Sign in to follow this  
Kornaylka

Salama

Recommended Posts

Haa, seetihiin horta mudanayaal iyo marwooyin? Mala fiicanyohoo mala faayaa horta walaalaha qiimaha, qaayaha, caqliga, udgoonka, carafta, sharafta iyo shuruftaba badanoow? Wax kale majiraane waxan rabey uun bal inaan anigoo magacayga la yidhaahdo kornayl Cabdi Jaamac dabqaad aan iskiin baro inkastoo aan meesha in muddo ahba member ka ahaa. Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa inaad idinkoo qalbi furan idinkuna si tacliin iyo reer magaalnimo ku dheehantahay bal isukay bartaan oo magacyadiina mid mid idinkoo sacabada ku sida si taxadar iyo xasilooni ka muuqato iigu soo gudbisaan. Haddaan intaa inta duuduubo dhulka si taxaddar ka muuqdo u dhigo, oo anigoo tartiib u socda hore u soo dhaafo waxaan walaalayaal idinka codsanayaa in aydaan af ingiriisi wax iigu soo qorin, sababtuna ay tahay inaanan afkaas si fiican u aqoonin oo aan inta basaska lagu raaco, iyo inta shaaha lagu cabo keliya ka aqaano. Waxaan Alle S.W.T ka rajeynayaa inuu kuwii si fiican isu barta, macluumaad iyo kaftan is weydaarsada, faanto kululna wada cabba inaga dhigo. Waana inoo iyo xaajiyad kale walaalaha quruxda iyo qaayahaba yaroow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Salam Aleikum W.W

 

Brother marka hore kusoo dhowoow gacmo furan, marka xigana aniga waxaan ahay nin Shacab ah sidaad magacaba ka garan karto.

 

Af ingiriiska waan jajabsanaa kulligeenba marka wax weyn hau arkin oo ileyn ma aha af keena hooyo marka cidii kugu eedeesa maxaad af ingiriiska ubaranweyday ogoow kuwaas waa kuwo qalbada laga tirtiray oo umooda af ingiriiska inuu yahay mid ka qiimo badan kooda uu ilaahey s.w udhaliyey...waadna arki doontaa kuwo badan oo waxaa halkan ki jira qofkii eray qaldaba isku daya inee ceebeeyaan sida in billad sharaf lagu siinayo ceebta ay walaalkood/walaashood Soomaaliyeed ay ceebeenayaan.

 

Walaal waxaad ogaataa inaad diyaar u ahay inaan kaa caawiyo wixii aan ku dheerahay Insha Allah oo ku saabsan somaliaonline aan ka aheyn qeybta "Dumarka" meeshaas xittaa ma akhriyo iskaba daa wax aan ku qoree iyo qeybta loo yaqaano "Siyaasada" oo aan anigana ugu yeero qeybta "Munaafiqnimada" labadaas meelood aniga shaqo kuma lihi oo wax aan kaaga sheegi karo ma jiraan...sababtuna waxey tahay ma rabo inaan nafteyda been usheego ilaaheyna aan dambi ka galo anigoo taageeraya dulmi marka waaxn go'aansaday inaan meeshaas gebi ahaanba ka gaabsado.

 

laakiin wixii kale qaas ahaan meeshaan Generalka ah iyo Sports iyo Gabayada sedexdaas meelood aad ayaan u akhriyaa oo fikrad ayaan ka qabaa qofka wanaagsan iyo qofka u baahan inaad duurka ka qaado...

 

marka walaal barasho wanaagsan iyo markale kusoo DHOWOOW gacmo furan.

 

 

Salam Aleikum W.W

 

 

Nabad, is jeceyl & Midnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Kornaylka

 

Welcome, afsomaaliga kuma wacni, laakinse af enriisi, af carabi iyo af somali mar mar waan isku daraa yacni.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornaylka soo dhawoow sxb barasho wacan oo wanaagsan, warka intii wacneeyd ee loo baahnaa waxaa kuu dhameeyay BOB, intaayada kale soo dhowaawdaas unbaanu guraynaa waayo nin Sharaf iyo Shuruf badan baa tahay oo waad naga mutaysatahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudane BOB, Marwo dhucdhuc iyo dheylo, mudane northerner, iyo mudane Tukaale dhamaan walaalihiinan dhalaalka iyo dhadhanka badan ee isoo dhoweeyey aad iyo aad baad u mahadsantihiin.

 

Anoo idinla yar kaftamaya hadaba aan BOB ku horreeyye saaxiib xoogaa miyaad naf jeceshahay maxaad askarinimo uga fekeriweyday, lol. Somalia markay nabad noqoto insha'allah telefoon isoo *** sarkaal khatar ah baan kaa dhigiye. Waad ku mahadsantahay mar labaad sxb sida fiican ee aad iisoo dhoweysey.

 

Ms dhucdhuc iyo dhaylo walal magacaagu fiicanaa oo cajiib sanaa ma ayeeyadaa hoyo baa ku bixisay, wadna ku mahadsantahay soo dhoweynta mar labaad.

 

Northerner, saaxiib ma yara sijui baat tahay waadigan sida macmacaanlaha wax isku walaaqayee, lol, afsoomaliga khatar baan ku ahay haddaad rabtid inaad macallin noqotid waan ku bari. mar labaad waad ku mahadsantahay sxb soo dhowenta

 

Tukaale lol shuruf taydu sxb waa sida barunka one man showga oo kale ee ha qarinin aabahaa lajaneeye, miyaad madowdahay laakiin tukaale maxaad ula baxday? Mahadsanid sxb mar labaad

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Originally posted by Kornaylka:

BOB miyaad naf jeceshahay maxaad askarinimo uga fekeriweyday, lol.

Ninyahow waxaan ahay nin aad fuley u ah marka askari nimo kama bixi karo...hai ceebeyn oo gabdhaha hau sheegin inaan fuleey ahay...waad ogtahay ineey jecelyihiin kan lagu sheego inuu yahay geesi.

 

 

Salam Aleikum W.W

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kornayl soo dhaaf awoow marka hore marka xigta, lasoco meesha waa lagaasareeyaa oo nin General Duke Ladhaho ayaa ku-hor kaleedhiya khaasatan meesha qolka siyaasada looggu magacdarey.

 

Marka hadii aad qolkaas booqato, waxaan kugula talinlahaa inaad garaadaha xaafada kusoo dhaafto...hadii aad leedahay anigu fuley ma ihi oo masoo dhaafayo garaadahayga, bal is ilaali uun.

 

Hadii aan tilmaanyar kaasiiyo wiil hooga General Duke labaxay waa nin cad oo dheer oo madoow oo gaab oo waliba Shaarubo dhaadheer oo maleegan leh ufiirso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Kornaylka, Soo dhowoow , In kastoo ay ahayd mar hore in aad ka qayb qaadatid, meesha soomaaliga waa laga faanaa, laakin qolka dacsada la dhigay ee DOOD Wadaag, ka war hay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
hodman   

Soo dhowow kornayl laakiin huradadaad ku jirtay intaasoo sano maxaa iminka kaa toosiyay mise haddaad hadal baratay :D

BOB waan kugu raacsanahay inaad shacab ahaato waayo waxaa la yidhi fulay hooyadii ma gablanto :cool: Maxaadse ku nacday qolka gabdhaha kan siyaasada garanaye :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhamaantiin horta waa salaamantihiin. Marka xigta mahad sanidiin asxaabta uu ugu horreeyo Ladiif, ku xigo Miskiin-Macruuf-Aqiyaar, ku sii xigo mudane dabshid, uguna dambeyso marwo hodman.

 

Inta intiinan idin kala qaad qaado oo midba kursi gaar ah ku fariisiyo, shaah bigeys ahna hordhigo horta bal mudane BOB oo iga codsaday inaanan qarxin arrin yar oo uu ku farxo aan usheego.

 

Mudane BOB horta ninyow kuma qarxinayo laakiin runtii anigu waxaan aaminsanahay gabdhuhu in ay fuleyaasha ka helaan sababtuna ay tahay in fuleygu dantiisa yaqaano oo howl iyo mushkilado jeclayn inuu isku furo.

 

mudane Ladiif haddaan ku xejiyo, mudanae horta soo dhoweynta aad isoo dhoweysay iyo digniintan aad iga siisay igaarkan sharubaha maleeganleh, lol, ee loo yaqaano General duke ba waad ku mahadsantahy. Marka xigta saaxiib garaadada haddaan kasoo tago sow ninku i waabsan maayo, war ha ogaado aniga naftarkeygu inaanan nin loo geli karin ahaye bal horta aan isaga is qaabilno.

 

Anoo Gaari Gacan saaran haddaan soo yara socdo oo mudane Miskiin-Macruuf-Aqiyaar soo gaadho horta saaxiib inkastoo aadan si qalbi furan iisoo dhoweynin, lol, haddana soo dhaafba haddad i tidhi oodan albaabka sidii miskiin wakhti xun reer ganjeelada ku soo garaacay QAB igaga siinin waad mahadsantahay. Ta labaad saaxib ma odhan waa cusbahay e waxa Kornaylku qoray haddaad dib u jalleecto waxaad arkeysaa inaan idiin sheegay inaan in muddo ahba meesha membar ka ahaa, oo runtii aan duug ahay. Aan haddaba ku yar dacaayadeeyee saaxiib ma mukhallasiinta africa dadka bugta ku soo dhoofin jirey baad ahaan jirtay iyagaa magacyo mac macaan la bexee; waa maxay miskiinka intaad macruufka ku dartay aqiyaarka weliba sii raacisay, lol?

 

Mudane Dabshid,

Saaxiib Aad iyo aad baad u mahadsantahay sida sharafta iyo culuumtu ku dheehanatay eed iisoo dhoweysay, qolkaa dood wadaagna waan ka wardooni haddii alla s.w.t ka dhigo. Saaxiib kuwa afsoomaliga kaa faana adigu kornaylka uun ugu yeedh isagaa hangool ladhicidoonee.

 

Marwo hodman haddaan ku soo khatimo walaal aad iyo aad baad u mahadsantahay sida fiican eed korneylka u soo dhoweysay. Marka xigta hadaan su'aashaada ka jawaabo walaal ma hurdine dee abaanduule ciidan baan ahay oo intaa dalka hooyo baan cadowga ka difaacayey, waadna aragtaa dee inaanan hadda hadal baran oo waanigaa sida Cawke hadalka u daadinaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

naw kan bal day, waar soo dhawoow ninyow, maanto dhan ayaad sogalaysaa. Farabadanidaa.

 

Welcome for the million time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this