Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Need to translate this for seminar

Recommended Posts

Abwaan   

NAXAR BAL anigana sidaan baan isbedel yar ugu sameeyey turjumaaddaadii:

 

1

Shaqaale ahaan, waa maxay xuquuqahaagu?

 

Marka aad buuxineyso foomka I-9, shaqo-bixiyuhu MA SAMAYN KARO inuu:

 

* ku weydiiyo aqoonsi gaar ah, kaamana diidi karo inuu aqbalo warqadaha aqoonsi ee saxda ah

* Weydiiyo shakhsiyaadka muuqaal ama cod ajnebi leh oo KELIYA amaba dalkaan u soo haajirey inay buuxiyaan foomka I-9

* Diido aqbalidda warqad aqoonsi oo aan gaarin wakhtigii ay dhacaysey

 

* Diido aqbalidda warqadaha caddaynta ee saxda ah.

 

 

Shaqaale ahaan waxaad sidoo kale xaq u leedahay in aad dacweysid haddii:

 

* Shaqo laguu diido ama lagaa fadhiisiyo iyadoo sabab looga dhigayo inaad ajnebi tahay amase, u cod egtahay.

* Shaqo laguu diido ama lagaa fadhiisiyo iyadoo sabab looga dhigayo inaad aqoon u lahaatid afka ingiriisiga; in ka badan heerka luuqadeed ee shaqada ku habboon.

 

Waxyaabaha kor ku qoran oo dhan waa sharci-darro, waa tallaabooyin faquuqid ah. Haddii laguu diidey ama lagaa qaaday shaqo, sababna looga dhigay waxyaabaha kor ku xusan, waxaad la hadli kartaa Xafiiska Golaha Khaaska ah Office of Special Counsel (OSC) ee Wasaarradda Caddaaladda ee Maraykanka ama U.S. Department of Justice.

 

2

Haddii aad rabto in aad xarayso dacwad ku saabsan Faquuqid,

su'aal ka qabto buuxinta foomka I-9 ama

dhawrista Shaqaalaha ee sharciga, waxaad la hadli kartaa:

Xafiiska Golaha Khaaska/ Office of Special Counsel (OSC)

1-800 255-7688; haddii maqalku uu kugu adagyahay:

1-800-237-2515

 

U.S. Department of Justice

Civil Rights Division—NYA rm 9000

Office of Special Counsel

For Immigration-Related

Unfair Employment Practices

950 Pennsylvania Ave., NW

Washington, DC 20530

 

Macluumaad intaa dheer oo ku saabsan

Documintiyada immigration-ka, waxaad ka heleysaa:

U.S. Citizenship and Immigration Services

http://www.uscis.gov 1-800-375-5283

 

3

Wasaarradda Caddaaladda ee Maraykanka

Qeybta Xaquugda Madaniga

Xafiiska Golaha Khaaska

oo la xiriira Laanta Socdaalka

ku dhaqanka shaqaaleyta xaqdarada

 

Haddii aad haysatid

Ruqsada Shaqada,

Cidna ha u oggolaan

in ay kaa qaaddo xuquuqdaada.

 

4

Buuxinta Foomka I-9

Aqoon Noocee ah bay u baahan tahay?

 

▼ Aqoonsiga aad dooneysid ayaad isticmaali kartaa si caddeysid inaad ruqso u haysatid inaad ka shaqayn kartid dalkan Maraykanka, waase haddii uu ka mid yahay kuwa ku taxan foomka I-9 dhinaciisa dambe.

Kuwa shaqada bixinaya kuguma khasbi karaan

documentiyo gaar ah, sida "green card,"

MANA DIIDI KARAAN qaadashada aqoonsiyada

aad la timaaddid.

▼ Aqoonsiga aad wadatid waa inay ku cadyihiin laba waxyaabood: QOFKA AAD TAHAY iyo IN AAD LEEDAHAY INAAD MARAYKANKA GUDIHIISA KA SHAQAYSAN KARTO.

Hal aqoonsi oo ka mid ah kuwa kooxda A ayaa ku filan caddaynta qofka aad tahay iyo in shaqo laguu

oggol yahay. haddii aadan keenin mid ka mid ah

aqoonsiyadan , waa inaad keentaa mid ka mid ah kuwa kooxda B oo caddaynaya qofka aad tahay

iyo mid ka mid ah kooxda C oo caddaynaya in shaqo laguu oggol yahay.

▼ Shaqo-bixiyuhu KUUMA diidi karo shaqo iyadoo sabab looga dhigayo in ruqsada shaqadu ay dhacayso taariikh aan weli la gaarin ee mustaqbalka ahi.

Kuwa shaqada ku siinaya waa in ay hubsadaan

in laguu oggal yahay shaqo oo ay ku weydiiyaan

in ay arkaan warqadda ruqsada shaqada ama caddeyn sax ah

oo an taariikhdeedu weli dhicin. Ku noqoshadan oggolaanshaha shaqaalaynta

haddana xaq waxaad u leedahay in aad kala dooratid aqoonsiga kuwa

aad isticmaaleysid. [/QB]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Justice: Caddaalad

 

Form: Foom

 

Employer: Qofka ama Shirkadda loo shaqeeyo (Loo Shaqeeye)

 

Discriminatory Practice: Faquuqid

 

File a Charge: Dacwad xerayn

 

Worker Protections: Difaaca Shaqaalaha (dhowrista Shaqaalaha)

Aabaha Eray-bixinta Afsoomaaliga ee SOL!...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gheelle, JB and abwaan, thanks a lot guys, am now will prepared for Friday. You think you know Somali until you get a little legal document.

 

Diaspora dude, thanks for the heads up plurals and singulars.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Gheelle.T:

Abwaan well done man.. I think yours is much better.

 

NN, there you have it man.

Thanks Ugaas, I just tried to use as much Somali as I could but I think Naxar should get those words that might sound better than mine from your translations. I just wish I had my fav. Somali Dictionay when I did this. Did you by any chance come across the most advance Som Eng dictionary by David Zorc and M Osman?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually been looking for one, use to have but lent it to a friend and to get a new one is like hundred fifty on amazon. not yet ready to fork that much on a dictionary but will see.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this