Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. I'm already in love ....... “Her software could be redesigned to simulate her having an orgasm.” If they fix this issue .... i'm sure i'll go get one ,,,,,,,
  2. Khilaaf xoogan oo ku saabsan doorashada Madaxweynaha DF ayaa soo dhexgalay Afhayeenka baarlamaanka Somalai Sheekh Aadan Madoobe iyo ra'iisul wasaare Nuur Cadde, oo dhanka siyaasada si weyn isugu dhawaa. Ra'iisul wasaare Nuur Cadde ayaa ka digay in DF ay doorato Madaxweyne cusub, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la taageero heshiiskii Jabuuti, lana dhaqangeliyo, si loo dhiso dowlad midnimo Qaran. "Waxaan rajeynayaa in baarlamaanku uu u istaago sidii uu ku hirgelin lahaa heshiiskii Jabuuti, si madaxweyne wadajir ah ay u doortaan mucaaradka iyo DF, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii Jabuuti" ayuu yiri Nuur Cadde. Mar uu isweydiiyay waxa dhici kara hadii baarlamaanka DF uu doorto Madaxweyne cusub? ayaa sheegay inay taasi carqalad ku noqon karto heshiiskii Jabuuti lagu gaaray, ayna burburayso TFG. Nuur Cadde ayaa ku eedeeyay Sheekh Aadan Madoobe inuu wato qorshayaal isaga u gaar ah oo uu doonayo inuu ku magacaabo ruux ay wataan dalalka dariska la ah Somalia, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto. Afhayeenka baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe ayaa isaguna maanta shir deg-deg ah kula qaatay gudigii doorashada ee uu shalay magacaabay, isagoo ku booriyay inay howlahooda labalaabaan si doorashado ay u dhacdo [Jan 26, 2009]. Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay ka sheegay in doorashadu ay ka dhacayso Baydhabo uuna tixgelinayo dastuurka dalka u dagsan, isagoo sheegay in wax ka badalka doorashada ay u taalo baarlamaanka. Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu xiriir hoose oo madaxweyne loogu magacaabayo Xil. Cali Max'ed Geeddi oo horay Ra'iisul wasaare uga noqday Somalia kala dhexeeyo dalka Ethiopia. Dowlada Ethiopia ayaa la sheegayaa inay ku cadaadinayso caalamka in Madaxweyne cusub loo doorto Geeddi, balse Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna dhankiisa ka digay Madaxweyne cusub oo loo doorto Somalia.
  3. The safety is questionable indeed ,,,,
  4. I think that is something between $ 20 and $ 35 depends on the size .......... there is even one that is about $ 15 Dad waxa jira $ 50 ku qayila everyday dee .... Iyo qaar $ 5 ku qayila ama in ka yarba.
  5. Hello trollers ,,,,,,,,,, where is everybody ??
  6. It is still expensive sxb ,,, if we need to really stop this charcoal, we need a cheaper gas that is. $ 10 is the cost of the qayilaad for the middle class ppl ,,,,,,,,,
  7. And i know some of your cousins are in Muqdisho fighting for Alshabaab ,,, markaa they can sometimes be confusing you know ,,
  8. Before this company it was around $ 50 per one .... Now as far as i know it is down to $ 10
  9. It was a public even not a party ... no one is coming to eat or dance dee..... About the Demos, it is not allowed here unless you get the approval of the government. It is just similar to that Ibti said about London.
  10. Wait until A&T comes and read that Amharic for us ,,,,
  11. Those are some events organized by civil groups about the Gaza attacks ,,,,,,,,,,,,,,
  12. Hargeysa (Jam)- Xaflad baroor-diiq ah oo lagu muujinayey taageerada shacabka Somaliland u hayaan walaalahooda reer Falastiin ee Yuhuuddu sida arxan-darrada ah u xasuuqayso ayaa xalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibaddan oo ahayd tii u horreysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland tan iyo wixii ka dambeeyey duqeynta ay Yuhuuddu ku qaaday dhulka Falastiin, ayaa waxa soo abaabulay Hay'adda MASNO oo ah hay'ad ka shaqaysa arrimaha samafalka, iyada oo isla markaana ay ka soo qaybgaleen culimo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheekh Ismaaciil Dheeg), Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye, Guddoomiyaha Hay'adda MASNO Maxamed Xasan Xaashi, ururrada bulshada ee ay ka mid yihiin SONYO, NAGAAD, ururka suxufiyiinta SOLJA, masuuliyiinta Jaamacadda IHU iyo dadweyne farabadan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada. Munaasibaddan oo dadka ka soo qaybgalay shucuurtooda ay ka muuqatay sida ay uga xun yihiin xasuuqa bahalnimada ah ee Yuhuuddu ka wada magaalada Gaza, ayaa waxa lagu soo bandhigay filimo iyo muuqaalo muujinaya gumaadka baahsan ee maatida Falastiin ka soo gaadhay duqeynta cirka iyo dhulkaba ee lagu hayo. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheekh Ismaaciil Dheeg), ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey taariikhda iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Gaza, waxaannu xusay in 70-kii taariikhda miilaadiga ay Roomainiyiintii hore Yuhuudda ka saaray dhulka Falastiiniyiinta, balse markii dambe 1949-kii Yuhuudda lagu degaameeyey dhulka Falastiin, iyaga oo ilaa muddadaas xasuuq kala duwan ku yahay ummadda muslimiinta ah ee jiidaas ku nool. Waxaannu Sheekh Ismaaciil Dheeg sheegay beesha caalamku ku taageersan tahay xasuuqa ba'an ee Yuhuuddu ku hayso ummadda Falastiiniyiinta, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in muslimiintu dhinac uga soo wada jeedsadaan sidii ay hiil hagar la'aan ah ugu fidin lahaayeen walaalahooda reer Falastiin, isaga oo Sheekhu xoog ugu dheeraaday muhiimada dhulka barakaysan ee ku yaal Masjidul Aqsaa uu ugu fadhiyo ummadda muslimiinta. Guddoomiyaha Jaamacadda IHU Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye, oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in aan sinaba loogu dulqaadan karin xasuuqa Yuhuudda ee ka socda dalka Falastiiniyiinta, isaga oo xoog ugu dheeraaday ujeeddooyinka weerarrada gardarrada ah ee Israel ku soo qaaday marinka Gaza, waxaannu tilmaamay in aakhirka muslimiintu guuleysan doonaan, isla markaana uu baraaruga islaamku hagi doono dunida. "Marka la eego dhiigga reer Falastiin ee daadanaya waa la naxayaa, marka haddana la eego xooggii Israel oo dibedda loo soo saarayna waxay muujinaysaa inay jabeen, waxaanna tartamaya sharka iyo khayrka, markastana khayrka ayaa guuleysan doona, baraaruga islaamka ayaa dunida hagi doona," ayuu yidhi Sheekh Almis Xaaji Ibraahim Yaxye. Guddoomiyaha Hay'adda MASNO Maxamed Xasan Xaashi oo isna halkaa ka hadlay ayaa dawladda Somaliland ka codsaday inay furto marin dadka reer Somaliland taakulada u mariyaan walaalahooda reer Falastiin, isaga oo xoog uga hadlay dareenkiisa ku waajahan sida uu uga xun yahay weerarka gardarrada ah iyo xasuuq ay Yuhuuddu ku hayso maatida reer Falastiin. Waxa isna munaasibaddaa baroor-diiqda ah ka hadlay Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta ah ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isaguna sheegay islaam ahaan innagu ceeb tahay, haddii aynu ka dhiidhiweyno gumaadka iyo xasuuqa Yuhuuddu ku hayso Falastiin, kaasi oo uu ku tilmaamay mid si arxan-darro ah loo abaabulay, isaga oo xusay in MASNO ay Somaliland ka maydhay ceebta ah, inay u damqan waayaan walaalahooda reer Falastiin, taas oo ay dadweynaha ku nool waddamada galbeedka ay ka dhigeen mudaharaadyo waaweyn. Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha dallada SONYO Maxamed Yuusuf Aw Cali (Culimo), Aamina Cabdillaahi Cali iyo Guddoon oo ka mid ah ardayda Jaamacadaha wax ka barata, kuwaasi oo dhammaantood si weyn u dhalliilay duulaanka Yuhuudda ku hayso dhulka Falastiin ku hayso, iyaga oo u duceeyey walaalahooga reer Gaza ee dhibaatadu ka soo gaadhay weerarrada gardarrada ah ee lagu hayo.
  13. looooooooooooooooooooooool@Yaabka ,,,,,
  14. It is official sxb. The government speaks on behalf of the people and openly condemns the attacks something most of the Muslim leaders can't do. Cawaandiyiin.com
  15. Xukuumadda Somaliland oo Cambaaraysay Weerarada Xasuuq ah ee Yuhuuddu ku Hayso Falastiin Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland ayaa cambaaraysay xasuuqa arxan-darrada ah ee dawladda Israa’iil ku hayso shacabka degan Gacanka Qaza. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Sheekh Maxamed Axmed Cali oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradaas, waxay si kulul u cambaareeyeen weerarka xasuuqa ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiiniyiinta ah ee aanay jirin wax dambi ah oo ay galabsadeen, iyaga oo weerarkaas ku tilmaamay mid ka baxsan bini’aadaminada Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Muxumed Suufi Muxumed oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay aad uga xunyihiin waxa ka socda Qaza, isla markaana aanay weligood tiiraanyada muslimiinta la laynayo iloobi doonin. “Dhibaatada iyo xasuuqa lagu hayo dadka masaakiinta muslimiinta ah ee Qaza jooga aad baanu uga xunahay, ugana xanuusanaynaa sida caalamka kaleba uga xunyahay, sidoo kalena waanu xambaaraynaynaa dhibtaa lagu hayo dadka ee weliba la iska dhego-tirayo wax allaale wixii caalamaka qaylo ka yeedhaysa. Xasuuqa Qaza ka socdana tiiraanyadiisa weligii ilaabi mayno. Dadka muslimiinta ahi waa isku mid oo jidh keliya ayey wadaagaan. Waxa meeshaa ka socdaa waa ficil fool xun,” ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Suufi. Wasiirku waxa uu tilmaamay in cadowtinimada Yuhuudu aanay ahayn mid cusub, balse ay weligeed soo jirtay oo Ilaahay hore ummaddiisa muslimiinta ah uga digay, isla markaana loo baahan yahay in dhibtooda laga magangalo Alle, waxaanu yidhi; “Yuhuuda dhibaatadooda Ilaahay baa inoo sheegay oo yidhi 24-kii saacadoodba kuwaa dariiqooda in aan idinka badbaadiyo 17 jeer iga magangala, waana akhriska Suuratul Faatixa shanta salaadood ee faralka ah oo ah 17 rakcadood ah.” Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed waxa geesta uu sheegay in islaamka uu daciifay oo arrintani ay tahay karbaash lagu hayo kadib markii ay khaladaad badan sameeyeen “Waxa kale oo jira in islaamku aannu sidiisii hore ahayn oo Ilaahay cuquubaynayo oo meel aan meeshiisii ahayn buu hadh ka raadinayaa, markaa waxaannu Ilaahay ka baryeynaa cadowga sidaa u galaya iyaga uu dhibtooda ku celiyo,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. Maxamed Axmed Cali oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay ku amrayaan iimaamyada dhammaan masaajidada dalka oo dhan inay salaadaha ugu duceeyaan dadka reer Qaza ee xasuuqa lagu hayo. “Waxaannu imaamyada masaajidada ku wargelinaynaa oo ku amraynaa inay salaadaha dabadooda uga duceeyaan dadkaa Qaza ku nool ee bomb-ka lala dhacayo, si uu Ilaahay waxaa uga dulqaado, Yuhuuduna cadowga islaamka ayey weligeedba ahayde uu Ilaahay hoojiyo oo halkeeda ku celiyo,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud Sheekh Maxamed Axmed Cali.
  16. Somaliland intelligence arrested three men at Egal International Airport in Hargeisa over terror suspect. Reports say that the three men were travelling to Mogadishu using international passports. Some local newspapers say the Somaliland security forces have been following their movements since they arrived the country and the police forces were ready at the airport to arrest them before they depart to Mogadishu. There is no official statement from the government about the issue.
  17. Sirdoonka Qaranka oo Madaarka Hargeysa ka Qabtay Laba Nin oo Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyadii Argagixiso ee 29 October 2008 Hargeysa (Jam)- Ciidanka Sirdoonka Qaranka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay shalay laba nin oo ka dhoofayey Madaarka Hargeysa, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay arrimo la xidhiidha in ay ku lug lahaayeen weerarradii argagixiso ee 29 October 2008 ka dhacay caasimadda Hargeysa. Ma jiro wax war ah oo xukuumaddu ka soo saartay qabashada raggan, balse sida ay Jamhuuriya xalay cawayskii u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah, waxa labada nin ee Sirdoonka Qaranku ka qabteen Madaarka Hargeysa ku sii jeedeen dhinaca magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in raggaas oo aan la caddayn dhalasho halkay ka soo jeedaan, balse sitay baasaaboorro Soomaali ah, waxa madaarka uga sii horreeyey oo ku sugayey saraakiil ka tirsan hay’adda Sirdoonka Qaranka, kuwaasoo gacanta lagu dhigay markii ay galeen xafiiska Laanta Socdaalka ee garoonka diyaaradaha, kadibna mid walba la saaray gaadhi xaajiyad ah oo sirdoonku leeyihiin, una qaaday dhinaca gudaha magaalada Hargeysa, haseyeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga halka la geeyey nimankaas. Labada nin ee laga qabtay Madaarka Hargeysa oo ah dhallinyaro, ayaa wararku sheegeen in ay dhowaan dalka yimaaddeen, isla markaana ciidammada ammaankoodu si weyn ula socdeen dhaqdhaqaaqyadooda, iyadoo la sheegay in ujeeddada qabashadoodu ka dambaysay tuhun la xidhiidha in lug ku lahaayeen qaraxyadii khasaaraha weyn dhaliyey ee 29kii October 2008 kooxaha argagixisadu la beegsadeen goobo muhiim ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
  18. No Somali Microphone available there, only the Ethiopian Mic, waa wareey The Somali one is the one laying on the table without a label dee ,,,,,,,
  19. loooooooooool@gobolka Gaaroodi ....... waa lagu gartay xaaji ,,
  20. Originally posted by Nephisa: JB, my teeth are still my own sxb, see --> , only 78 more years till I'm 107 29 eh ?? I will go for that Islaanta if she has lots of $$$
  21. Armay iyaduba wax cuslaysaa ,,,,, Naphisa, is that woman you ?? ,,,
  22. Originally posted by Faarax-Brawn: Good going,Wa lakiin,who & how many people can afford gas cookers? perhaps a mere 1% of the population? From, a business perspective,THIS is not a good investment. Theres room for growth,however,the client base is quite limited. I like Somaliland,I like As far as i know, people can afford the new company's product. The kiish of charcoal is $ 5 and the family need to get at least two per month. The one tin of the new Gas is $ 10 ... so i think i works although i don't think it is still that cheap but it can compete the damn charcoal.