Deeq A.

“Somalia oo wajaheysaa 2 qatar oo midaugu weyn tahay lacagta mobile-ka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu bangiga adduunka todobaadkan ka soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya waxaa uu ku sheegay 2 khatar oo haddii aanu maamulka Farmaajo wax ka qaban laga dhaxli-doono cawaaqib xumo.

Lacagta Mobilka:

Bishiina waxaa lagu qiimeeyey lacagaha taleefonada gacanta la isugu gudbiyo ee Soomaaliya $2.7 bilyan oo ka dhigan in 155 Milyan jeer ay dadka lacag isu direen.  Qiyaasta 36% dakhliga guud ee wadanka ayaa mara hanaanka lacagaha la isugu diro taleefoonada, 73% ayaa adeegsada hanaanka taleefoonada lacagah ala isugu diro. Lacagaha taleefoonada la isugu diro waa kuwa ugu balaaran ee hadda habka kala gudbinta lacagta loo isticmaalo, iyadoo loo adeegsanayo qof qof iyo ganacsiba gudaha Soomaaliya.

Khatarta: Lacagaha taleefonada ee soo gala bangiga ayaa ka badan kuwa ka baxa, sidaasi darted waxaa dhici karta inay shirkadda bangiga ama adeegga isla leh ku dhiirato inay lacagtaas iska isticmaalaan, oo maal-geshi ku sameystaan, halkaasina ay khatar ka dhalato.

Bangiga adduunka waxaa uu leeyahay lama oga in bangiga ay taallo lacagta qiimo ahaan u dhigma midka ay dadka ku shubaan ama isu wareejiyaan. Ma jirto hufnaan lacag isu diris ah, waayo qofka aad lacag u dirto, isla lacagtii ayuu kuu soo celin ama qof kale u dirayaa lacagaha wareego waa tii ay dadka dhigteen, halka hantidii uu bangiga lahaa sidoo kale ay dhul iyo maalgeshi ku sameystaan. Sidaa darted, ku tiirsanaanta sare ee lacagaha taleefoonada la isugu diro waxay kordhisay dayacnaanta ku timid maqnaanshaha hanaan sharciyeed oo rasmiya. Oo haddii uu bangigaas burburo ama dhibaato ku timaado, waxaa hanti beelaha inta badan dadka Soomaalida ah.

Cafinta Deymaha:

Dhinaka kale, Bangiga Adduunka waxaa uu ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya.

“Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka bangiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol.

I knew the mobile money system was a fraud.  The Telecom companies were printing fake electronic mobile text money without any algorithm, asset, or accountability. The Telecom companies were enriching themselves for years at the expense of the poor. 

This scam must be stopped. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

This has nothing to do for the poor. Although it should be some accountability because of telecom people are the sponsors of the anarchy in Somalia and they do not pay tax.  The mobile money system scares people who control world banks and the swab transaction and they will try every way they can stop it. Mobile money system dominates the Chinese market and if Africa follows, The privately owned IMF and World Bank will be out of business sooner rather later.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duufaan, you didn't understand the report. There is no asset backing what is circulating. In other words, no physical money or property. Electronic mobile text message is being circulated at whims of a telecom guy. 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.