
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
As you said, it is mysterious .....
-
Way dallaceen ,,,, what should we exptec now ?? I think next will be seizing a US carrier with its F-16 fighters and Cruise missiles ,,,
-
KAN FOOXIYE WAABUU U EG YAHAY WALEE
-
NAIROBI, 17 November 2008 (IRIN) - The widening split between Somalia's leaders could lead to the total collapse of the transitional federal government (TFG), a Nairobi-based regional analyst, who requested anonymity, has warned. The split has widened as insurgents gain ground across Somalia, taking control in recent days of large parts of south and central regions, according to civil society sources. Insurgents comprising Islamist Al-Shabab, nationalists and militia clans opposed to foreign forces have over the past two months taken control of more than a dozen localities, they said. "The success of the insurgents is a reflection of the desire of ordinary Somalis to end the anarchy, coupled with the TFG's [Transitional Federal Government] inability to restore order," Timothy Othieno, a regional analyst at the London-based Overseas Development Institute (ODI), said. "There is little doubt that the anarchic situation, with the inability of the TFG to restore order, security and provide the basic services, has enabled the Islamists to be ever more popular," he added. According to Othieno, the only recent experience Somalis have had with peace and a sense of security was the six months in 2006 when the Islamists controlled vast parts of the country. "That was the first time in nearly 15 years that witnessed a return to peace in Somalia, albeit only briefly. It is this sense of 'security' that Somalis crave and are willing to secede some of their freedoms to be safe from harm," he added. Blame game Somali legislators disagree on whether the situation is getting out of control, but blame their leaders. "The TFG is not on the brink of collapse; it has already collapsed," Abdi Ahmed Dhuhulow, a parliamentarian allied to Prime Minister Nur Hassan Hussein, told IRIN on 17 November. "He [President Abdullahi Yusuf] started immediately after his election [in 2004] by trying to usurp the power of parliament; he fought with Sharif Hassan [former parliamentary speaker], then with Ali Gedi [former prime minister] and he will not stop until he gets his way," Dhuhulow said. However, Abdirashid Mohamed Iro, an MP allied to Yusuf, disagreed, saying although there was a "very serious split" between the president and the prime minister, the TFG had not collapsed. So far, Yusuf and Hussein have failed to agree on a new cabinet. On 17 November, the UN Special Representative for Somalia, Ahmedou Ould-Abdallah, appealed to the leaders to put aside their differences. He urged the government to agree on a new cabinet quickly, saying a continuing power struggle did not serve Somalia's interests, particularly as there was now an agreement to establish a broad-based unity government. Way forward After months of on-off talks in Djibouti, representatives of the TFG and a faction of an Eritrea-based opposition alliance signed an agreement to cease hostilities in August. "The TFG and the ARS [Alliance for the Re-liberation of Somalia] Djibouti wing must conclude the accord and cement their partnership without further delay, if they are not to be overtaken by events on the ground," the Nairobi analyst said. Even then, the process faced serious challenges. Apart from Yusuf's resistance, he added, a determined opposition and the presence of Ethiopian troops in Somalia had continued to undermine public confidence in the Djibouti process. It had also strengthened the hand of those insurgents who favour a military solution. "Should the Djibouti peace process fail, then the TFG is likely to disintegrate and southern Somalia be carved up between rival Islamist factions, some of them - like Al-Shabab - committed to an agenda of regional destabilisation and violence," he warned. However, Othieno of ODI said it would be wise to allow the Somalis "to decide how they want to design their own state", adding, "I am not saying to neglect Somalia, but not interfere in their 'state-making' processes." Conflict, drought and hyperinflation have combined to create a humanitarian crisis in Somalia, with aid workers estimating that 2.6 million Somalis need assistance. That number is expected to reach 3.5 million by the end of the year if the situation does not improve, according to the UN.
-
Subax wanaagsan haddana ,,,,,,,,,, what is cooking today ??
-
It affected teh price immediately .....
-
Redka ,, stay away hadii kele duufaanku yaanuu kula tegin.
-
Originally posted by Allamagan: quote:Originally posted by nuune: - Abdullaahi Yusuf in Libya, siding with Eritrea & Egypt, Ethiopi'a main enemies. - Eretrea welcoming Yey's latest developements. Lol @ ^ that I cant wait to see the pics of Yey, ina Aweys, Afewerke and probably Indho Cade holding hands & posing pictures for photographers ,,, Ahhhh Politics .... Finally Afewerke is in love with Yey .... I think he is gonna kick out Aweys then ,,,,,,,
-
They operate as deep as 300 miles from the coast sxb ,,,,,,
-
loooooool@semi-dead ,,,, taasaaba ugu daran
-
They should blow it up so that no one will ever use that part of the sea again ,,,,,
-
Marmar baan is idhaahdaa qof keliya oo miyir qabaa idin kuma jiro ,,,,, It is midnight here ,,, and NO ,, I'm not home yet.
-
-
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Imaamyada Masaajidada Hargeysa oo Maanta Shirka ka yeeshay Adkaynta Nabadgelyada Dalka SDWO (Hargeisa 17/10/08) Wasiiro ka mid ah Golaha xukuumadda Somaliland, ayaa shir ballaadhan la yeeshay in ka badan saddex boqol oo ka mid ah culimada imaamyada ka ah masaajidada magaalada Hargeysa. Kulankaas oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee guriga shaqaalaha dawladda, waxa uu dabasocday shirar isdaba joog ah oo beryahanba xukuumaddu la yeelaynaysay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeedadoodu ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa adkaynta nabadgelyada iyo in la sameeyo habab dadweynuhu arrintaa kala shaqeeyo dawladda. Waxaana shirkaa imaamyada masaajidada la isugu yeedhay ka qaybgalay wasiiradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiir-duwlaha Arrimaha Gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Md. Cali Cilmi Geelle iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamuud Suufi Muxumed oo kulankaas furay, ayaa sheegay in culimadu imaamyada masaajida ka ahi ay yihiin kuwa dadka ugu qiimaha badan, maadaama ay joogaan guryihii Ilaahay ee ugu qiimaha badnaa, balse wax laga xumaado ay tahay in wixii dhacay lala xidhiidhiyo culimada. Isaga oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Culimooy, imaamyada masaajidow idinku waxaad ummadda u haysaan xilkii ugu weynaa, waxaanad joogtaan meelihii dalka ugu qiimaha badnaa oo ah beytulaahi. Sidaa daraadeed waa in aad ogaataan in la idinku aaminay cibaadadii ugu weynayd cibaadooyinka. Haddaba markaynu eegno dhacdadii inagu dhacday ee aynu sababteeda isugu nimi, waxaynu u baahanahay sida nabadgelyadeenu u wanaagsanaan lahayd, mar haddii diinteenu diin nabadgelyo tahay, idinkuna culimadii ummadda ee diinta loo aaminay in aynu taa wax iska weydiino weeye kulankeenani. Arrintii dhacday in farta lagu godo xaggii diinta iyo dadkii ehlu diinka ahaa dhinacoodii diinta nusqaan weyn bay ku tahay waxaana arrintan sabab u noqday dad isku shabbahaya, laakiin dad ehelu diin ah oo diinta si toos ah u haystaa waxaasi kama suuroobaan.” Wasiirku waxa uu sheegay in shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta masaajidada ka dhisan iyo xaafaddaba laga samayn doono gudiyo ammaanka kala shaqeeya dawladda. “Waxa loo baahan yahay in imaam kastaa masaajidka uu joogo xilkiisa uu qaado xag diineed, xag nabadgelyo iyo xag kastaba, waxaana shanta degmo ee magaalada Hargeysa ka kooban tahay mid kasta la samayn doonaa inta masaajid ee ka dhisani intay isku tagaan gudi soo sameeyaan, gudigaas oo hoosiman doonta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, sidaana nidaamka nabadgelyada lagula socdo,” ayuu yidhi Sh. Maxamuud Suufi. Waxa kale oo Wasiirku ugu baaqay culimada imaamyada ka ah masaajidadu inay aqoontooda diimeed kor u qaadaan, si wixii diinta iyo cibaadaba ka khaldama ay u sixi karaan, maadaama ay iyagu qaadeen masuuliyad weyn, isaga oo tilmaamay in imaamyada masaajidada lagula xisaabtami doono wixii ka yimaada masaajidooda. Wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha gudaha Md. Xasan Axmed Ducaale (Macalin) oo shirka ka hadlay ayaa culimada dalka kula dardaarmay inay nabadgelyada dhinacooda ka ilaaliyaan, waxaanu yidhi "Waxaan idinku boorinayaa inaad wax u sheegteen dhalinyarada diinta sida qaloocan u gashay ee aqoon la'aantu diinta ka hayso, bogcada yar ee Somaliland ayaa Soomaali oo dhan ka nabad qabta, horumar ayaynu hiigsanaynay oo nabadgelyada meel ayaynu iskaga tiirinay ayaynu isla hayn oo horumar ayaynu hiigsanaynay, waxase muuqata in rag ka bu'ayaan, fikir qaloocdana ka diinta ayaa u xun, waa nasiib darro in la yidhaahdo nabadgelyada dadka wax u dhimayaa waxay ka soo dhex baxeen culimo". Wasiirul dawluhu waxa uu culimada ugu baaqay inay masaajidada lagaga hadlo mawduucyo diini ah isla markaana culuumta Islaamka la baro dhalinyarada. "Masaajidadu ha noqdaan meel khayrka iyo waxa wanaagsan laga soo abaabulo," ayuu yidhi Md. Xasan Macalin. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isna kulankaa kala hadlay culimada, ayaa sheegay in culimadu ilaa intii Somaliland lagu dhawaaqay kaalin weyn ka qaadatay horumarka dalka iyo ilaalinta nabadgelyadaba, gaar ahaana ay ka qaybqaateen dejinta dagaaladii sokeeye ee beelaha Somaliland dhexmaray. “Wax weyn baa inaga galay waxan aynu ku fadhino inaga oo doonaynay nabadgelyo iyo in dhisme qaran la sameeyo, Ilaahay mahadiina maanta meel wanaagsan baynu joognaa, laakiin intaaba waxa socotay rag meel ka soo bu’aya oo leh ma jirayso mana dhismi doonto ee waanu burburin doonaa oo aan mar iyo laba toona ahayn, tallaabooyinkan dambe ee la qaadayna wixii horeba saleelo ayey ahayde waa mid aan tudhaaleba lahayn oo ahayd qarankan iyo wixii ku abtirsanayaba mar hala waayo,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu waxaannu intaa raaciyey, “Somaliland aad bay u nasiib badan tahay, waayo cidnaba dulmi kamay gelin, waxa aynu wadnaana waxa weeye in dalkani dhismo oo uu noqdo mid nabadgelyo shacbigiisuna horumaro. Markaa waxaynu doonaynaa in aynu midnimo ku wadashaqayno, baadhis baana socota, laakiin arrintu maaha wadaadow wadaad ma tahay ee baadhis baa socota wixii ka soo baxaana ciday gasho cid ka hortagaysaa ma jirto.” Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle iyo Sh. Ismaaciil Xasan Faarax oo ka hadlay sida arrintani aanay diinta shaqo ugu lahayn iyo in loo baahan yahay si wada jir ah looga shaqeeyo.
-
Madaxweynaha Somaliland oo maanta qaabilay waftigii ka socday dalka Jabuuti Hargaysa,(Qaran News)-War-saxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda qarannews, warsaxaafdeedkaasi oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland mudane Siciid Cadaani waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidan hoos ku qoran. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cali Faarax Casoowe. Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga reer Jabuuti , waxa ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyada Nabad gelyada , Dhaqaalaha , waxana Wasiirka Maaliyada ee Jabuuti uu Madaxweynaha iyo shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyay dhambaal taageero iyo tacsi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadaynayay dhacdadii waxshinimada ee argagaxisadu ay ka fulisay caasimada Hargeysa. Ugu danbayntii, kulankaasi waxa uu ku dhamaaday Jawi fiican oo is afgarad. Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale, Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali “Cirro”, Duulista iyo Hawada Mudane Cali Waran cadde iyo Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir. Waftigan reer Jabuuti oo uu hogaaminaayo wasiirka maaliyada ee dalka Jabuuti ayaa doraad dalka soo gaadhay waana waftigii ugu cuslaa ee dalka yimaadalana socda dalka Jabuuti tan iyo intii ay Somaliland xornimadeedii dib ugala soo laabatay dalkii Somaliya ee ay la midowday 1960'kii, tan iyo intii uu madaxweyne Rayaale xilka qabtay waxa sii xoogaysanaayay xidhiidhka labada dal, waloo ay jireen marar uu xidhiidhka labada dal xumaaday hadana sanadii ugu danbaysay waxa uu isku shareeray xagii ugu saraysay
-
Kollayba amaan kaamaan filaynin niyow ,,,, shall we talk about yours now ??
-
What difference does a $100 make in your neck of the woods?
Jacaylbaro replied to RedSea's topic in General
Actually i did spend that ,,, on a dinner only weliba ,, and that was in Hargeisa back in 2004 .. -
What difference does a $100 make in your neck of the woods?
Jacaylbaro replied to RedSea's topic in General
$ 100 is even less than a one nightout expense. -
yaa go'ay yaa ka go'ay yaase kala gooyay gacmaha cidii jartay geesi yaa ka ahaa go'aankii hore kii gooni isula taagay ee is giijiyee keligii gole yar soo ootay mar haduu gartaydii asmacay garasho weeyaane inkastoonan gundhigaa weli la maaraynin Gari Allay taqaane waa la soo gunaanadi ...
-
looooooooooool@maraa iigu laaban ,, Midna waxa lagu yidhi Sheekhow findhicilku ma xaaraanbaa ?? markaasuu yidhi hadal qaadkiisaaba xun ,,,,
-
Can you spot 'mariage material girl' just by looking at her?
Jacaylbaro replied to RedSea's topic in General
NO -
Simple rule: Eat only when you are hungry and don't eat too much when you are eating.
-
Dear Suufi Nuune, I'm sending you this letter to let you know that you are officially informed to have Quruumo in you and you need to be diagnosed as soo as possible. The only Awliyo you can find around is Me, JB who heals lots of people around the continent. Please submit your request as soon as possible before the closing day of the applications on the 20th of November 2008. Thank you for your suufinimo ,,,, Say Hi to the quruumaha intooda miyirka qabta and i shall see you soon.
-
Cali Maxamuud Cali(Cali-Gurey)oo ka mid odayaasha degmada Widhwidh ayaa ka waramaya go'aamadii caaqilada,nabadoonada,iyo dhamaan wax-garadka degmada Widhwidh.Cali-Gurey ayaa goob joog ka ahaa markii ay odayaashu u yeedheen TV-ga Hargeysa,weriyaha u jooga Laascaanood,isla markaana odayaasha oo hadlaya laga sii daayey idaacadaha. LISTEN HERE Puntland bay ku xidhnaayeen,hay'ad baan u imaan jirin,dadku dantiisa inuu garto,Rag badan baa iga hor yimid,waan u dhabar adaygay,dadkii waa ii soo joogsadeen,waa i dhegaysteen,markii danbena dantooday garteen. Haraad xun baa ka jirey,xanuuno yaab leh baa jirey,iskuulkii oo caruurtu dhulka fadhido.Wey i yeeleen,waxaan ka hadlayey bay arkeen.10sandood ee Puntland weligood ma aanan arag.Shalay ,markaan ka imidna wax waliba waa dhamaayeen, Wuxuu sheegay in degmada Widhwidh uu mudo bil ah ka socdey shirar,waxaana isu yimid cuqaasha,nabadoonada,nin-garboodka,nin taliya nin aqoon leh,waxayna ka shirayeen dantooda,wax u dan ah,meesha u dan ah,go'aankoodiina wuxuu noqday inay Somaliland wax la qabsadaan,siyaasadooda raacaan,dantoodu ay ku jirto,taasaana xaflad loo qabtay. Wuxuu sheegay in xafladaas la qabtay ay goob ka ahaayeen saxaafada Somaliland oo markaas ka timid dhinaca Laascaanood,isla markaana cajlado filim ah laga qabtay,oo laga sii daayey TV-ga Hargeysa. Wuxuu kaloo sheegay in ay lakulmeen badhasaabka Puntland uga magacaaban degmadaas,wuxuuna tusay 15 fayl oo uu ku yidhi akhrista.Wuxuuna sheegay in odaygaasi hada iska joogo oo danihiisa qabsado,weligoodna aan wax maamul Puntland ahiba aanu imanba. Cali Gurey oo ka hadlaya odayaasha go'aankaas soo saaray,isla markaana laga sii daayey waraysigooda TV-ga Hargeysa ayaa wuxuu sheegay inay ka mid ahaayeen Cheif Caaqil Axmed Saalax Maxamed Cali Buley,C/llaahi Saalax Maxamed Cali Buley,iyo Caaqilo kaleba. Cali Gurey ayaa ka hadlay kulamo ay yeeshween Garaadka Beeshaas,iyo waxay ka wada haleen. Wuxuu kaloo sheegay in Governatooraha Somaliland uu isna halkaas joogey,oo markii hore arintu ku bilaabatay heshiisiin laba beelood,sidaasna shirku ku bilowday. Wuxuu cali sheegay inay odayaashu ogolaadeen in laga duubo filimo iyo warar iyagoo arintaas u arka mid sax ah. READ MORE
-
Waa laga hadlay sxb and some news portals were even reporting the arrival of US and other Intelligence to investigate ... i can find those news if you want. If that incident was not that important then you should know Hargeisa is more important than tuulooyinkaas kele ,,,, it is the Capital city anyway .........