Sign in to follow this  
Jacaylbaro

ABSHIR BACADLE DIES IN MOGADISHU

Recommended Posts

Ibtisam   

Inalilah wa ina ilihi raajuucun. May Allah have mercy on him!!!!

 

Muwtikiis ba galey- I thought he lived in Dubia!!! Subxanallah.

 

Use to listen to his poems when I was a kid! The only thing I remember now is;

 

"indhu yarhu wu nagu qosla eedah qalatey" and this other line from another poem " duuqi lagama reysanini, eh afkumba didey oo nacey, wa loo darsey dhalankii dhacey dheerey! I use it randomly still :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay ha unaxariisto.

 

Let us remind ourselves one of his poems:

 

Boqolaal qorshoo wada qabya ah, qaadow adigaa leh

Qorya raamso quudkana yaree, qaadow adigaa leh

Qoys dumaya qayliyo huruuf, qaadow adigaa leh

 

Qalbi qooqan qoora aan wax tarin, qaadow adigaa leh

Qardareeye kaadida qulquli, qaadow adigaa leh

Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran, qaadow adigaa leh

 

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo, qaadow adigaa leh

Macdan qubata hawshoon la qaban, qaadow adigaa leh

Hurda qarow ah soojeed qamqama, qaadow adigaa leh

 

Iska qaado qaantana ha bixin, qaadow adigaa leh

Qayil oo cun reerkiina qadi, qaadow adigaa leh

Qashin iyo qashaabiir qurmuun, qaadow adigaa leh

 

Qatar caafimaad oo qarsoon, qaadow adigaa leh

Qalbi olol mar qabo oo qaniin, qaadow adigaa leh

Qaraabo iyo ehel aan la tabin, qaadow adigaa leh

 

Qayrkaa shaxaad hana qajilin, qaadow adigaa leh

Iska qari cid baa kugu qabsane, qaadow adigaa leh

Qabri ka hor qandha aan laga biskoon, qaadow adigaa leh

 

Isqandiiri kana qoomamee, qaadow adigaa leh

Ibliis qarowga aadmiga ku qaba, qaadow adigaa leh

Afku wuxuusan ii qaban karayn, qaadow adigaa leh

 

Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow, adigaa leh

Qasad dhaar ah qawl aan la fulin, qaadow adigaa leh

Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been, qaadow adigaa leh

 

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi, qaadow adigaa leh

Qandiga fuqurka iyo quus rageed, qaadow adigaa leh

Qureesh gabara waxa loo qawada, qaadow adigaa leh

 

Dad qamaama qayliyo dagaal, qaadow adigaa leh

Shaluu qaatay maantana qafaal, qaadow adigaa leh

Qabyaalad iyo iimaan la’aan, qaadow adigaa leh

 

Dhaliyara afkooduun u qoran, qaadow adigaa leh

Wax ninwayni qaadoo qawada, qaadow adigaa leh

Salaadaha dib qabo ama qallee, qaadow adigaa leh

 

Xubna qaadiwaa sida qof qalan, qaadow adigaa leh

Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo, qaadow adigaa leh

Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula, qaadow adigaa leh

 

Bisad ku quustay dabadeeda qabo, qaadow adigaa leh

Qarjaf sayntu inay kuu tiraa, qaadow adigaa leh

Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon, qaadow adigaa leh

 

Qandaraaska qaatumo xumada, qaadow adigaa leh

Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan, qaadow adigaa leh

Afqashuusha oon cadaygu qaban, qaadow adigaa leh

 

Af qalala bushima qolof dhacsada, qaadow adigaa leh

Qasban qayb daroogada ka mida, qaadow adigaa leh

Qaflad aan dareenkeed la qabin, qaadow adigaa leh

 

Ragoo quusta dumarkoo qawada, qaadow adigaa leh

Faqiir qani ismoodoo qayila, qaadow adigaa leh

Indha qoriya qaadirada subax, qaadow adigaa leh

 

Qubays laga wahsado iyo qurmuun, qaadow adigaa leh

Qamiis walaf quluub aan xasilin, qaadow adigaa leh

Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo, qaadow adigaa leh

 

Waa quutul awliyo kidbiya, qaadow adigaa leh

Qaamuuska waxa cay ku qoran, qaadow adigaa leh

Inoo qaybi aan lagu qancayn, qaadow adigaa leh

 

Qabsimadu inay kala xirmaan, qaadow adigaa leh

Qurbaha joog adoon hawl ka qaban, qaadow adigaa leh

Deg deg loo qasaariyo shilqoran, qaadow adigaa leh

 

Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow, adigaa leh

Qofka daa’imoo qiima dhaca qaadow, adigaa leh

Waxaad shalayto qabatoo qariban, qaadow adigaa leh

 

Ku qasaar macaashkana ku qarow, qaadow adigaa leh

Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis, qaadow adigaa leh

Hanti qaran qanaafiir ugee, qaadow adigaa leh

 

Qaadicu salaadnimo asala, qaadow adigaa leh

Intuu qadaf qof uun ku hadli karo, qaadow adigaa leh

Lixdankaa qisoo wada qubxiya, qaadow adigaa leh

 

Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay

Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay

Qaatala ka Llaahuye adigaa, qaranka aafeeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Innaa Lillaahi Wa Ina Ileyhi Raajicuun...May Allah s.w have mercy on his soul and may he make it easier for all his loved ones that he's left behind Insha Allah.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this