Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dhurwaa in Brussels

Recommended Posts

What is Dhurwaa doing in Brussels? He is being welcomed by danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

_______________________

Muxuu Feysal Cali Waraabe u joogaa Brussels?

Fiqi-450x300.jpg

Wariyayaal jooga shirka Brussels ayaa soo sheegaya in maanta safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub uu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid uuna dajiyey hotelka ay daganyihiin wufuuda Soomaaliya ee shirka u jooga Brussels

Brussels ayaa waxaa ka furmaya shir ay joogaan madaxda dawladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo  Madaxweynaha DFS  farmaajo iyo kuwa Mamul-goboleedyadda si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo Beussels.

Kulankaasi  Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale.

Feysal Waraabe ayaa ilo ku dhaw dhaw safaarada u sheegeen Dalsan inuu ka mid yahay martida shirka ku casuuman ee rasmiga ah isaga iyo xubno ururada bulshada rayidka Somaliland ah .

Kulanka Brussels  waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyadoo aysan Somaliland si rasmi ah qeyb uga aheyn ayaa waxaa ay u muuqataa in lagu casuumo magaca Somaliland oo wali Soomaaliya qeyb ka ah.

Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan inay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si wadajir ah shirkaasi ugu soo bandhigi doonaa Qorshe dhinaac Ammaanka Soomaaliya iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka, waxayna Beesha Caalamka ka codsan doonaan Malaayiin Dollar oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka, si ay Hawlgalak AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha guud ahaan Soomaaliya.

Shirka Brussels waxa uu sii ambaqaadi doonaa tallaabooyinka cusub ee lagu taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, bishii May ee la soo dhaafay, Shirweyne ka dhacay magaalldda Brussels waxay Dowladaha Midowga Europe  ballan qaadeen 100 million oo Euro oo lagu taageerayo DFS.

Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo magaalladad Brussels waxaa lagu lafaguri doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen magaalladda Baydhabo, inkastoo ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin Mideynta Ciiddanka Qaranka.

Wali ma jiro war rasmi ah oo Somaliland laga helay ee ku aadan googitaanka Feysal Waraabe ee Brussels.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Ninkan xisbigiisu waa boos celis si aan xisbi kale usoo dhex gelin hogaanka snm, wuxuuna u qaabilsan yahay madadaalada,waana xisbi xarig furan, wax macno wayn uguna fadhiyo snm.

Waxaan xasuustaa hadda ka hor mar uu dhaliilayay siilaanyo oo uu yiri 

Waar...dee..dhagax dhigaan faraha badan dadka yaan lagu kufin haddaan meesha la dhisayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
13 hours ago, Holac said:

I thought you were talking about a zoo in Belguim when I saw the title. :)

 

Not far off. Its the political zoo of Europeans and many parts of the world tied to Europeans.

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.