Cawaale

Nomads
  • Content Count

    1,272
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cawaale

  1. WL's first leak was from Somalia, it was an order by Sheikh Hassan Dahir Aweys(ICU at that time) to assassinate other government officials. Apparent Somali assassination order WikiLeaks posted its first document in December 2006, a decision to assassinate government officials signed by Sheikh Hassan Dahir Aweys.[20] The New Yorker has reported that [Julian] Assange and the others were uncertain of its authenticity, but they thought that readers, using Wikipedia-like features of the site, would help analyze it. They published the decision with a lengthy commentary, which asked, “Is it a bold manifesto by a flamboyant Islamic militant with links to Bin Laden? Or is it a clever smear by US intelligence, designed to discredit the Union, fracture Somali alliances and manipulate China?” ... The document’s authenticity was never determined, and news about WikiLeaks quickly superseded the leak itself.[20] Wikipedia
  2. ^loll@Afrikaan Cawaan ah. War ninka carbeed yaa ka careysiiyay? Sheekada soo habee yaakhee, ku noqo. waxaan kugula talinayaa in aad Drama-ha ku badisid sida:-Qeybta baaritaanka oo dumarka si aan habooneyn loola dhaqmay, Duqeyda xujeyda ah oo lagu qasbay in ay saacado taanadaan, dibadda Airportka oo dadkii cid ka kaxeyso loo waayay maadaama aan cid Soomaali ah loo ogoleyn in asoo dhaafto, wadankuna la haysto..IWM. Sheekh is soo adkeey yaakh. Mararka qaar waxaan ka shakiyaa in aad Open-Script tahay, oo ay Askarta dhan adeegsadaan this "Maaddeey" character. Dabcan mararka qaarna nin aad u culus oo xeroow ah aa isticmaalo the same name. ...Ii wad sheekada.
  3. So he is alcoholic Swheli man who is on of the most useless Somalis. Did I understand that correctly? It makes one wonder what kinda weed we started growing in Hargeysa, but again Baar Udug comes to mind. As for the Man, hope this attention gets him on the Council's housing list.
  4. Cawaale

    Somali Men

    Originally posted by Ismalura: @ Cawaale good story but who says its the women's fault hadii ilmo la dahli waayo...I wonder why people have this assumption all the time. May be isgaa dhib qabay odayga lakiin if she was the one oon dhali karin than that is a wonderful man. Ismalura(the name rings a bell) Sheekada waxaan u soo qaatay meeshaan aa looga baahnaa nooh, laakin arinta ilmo la'aanta qof ay qaladkeeda tahay ma jirto. You know fertility test is not available most of the time and most people don't take it seriously, so one way to find out is for them to go their separate own ways and try out their guns. To the poster, Allaah kuu sahlo.
  5. Cawaale

    Somali Men

    ^ i had neighbor who was married to a lady of his age, they were married for more then 30 years and had no children. Despite the the temptations, suggestions and the pressure he was getting from the family, he never left his wife, he also never married another wife with here.
  6. Waa maalin ciidoo caradeynu leenahay. Cirkeena iyo dhulkeenaba laga wada ciyaaree. Calanka aynu leenahay lala wada caweeyoo lagu caafimaadee. ~~Eid Mubarak to you brothers and sisters~~
  7. Asi guuxa diyaaradda ma maqli karo, waa in uu saarnaadaa sowmaahan. Taqaballalaah.
  8. Cawaale

    Tacsi:

    Mogadishu Times, Nov 10 Alle ha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis Nov 08 ku geeriyooday Cabdidoor Muxumad Macallin. Wuxuu ahaa ganacsade Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaan gudaha Soomaaliya iyo dibadaba. Waxaa shalay lagu aasay qubuuraha Burnsville ee Minnesota. Waxaa aaskiisa kasoo qeyb-galay dhamaan madaxda jaaliyada ee gobolka iyo dadweyne farabadan. Cabdidoor wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo saaxiibo badan ku leh aduunka gaar ahaan gobolka Minnesota. Wuxuu ifka uga tagay 3 wiil, 2 gabdhood iyo xaas, magacyadoodana waxay kala yihiin: Najma, Mulki, Sheekh Nuur, Maxamed-deeq, Cabdikarim iyo xaaskiisa Kiin Abshir. Cabdidoor wuxuu xanuunsanaa waqti dheer. Ganacsadaha wuxuu ku dhashay magaalada Ceelbuur 1954-kii. Wuxuu arday ka noqday oo uu ku xareysnaa Boarding School-kii ku yaalay magaalada Jowhar. Wuxuu ku taqususay oo uu shahaado Jaamacadeed ku qaatay cilmiga ganacsiga. Cabdidoor wuxuu aas aasay madaxna ka ahaa shirkadii caanka ahayd ee Door Enterprise ee uu saldhigeeda ahaa magaalada Muqdisho. Shirkada waxay ka mid ahayd shirkadaha ganacsiga ee ugu waa weyn Soomaaliya. Dagaaladii sokeeye ka dib waxay shirkada usoo guurtay oo ay saldhig cusub ka sameysatay magaalada Dubai. Waqti yar ka dib wuxuu Cabdidoor usoo wareegay Mareykanka. Intii uu joogay Mareykanka wuxuu la xanuunsanaa xanuunka uu hadda u geeriyooday ee beerka. Cabdidoor wuxuu ka mid ahaa maamuulka masaajidka Umutal Islaam ee ku yaala magaalada Minneapolis. Qudbadahii laga jeediyay aaskiisa ayay qaar ka mid ah Imaamada ka cadeeyeen in aysan macquul noqon lahayn dhismaha masaajidka Umutal Islaam haduusan Cabdidoor ahayn. Wuxuu ahaa shaqsi aad ugu xiran masaajidka. Ganacsade lagu magacaabo Baasim oo Falastiini ah, saaxiibana ay ahaayeen Cabdidoor ayaa maamulka masaajidka ka codsaday in ay badalaan magaca masaajidka uguna magacdaraan Cabdidoor. Baasim oo sheegay in uu waqtiyo farabadan isbitaalka ugu tagay Cabdidoor, ayaa ka sheekeeyay in uu Cabdidoor waqti walba u adeegi jiray masaajidka lacagtiisana ku bixin jiray. Wuxuu ka hadlay oo uu dadkii masaajidka joogay u sheegay in uu Cabdidoor mar uu coma kasoo baxay su’aashii ugu horeysay ee uu waydiiyo waxay ahayd arimaha masaajidka meesha ay marayaan. Wuxuu ku celceliyay oo uu codsaday in masaajidka loogu magacdaro. Waxaa kaloo sidaa oo kale wanaag badan ka sheegay imaamadii joogay aaska oo gaarayay ilaa iyo todoba. Jaaliyada Minnesota dhexdeeda wuxuu ka ahaa nin libaax ah oo hawlkar ah. Alle ha u naxariisto.
  9. Ismail, Omarani is not member of the said network. He was found guilty to food stamp and wire fraud, isaga iyo walaalkiis.
  10. Fanaanka Dahir Lucky oo Xabsiga loo Taxaabay [Fanaanka Daahir Lucky oo ka muuqda sawiradii ay booliska ka qaadeen eedeysanayasha. Fanaanka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Mareykanka Daahir Nuur Ibraahim oo loo yaqaano Daahir Lucky ayaa waxaa laga soo qabtay Gurigiisa oo ku Yaalo Gobolka Tennessee ee dalkaasi dabadeedna la dhigay xabsiga iyadoo lagu soo oogay Daahir Lucky dacwad ka dhan ah isaga waxaana la sheegay inuu ku lug lahaa falal la xiriira dhac, gatidaan gabdho da’yar oo aan wali qaan gaarin, been, xatooyo gaadiid, ka ganacsi hub, ka mid ahaansho burcad ama ********* iyo danbiyo kale oo jabinaya sharciyada wadanka Maraykanka. Daahir Lucky ayaa waxaa lala xeray 28 dhalinyaro oo kale oo isugu jiray wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo laga soo kala qabtay iyagana gobolada Columbus iyo Minnesotta waxaana la horkeenay maxkamada iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay murugo iyo naxdin iyadoo ay dadkii Soomaalida ee dadkaasi ku dhawaana ay amakaag la yaabeen maadaama aanan dadkaan la ogeyn inay ku jiraan falalkaan ay u weyntahay in eedeysanayaashan uu Dahir Lucky ka mid yahay ay iibgeyn jireen gabdho da' dooda ka yartahay 14 sano ayna sidoo kale iibgeyn jireen daroogada iyo waxi la mid ah. Sida ay sawirada kusoo soo bandhigeen FBI-da Mareykanka ayaa waxaa uu Daahir Lucky ahaa shaqsiga ugu da'da weyn waxuuna jiryaa 38 sano halka ay dhalinarada kale yahiin kuwa iyago ka yar da'da sodonjirka. Dambiyada loo haysto Fanaanka caanka ku ahaa ruwaayadii Qabyo ee Dahir Lucky ayaa waxaa la horgeeyay oo laga xareeyay maxkamadda Tennessee waxaana la sheegay in la daajinayay oo la gaadaayay maadaama ay FBI da Mareykanka ay dabagal ku haysay Soomaalidaan ka taajiray ka ganacsiga daroogada iyo Gabdhaha yaryar. Daahir Lucky ayaa waxaa uu ahaa nin da'yar oo la sheego inuu fanka kusoo galay dhaqaale tiro badan uu ugu deeqay abwaaniintii jilayay ruwaayaddii abwaan Sangub ee Qabyo waxaana uuku lahaa dowr weyn isagoo lahaa albumo heeso ah waxaana ay dadku ku xaman jireen inuu Daahir Lucky ku guuleystay baqtiyaanasiib ama Lottery lacago ahaa balse haatan waxaa Lagu soo oogay fanaankaasi Dacwad ah inuu ku shaqeysan jiray arimahaan aan kor kusoo xusnay oo ay arrintu ka duwan tahay sida ay dadka aaminsanaan jireen. Jilaa News info@jilaa.com
  11. No, this are the shareefs i am talking about. Raalli noqo, anigaa si qalad ah ugu soo dhacay sheeko aad kore ku waday malaha.
  12. ^Are we talking about the Same SSharef's Omar iyo Walaalkiis? Dj, Omaraani, waaba la xukumay hadda sxb!
  13. Cawaale

    Tacsi:

    Innaa lillaahi wa inna ilayhi raajicuun. Samir iyo Iimaan sxb. Samir iyo Iimaan.
  14. GT, The shareefs kaligood lama xerin, Hooyaadood aa ku jirto. wax laga naxo waaye sxb.
  15. Originally posted by Haatu: Mz, sxb fadlan tooshka iga wareeji. loll@ Tooshka. MZ, Joobanaha iska dhaaf ninyahow, nin yar oo toosh yaqaano waaye dey, dheel dheel ma ahan.
  16. them/us kulahaa, ma ilmo sidaada o gowso weyn baa jira?
  17. Originally posted by chocolate & honey: They used to sell these little girls to old, perverted Somali dudes who live in public housing high rises in south Minneapolis. T remember when this thing came out people were like Odyaashaan they are being blackmailed? Ha idinka saarto.
  18. Originally posted by Polanyi: The first recorded instance of the name occured in the middle ages when a xabashi king killed his eminence Sheikh Saad adiin, the emir of the northern cushitics, and then glorified his victory over the "Somalis" in a poem. Today, the name is associated with all kinds of ugly traits and many Somalis kids are ashamed of it . I believe the time is correct for Somalis to come up with a new name and rename their country. ^very self explanatory post i say.
  19. Its the girl that are(were) underage when this whole thing started, now they are Big ladies, bosses or something.
  20. Originally posted by Gheelle.T: ^Isn't that an assumption on your part? Maxaa laga qabaty the disappearance of a dozen or so young Somali men oo shabaaba ka mid noqday from the very state. Maxaa laga qabtay the web of murders in the said state. Waliba lagu dilay the likes of Ahmed Nur who had nothing to do with the gangs, who wanted to do something for his people, volunteered at teen mentor program. Maxaa laga qabtay oo aan ahayn in dambiilayahsa la dhoofiyo, loo guuriyo, oo Africa, Carabaha and at times Yurub ku tamashleeyaan I know, we don't live a perfect world, in a prefect world wadankiinii oo nabadda yaan ku noolan lahayn, lakain that doesn't mean indhaha xerano, waa in aan isku laabanaa, oo aan xaqiiqda waajahnaa bro. Yet what i say here remains assumption, waxan oo dhan inta aysan billaabanina dad aa sideyda o kale taagnaa, waxbaa naga qaldan, iayaguna "assumptions" ay wadaan aa lagu yiri.
  21. W.C back Amiir Maaddeey, how did your inauguration ceremony went?
  22. Originally posted by Che -Guevara: I doubt community in MN will do anything-maybe express shock and horror as we are doing here. and that my friend, is the saddest part of it all.
  23. I'd be as naive as they claim to be, if i were to believe that they are that naive. Still waa wax laga xumaado.
  24. Soomaali Saddex Gobol oo Maraykan ah dacwooyin looga soo oogay Waxaa Isniintii (Nofember 8, 2010) aroortii hore iyo habeen hore saqdii dhexe si lama filaan ama kadis ah guryahooda loogu yimid oo lana xir xiray sadex iyo labaatan qof oo 22 kamid ahi ay yihiin Soomaali. Dhamaan dadkan la raadinayo oo ay tiradoodu gaareyso 29 ayaa waxaa hada la hayaa 23 kamid ah, halka 6 qof wali la baadi goobayo, lana la’yahay. Saddex gobol oo Maraykanka kamid ah, kala ahna Minnesota, Tennessee iyo Columbus ayaa 29 kaa qof ku soo oogay eedaymo dacwooyin la xiriira, dhac, gatidaan gabdho da’yar oo aan wali qaan gaadhin, been, xatooyo gaadiid, ka ganacsi hub, ka mid ahaansho burcad ama ********* iyo danbiyo kale oo jabinaya sharciyada saddexda gobol ee aan kor soo sheegnay ama gabi ahaanba wadanka Maraykanka. Maxkamada dhexe ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa la keenay eedaymo dacwooyin la xiriira danbiyada aan kor ku soo xusnay 12 qof, koow iyo taban kamid ahi ay yihiin Soomaali. Koow iyo tabanka qof ee Soomaalida ah ayaa 2 kamid ahi ay yihiin dumar ama gabdho da’yar, iyaga oo dhamaantood laga soo qab qabtay ugu yaraan saddex magaalo oo kuyaala gobolka Minnesota. Waxaa sidoo kale labada gobol ee kala ah Columbus iyo Tennessee lagu qabtay 11 qof oo kale. Shaqsiyaadka lagu qabtay gobolka Tennessee ayaa waxaa kamid ah nin caan ka ah bulshada Soomaaliyood oo isagu fanaan ah. Dahir Nuur Ibraahim oo ku magac dheer “Dahir Lucky” ayaa isagu ah fanaan caan ka ah waqooyiga America. Sidoo kale wiilka la yiraahdo AbdiGadir Ahmed Khalif oo ku magac dheer “Awali” ayaa isago ku shaqeyn jiray bangi ku yaala magaalada Minneapolis, xaafada Cedar oo ah xaafad ay degan yihiin bulsho Soomaaliyeed oo aad u tiri badan. Halka dadkan intooda badan lala xiriirinayo eedaymo ururo burcad oo ka dhisan gobolka Minnesota, magac yadoodu kala yihiin, Somali Mafia, Somali Outlaws iyo Lady Outlaws. Haddaba sida uu shaaca ka qaaday xaakim Franklin L. Noel oo isaga la horkeenay 12 qof ee magaalada Minneapolis lagu soo qabqabtay in baaritaanka arintani ay mudo dhowr sanadood soo socotay, ayaa hadana bulshada Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ka muuqda murugo, ama-kaag, iyo xishood. Markii aan tegay goobtii maxkamada ee 12 qof dacwada loogu soo oogayay, waalidkii, ehelkii iyo asxaabtii ka soo qayb gasahay dacwad oogista dadka danbiyada foosha xun lagu tuhunsan yahay, waxaa wajiyadooda ka muuqday murugo iyo mugdi aan ereyo lagu qeexi Karin. Eedaymaha iyo Danbiyada loo haysto dhamaan dadkan ayaa waxaa baaritaankooda iyo dabagalkooda laga xareeyay maxkamad ku taala gobolka Tennessee, inkasta oo danbiyada dadkan lagu oogayo ay ka dheceen saddex gobol oo kala duwan oo ah kuwo Soomaalidu aad u degaan. Dhamaan 29-ka qofba intooda faraha lagu hayo waxaa la sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo gudbinayo Magaalada Nashville ee gobolka Tennese, halkaas oo ay dacwada dhabta ahi ka dhici doonto. Waxaa qoraalkan ku lifaaqan qoraal ay kamuuqdaan, magacyadii iyo dacwooyinkii lagu soo oogay dhamaan 29-ka qof oo ku qoran luuqada Ingriisiga. Waxaa kale oo la socda sawiro muujinay dhamaan 29-ka qofba. Twin Cities human traffickers enslaved girls younger than 13 for a decade. The people charged are: Abdifitah Jama Adan, 28; Abdullahi **** Afyare, 19; Ahmad Abnulnasir Ahmad, 23; Yahya Jamal Ahmed, 23; Abdikarim Osman Ali, 22; Musse Ahmed Ali, 23; Hassan Ahmed Dahir, 21; Idris Ibrahim Fahra, 22; Fadumo Mohamed Farah, 25; Yasin Ahmed Farah, 19; Abdullahi Hashi, 24; Fatah Haji Hashi, 23; Abdirahman Abdirazak Hersi, 20; Muhiyadin Hassan Hussein, 22; Dahir Nor Ibrahim, 38; Abdifatah Bashir Jama, 23; Andrew Kayachith, 20; Abdigadir Ahmed Khalif, 24; Mustafa Ahmed Mohamed, 22; Bashir Yasin Mohamud, 26; Fuad Faisal Nur, 24; Abdifatah Sharif Omar, 25; Liban Sharif Omar, 21; Mohamed Sharif Omar, 26; Hamdi Ali Osman, 22; Haji Osman Salad, 20; Bibi Ahmed Said, 19; Ahmed Aweys Sheik, 24; Yassin Abdirahman Yusuf, 21. (Courtesy to Pioneer Press: Obtained from a court filing in US District Court in Tennessee.) Qalinkii, Abdirahman Mukhtar Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: Minneapolis