Sign in to follow this  
The Zack

Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay?

Recommended Posts

The Zack   

har-300x225.jpg

 

Bil ka hor July 3, 2010 ayaan ka safray Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya anigoo ku wajahanaa dalkeena Soomaaliya waxaana raacay Diyaaradda ay leedahay Shirkadda Juba airways ee sanadkii 1998 la aas aasay, saacad iyo Bar Duulimaad ah waxaan muddo 45 Daqiiqo ah ku hakanay ama transit ku aheyn Garoonka Aden-Adde International Airport oo shaqo sidaas u sii badan aysan ka socon xilligaas.

 

Waxaan fursad u helay in Diyaaradda ka soo dago aniga oo Garoonka oo ay iiga muuqdeen Gawaaridda Ciidanka AMISOM aan isha mariyay dabcana Qalbiga ayaan ka ilmeenayay waxaana niyada ka tiri “Taloow goormaad ka bixi doontaan Guuldarada idinku dhacday”. Caasimad Airport-geeda ay joogaan ciidan Ajaanib ah, dad aanan aqoon waxa ay isku dagaalayaan. Nasiib daro.

 

Xaafadda Buula Xuubeey oo Garoonka Aden-Adde International Airport aan sidaas ooga sii fogeyn garoonka oo ay waalidkeey, walalo iyo asxaaba daganyihiin waan jecla in aan soo maro balse waqtiga transit-ka ee aan heesanay iyo amaandarada jirta darted ayaa kaliftay in aan ku hakado Garoonka.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Zack...Xariifkaan intuu ku maqnaa the last 20 years? Ninkan hada koow leh Soomaalidu waxee u kala Bixi Doontaa qabiil qabiil...what were we doing the last 20 years? :D and I thought I was naive.

 

Teeda kale macalinkaan Xamar iska dhaafee mid magaalo ka imaaday uma eka...ninkan leh weligeey ma maqlin Fooq, Suuli ama Laxoox. :D Anigoo Kismaayo ka imaaday oo hadana Baajuun kusoo dhex koray aaba garanaayo waxaas. :D

 

 

JB malaha wuxuu mooday in Somaliland lagu caaynayo meesha that's why he didn't comment on it..the guy said great things about Somaliland and Hargeysa in particualr which is something you'd expect because Hargeysa waa magaalo weyn oo dad ilbax ah ayaa jooga unlike tuulada yar ee Burco (Sorry Obbo) :D

 

 

The dude got issues with the word 'Xamaraawi' maskiin. "Huuno ma @aldaan baad tahay?" muu dhaho haba lagu kala yaaco meeshee. :D

 

 

PS. I think he met Jaceylbaro who thought he was MMA in disguise. :D

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Bob LOOOOOOOOOOOOOOOOOOL@MMA and JB. Waa runtaayoo Somalia iney kala baxday inuu waa hore ogaado bey aheyd hase ahaatee ninka haddii 10 goor iyo ka badan la weydiiyay "Huuno ma xamaraawi baa tahay?" inuu yaabo oo buug dheer ka qoro waa gar. Midda kale hal ogow haddii adigoo gobolada kale ka yimid aad Hargeisa ama Djibouti tagto waa xaqiiqo inaad dareemi inaad dadka ka duwan tahay lahjadda lagu hadlayo owgeed.

 

P.s. I wish you and MMA would've visited those locations, alla maxaa qosol dhici lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Waxaa la rabay inaa aragto nin reer Ijaaraa ah oo lo'leey ah iyo galti geel jire ah oo Qoraxeey ka yimi oo is helay! bal kaalay adiga is af fahansii. :D hadee markii dambe waxay tagtay in raggii lakala qabto oo lakala jiido. :D

 

 

Horta taloow reer Jabuuti ma yaqaanaan Kismaayo? Reer Waqooyi Galbeed weyba na necebyihiin taas anigaa og oo waxay noo qabaan inaanba Soomaali aheyn. :D

 

 

Meeshaas hadaan tagi lahaa maskaxdaan ka qabsan lahaa...bro hadaan reer Kismaayo nahay sida looga dabaasho waa naqaan...waxaa la arki lahaa anigoo duqa magaalada gaarigiisa la igu wado faxduu dhalayna waan hypnotize gareen lahaa. :D

 

 

Reer Boorama ayaan rabaa inaan xidid la noqdo oo gabar ayaan rabaa inaan u doonto, 3 sano kadibna waxaan rabaa inaan isusoo sharxo madaxweynaha Somaliland anigoo wata xisbi cusub oo la yiraahdo Durriyo Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Interesting how he writes Somaliland ,,, Somali-(land) :D

 

 

waabuu iska ilaalinayaa ,,,, lool

 

 

Nice read though .............

 

 

Berbera, Hargeysa iyo dalka Djibouti marka aad ku hadasho af Soomaali iska caadi ah… waxaan ula jeedaa aysan ka muuqan lahjad ama gobal gaar ah…. waxaa lagu fahmayaa meesha aad timid in ay tahay Koonfurta Soomalia

:D:D:D:D ,,,,, iska caadi ah kuye ,,, loooooooooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Xisbigayga Durriyo makusoo biiraysaa aan jago kaa siiye?

 

Ninkan waa nin maskiin ah oo aan waxba ogeyn, Kismaayo haduu tagi lahaa oo reer Kismaayood dhalad ah u tagi lahaa waxaa la dhihi lahaa Camoo Xamari maa tahay meaning reer Xamar maa tahay, taloow muxuu ku jawaabi lahaa? :D

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adiga Borama waa kaa mamnuuc ,,, hablihii aad 3 sano beenta u sheegaysay baa budh kula raadinaya.

 

Mida kele, Imika reer Burcaa xukunka hayee bal xagaa u baydh ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Maya maya reer Burco iyo aniga weligeen is fahmi mayno ee iga daa kuwaa ilaahay kheyr hasiiye...reer Batalaale ka waran? :D

 

 

Bal eega ninkan sheekada aan jirin iga abuuraya! Imisaan ku lahaa inanta reerkeeda iiga doon oo aad ilaheyd sug? Adigaa waxaas oo dhan ka mas'uul ah oo intaan isoo gaarsiiyay sidaad hadba cashar cusub oo aanan jirin iigu dhiseysay.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Manxiis reer Kismaayo cidaan aheyn ii noqon mayso, cid kale aamini maayo. :D

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Originally posted by Jacaylbaro:

Manxiis baad u sharaxan tahay miyaa ??
:D

Haayoo waxaan is lahaa saxiibka Bob caawi. Laakiin wuxuu yidhi: Anigu qof aan reer Kismaayo ahayn Aamini maayo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Adigu waxaan kaa dhigayaa isku dubaridaha arooska! ka waran arrintaa bro? :D

 

Xalwo Kismaayo intaa cuni karto cun, oodkac intaa bacdhabi karto bacdhab, hariiso intaa dejin karto deji, qubo intaa yuunbin karto yuunbi, malaay intaa qararamsan karto qararamso, kac-kac intaa u daliigi karto u daliig, i cun intaa ka fara qabsan karto ka fara qabso, malawax intaa isku duuban karto isku duubo, saambuus intaa u qubeen karto u qubeey, baajiye intaa beerka ka garaaci karto ka garaac, kabaab intaa kadabdkiisa goon karto kadabkiisa gooy, mishkaak intaa mooleen karto mooleey...maxaa kaloo u baahantahay bro ii sheeg? ;)

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Ras Kiamboni yaa ku baray? oo caawoo dhan intaa maqneed ma intaa baad ku maqneed? Anigu Batalaale maskaxdaan ka hayaa ka waran? :D

 

 

Ok JB...caawo BOB aan ku baro, waxaan ku dhashay Kismaayo, Isbitaalka Weyn habeen Arbaco ay soo galeyso around 7:30-7:45. Hooyadey (May Allah s.w have mercy on her soul) waxaa ka umulisay maamo ay hooyadeed isku reer ahaayeen oo la dhihi jiray Xaajiyo Zeinab (Ilaahay naxariistiisa jannadii fardowsa haku geeyo).

 

Waxaan daganaa xaafada loo yaqaano Calanleey oo ah xaafada ugu da'weyn Kismaayo...qaas ahaan meesha loo yaqaan Majengo oo ah meel ay wada daganaayeen Soomaali, Baajuun, Baraawe iyo Carab. Gurigeena waxaa xeebta ka xigay oo kaliya 3 guri taasoo keentay inaan aad iyo aad u jeclaado Xeebta jaceylkaasoo illaa iyo hada i haya. :D

 

Dugsigii hoose ee aan dhigan jiray waxaa la dhihi jiray Bilal oo xeebta ayuu saarnaa...ooh allah maxaan magaaladeyda u xiisay...Ciil weynaa. :mad:

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this