booxaroampdildishi region

Nomads
  • Content Count

    30
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by booxaroampdildishi region

  1. [quote=Xaaji Xunjuf;71980 Remember the Americans also falsely accused the ICU islamic Courts Union of being terrorist and they were the most well organized Somali peace loving Govt Somalia ever had in 15 years afterwards the US state department said they miss calculated the Situation exactly
  2. hail to attam and the boys balikhadar baa la jooga bosaso waan hor fadhinaa im wonderin when faroole will flying of to garowe.
  3. NASSIR;688075 wrote: . This conference is about economic development and coordination. exactly
  4. link with pics. http://spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=782%3Aa-historical-makhiri-annual-conference-concludes-in-minneapolis&Itemid=122 Minneapolis: Delegates from across Africa, Europe and North America have met in Minneapolis to discuss ways forward in support of Maakhir regional development. Among the attendees were Maakhiri politicians, civil society groups, women’s groups, the business community, intellectuals, traditional elders, academics, and the media. The conference was moderated by a premier Somali Media Professional, former BBC and VOA reporter Ali Xarare. The meeting, which is the first of its kind, was designed to initiate a Maakhiri grassroots movement which assembles diaspora resources and skills into guiding and framing local Makhiri municipalities with effective governance. The forum has opened up a dialogue among its participants on how Diaspora Makhiris could extensively contribute to their home regions through crafting programs and policies that would harness their skills and expertise to the development of Sanaag, Haylaan and Western Bari regions. Jamal Mohamed Hassan, head of the organizing committee commenced the conference with a tone that highlighted the purpose of the grand meeting. “Our aim is to rebuild relationships at all levels, restore confidence and provide Maakhiri’s at home with hope for a better future” stated Jamal during the opening of the eight hour conference. Numerous experts took stage discussing relevant areas of development; including security, education, health, politics, the roles of women and youth. Brain Drain The Director of the Confederation of the Somali Community of Minnesota, Dr. Saed Fahia was among the key speakers. Dr. Fahia stated that the prospects of both social and economic development rests largely on Maakhir Diaspora who are obliged to set up proactive catalysts for social, political and economic change. “Maakhir region lacks the participation of capable, educated Diaspora. The drain of Makhiri talent, money and ambitions in other places of the world impedes both economic and social development,” stated Dr. Fahia. He also added that the Diaspora must seek ways to contribute to the development of Sanaag, Haylaan and Western Bari and design initiatives aimed at staunching the outflow of professional expertise in order to offer new possibilities. “They are international programs that aid professionals and we must take advantage of these programs” Dr.Fahia says. A brain drain occurs when a country or region becomes short of skills when people with such expertise emigrate. The UN Development Programme (UNDP) sites this phenomenon as a source that places a huge strain on Somalia’s development. Participants were encouraged to engage in strategies to reverse the brain drain in order to retain skilled professionals at home. Media The Director of Somali Public Radio’s Public Relations, Ibrahim Shire Faarax mentioned that region lacks basic services and critical infrastructure that can spur economic growth and instill democracy and strong civic sense into the community. “Our region lags behind others in Somalia and part of the problem is the lack of media presence in our region,” stated Mr. Faarax. He also mentioned that Makhiri regions have long been a victim of politically motivated propaganda and “disputed” status quo that drives international donors away from the region. “Thus, there is a critical need a community radio service as a forum for exchange of ideas, information, and issues of human rights, environmental sustainability, gender equality and cultural promotion in the region. "Somali Public Radio will to attend to issues of development and security and act as a bridge between the community’s needs and the traditional and political authorities and policy makers at the national and local level,” added Mr. Ibrahim. He also urged participants to contribute both financially and intellectually to the first and only radio station in the region, Somali Public Radio. Good Governance Following the collapse of Siyad Barre’s regime in 1991, a political vacuum emerged in Somalia. Virtually all political, economic and social activity underwent a process of extreme decentralization. In parts of Somalia, new entities of governance have since appeared attained stability and paved economic development. “These entities were derived from pre-colonial traditions” stated Mohamud Jamac Xaamud, an expert and a practitioner of good governance. “The Warsangali Sultanate was a sovereign entity,” stated Dr. Xaamud referencing article V of the British treaty with the Warsangali sultanate which acknowledged the sovereignty of the Warsangali sultanate and even appointed a British ambassador to Warsangali regions. “We must build a framework derived from our tradition of self rule for the advancement of our region,” added Mr. Xaamud. Political Participation and TFG relationship The head of Somali Women’s Parliamentarian Association, MP Asha Ahmed Abdalla mentioned that she was disappointed with Prime Minister Farmajo’s cabinet list and how it bypassed the 4.5 constitutional formula. The transitional government has long lacked domestic legitimacy due to mass corruption and narrowly framed peace process. MP Asha noted that as the governments mandate is coming to an end, that she is lobbying for a new reconciliation conference to be held in Makhir region. She urged the Diaspora to support this proposition that renews hope both locally and nationally. The need for a Makhiri Civil Advocacy Group Deeqa Hassan Shabelle, spoke about the need for a civil advocacy group for Makhiri’s, in Somalia’s harsh political environment. “Over 100 Men who hail from Makhir region are imprisoned in Bosaso as we speak today. We must create an organization that lobbies for the rights of our suffering masses,” stated Deeqa. The Role of Women A Somali Women Leader, Muna Jamac Abdi mentioned that Makhiri Women have traditionally played a considerable role in both family and public spheres. She referenced a Makhiri women organization by the name of Al-Nasr and applauded their active role in the economic and social front. Overall, the conference generated an outstanding vibe that encouraged the participation of guests. It also provided a good comradery and fellowship as well as an opportunity to share ideas on how to help Makhir regions and people in this critical moment. Abdulqudus Nur Salah (Donyale) Somali Public Radio www.spr.fm Minneapolis, MN
  5. Hargeysa 10, November 2010 (Ogaal)- Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland mr. Maxamuud Siciid Maxamed, haatana ka tirsan guddiga siyaasadda ee xisbiga UDUB, ayaa baaq u jeediyay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa. Mr. Maxamuud Siciid oo u waramay Telefishanka Horn Cable, waxa uu si wayn u difaacay nin lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam oo lagu daray liiska shaqsiyaadka ay indhaha ku hayaan golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Somaliland ee Xukuumaddii dhowaan xilka wareejisay, waxa uu sheegay in ninkaas oo muddooyinkii u dambeeyay maleeshiyo uu hogaamiyo Puntland dagaal kula jirtay uu yahay mid aan dambi lahayn, isla markaana Puntland kula dagaalamayso difaaca khayraadka degaankiisa. “Ilaa muddadii maamulku isbedelay ee dawladii UDUB ay xilka wareejisay ee ay ku wareejisay dawlada KULMIYE, dagaalo ayaa ka socday bariga Sanaag, dagaaladaa waxa ka waday oo si gaar ah u waday maamulka Puntland ee uu madaxda ka yahay Faroole. Marmarsiiyaha koowaad ee ay dagaalkaa ku soo galeen wuxuu ahaa, ‘waxaanu la dagaalamaynaa Argagixiso, gaar ahaan nin la yidhaahdo Maxamed Siciid Atam oo ka soo jeeda tuulada la yidhaahdo Galgala oo iyadu maamul ahaan ka tirsan Puntland, balse ku taalla Somaliland ee buuralayda ah ee bariga Sanaag ee degmada Dhahar, xadka Somaliland-na uu laba kiilo mitir oo dusheeda ah saaran. Ninkaa Maxamed Siciid Atam oo ah nin ka soo jeeda bariga Sanaag, wuxuu ahaa inan yar oo ah wadaadadii barigii hore la odhan jiray Itixaadka, inankaasi wuxuu ahaa nin caadiya oo deegaankaa ka tirsan oo jooga buurtaa Galgala. Nasiib-darro inankaa waxa falaagada ka dhigay waxa weeye maamulkaa Puntland, ka dib markii ay xadhig, dhibaato iyo cadaadis faraha badan u gaysteen oo ay Argagixiso ku tilmaameen. Laakiin, dadkii deegaankaa degaanaa oo uu hayb ahaan iyo dhalasho ahaa ka soo jeeday, dadkaas waa la dhibaateeyay, dhulkoodii waa laga qixiyay, waa la laayay, waa la kufsaday dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadaminimada ka baxsan baa lagu sameeyay. Haddii ay xadka Puntland ku ekaan lahaayeen dhibaato kumay noqoteen, laakiin waxay ka dagaalamayeen saddexdii bilood ee u dambaysay dhinaca buuraha ilaa meesha Karin-Xa******e meesha la yidhaahdo Madarshoon iyo buuraha Calmadow ilaa meel Laasqoray dusheeda ah ayey soo gaadheen (ciidanka Puntland), dhulkaasina ilaa 68 km oo ka mid ahi waa gudaha Somaliland. Atam iyo dadkii ay lahaayeen waanu la dagaalamaynaa Galgala ayey ku soo weerareen, Galagala way uga baxeen buuraha ayey soo galeen, buurihii ayey kaga daba yimaadeen 68 km oo gudaheena ayaa waxay ka dagaalamayeen muddo saddex bilood, dadkii dhibaatooyin badan ayey u gaysteen, sidii afkiisa ka qiranayey ninka la yidhaahdo Faroole ee uu lahaa sagaashan ayaanu dilay,” ayuu yidhi. “Ilaa maantadaa aynu joogmo, Atam wuxuu fadhiyaa oo joogaa buurtii Calmadow oo meeshii ay lahaayeen waanu ka saarnay ayuu joogaa, waxaa lagu sheegayna waxa kama jiraan, dhamaan iyaguna way ka soo huleeleen. Maamulkaa Puntland u kala dambeeyey oo Faroole uu yahay kii ugu xumaa ee ina soo mara, dadkaa dhibaatooyin aad u badan ayaa loo gaystay, dhacbaa loo gaystay, kufsi baa loo gaystay, barakicin baa loo gaystay, beerahoodii oo la gubay ayaa loo gaystay, marmarsiiyaha loo soo marmarsiiyooday oo ah argagixiso la dagaalan waxba kama jiraan, laakiin u jeedada rasmiga ee loo socdaa waxa weeye dhulkaasi waa dhul Illaahay ku manaystay khayraad badan, khayraadkaa waxa mar walba ka hortaagnaa Puntland waxay ahaayeen dhalinyarada deegaanka u dhashay, Atam-na wuxuu ka mid ahaa dadkii deegaankaa difaacayay, sidaa ayuu ku soo caan baxay oo dadkana kalsooni kaga helay, wax argagiso ah ama dhibaato ah oo uu maanta ku joogaana ma jirto, adduunkana waxay u sheegaan argagixiso ayaanu la dagaalamaynaa. Ninkaa Atam la yidhaahdo muuqaalkiisu waa inan yar oo gaaban oo miskiin ah oo Madaafiic, Taangiyo iyo qalab qarxa oo waawayn mid aanu jirin. Runtii beeshu uma hiilin, Somaliland-na gurmad uma samayn, cid kalena uma samayn, arrintaasi waxay sababtay in dadkii deegaanka u dhashay ay noqdaan wax la laayay, wax barakacay, wax la kufsaday dhamaantood iyagoo qaxoontiya ayey dadkaasi waxay joogaan degmada Dhahar. Maanta waxaa nasiib darro wayn ah, iyadoo intaasoo dhibaato ah uu dadkaa u gaystay inuu haddana farogalin toos ku soo sameeyo Somaliland oo u ogolaatay in gudaheeda saddex bilood ka dagaalamo oo aan maalin keliya laga hadlin,” ayuu raaciyay. Maxamuud Siciid Maxamed, waxa uu sheegay in dhibaatooyin uu xusay inay ka taagan yihiin bariga gobolka Sanaag ay sabab u tahay Xukuumadda Somaliland oo uu sheegay in aanay saamigoodii siinin bulshada degaankaas. “Anaga xisbigayagii UDUB maamulkaa lagala wareegay, waxaanu is nidhi nimankaa curdinka ah ee dawlada cusub ah 100 maalmood ayey qabsadeene 100-kaa maalmood afkiina ka xidha ummadu ha aragtee, hase yeeshee waxa nasiib-darro in maanta ay marayaan inay saraakiishii bariga Sanaag u dhashay inay leeyihiin waa argagixiso oo magacdoodii soo sheegayaan, raggaa argagixisada lagu sheegayaa waa raggii Somaliland u dagaalamayey, ilaalinaayey midnimada Somaliland ee gaadhsiiyay dhulkii xadkeena ahaa ee Somaliland ka taliso. Waxa kale oo aan xusayaa, dhibaatooyinka maanta dhacaya sababta ugu wayni inay tahay dawladan Somaliland ee uu maanta madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo gabi ahaan way ka saartay meesha beesha bariga Sanaag, cid uga wakiil ah oo dawlada kaga jirtaana ma jirto hadda tahay golaha wasiirada, hadday tahay qaybaha kale ee balaadhan ee ay dawladnimadu leedahay, hadday tahay dhinac ciidamada, haba yaraatee waxay kaga soo dareen ma jirto, taasi oo muujinaysa in halkaa lagaga maarmay midnimadii Somaliland. Dhinaca kale markaad eegto Sool habka ay wax u socdaan waxaan u arkaa inay tahay hab ah qawda maqashii, waxna ha u qaban…Nin dalkaagii badh ku doodaya oo isagu googoyanaya oo dadkii qixinaya ee dadkii kufsanaya illaahay masuuliyadooda dusha kaa saaray, marka aad u hiilin waydo ee aad ka celin waydo, waliba inuu deegaanka saraakiishii joogtay yidhaahdo waa budhcad oo dawladiina ay ka aamusan tahay, markaa dawlada ayaa la qabta ayay ka dhigan tahay,” ayuu yidhi. Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu naqdiyay xidhiidh ay labadoodu qireen oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo wasiirka Gaashaandhiga Somaliland.”Waxa iswaydiin leh Cadami ma wuxuu shaqeeyaa Somaliland mise Puntland? goorma ayey isaga iyo Cabdiraxmaan Faroole saaxiib noqon karaan, Soomaaliya waa la soo wada maray Xamar waa la isku yaqaanay dadku waa kala dan, kii shalay aanu Xamar saaxiibka ku ahayn maanta laba dawladood ayaanu kala nahay, markaa dawlada Somaliland la bililiqaysanayo ee la dhibaataynayo ee dadkeediina argagixiso lagu sheegayo, marka uu ka hadli waa nasiib darro waanan ka xumahay, sidaana kamaan filayn, waxa ku kalifayna isaga ayaa sheegi doona,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, in dawladda Somaliland bulshada degaanka bariga Sanaag baylihisay, isla markaana Puntland fursad loo siiyay in siday ay doonto ula dhaqanto, wuxuuna ka waramay xadgudubyo uu sheegay in ciidanka maamu-gobolleedkaasi u gaysteen bulshada degaankiisa. Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu shaqsiyan kulmin doono dawladda Itoobiya iyo kuwa kale ee sida uu xusay beenta looga sheegay Sheekh Atam oo uu xusay in aanu Argagixiso ahayn. ”Xataa hadday maalin keliya yidhaahdaan dadkaa dhibta halaga daayo wax wayn ayay noo qaban lahayd, laakiin waxay leeyihiin Puntland anaga isku mid baanu nahay, waanu wada shaqaynaa. Waxaan ugu baaqayaa dawladaha aanu saaxiibka nahay ee Itoobiya ugu horeyso yaan la idin marin-habaabin, buurahaa iyo deegaanka la leeyahay Argagixiso ayaa laga baadhayaa, argagixiso kuma noola, waxaanu diyaar u nahay dawlada Itoobiya iyo dawladaha aanu saaxiibka nahayba aniga Maxamed Siciid ah shaqsiyan Atam ninka la yidhaahdaa inaanu waxba wadin, inuu miskiin yahay inuu buurihiisaa ku jiro, in waxa uu difaacayaa yahay deegaankiisa, taasna anigaa caddaynaya, anigaana la kulminaya dawlada Itoobiya oo diyaar ula ah,” ayuu raaciyay. Ugu dambayn, waxa uu baaq u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidhi; “Dawlada Somaliland waxaan ugu baaqayaa oo uu ugu horeeyo madaxweyne Siilaanyo, Cigaal ka dib Somaliland maanta odayga ugu wayn baa tahay, waxaanan kuu soo jeedinayaa shacabkaasi waxay ka mid yihiin shacabka aad madaxda u tahay, haddaad ugu cadhaysan tahay cod kuma siin, ninkii cod ku siiyey iyo kii kaleba maanta madaxweyne ayaad u wada tahay. UDUB bay ahaayeen dadkaasi waanay aaminsanaayeen, laakiin maanta adiga ayuu Illaahay madaxweyne kaaga dhigay oo xilbaa kaa saaran, xilkaaga ka qaado, taariikh xumo yaanay kuu galin, iyagu diyaar bay kuu yihiin inay kula shaqeeyaan, anaguna waanu kuugu dhaaranaynaa wallaahi adigaa dalka madaxweyne u ah ee wax ka qabo.”
  6. Siciid Xassan Shire loool this is the guy that has strted all the the accusations because he wont be allowed to get into dhahar .
  7. dhab@******ka Puntland and Somaliland joogana lasifeendoonaa! loool
  8. dont worry old man atom n co n this big will come 2 garoowe. http://www.spr.fm/audio/colsayidjaamac.mp3 i want u to listen to this interview 2 the former taliyah poliska puntland.
  9. DAGAALKA KA DHACAY DEGMADA GALGALA YAA MASUUL KA AH OO MUSTQABALKA DHOW LAGALA XISAABTAMI DOONAA (HOOS KA EEG LIISKA SHAKHSIYAADKA MASUULKA KA AH ) Waxaa Dhawaan Dagaal ka dhacay Buuraleyda Degmada Galgala ee Gobolka Bari Waxaana Markale laga rajo qabaa in uu ka dhaco Dagaalo kuwii hore ka xoog badan hadaba waxaan qorrmadan ku eegi doonaa cida masuul ka noqonaysa ee Mustaqbalka dhow dadka reer Maakhir kala xisaabtami doonaan gumaadka iyo xasuuqa waxaana kusoo bandhigi doonaa qormadan shakhsiyaadka fududeeyay in dagaal lagu qaado Degmada Galgala. Bishii July26 ayay ahady Markii Maamulka Faroole dagaal qaawan ku qaaday Buuraleyda Galgala oo katiran Gobolka Bari islamarkaana Madaxweyne Faroolaha Puntland ku eedeyay in ay halkaas ku sugan yihiin dad kasoo hor jeeda nabada Puntland wuxuuna go'aansaday in uu dagaal ku qaado oo uu baal maro nabadoonada iyo waxgaradka deegaanka. tanyo wixii markaas ka dambeeyay ee ay Puntland u tafaxaydatay in ay gumaado islamarkaana bara kiciso kumanaanka qof ee Shacabka Reer Galgala ee aan waxba galabsan ayaa waxa marba marka kasii dambeysa soo badanayay aragtida ay ka qabaan dadka reer maakhir dagaalka uu Faroole ku qaaday Degmada Galgala. Maah Maah baa waxay tiri Cadaaba Waxaa ii kaday Geeri Mid kale ayaa kadaba tiri Gudin yahay ima goyseen hadaan badhkey kugu jirin waxaan uga socdaa dagaalka Faroole Galgala ku qaaday ma suuroobeyn mana uusan dhaceen haduusan badhkeen ku jirin oo aysan horboodeyn. Ujeedada dhabta ah ee uu ka lahaa Dagaalka Galgala maxay ahayd Faroole muxuuse isku haleynayay ka hor inta aynaan u galin qodobkaas waxaan rabaa inaan waxyar ka taabto Shakhsiyadisa, Faroole Wuxuu ku Magaacaban yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland wuxuuna kasoo jeeda Beesha ********** Shakhsi ahaan waa nin Faan badan intaas waxaa u dheer dhaqan xumo afxumo waxaa ku weyn qabiilka gaar beeshiisa Ciise Maxamuud wakhtiga ayaa iska saaciday ma ahayn shakhsi i qalma Madaxweyne. Waxaan in yar dib ugu noqoynaa markuu uu qoxoontiga ku ahaa Faroole Dalka Austrelia, marka uu shaqada ka yimaado wuxuu fadhiisan jiray goobaha fadhi kudirirka wuxuuna ku faanay jiray beeshiisa Ciise Maxamuud Wuxuu Necbaa oo Maqaaxiyaha ka caayi jiri Beelaha Warsangali iyo *********** sida aanu warka ku helayno ma uusan tagi jirin goobaha ay dadkaasi joogaan neceyb dartiis marka Beelaha aan kor kusoo sheegay la soo hadal qaado wuxuu odhan jiray maxay yihiin dadkaasi Puntland dheeraad bay ku yihiin, hadii aan Mustaqbalka wax ka noqdo Puntland waa loo yaaba waxaan ku dhigo Hadaba aan idin soo gudbiyo Ujeedada uu ka lahaa Faroole Dagaalka Galgala iyo cida uu isku haleynayay, Faroole wuxuu rabay in uu gumeeyo Beesha Warsangali isaga oo adeegsanaya Magaca Argagixiso oo waayadan dambe noqday Magaca lagu qudhaabto wuxuuna dhamaan beesha ku shaambadeeyay Argagixiso yadoo uu hadalkiisi u dambeeyay ee bbc-da ku sheegay macaal kuwa Somaliland jooga in ay yihiin Argagixiso, wuxuu isku haleynayay Dhowr Nin oo Xogheyn u ah balse Wasiiro ku Magacaban oo Garoowe ku qayila oo aan aduunba waxba kala socon oo qaarkood dhaqan xumo mareykan looga soo dhaqan celiyay. Dagaalka Galgala Lagu Qaaday Waxa Masuul ka ah Raggan Hoos ku Qoran oo Mustaqbalka Dhow Lagaga Xisaabtami doonaa. Nabadoon Xuseen Gurxan oo ay isaga si gaara isu hayaan Sheekh Maxamed Siciid Attam Waxayna kasoo wada jeedaan beesha Xuseen Idarays wuxuuna rali ka yahay in la xasuuqo Shacabka Galgala yadoo uu goob joog ka ahaa Wiilashii Lagu toogtay Duleedka Magaaladda Boosaaso mid ka mida wuxuu u yahay adeer dhow wuxuuna sheegta in uu yahay Nabadoonka Degmada Galgala, sida aan ognahayna waa ninka faafiyay in ay Argagixiso joogto Buuraha Galgala wuxuuna haatan u durbaan tumaa Faroole habeena Wuxuu Seexda Xero Ciidan oo ku taala Degamada Galgala Habeena Xaruunta Madaxtooyada ee Garoowe. Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo isagu Afkiisa ku difaacay in ay xaq tahay in la weeraro Galgala islamarkaana wuxuu raali ka yahay Xasuuqa iyo Gumaadka Galgala ka dhacay Wuxuuna intaas oo dhan u yeelaya Afhayeenimada Ismida Puntland oo uu ku qanacsan yahay, intaas waxaa u dheer in uu neceb yahay Isimada Kale ee Reer Maakhir, Ma seexdo haduusan maalintii laba jeer Faroole arag wuxuuna ugu sheekeye in Isimada Reer Maakhir ay yihiin isaga iyo Suldaan Siciid oo aysan jirin Isimo kala oo uu ka tashado xaalad Galgala Wasiirka Arimaha Gudaha Ilkajiir Isagu wuxuu u gashaday Tuute Xasuuqa iyo barakicinta Shacabka Reer Galgala isagoo ku badashay dano yar oo gaara si uu uga helo sharaf iyo Mudnaan Faroole iyo Beesha **********, Ilkajiir Hadh Cad buu Weerar ku qaaday Deegaankiisi kama uusan fakarin cidhib dambeedka ay ku yeelan karto deegaanka arintaasi mustaqbalka dhow. Wasiir kuxigeenka Amniga Cabdi Jamaal Osman Maxamed Samatar oo ah ninka ugu fir fircoon dagaalka ka socda Deegaanka Galgala kuna yeeshay Magac uusan hore u lahayn islamarkaana maamulka Faroole si weyn ugu soo dhaweysay dagaalka uu ku qaaday Galgala waxayna u sameysay balan qaadyo uu ku faraxsan yahay oo ah in wasiir buuxa laga dhigi doono taasina waxay sababtay in uu daacad u noqdo Faroole oo uu kala garan waayo Faroole iyo Aabihii Osman Samatar Siciid Xassan Shire Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Somaliya islamarkana Wasiir ka soo noqday KMG wuxuu raali ka noqday dagaalka qaawan ee Maamulka Faroole ku qaaday Deegaanka Galgala marna kama uusa hadlin dagaalkaas sida uu u arko basle taasi waxay cadeynaysaa in uu la dhacsan yahay Dagaalka Galgala, Shakhsi ahaan Waa nin iska Miskiina oo jecel in la dhaho wasiir iyo xildhibaan, waana ninka inaadeerkiis booskiisa kusoo weeraray isagoo Xildhibaana. Col Cabdilaahi Cumar Cashuur wuxuu ku Magacaaban yahay Taliyaha Gobolka Sanaag ee Maamulka Faroole Isagu Raggaasba wuu ka daran yahay Wuxuu Markii hore ka dhaga adeygay Dagaalka Galgala oo uu Faroole dhowr jeer u gacan haadiyay balse markii dambe Faroole wuxuu u balan qaaday lacag bada badan wuxuuna dagaalka galay isagoon miyir qabin. Waxaa jira Ragga kale oo si dadban uga qeyb qaatay dagaalka Galgala yaga dhawaan baan idiin soo gudbin doonaan Magacyadooda iyo Suuradooda. Fadlan Wixii Wara nagala soo xidhiidh halkan hoose Laasqoray.Net Laasqoray.Net@gmail.com
  10. Originally posted by NASSIR: who resides in and thus wields title deed on the strategic highway of El-Dahir, Carmo, Karin, Bali-Khadar, Laag, and the land on which the Bosaso airport is located? how will they kno when they just went past it or they never been there.
  11. while ive been fallowing this site ive read some funny comments specially coming from folks like timure who doesnt have the slightest knowledge of the maakhir regions specially when they the same folks whos aims r to expand into makhir territory of somaliland.arinkuu bilaabey abdullahi yusuf bey weli wadaan dont kno if you kno this but back 2003 dagaalki carmo in order to get head up from reerka he has spent half of million in Carmo to build those villas that surounds lamiga and fund army of just ali saleban tribe to figth against the dhahar tribe which at that time was led by yasin habeeb who at the present time is the comm ciidanka somaliland ee cawsane. reality on the ground is makhirs dont need puntland they need us, in sanaag region makhirs are already part of qaranka somaliland but not yet taxed propperly and in coming months inshalah there will be key improvements, and in bari region there will be movements and there has to be patience.
  12. Wareysi ay idaacada SPR la yeelatey taliyaha Ciidanka Somaliland ee saldhiga Sedexaad Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ka jawaabay wareysigii uu Madaxweyne faroole siiyey BBC da. Maalin dhaweyd ayay ahayd mar ay ciidamada S/land is hortaageen ciidamada Puntland oo rabay in ay fariisimo ka sameystaan deegaanka degmada Dhahar gudeheeda, iyodoo ay ciidamada S/land diyaar garow ka wadeen magaalada gudaheeda iyo dibadeeda ayaa waxaa wareysi aanu la yeelaney todobaadkii hore Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ah taliyaha ciidamada gobolka Sanaag ee maamulka S/land oo sheegay in ay Dhahar tahay S/land isla markaana ay ka difaacayaan cidii damacda in ay qalqal galisa. Maanta ayaa waxaa bbc da ka hadlay madaxweyne Faroole oo sheegay in ay ciidamada S/land ay caawiyeen ciidamada Atam, isagoo carabaabay shaqsiyaadkii ka dagaalamay dagaalkii Majiyahan oo haatan ku sugan magaalada Ceerigaabo. Faroole ayaa S/land ka codsadey in ay la shaqeeyaan Puntland dagaalka ay kula jirto Atam. Hadalka ayaa waxaa ka jawaabay Col. Muuse Jaamac Dalaf oo ka Hadley idaacada SPR oo isla markaana sheegay in uu Faroole kala Hadley isagoo sheegay in uu marna idaacada bbc da u sheegay in ay la dagaalamayaan beel marna sheegay in ay la dagaalamayaan argagixiso, Korneylka ayaa ka codsadey hadalka kala maanka ah ee kasoo yeerey Faroole in uu dhinac isugu duwo. Col. Muuse Jaamac ayaa sheegay in hadii ay cid dambi lagu eedeynayo in Faroole uu caalamka ku eedeeyey in uu yahay Burcad badeed. Col. Muuse Jaamac oo isla markaana ah isin Suldaan ah oo kasoo jeeda degmada Dhahar ayaa sheegey in ay nabada ka shaqeynayaan isla markaana ay iska difaacayaan cid allaale iyo cidii kusoo xad gudubta. HALKAAN KU DHAGAYSO MP3 Jaamac Muuse spr@spr.fm
  13. Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole ayaa Maanta Waraysi uu siiyay BBC-da ku sheegay inay ka Guulaysteen Kooxdii Atam isla markaana ay dileen 96- Ruux oo ka Tirsanaa Ciidamada Atam waa sida uu hadalka u dhigay, isaga oo Beeniyay Haba Yaraatee inaan dhankooda wax khasaaraha oo saas u Buuran la Gaadhsiin. Dr Faroole ayaa Hadalkiis u Muuqda mid Is Burinaya isaga oo Horay Saxaafada uga sheegau Bishii Julay ee isla sanadakan in Kooxda Atam ay Yihiin Al-Shabaab isla markaana ku xidhan Al-Qaacida, ayaa Waraysigiisa Maanta waxa laga Dheehanayay inay ahaayeen Koox isku Baahaystay Qabiil oo Taakulaynta ka Hela dhanka Somaliland. “Kooxdaasi waxa ahaayeen Rag Dhaqaalaha ka hela Somaliland oo isku Beel ah dhamaantood Dhahar bay ka soo jeedaan Lacagta iyo saadka waxa u soo qaadi Jiray Rag ay ka mid ahaayeen Faarah Caga Wayne iyo Ahmed Jiini Taag, sidoo kale waxa ka mid ahaa Raga Budhigayaasha u ah Muuse Jaamac Dalaf oo ah Taliyaha Aaga Sanaag ee Ciidamada Somaliland Waxaanu ka Codsan Somaliland inay Gacanta ku dhigaan Ragaasi oo ay Noo soo Gudbiyaan waayo Labada Maamul Khadar wayn bay ku Yihiin” Ayuu Yiri Faroole. Madaxwaynaha Pl ayaa Tibaaxay dhanka kale in Xidhiidh dhanka Sirdoonka ah uu ka dhexeeyo Maamlkiisa iyo Kan Somaliland isla markaana Xoogagii Atam ay ku Sugan Yihiin dhanka Bari ee Burco iyo Dhanka Galbeedka ee Magaalada Ceerigaabo. Muuse Jaamac Dalaf oo Loo Yaqaan [suldaanka] ayaa ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Sanaag u qaabilsan Somaliland waxana uu Guutooyin Hubaysan ku haystaa Duleedka degmada Ceerigaabo, sidoo kale Ahmed Jeeni Taag ayaa ah isna Ragii Hogaaminayay Dagaalkii Sanadkii 2005- ka dhacay Buuraha GalGala. Faarax Ismaaciil Ducaale oo loogu Yeedhay [Caga Wayne] ayay Waalo Yihiin Jaamac Ismaaciil Ducaale [Doonyaale] kaasi Dagaalkii Buuraha GalGala ay Puntland ku dishay. Isku soo xooriyoo Warkan ka soo Yeedhay PL iyo dhamaan Masuuliyiinta la eedeeyay oo Gobolka ka soo wada jeedaa ayaa Meesha ka saaraysa Warkii ahaa Buuraha GalGala iyo Atam Kooxdiisu waa Al-Qaacida waana Rag isu Tegay oo Beelo badan leh. Xasuusin:-Docda kale waxaanu Dhawaan idiin Soo Gudbin Waraysi kala Gadisan oo aanu la Yeelandoono Masuuliyiinta Faroole eedeeyay.
  14. sgaarsiinta gobolka Haylaan oo gabi ahaanba la jarey…Maxay tahay sababtu? By admin – October 25, 2010Posted in: Somali Dhahar: Iyadoo ay maalmahanba wada hadal u socdeen maamulka shirkada isgaarsiinta Golis iyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa waxaa maamulka Puntland ka codsadeen in la jaro is gaarsiinta deegaanada Haylaan iyo Galbeedka Bari, taasoo ay isku af garan waayeen mudadii sadexdii maalmood ee lasoo dhaafey. Waxaa maanta shirkada Golis la siiyey lacag dhan intii ay ka sameyn lahayd sadexda maalmood, heshiiskaasoo maanta soo gaba gaboobey, islamarkiiba hawada laga jarey is gaarsiinta Haylaan oo ay Dhahar xarunta u tahay. IYadoo ay hawada ka maqnaan doonta sadex maalmood ee soo socda. Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku eedeeyey in ciidamada Maxamed Siciid Atam ee galbeedka gobolka Bari laga taakulo deegaanada Haylaan oo ay isku heyb kasoo jeedaan beelaha dega, sidoo kalena ku eedeeyey in dhaawaca ciidamada Atam lagu dabiibo isla deegaanada Haylaan oo ay Dhahar xarunta u tahay. Si kastaba ha ahaatee, tan ayaa waxay u muuqataa in macaamiil badan ay shirkada Golis ay ku weyso, maadaama ay laba shirkadood oo kale haatan dhismahooda ka socdo deegaanka Dhahar, kuwaasoo kala ah Telecom iyo shirkad cusub oo xarunteedu tahay Hargeysa ee maamulka Somaliland.
  15. Ship docked in Bosaso with heavy weapons Bosaso- November 01, 2010- A large cargo ship full of heavy and light weapons docked at Puntland’s Bosaso port, according to eye witnesses.Bosaso- November 01, 2010- A large cargo ship full of heavy and light weapons docked at Puntland’s Bosaso port, according to eye witnesses.The local media confirm the arrival of the ship in Bosaso. The shipment displayed government logo. Sources inside the port told us:”different kinds of weapons and armored vehicles were loaded off the ship.”The cargo ship is called ‘Noora Moon 1′ and is registered in Panama.Puntland has been in war with a militia group led by Mohamed Atom in the mountainous belt of Almadow. The government alleged the group has connections with Alshabab terrorist group in Southern Somalia. However, the elders of the contested (Western Bari Region) area have suspicions of the government account, and called President Farole to seize hostilities.“Since July 24, 2010, many lives have been lost and the government troops took the heaviest losses… it’s time to stop this senseless war,” said one of the Galgala village elders.The UN arms embargo in Somalia is still in effect, however number of violations have been reported all over Somalia. Insurgent groups such as Alshabab and Hisbal Islam do not recognize the UN arms embargo on Somalia. Aid recipient Puntland and Somaliland also continue to violate the embargo. Laasqoray.org
  16. woooooooooooooooooooooooooooow that is weak Hubka ayaa waxaa lagu soo bandhigay xarunta Madaxtooyada ee Boosaaso waxaana ka mid ahaa hubkii la soo bandhigay ayaa Bambaanoyin gacanta laga tuuro kuwo meelo fogfog laga hago qalab kale sida Computer Laptop ah television Camero & Cajalado .
  17. loool calaacal baa wadaa shilling u going about atom in bed with galgala news everything about that article its the truth , what about garowe n co about there claims or should i say lies about everyting n still i dont see no proof.and to answer to your question we all know how faroole plans were to divide the migthty d***ys tribe faroole n co is having sleepless nights they will be hunted down not atom. Run ahaantii Puntland aad ayay ugu fashilantey arinta Galgala oo runtii qaawisey cududa Puntland in markii ciidanka Galgala la waayey ay ku dhawaaqeen in qabaa’il walba ciidan lagu qoro, sidii uu ahaan jirey waqtigii dagaalka qabiil ee sokooye bilowdey. walba oo lagu tabaayey in ay qori haysato, looma reebin. “Siqiir iyo kabiir, Haweenka hubka ha qaadeen, Qabaa’ilada ha dagaalamaan, maamulada dariska ah hana caawiyaan”… intaasi oo dhan waa hadaladii hogaamiyaha maleeshiyada Puntland ee Faroole.
  18. GalGala:-Yuu ahaa Siciid Saalax Caynab oo Puntland ku dishay Dagaalkii Galbeedka Bari November 2, 2010 By Admin Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar kuturu kuteyn ah oo kasoo baxayay wasaarada warfaafinta ee Puntland “Garoowe Online” ayaa waxay Siciid Saalax Caynab ku sheegeen inuu ahaa sarkaal sare (Col.) oo S/land ah una dhashey beesha *****. Siciid Saalah Caynab Allaha u naxariistee, wuxuu kamid ahaasadexdii nin beesha Warsangali oo ku dhintey dagaalkii Karin, (http://puntlandnews24.com/archives/2678) Hadaba dadka deegaanka Galbeedka Bari ayaa arintan ku tilmaamay mid lagu qoslo, taasoo nagu dhalisey in aynu maanta ku iftiimino Halyeygan geeriyoodey, Allaha Janadii udgooneyd ka waraabiyee, wuxuu ahaa iyo waxyaabihii lagu xusuustey. Siciid Saalax Caynab wuxuu ku dhashey magaaladaGalgala isla markaana ku barbaarey, wuxuu kasoo jeedaa reer caan ah oo ka mid ah reeraha dega deegaanka Galbeedka Gobolka Bari. Walaalkii waxaa la yiraahdaa Axmed Saalax Ceynab, waa nabadoonka beesha “Xaniif/Dubeys/Warsangali”, waana nabadoonkii ugu horeeyey oo idaacada VOA ka Hadley maalintii ay Puntland gashey deegaanka Galgala, wuxuuna ka mid ahaa nabadoonadii loogu yimid Galgala. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa nabadoonadii ugu cadcadaa ee deegaankaasi ka waday nabadeynta. Halkaan riix… http://www.raxanreeb.com/?p=60623 Siciid Saalax Caynab wuxuu waxbarashadiisa inta badan ku qaatey magaalada Boosaaso, wuxuu ahaa nin ka xamaasha beeraha deegaanka Galbeedka Gobolka Bari. Waligii ma noqon askari, waqtigii ugu horeysay oo uu qori qaadana waxay ahayd markii maamulkii Cade Muuse weerar kusoo qaadey deegaanka Majiyahan iyagoo markaasi dadka u sheegayay in ay macdan soo saarayaan. Eeg sawirka Siciid Saalax Ceynab waqtigii jihaadkii Majiyahan lagula jirey. Siciid Alllaha u naxariistee waa ninka kusoo jeeda sawirka oo fadhiya. Dadka uu ka dhashey waxay mar walba ku xusuusan doonaan halyeygan, geesinimadii uu lahaa, isagoo mar walba ahaa ninka ugu horeeya goobaha dagaalka lagula jirey maamulka Shahaado la dirirka ah ee Faroole. Dadka reer Boosaaso ama galbeedka Bari waxay aad ula yaabanyihiin waxa haatan ay Puntland kula dirirsantahay S/land, iyadoo lawada ogyahay ingaadiid dagaal oo ay S/land leedahay kala qeyb qaateen dagaaladii ka dhacayay Galgala, taasoo uu soo kaxaystey wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntlandoo ay ilma adeeryihiin wasiirkii hore ee shaqada iyo sportiga S/land. Arintan muran badan dhalisey oo gadood ku keentey ciidamada S/land ee gobolka Sanaag, kuwaasoo ka biyadiidey fudeydka Cabdi Jamaal oo horey u ahaa sarkaal S/land. Gaadiidkii iyo ciidankii S/land oo fadhiyey deegaanada Laamiga ah ee Ceeldoofaar iyo Cawsaneayaa waxaa dhawaan ay odayaasha ku qasbeen in ay Dhahar ku noqdaan, si aanu arintan u keenin dagaal sii fogaada iyo muran hubka Puntland gacanta loo galiyey. Dadka qaar ayay ula muuqatey in S/land iyo Puntland wada shaqeyn ka dhaxeyso, laakiin Ugu dambeyntii haatan hubkii waxaa intiisa badan lagu soo celiyey xeradoodii. Run ahaantii Puntland aad ayay ugu fashilantey arinta Galgala oo runtii qaawisey cududa Puntland in markii ciidanka Galgala la waayey ay ku dhawaaqeen in qabaa’il walba ciidan lagu qoro, sidii uu ahaan jirey waqtigii dagaalka qabiil ee sokooye bilowdey. Beel walba oo lagu tabaayey in ay qori haysato, looma reebin. “Siqiir iyo kabiir, Haweenka hubka ha qaadeen, Qabaa’ilada ha dagaalamaan, maamulada dariska ah hana caawiyaan”… intaasi oo dhan waa hadaladii hogaamiyaha maleeshiyada Puntland ee Faroole. La yaab malaha in ay Puntland caalamka ay ku dacweyso S/land iyagoo la barbar dhigey dowladaha waaweyn ee Afrika, oo taageera dagaalada sokeeye ee Afrika ka dhaca. Wasaarada warfaafinta ee Puntland Garoowe Online, waxaa laga dhadhansan karaa xitaa in ay mararka qaarkood ay ku dacweynayaan Itoobiya. Waxaa ayaan daro Soomaali u ah in la isku dacweeyo loona kala hormaro Zenawi sidii ubad la dhalayna sugaaya in madaxa loo salaaxo. Cajiib! Waxaan oranlahaa nin daad qaadey xunba cuskey, waxaad moodaa Puntland mareyso meeshii ugu dambeysay mar hadii ay jiraan qeyla dhaanka intaa le’eg oo ay caalamka been ka iibinayso. Abwaan Soomaali ah ayaa wuxuu yiri: Rag haddaad colaad leedihiin, ciidanse u weydo Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduuna WAKAA, ku ciilbaxay wiilashii shalay maxaabiista ay ku sheegeen, iyadoo ay tahay markii labaad ay maxbuus tooganayaan. Waxaan kula talin lahaa wiilasha wasaarada warfaafinta u badalay Garoowe Online, in ay gacantiisa kusoo celiyaan wiilkii loo magacaabay ee lagu magacaabo C/xakiin Axmed. Iyadoo ay Puntland haatan noqotey mid gabi-dhacaysa ayaa waxaa si toos ah qarka ugu sii tuuraya iyagoo been aan sal iyo raad lahayn baafiya. Garoowe Online ayaa waxay Halyeey Siciid Saalax Ceynab ku sheegeen inuu ahaa Korneyl ciidanka S/land, una dhashey beelaha *****. Hadaba goorma ayuu Siciid “Allaha u naxariistee” gobolka Bari meel u dhaafey, mise waxaa jira buufis laga qabo S/land oo ah in ay gobolka Bari joogaan mar hadii ay Laascaano heystaan?
  19. it certainly has strted the end of faroole Beesha Siwaaq Roon” Maamul Gooni ah baanu Ku Dhawaaqidoonaan November 1, 2010 By Admin Shir socdey 29-31/10/2010 oo ka dhacay magaalada Vesteros ee dalka Sweden ayaa waxaa shirkaas ka soo qeyb galey dhamaan qurbo jooga u dhashay deegaanada gobolka Raas- Cassayr, halkaas oo lagu lafo gurey dhibaatooyinka ka jira gobolkaas. Markii aynu aragney dhibaatooyinka ka jira degmooyinka kala ah Caluula, Baargaal iyo deeganada ku hareereysan. Markii aanu aragney waxqabad la’aanta maamulka Puntland ee ku jiheysan degaanadaas. v Markii ay inoo cadaatey in axdiga Puntland u yiiley qodobkiisa 21aad iyo kan 22aad qeexayeyna maamulku inuu masuuliyad ka saran yahay ka shaqeynta arimaha bulshada iyo nabadgelyada taasi oo u muuqata inay waxba ka qaban hawshii ay u xilsaarnaayeen. Markii aan wada tashiyo la sameyney dadka deegaanka oo ka kooban Aqoonyahanada, culumaa’udiinka, dumarka iyo dhalinyadaba. Intaasi ka dib waxaanu go’aansaney qodobadaan hoos ku qoran. 1- In deegaankeenu yeesho Gobol lagu magacabo Gobolka Ras-Cassayr. 2- In loo sameeyo gobolka iyo degaanada hoos yimaada maamul lana raaco siduu qeexayo dastuurka qodobkiisa 81aad. 3- Gobolku wuxuu ka koobanyahay degmooyinka hoos ku qoran: Taageer – Muudiya – Baargaal – Bareeda – Caluula – Xaabo – Murcanyo iyo 54 tuulooyin. 4- In lagu wacyi geliyo maamulka la dhisayo dadka deegaanka qaybahooda kala duwan. 5- Kaalinta Gabdhaha oo muhiim ah awgeed ,waxaa la gartay in maamulka adeegyada ay Kaalin muhiim ah ka qaataan, gaar ahaan masuul looga dhigo kan xiriirka dadweynaha iyo hanta dhowrka. 6- Gobolku wuxuu leeyahay kheyraad fara badan Waana meelaha uu dhaqaalaha ka soo galo degaanka Waana in canshuurtaa (dhaqalaha) lagu soo xareeyo xeerka u degsan Dowladda hoose ee Degma walba. 7- Cabdifataax Jamac Mire:- Arinta Cabdifataax Jamac Mire Ka dib markuu shirku ka dooday, eegeyna dastuurka saxaafada u yaalla maamul goboleedka Puntland qodobkiisa 35aad xirnaanshaha Cabdifaatah xiriirna la yeeshay xog-ogaal farabadan, dibna u eegey go’aankii Maxkamadda wuxuu garowsaday inuu ku xiran yahay sharci daro ah, waxa shir guddoonku ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la,aan ah lagu sii daayo, lana siiyo magdhow. Waxa uu shir guddonku mar labaad ugu baaqayaa inuu Barlamaanka Puntland baaritaan ku sameeyo arintaan sharcigana la horkeeno ciddii ka dambaysay shirqoolkaas. 8- Shirku wuxuu soo jeedinayaa in dhamaan beelaha wada dega Puntland ay ilaaliyaan wadajirka iyo wada noolaanshaha. 9- Waxaan u ugu baaqaynaa beelaaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degaanada Puntland inay joojiyaan dagaalada macna la’aanta ah, kana foojignaadaan wax allaale wixii keeni kari xasarad iyo isku dhac. 10. Shirku wuxuu isku raacay in qurbo joogto ka qeyb qaadato mid dhaqaale iyo mid aqooneed hirgelinta maamulkaas. Waad mahadsan tihiin. Afhayeenka maamulka Gobolka Raas-casayr Faarax Mohamud Yusuf (Dooxajoog) abs15200@hotmail.com http://galgalanews.com/index/?p=6055
  20. Beesha Siwaaq Roon” Maamul Gooni ah baanu Ku Dhawaaqidoonaan November 1, 2010 By Admin Shir socdey 29-31/10/2010 oo ka dhacay magaalada Vesteros ee dalka Sweden ayaa waxaa shirkaas ka soo qeyb galey dhamaan qurbo jooga u dhashay deegaanada gobolka Raas- Cassayr, halkaas oo lagu lafo gurey dhibaatooyinka ka jira gobolkaas. Markii aynu aragney dhibaatooyinka ka jira degmooyinka kala ah Caluula, Baargaal iyo deeganada ku hareereysan. Markii aanu aragney waxqabad la’aanta maamulka Puntland ee ku jiheysan degaanadaas. v Markii ay inoo cadaatey in axdiga Puntland u yiiley qodobkiisa 21aad iyo kan 22aad qeexayeyna maamulku inuu masuuliyad ka saran yahay ka shaqeynta arimaha bulshada iyo nabadgelyada taasi oo u muuqata inay waxba ka qaban hawshii ay u xilsaarnaayeen. Markii aan wada tashiyo la sameyney dadka deegaanka oo ka kooban Aqoonyahanada, culumaa’udiinka, dumarka iyo dhalinyadaba. Intaasi ka dib waxaanu go’aansaney qodobadaan hoos ku qoran. 1- In deegaankeenu yeesho Gobol lagu magacabo Gobolka Ras-Cassayr. 2- In loo sameeyo gobolka iyo degaanada hoos yimaada maamul lana raaco siduu qeexayo dastuurka qodobkiisa 81aad. 3- Gobolku wuxuu ka koobanyahay degmooyinka hoos ku qoran: Taageer – Muudiya – Baargaal – Bareeda – Caluula – Xaabo – Murcanyo iyo 54 tuulooyin. 4- In lagu wacyi geliyo maamulka la dhisayo dadka deegaanka qaybahooda kala duwan. 5- Kaalinta Gabdhaha oo muhiim ah awgeed ,waxaa la gartay in maamulka adeegyada ay Kaalin muhiim ah ka qaataan, gaar ahaan masuul looga dhigo kan xiriirka dadweynaha iyo hanta dhowrka. 6- Gobolku wuxuu leeyahay kheyraad fara badan Waana meelaha uu dhaqaalaha ka soo galo degaanka Waana in canshuurtaa (dhaqalaha) lagu soo xareeyo xeerka u degsan Dowladda hoose ee Degma walba. 7- Cabdifataax Jamac Mire:- Arinta Cabdifataax Jamac Mire Ka dib markuu shirku ka dooday, eegeyna dastuurka saxaafada u yaalla maamul goboleedka Puntland qodobkiisa 35aad xirnaanshaha Cabdifaatah xiriirna la yeeshay xog-ogaal farabadan, dibna u eegey go’aankii Maxkamadda wuxuu garowsaday inuu ku xiran yahay sharci daro ah, waxa shir guddoonku ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la,aan ah lagu sii daayo, lana siiyo magdhow. Waxa uu shir guddonku mar labaad ugu baaqayaa inuu Barlamaanka Puntland baaritaan ku sameeyo arintaan sharcigana la horkeeno ciddii ka dambaysay shirqoolkaas. 8- Shirku wuxuu soo jeedinayaa in dhamaan beelaha wada dega Puntland ay ilaaliyaan wadajirka iyo wada noolaanshaha. 9- Waxaan u ugu baaqaynaa beelaaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya degaanada Puntland inay joojiyaan dagaalada macna la’aanta ah, kana foojignaadaan wax allaale wixii keeni kari xasarad iyo isku dhac. 10. Shirku wuxuu isku raacay in qurbo joogto ka qeyb qaadato mid dhaqaale iyo mid aqooneed hirgelinta maamulkaas. Waad mahadsan tihiin. Afhayeenka maamulka Gobolka Raas-casayr Faarax Mohamud Yusuf (Dooxajoog) abs15200@hotmail.com http://galgalanews.com/index/?p=6055