Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. It is just 25 minutes sxb ,,,, you're a good reader ,, Stay tuned for Part Two ....
  2. Depends on the Party's constitution. I'm not sure if UDUB is same as KULMIYE.
  3. Shankalena waa ME iyo sheeka xumadiisa .... Halkaa ku daa intaa in ka badan ma qaadi karee
  4. Laba saacadood iyo badh bay ku qaadatay cabdi inuu ku diyaar garoobo si uu suuqa u tago ka dib markii uu inaadeerkii la soo hadlay una sheegay inuu kexeeyo oo uu hawlo suuqa kaga kala daadsan la soo dhameeyo inta aanuu berri subax u dhoofin dalka Ingiriiska oo uu ka yimid muddo saddex bilood laga joogo. Naxdiintii qaylada tilifoonka ayaa sababtay waxoogaa madax xanuun ah inuu qaado laakiin cabdi oo lagu yaqaanay caajisnimo iyo inuu aad u cag culus yahay marka uu lebbisanayo ayaanay arintan degdegga ahi waxba ka bedelin. Ugu yaraan 20 daqiiqo ayuu dib u sii galgalanayay oo uu sariirta ku sii jiifay. Markaas ka dib ayuu inta uu is galaalay oo uu burushkii uu ilkaha ku cadayan lahaa ka dibna wuxuu u holladay xagaa iyo musqusha si uu dawadii Colgate oo qasabada saarnayd ugu cadaydo. Waaba dawadii oo show dhamaatay. Xalay ayaa cashadii uu cunay waxa ku badnayd basasha oo wuxuu dareemayay inaanuu afkiisu caadi uraynin laakiin wuxuu ka xanaaqay dawadan dhamaatay ee aanuu ogayn. Markiiba waxa uu ku dhuftay bahal qaylo ah oo xaaskiisii Cawo oo kijada ku jirta ayaa orod isa soo daysay iyadoo is leh tolow maxaa dhacay. Cabdi: Naa goormay dawadani xumi dhamaatay maxaadse iigu sheegi waydeen inkaaar baad qabtaaye. Cawo: Eeg hadda waa markiisiiye, shalay subax soodigii adigu isticmaalayay ee intii ugu dambaysay ku cadayday. Cabdi: Goorma ? Cawo: Dee shalay subax markaad sii baxaysay Cabdi: shalay ma anigaa cadaydayba Cawo: Wadhlo Karinley ! ! ! waar miyaanad lahayn dawadiina waataa dhamaataye aan caawa soo iibsado miyaanadse xasuusnayn markii biyuhu ay kaa go’een adigoon luqluqan ee aan koobka biyo kuugu soo shubay ? Cabdi: Malaa gurigan ninkalaa igula nool. Iska daa rag kalaa la isku kaaya khaldayaaye. Cawo: Balaayo waa markiisii, Waar naga tag. Cabdi: Imika ma anigoon cadayan baan baxaa ? Cawo: Hadaa ma anigaad igu cadayan. Waxaad doonto yeeloo naga tag aanu kaa shaqaysanee. Dherigii baaba naga gubtaye. Cabdi waxa uu go’aansaday inuu maanta caday la’aan ku baxo hadhowna uu soo iibsado dawadii. Muddo 10 sanadood ah muu isticmaalin cadaygan suuqa lagu iibiyo ee wuxuu kaga kalsoon yahay burushka iyo dawada oo beri ay ilkuhu dhiigi jireen uu dhakhtar u qoray. Cadho ayuu is madax maray dabadeedna intuu tuwaalkii soo qaatay buu damcay inuu qubaysto ka dibna uu baxo. Inta uu rushaashadii hoos galay oo uu waxoogaa biyo ah jidhkiisa ku qooyay buu u holladay saabuuntii oo uu inta uu madaxana shaamboo ku shubtay jidhkana saabuun udgoon oo nooca Zest la yidhaa ah tin iyo cidhib isku dhamooqay. Mar labaad buu rushaashadii furay si uu saabuunta isaga maydho laakiinhaba sheegin, biyoba ma leh markan. Waxa uu u qaadan waayay waxa ku dhacay biyaha oo ilaa lix jeer buu marna xidhaa marna furaa sidiiyoo uu biyo ku helayo. Wuxuu xaqiiqsaday inaanay meesha waxba jirin sidii u caadada ahaydna wuxuu miciinsaday inuu mar labaad Cawo u qayshado. Cawo yaabtay oo tidhi hadana maxaa helay, laakiin hadana soo carartay oo waydiisay waxa dhacay. Cawo: Waar waa maxay hadana ? Cabdi: Waa maxay bay na leedahay, ma adigaa biyaha naga xidhay ? Cawo: Naga xidhay aa ?? oo maxaan ku falayaa xidhashadooda ? Cabdi: Garan maynee gurigan balaayaa naga haysatee bal kaalay eeg sidaan ahay. Cawo (iyada aayar furaysa albaabkii musqusha): Hayaay, oo maad biyaha iska hubsatid intaanad saabuunta is marin ? Cabdi: Hubsanay oo way socdeene bal orodoo foostada biyo iiga eeg aaan saabuuntan uun iskaga rogo waan degdegayaaye. Cawo waxay u carartay xagaa iyo foostada oo daaradda taalay iyadoo dhexda ka sii qaaday baaldi ay biyo ugu soo shubto. Nasiibdarrose foostadu way madhan tahay oo biyo lagu shubo waxaaba ugu dambaysay kuwii wiigii hore roobka laga dhaamiyay oo guriga lagu maydhay laba cisho ka hor. Halkaa kumay jooogine, xaafada jaarka bay u carartay si ay bal wuxuun uga soo hesho laakiin iyagana waxba laga soo waa oo sidaas oo kele ayay uga go’naayeen wax meel u yaalayna may jirin. Werwerkii ayay biyo yar oo jeeg ku jiray oo ay qadada ku karinaysay intay u soo qaaday u sheegtay inuu intaa saabuunta iskaga rogo haday ku filnaato hadii kele inaan biyo jirin oo la soo waayay.. Isaga oo hiiftaamaya ayuu nin yara qoroweyn buu ahaaye intii biyuhu ka dul qaadeen mooyaane intii kelena uu dharkii iskaga dul xidhay iyada oo guuxa, reenka iyo huruuftanka ka baxaya aad yaabayso. Quraacdii oo miiska u saran intaa dhinaca ku sii dhuftay ayuu iska dhaafay isagoo ku hadaaqaya “Quraacna dooni maynee, gurigan baas” ka dibna kadinka ayuu ka booday. Orodkii ayuu markiiba baskii ku booday isagoo raba inuu suuqii gaadho oo uu inaadeerkii ku sugayay. Cabaar markii uu baskii socday ayaa la waydiiyay lacagtii baska laakiin markii uu jeebka damcay inuu ka soo saaro ayuu ogaaday inaanuu lacagba sidan oo intii ugu dambaysay uu xalay koob caano ah kaga cabbay dukaan markii uu sii hoyanayay. Kolba jeeb buu ku booday sidiiyoo lacagtii inta ay carartay ay kolba meel ku dhuumanayso oo ay la ciyaarayso laakiin nasiib darro jeebabka oo dhami way madhnaayeen marka laga reebo ka sare ee shaadhka oo waraaqo ay xisaabi ugu qoran tahay ay ku jireen. Juuq muu odhane wuu iska aamusay oo fadhiistay, wuxuu isha la raacay dadkii baska la saarnaa bal inuu cid uun ka garto uu yidhaahdo iga bixi. Yarka lacagta ururinayay oo isaguna aad u dabeecad qallafsanaa ayaa intaa ku celcelinaya “adeer lacagtii keen dee” laakiin dheg umuu jalaq siin jawaabna umuu celin haba yaraatee. Inankii ayaa u qaatay inuu ninkani yahay qof dhego la’ oo inta uu soo tiigsaday oo uu gujiyay faraha ugu sheegay inuu lacagtii bixiyo. Isaga oo Cabdi xanaaqsan kana jaahwareersan waxan ku dhacay ayuu si cadho leh ugu yidhi “Waar na sug dee waanu ku siinaynaaye, waxani muxuu la gariirayaa”. Yarkii markii uu dadka oo dhan lacagtii ka urursaday ayuu dib ugu soo noqday Cabdi oo uu hadana waydiiyay inuu bixiyo lacagta isagoo weliba markan ugu daray qaylo iyo hadal kulul oo uu ku dalbanayo lacagtiisa. Cabdi oo ka xanaaqay siduu ula dhaqmay kan yari ayaa si cadho leh u yidhi “Adeer lacagba waanu iska waynee naga tag”. Yarkii oo ka xanaaqay arinkaas ayaa yidhi: Aar waxaas ha noogu sheekayne lacagta iska bixi baanu ku nidhi, ma bilaash baanu dadka ku qaadnaa baa lagu yidhi ? Cabdi: Kaalay naga qaad dee waakaase, ma haynaanu ku nidhi dee waad iimaan la’dahaye. Yarkii: Waar adigaa iimaan la’e lacagta iska bixi tuug baad tahaye. Cabdi: Ma anigaa tuug ah, walaahi inaan dhulka kula dhici. Cabdi markii uu intaa yidhi ayuu kor u booday oo uu u hollday dhankii yarka laakiin dadkii baska saarnaa oo wixii dhacayay maqlaayay ayaa kala dhex galay. Darawalkii baska ayaa ka xanaaqay ninkan weyn ee yarka laga hayo, inta uu baskii wadada dhinac uga saaray oo uu joojiyay ayuu bakoorad kursiga hoostiisa u taalay la soo degey oo inta uu soo wareegay gudaha ugu soo galay Cabdi isagoo gacanta jiidaya oo debeda ula baxaya. Cabdi laftiisu muu dhaamine isagoo aad u cadhaysan ayuu debeda u soo booday oo uu rabay inuu ninkan la dagaalamo. Laakiin dadkii ayaa kala dhex galay mar kele oo midba dhinac u jiiday. Cabbaar markii la iska raftay ayuu darawalkii haleelay inuu mar qudha dadkii ka soo dhex boodoo oo inta uu laba bakooradood ku dhuftay Cabdi isagoo tii sadexaad ku sii wada ay hadana dadkii laba dible u qabteen oo dhinacaa u jiideen. Askar boolis ahayd oo meesha maraysay ayaa ku soo leexatay buuqii iyo dagaalkii oo inta ay isa soo dhex taageen dadkii waydiiyay waxa dhacay. Cabdi oo bakooradihii ku dhacay ay xanuunjiyeen, cadhona cirkaa maraya ayaa soo booday isagoo ku qaylinaya “Walaahi inaan shilin la iga qaadayn, boolis baad sheegteene hadii madaxweynuhu yimaado” iyo erayo cay ah oo kele oo badan. Askartii ayaa u yeedhay darawalkii oo waydiiyay siday wax u jiraan, waxaanay waraysteen dadkii baska la socday waxaanay damceen inay arinka halkaa ku qaboojiyaan iyagoo Cabdi u sheegay inuu lacagta baska iska bixiyo, laakiin Cabdi cadhadii baa ka badatay markan oo saanu umuu qancine cay uun buu dabada u qabtay ciidankii, dadkii iyo baskiiba. Askartii waxay markaas go’aansadeen inay kexeeyaan Cabdi oo ay saldhigga geeyaan sidii baanay yeeleen. Markii taliyihii saldhigga la hor keenay ee siday wax u dhaceen loo sharaxay Cabdi weli wuxuu sii watay caydiisii waxaanuu ku adkaystay inuu ninkaa bakooradda la dhacay ka aar goosanayo oonuu marnaba daynayn. Odaygii Cabdi dabadeedna waa la xidhay oo inta tilifoonkii uu sitay, kabihii iyo suunkiiba laga bixiyay ayaa gudaha lagu tuuray oo la dhex jiifiyay saddex tuug, afar shakhraan oo khamri lagu soo xidhay laba habeen ka hor iyo shan kele oo dembiyo kala duwan lagu soo xidhay. LA SOCO ……………………………………….
  5. one day the ethiopian slave was late ..... I think she meant the Maid ,,,,,,
  6. And i thought he has been disarmed by Alshabaab .......
  7. And i thought it is a LOVE LETTER ....... Ninkan A&T diir naxaba ma laha shaw ,,,,
  8. I hope this will be the last and best recue of the environment. I heard the gas is cheap, much cheaper than before and one can get it easily. Now it is the government's part to encourage the use of the gas and officially stop the use of the charcoal. I will post more photos of the company soon IA ...
  9. The problem is that Darawal wants a presidential seat this time .....
  10. Originally posted by Warancade: Niicyahay gadhka leh miyaad sifiican wax iigu sheegtid bal? Wax baraxa lala tago oo sabaaxad nigiska looga siibo ayaad istaahiyashaa@Jacaylabro. Qaar aad isku ciyaal ahaydeen baan soo waraystoo, sabbaaxaddaba ma taqaanid baa l yidhi. ,,
  11. Hargeysa(Qarannews)-Fadhigii Maanta ee golaha wakiillada Somaliland ayaa gudi hoosaadka arrimaha gudaha waxay soo hordhigeen golaha xeerka mamnucida iyo haysashada miinooyinka. Xog-haya guddi hoosaadka arrimaha gudaha Xil. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan waxyeelooyinka ay miinadu u gaysatay dadka reer Somaliland intii u dhaxaysay sanadihii 1999-2008, taasi oo uu xusay in daraasad dheer iyo xog urursi fara badan oo ay gudida arrimaha guduhu soo ururisay iyada oo la kaashanaysa Hay'adda Miino saarka ee Smark ay u suurto gashay in Hay'addu warbixintan u soo gudbiso, waxaanu intaasi ku daray in sanadihii 1999-2008 ay miinooyinka iyo waxyaalaha qarxaa ay gaysteen waxyeelooyin nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taasi oo uu sheegay in sanadahaas dhexdooda ay waxyeelooyinka nafeed ee waxyaalaha qarxaa inoo gaysteen ay dhantahay 3338 waxyeelo, isla markaana ay 1312 qof ku dhinteen halka 2026 qofna ku dhaawacmeen. Isaga oo hadalkiisa sii wata xog-hayuhu waxa uu intaas ku daray in ay soo ******** in 1000 goobood oo Somaliland gudaheeda ah ay ilaa hadda miinadu ku xabaalan tahay, isla markaana ay tirada wadoaoyinka u xidhan miinada darteed ay yihiin 600 oo waddo, isaga oo xusay in sababta ay warbixintan uga hor akhriyayaan golaha ay tahay mid ay uga gol leeyihiin sidii ay xildhibaanada ugu qancin lahaayeen xeerkan mamnuucida iyo haysashada miinooyinka iyo waxyaalaha qarxa ee ay guddi hoosaadka goluhu maanta golaha soo hordhigtay. Waxaana fadhigan cusub ee golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-cirro loogu qaybiyay mudanayaasha nuqulada xeerka mamnuucida iyo haysashada miinooyinka iyo aaladaha qarxa, taasi oo ay ka doodi doonaan xildhibaanadu maalinta berri ah.
  12. Don't u know in Burco the SL shilling is like the US Dollar in Hargeisa ??
  13. I should buy the first one as the Hargiesa roads are so horrible ,,,,
  14. Adiga waa lagaa baqanayaa ,, i'm sure even Rayaale will run away ,,
  15. Wasiiro ka tirsan xukumada Jabuuti oo soo dhaweeyay waftigii Somaliland Hargaysa,(Qarannews)-Warsaxaafdeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Said Cadaani Mooge oo waftiga la socda oo u qaybiyay saxaafda warsaxaafdeedkaasi isla markaasna uu soo gaadhay shabkada qarannews nuqul ka mid ah warsaxaafdedkaasi waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Wefti ka kooban dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa maanta booqasho shaqo oo gaaban ku tagey Jamhuriyada Jabuuti, Weftigasi oo uu hor-kacayay wasiirka Maaliyada ee Somaliland Mudane Awil Ali duale waxa Dhabaha dayuuradaha ee Jabuuti si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiiro ka tirsan Jamhuriyada Jabuuti oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Mudane Ali Abdi Farah, Wasiirka Maaliyada Ali Farah Casoowe iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Yasin Cilmi Buux. Weftigaasi waxa lagu wadaa inay wada hadalo la yeeshaan madax ka tirsan Jamhuriyada Jabuuti intay ku sugan yahiin Jabuuti. Mudane Awil Ali Duale oo warbaahinta u waramay ayaa sheegay in socdaalka weftigaa ka tirsan xukuumada Somaliland uu yahay mid la xidhiidha socdaaladii Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku tagey Jamhuriyada Jabuuti, Wuxuuna sheegey in wadahadaladoodu ay noqon doonaan kuwo sii xoojin doona wax wada qabsiga iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.(Somaliland iyo Jabuuti) Gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha , Ganacsiga, iyo Nabadgelyada Mandaqada. Weftigaas ka tirsan xukuumada Somaliland waxa ka mid ah Wasiirada Arimaha Gudaha Mudane Abdilahi Ismali Ali , Arimaha Dibeda Mudane Abdilahi Mohamed Duale, wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Ali Cilmi Geele, Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Said Cadaani Mooge iyo weriye ka tirsan TVga Qaranka Somaliland Weriye Moha Farah Jire.
  16. Walee maradaasaanuu dhigin ilaa ay isaga dilaan ,,,
  17. So TheWayFarer is Paragon eh ?? You can always fly to hargeisa ,,,,
  18. Originally posted by Qalbi-Adeyg: Would it not make more sense to scrap the TFG and create an administration in the south similar to puntland and somaliland, where are all the clans in the south are represented. How many of these so called transitional central governments are we gonna experiment with before we realize this approach is not working. You would say that when your uncle was there sxb ,,,,,
  19. He is an MP ... we usually meet in a coffee shop in the downtown during the evenings. I don't think he is interested.
  20. But he should check before he post a news that is almost one month old .....
  21. looooooooooooooool@Ibtisam ,,,, you need to understand before you criticize dee ...