

 

Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta Dhaameele

Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

 

Dhugtankiyo rasaasti madfacu dhiraha laynaayey,

Sida dhibicda shaydaanigay nagu dhawaaqaysay

Hadba dhuungalayntaan bunduqa kula dhawaanaayay

 

Aniguba dhexdeed waxaan ku jiray Dheeho tacabkeede

Dhoorwiil u yeedhyeedh nimaan dhaqanin waa caydhe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayyid   

Maxamuud Cali Beenaleey wuxuu yidhi:

"Hashaan geela ka qaadan

Ee tolkay ii qaban doono

Tilmaanteeda aan qeexo

Qarjaf ma aha cag weyn ah

Qonjar ma aha cayuun ah

Qayax ma aha caddiin ah

Qumud goodir labeeb ah

Qeexan oo kala jiidan

Baarkaa gees u qallooca

Waagay qaalin ahayd bay

Nirig qoor jabanaysay

Afar qoone wadaag iyo

Qardhaas bay u xidheen

Qoodhadhka u kala jooga

Kii qooraanso yidhaahdaba

Qosol buu u dhacaa...."

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Sharmarkee:

Ammaantiisa kuumaan dhammayn kumana dheeraane,

Dhaayaha geelu leeyahay haddaan dhool yar ka iftiinsho

Dhaddigiisa lama iibiyeen lamana dhiibeene

 

Dhool lama muquunsheen haddii dhawr lagaa xidho e

Waa dhagax nafloo heeyjaddaa dhigay Ilaaheeye

Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene

 

Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta Dhaameele

Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

 

Dhugtankiyo rasaasti madfacu dhiraha laynaayey,

Sida dhibicda shaydaanigay nagu dhawaaqaysay

Hadba dhuungalayntaan bunduqa kula dhawaanaayay

 

Aniguba dhexdeed waxaan ku jiray Dheeho tacabkeede

Dhoorwiil u yeedhyeedh nimaan dhaqanin waa caydhe

Heavy!

 

Xiin

Here's a little task for you, most of these poets named their favourite camels, care to name some the beasts?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ayuubow, war gabayadaan jeclahaye anigu geel magacyadi ma aqaan ninyahow!

 

But let me handle Sh.Baahane; with a littel tweak of Geele’s poem, the man who once occupied the literary throne of Hawd region, in which he set out to instruct the novice poet of Mudug when the latter damcay inuu laaco geedo ka sarreeya :D ;

 

Badho olosha waa loo godlaa waase baaqimo'e

Boodada horeetaa danbeed biri-rifleeyaaye'e

Baqal kuma hargalo meel sanguhu maray bariistiiye

Bal ogaada sh.baahanaa soo buraan-buraye'e

:D

War masii wadaa..... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this