Sign in to follow this  
Aaliyyah

DIGNIIN ! Iska Jir Inta aadan u Dugaag u Ekaan *Qormo Ku Socota Dumarka*.

Recommended Posts

Aaliyyah   

Waji_Dumar.jpg

 

 

Qormo – Sida la cadeeyey dawooyinka Dumarku isku caddeeyaan waxa ka mid ah kuwo loogu talogalay in lagu daaweeyo xasaasiyadda iyo caabuqa nabarrada, qaar kalena ku yihiinba khatar jirka qofka isticmaalaya, waxaa ka mid ah daawooyinkaas.

 

Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super Roser iyo qaar kaloo fara badan oo lagu isticmaalo meelaha ay Soomaalidu degto oo aanan ku soo koobi karin magacyadooda halkan, loona istimaalo qaybaha kala duwan ee jirka, gaar ahaanna wejiga, gacmaha, lugaha, qoorta iyo qaar la mariyo jirka oo dhan.

 

Waxa intaa dheer bacaha lagu xiro gacmaha, lugaha iyo qaar lagu seexdo habeenkii loo gashado sida dharka oo kale. Badanaa dawooyinkani waxay khatar ku yihiin oo ay dhibaatooyin la xaadle u gaystaan caafimaadka qofka ismariya, waxana ka dhalan kara cudurro hor leh, tusaale ahaan: Waxay dilaan unugyada difaaca maqaarka Waxay raadad xunxun ku reebaan maqaarka qofka isticmaala.

 

Waxa uu u nuglaadaa qofka istimaalaa inuu ku dhaco kansarka maqaarka. Wuxuu dhibaato u gaystaa aragtida indhaha ee qofka isticmaala Waxa aan hore u bogsan nabarrada ku dhaca jidhka qofka ismariya dawooyinkani.

 

Waxaa ku sameeyaa maqaarka cuncun badan iyo xasaasiyad. Waxa uu ka soo saaraa jirka qofka ismariya xaad fara badan iyo diirka oo ka qubta qofkaas. Waxaa uu cimri-degdeg ku keenaa maqaarka. Waxa uu dibadda u soo saaraa xadidada dhiigga qaada. Waxay ku abuuraan maqaarka qofka ismariya, canbaar iyo finan fara badan.

 

Waxaa kale oo ay dhibaato dhaqaale ku haysaa qofka istimaala oo hadh iyo habeen ay u noqotay balwad joogta ah, oo aanu qofku marnaba ka maarmi karin, iyadoo taas ay u dheertahay dumarka in biilkooda ka mid tahay dawada la isku caddaynayaa oo dhawrkii maalmoodba maalin gaara kharashkaga baxaayo .

 

Waxaan uga digayaa hablaheenu inay waan toobaan oo ay ka fogaadaan isticmaalka suntan (Dawo ma ahee) waayo jirka qofka isticmaalaa suntani waxaa uu jirkiisu samaynayaa ur aan fiicnayn, waxaa engagaya maqaarkiisa, waxay feenanaysaa suntani hilibka qofka iyo dheehiisa dabiiciga ah.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indhajaceyl).

Indhojaceel2003@hotmail.com

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheerli Diyana, Moofeed,Roose, Farableen, Biliij,Riikoo, Top sheerli, Ritaana, Silfaana, Betnoofaad, Riikoo dhiiqo, Super Roser...

Siduu u Soomaaliyeey qatar iga dheh.

 

Gabar Afrika kusoo arkay soo xasuustay. See waxaan la isku caddeeyo iskugu bilbileysay ayee xuux u ekaatay, instead of xaaxnimo ee raadineysay.

 

Soomaali laguma ogeyn saan, laakiin gabdhaheena wey ku faafoysaa isticmaalida bahashaan. If only they knew.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

^^^ waraa anba waan ka casaday magac yada sida loo somaliyeeyay loool caadi ma aha classic waaye yaaqee......

 

Abti hada kohor aa gabartoo elevetar ila soo kortay.. "kor maa usocotaa?" ayee i dhahday "haa"

qofta cadooooooooo ee aheed somali in ee tahay xitaa shaki aa iga galay quruxleey ee aheed qaab ahaan yaah lol. laakiin floor numberkeeda qofta ma taabaneysoo hee... SUBXAANALAAH waan u qaadan waaye in ee gacenteeda tahay war nin madoow in uu nagula jiro elevetarka aan u maleynaaye walaahi dhinac yada aan fiirshay lool true story....

 

ani is cadeen wax maka qabo bajaqdii is cadeyneeso, laakiin kor faanto hoos kooka koola waan kasoo horjeeda yaaqee naag weyn oo wijiga ka cad laakiin cirbaha iyo qoobabka ka madoow yaa fiirin karo?

 

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abti hada kohor aa gabartoo elevetar ila soo kortay.. "kor maa usocotaa?" ayee i dhahday "haa"

qofta cadooooooooo ee aheed somali in ee tahay xitaa shaki aa iga galay quruxleey ee aheed qaab ahaan yaah lol. laakiin floor numberkeeda qofta ma taabaneysoo hee... SUBXAANALAAH waan u qaadan waaye in ee gacenteeda tahay war nin madoow in uu nagula jiro elevetarka aan u maleynaaye walaahi dhinac yada aan fiirshay lool true story....

:D:D

 

Taas wey dambeysaa. Kuwa iscaddeeyo nowadays sadex ama afar kale nooc kareemooyin la isku caddeeyo ismariyaan. Mid wajiga bas ah. Mid gacmaha iyo lugaha ah. Iyo mid kale jirka kale la wada marinaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

waa gabay aad u xiiso badan oo ka hadlaya dhibata diyaanada ee dhexmaray nin farmashiiste ah iyo gabar diyaano rabto inay gadato......

 

 

Farmashiye daawada Dadku uu ka iib sadoo

 

Aartiste door ihi Al-Islam ku daabacay

 

Dorraad mar aan dhexjoogaa Gabar qurux daraadeed

 

Daymada wejiga hore Daa’uus la moodaa

 

Dalaq iigu soo tiri

 

Salaan debecsan dabaded Dawadaas ma haysaa

 

Ayay tiri dukaankiyo Ninka daaska gadayow

 

Dubkeeday cawarayoo daymada jalleecada

 

Waxaba kulama daahine Durbadiiba waxan iri

 

Haddii aan ditoor qorin Qof kastoo dalbanayaba

 

Degdeg ugama iibshoo Lacag daalib maahiye

 

Doonisteeda garataye waxa ay dawaysiyo

 

Difeetada ay leedahay Ma taqaan dawadatani

 

Ditoor anigu maahiyo Waxa ay dawaysiyo

 

Difeetada ay leedahay Dani igama haysoo

 

Haddaad adigu diiddana Duul iga gadaayoo

 

Doonaaya lacagtaan Daafaha magaalada

 

Degdeg uga helaayaa Ayay ugu danbayntii

 

Jawaab diirran igu tiri

 

Dibna kalafurkeedii Ilkeheeda dabarka leh

 

Inaan deris ahayn beri Intii aan dareemaan

 

Dabadeed waxaan iri Dadkaas kaa gadaayaa

 

Iyagiyo dantoodee Yaynaan taas ku daahine

 

Horta sow dalaystii Ina Daahir maahayn?

 

Dabcan haah ayay tiri Iyaduna docdayday

 

Kaftan diirsimaad loo Waxay debecsan igu tiri

 

Dadka waysu badinaye Miyaa lays dafirayaa?

 

Daqiiqada yar gudohood Dib inta u fekerey-baan

 

Dabaded waxan iri Dalays waa runtaayoo

 

Ilaa dalandalkaagii Dadka waysu badinoo

 

Diraacdii dhoweydee Duunyadu baxaysana

 

Dhiirran dacalladeedi Waataan ka derisnaye

 

Dubkaan kugu aqiin iyo Hadmuu diirki kaa kacay?

 

Intay dib u dhaqaaqdoo Hadba doc iga eegtay

 

Durbadiiba waxay tiri Caku waa danbaysaa

 

Beledkaad dorraad timi Sowtii dad-hore-yiri

 

Doqon iyo habeen baa Madow loogu dawgalay

 

Dubkaan aan caddaystana Daliilkiisi waa kaas!!!!!

 

Dahabiga afkayga ah Intii aan dibnaha furay

 

Ayaan deeto waxan iri Gabaryahay diyaaniyo

 

Daawooyin lagu daray iyo durunafaa baad

 

Dushaadii marmarisoo Dubka sare caddaysoo

 

Dayax soo baxaayiyo Cadceed dacalka dhigatiyo

 

Waagoo dillaaciyo Daliig qaanso roobaad

 

Dushaadii la moodyoo Dalaystaan aqiin iyo

 

Ina daahir maahide Balmaxaa diyaanada

 

Gabaryahay-ku-dabadhigay?

 

Caku loonka doorsama Dubkaagi madobaa

 

Deeq laysa siiyiyo Deyn lays amaahshiyo

 

Diinaarka carabtiyo Doollar laguma helayee

 

Alla dahabsanaayaa!!!! Iblays baase kugu diray

 

Oo doori kugu yiri Raggaa kaaga didayee

 

Dabcigiyo wanaaggii Daayin kuu sameeyiyo

 

Dubkii uu Ilaahay kuu doortay adigaba

 

Haddaad diiddey oo tiri Mid kaloo ka doorroon

 

Ayaan doonanaayaa Diintaadan baranoo

 

Waa kuu damiin-nimo

 

Haddaad calafka doontoo Xoog ku daalibaysiyo

 

Dubkoo layska qaadana Horaa loo diyaarshoo

 

Dadaal laguma gaaree Waa kuu damiir xumo

 

Caku ways dullaysaye Adigiyo duqaagii

 

Arooskiinna dabaded Dadku idinka kala tegey

 

Deriskiyo xigaalkuna Laguu daayey hawshii

 

Dabka yaa bal kuu shidi?

 

Waxa kaaga sii daran Daafaha magaalada

 

Dan haddaad ka leedahay Qorraxduna dab ay tahay

 

Duqu gaari malahoo Danyar reerku weeye

 

Ayaa duhurki kuu socon?

 

Waxaa kaaga sii daran Haddaad ruux`dagaashaan

 

Dakharkii ku gaaraa Dedgdeg uma bogsanayee

 

Xaggeed daawo uga heli?

 

Waxaa kaaga sii daran Wejigii dawaeysoo

 

Majihii ka deysaaye Dubkaagoo ah kalakaan

 

Qaybina daruur tahay Inta kalena dugul tahay

 

Dadku inay arkaayaan Ma dafiri karaysaa?

 

Waxa kaaga sii daran Dubka dhabanku weligii

 

Dayax soo baxaayiyo Daruur haw ekaadee

 

Dibnahaaga madwgii Waakaa ku daahane

 

Dadku yuu la yaabine Maxaan kaga ****olnaa?

 

Waxa kaaga sii daran Dedgdeg midu u geeyoo

 

Isaguna difeetada Dib ka qoomameeyiyo

 

Damanaha ma sheegine Haddii aan dadnimadiyo

 

Dabcigiyo aqoontiyo Loo bogin duntaadii

 

Dubka walalacdiisaas Raggu dooni maayoo

 

Horaa looga soo digey Anna waa ku sii daray

 

Waxa kaaga sii daran Docda reerka xididka ah

 

Iyadoo laguu diray Oo halkay degaanniin

 

Aan durunafaa iyo Daawooyin lagahelin

 

Diyaanadi ad sidatana Kaa dabargo’ ay tahay

 

Dadka waxad dhexjoogtoo Waa dahab la mooddi

 

Danabkeennu guursdey Duqdu ay tiraahdaba

 

Toddobaadyo dabadood Dubkaagii wacnaa iyo

 

Inay daamakaagii U ekaa daruuruhu

 

Dogoba yeelanaayaan Deriskuna dhehaayaan

 

Furuqi la dabarjaray Miyaa dunida soo galay

 

Daawaan is mariyana Dibnaha aadan marin Karin

 

Maygu diiddan tahay taas?

 

Waxaa kaaga sii daran Midabkoo la doorshaa

 

Diinta kuma bannaanee Haddii adan danbowdaye

 

Degdeg toobad soo celin Inuu daayin Eebbuhu

 

Kaa daayo mooyee Naftu waa dabayloo

 

Mar ay duuli ma ogine dabka naarta aakhiro

 

Maw dulqaadanaysaa?

 

Illeyn dhagax dixeed iyo Nin dundumo u qayshadey

 

Isagays-ka daalaye Dalays wanadaydii

 

Qalbigeeda kuma duxin Anna waan ka dabaharay

 

Illeyn diiddey taladee In aan kula dagaalona

 

Qori mayso diintuye

 

Dadweynow dhammaantiin Intaasoo difeeta ah

 

Iyo qaar kasii daran haddii ay dubkoodii

 

Dawadani u leedahay Oo dumarka qaarki

 

Iyo wiilal diinyari Shaydaan u duufsaday

 

Dusha inay marmariyaan Weli door bidaayaan

 

Bal maxaa diyaanada iyo durinafaadiyo

 

Daawooyin jaankaan Dusha lagu caddeeyaba

 

Ubadkeenna dabadhigay?

 

Waynaan dareemine Xayaysiin daraadeed

 

Miyay dollar lacageed Dalalkii sameeyiyo

 

Dibadaha ka qaataan?

 

Culumaa-u’-diinkiyo Dadka waalidkaa iyo

 

Duqowdiyo wax`garadkiyo Aqoonyahan digriiliyo

 

Abwaannadii dalkaygiyo Qof kastoo damiirlow

 

Sidii gabar la doonoo Xidid-keed u dadab galay

 

Haddii wiilki dibad jirey Dhegihii dalooshaday

 

Timihiina loo dabay Dalka gabadhi joogtana

 

Daawooyin marisoo Dubkeedii beddelan yahay

 

Darxumiyo iyo ceeb iyo Dhaqan dooris weeyee

 

Dibadda iyo gudahaba Ubadkeennan doorsamay

 

Mayska daawanaynaa?

 

Diyaanadiyo Riikada Iyo Durunafaadiyo

 

Daawooyin kale oo Dubka lagu beddelayaba

 

Ganacsade dabbaalaa Dibadaha ka keenee

 

Markii dawlad loo helo Halla dabagalaan iri

 

Dareenkayga saan qabo Haddii dunida oo idil

 

Laga waayo dumar kale Gabar durunaafaa iyo

 

Daawooyin marisoo Dubka sare caddaysoo

 

Inta dibadda loo diray Berked dalaq ku soo tiri

 

Ragow yaanay idin dagin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

waraa sidoo kale waxaan maqlay dumarka marsada dabka ma galaan oo waa gubanayan sidii baasiin. Marka kii guursada ku dhib qaba qof aan dabka gali karin. Wa adoo bombale guursaday camal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

The use of bleaching creams or skin lightening products can cause skin pigmentation variation, premature aging, skin cancer, and other skin diseases. They can also promote the inability of skin to defend germ infection. In addition to this, using skin lightening products as a form of adornment may be considered haram waayo abuurista Allah in aad wax ka badashi ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Let people do what they want. If you want to peel off your skin because you hate it so much. Go ahead. I hate people who preach day and night about the risk. Seriously, dont you think they know it?

BTW, I noticed long time ago that the people who are obsessed with lightskiness are the light skinned people. It is as if they feel they'll lose this "privilage" if they dont maintain it or outdo former dark skinned people, lol!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Honestly, I don't think majority of the girls who abuse these creams/medicines know their(creams) risk factors and to educated them isn't a crime methinks. It's a social issue that has a lot to do with how our people see and rate beauty and some girls succumb to the that pressure.

 

So sister, be part of the solution and educate the youngsters about these kinds of social issues they are facing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Indhoos   

Unless you know the person very well it is not easy to aproach such topic. What I noticed is that when these ladies walk into a store to buy such products they normally claim that they are purchasing them for a friend and are not users themselves, despite the evidence on her lips, eye sockets and the creases of her fingers.

 

Walaahi waxaa arkay like Choco mentioned, gabdho aad u middab qurxanaa oo haddana wajigooda uu sambab u ekaaday see marba wax u marinaayeen, kaaga darane way kusii wadaan...Laa xawla walaa quwata.

 

PS. I think the above gabay should be shortened and included in the product boxes. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by Gheelle.T:

^Honestly, I don't think majority of the girls who abuse these creams/medicines know their(creams) risk factors and to educated them isn't a crime methinks. It's a social issue that has a lot to do with how our people see and rate beauty and some girls succumb to the that pressure.

 

So sister, be part of the solution and educate the youngsters about these kinds of social issues they are facing.

Well said!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Ahhh my fav. saying 'cadaan waayahaan looma dhashee waala gataa'...Ayi nooc ee meeshaan buuxaan, ilaa qaarkood aad moodo in skin ka hoostiisa dirxi cagaar ah uga socdo! Akhas caleek!!!

 

Not too long ago, I had some minor breakouts due to fluctuating hormones toward the end of my first trimester...A friend bought this cream for me to use, and her exact words were 'kareemkaan isticmaal haduu soo baxay, not only inee wajiga kuu nadiifineyso, skinkaagana ukun camal " :D " eey u ekeeysiinee'...Mind you, I am naturally a light skinned person...I didn't say anything, took the cream home and read the instruction sheet in the box...Let's just say by the time I finished reading the product info and its side effects (specially the part about if you're pregnant or trying to get pregnant), tartiibleen ugu celiyay boxkuu kuyimid, candhuufteeyna gadaalaan ulaqay...

 

Often women who use these products don't know anything about them...They use them cuz heblaayo aa u keentay, heblaayaa ku cadaatay, or haduu soo baxay...Worst of it all, they mix multiple skin lightening products to get maximum results...

 

Ani magacyo aan u kala bax saday: X-ray, Calibeesteen, Gacanteed Maciisho, Lacagteed Ka Nuurto, bas bas aan dhaafo gabdhaha walaaleheey ah... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this