Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Ahmed, a 35-year-old pastoralist, was watching over a herd of cows on the outskirts of Hagar town in Somalia's southern Juba valley when militiamen from Al-Shabab, the Islamist insurgent group that controls the area, demanded a "zaka", or tithe. His refusal led to a violent confrontation that left him crippled for life. Ahmed, now in a refugee camp in Kenya, recounted his ordeal by telephone, as his sister, who described him as depressed and traumatized, held the handset: "It was in the morning and I was herding my cattle when a group of armed Al-Shabab men asked me to pay Zaka. I told them I only owned half the cattle and the rest belonged to orphans. What was mine [about 20] was not enough to pay Zaka. They did not listen and took 20 cows, leaving me with only 10. "I went after them hoping to reason with whoever was their leader. When I caught up with them, we argued for a while before they got hold of me and beat me up. They then tied me to a tree by my hands and left me hanging. I was in so much pain, I started yelling and asking for help but no one came. I was there for more than a day. By the time they [the militiamen] cut me down I had no feeling in my hands. "My relatives took me to a hospital but there was no doctor there and not much medicine; they could not save my hands. "One day I am a man taking care of my family and the next I am an invalid being helped to put on clothes. I will never forget that day and what they did to me. "There is no religion that allows them to treat people like that. I honestly don’t believe they are Muslims. They are criminals hiding behind religion. Normal thieves and robbers are better. At least when they take your things they either leave you alone or may even kill you but they don’t mutilate you. “I am used to people being killed but I have never seen or heard anything like what they did to me. "I suffered a lot because of them; I will never forgive them. "A couple of months later, my relatives heard that they were coming to kill me because they did not want anyone to know what they had done to me. So I was taken from Hagar and brought here [Dadaab refugee camp] at the end of 2009. “I feel safe here but I worry about my two children. Their mother is dead and I can't take care of them. They are with relatives in Somalia.”
  2. halkan weli lama taaban baan ku idhi ,,,,,, adiga uun imika ha iga daba bilaabin waxaasaad taqaanaa baa la yidhiye ,,
  3. dhakh ilaa dhakh ,,,, Waad arki doontaa markaan rakibo ,, waa inaad first customer noqotaa .....
  4. I'm launching a huge business very soon IA .......
  5. kadib markii la sheegay in milkiilaha Aqalka Madaxtooyada uu dalbadey in loo faaruqiyo gurigiisa.
  6. Yes ,, it is from his book.
  7. Wali waxaynu ku guda jirnaa Maansooyinkii qosolka iyo Maada iyadoo ay inooga horraysii tii Warsame iyo Warmooge, Ayaa Cabdiraxman Ibraahin Abees oo isna abwaan da’yar ah oo joga dalka ingiriiska ayaa saaxiibkii oo isna la jooga la talinaaya oo Maansadii Sirta Nolosha ee hadraawi ee ahayd, marka hore sariir raadi, sali iyo furaash dayday, saddexdaba hadad weydo, lama seexan kari waayo Hadaba waxaynu eeganaynaa sida farshaxinimada leh ee uu baddalay Maansadii waxanu odhanaaya Abwaan Abees sidan Marka hore sucaad raadi, Samsam iyo ruqiya dayday, Saddexdaba hadaad weydo, Lama seexan kari waayo, Single momtu Ceeb maaha dabeed saaxiibkii ayaa taladii qaadanaaya, oo waxa uu u dhaqaaqayaa sidii uu u raadin lahaa Sam iyo ruqiya marka uu ku salaaxi waayo, ayuu single mother isku tuurayaa
  8. I'm thinking of buying an E-reader so that i will have all my books there and can easily read anytime anywhere. Any suggestions on the best ones so far ?? How can I use in Hargeisa for example where i'm not connected directly to Amazon ??
  9. Ninkii Qaadka ee Transitka ahaa Nin reer Berbera ahaa ayaa Qaadka si xun u jeclaa. Wuxuu kale oo ahaa nin aad uga muxtarim ah bulshada dhexdeeda, gaar ahaan magaaladaasi Berbera ee uu ku nolaa. Haddaba waxaa dhacaysa in ninkan odayga ahi uu maalin maalmaha ka mid ah uu Qaad guri soo dhiganayo, si uu ugu soo noqdo qadada ka dib. Iska cun qadadiisii, waxaanu ku soo laabanayaa halkii qaadku u sii yaalley. Iyada oo aanay ka qasnayn oo sahii qaadku hayo, una sii miliqsanaya oo iska foodh foodhyaya, ayuu imanayaa gurigii uu qaadka sii dhigtay. Waxa wejiga ku dhufanayaa gurigii oo quful weyn oo aad u ballaadhan lagu jebiyey!!! Inta uu aad u naxo oo is hayn kari waayo, ayuu guriga gidaarkiisii dhabanka saarayaa bal si uu u dhegaysto inay guriga cidi ku jirto iyo in kale. Illayn waa nin Qaad hayaaye wuxuu is tusayaa gurigii oo lagu dhex jiro oo laga dhex hadlayo oo isaga mala-awaalkiisa ah. Gurigani waxa uu ka mid yahay guryihii yaryaraa ee sekedaha ku yaalley (amaba dhowr guri oo isku dheggan). Dabadeed wuxuu tegayaa gurigii ugu kooneeyey ee sekedda ku yaalley oo uu gidaarkiisa fuulaayaa. Wuxuu rabaa inta uu derbigii laynka ahaa ee guriyahaas oo dhan ka dhaxeyn jirey soo fuulo markuu dhowr guri soo dhaafo uu gurigii uu rabey daaradda ugaga soo dhaco, maadaama ay guriyahani leeyahiin daarad u bannaan hawada; kulka aawadiis. Haddaba waxa dhacaysaa isagoo ku gurguuranaya derbigii ay lahaayeen reerihii kale ee gurigii uu ku socdey ka kooneeyey, ayaa markuu laba guri dhaafo, isagoo maraya gurigii saddexaad oo aan weli gaadhin gurigii uu rabey, uu ka soo dhacayaa derbigii. Halkaasuu sidii bombka ugu soo dhacayaa guri ay leeyihiin reero qalaad oo aan ahayn gurigii uu ku socdey. Nasiib darro waxaa dhacaysa in reerkii uu gurigooda ku soo dhacay ay deg-deg ugu soo cararayaan dhinicii daaradda bal si ay u ogaadaan maqaadiirta ku soo habsatay xaafaddoodii. Waxa indhaha qac lagu siiyey ninkii oo daaraddoodii jiifa oo dhinacaa is haya xannuun dartii, il-qoodhana ka eegaya dadkan ku soo buuqay oo uu xishoodna dhinac kaga jiro, isagoo maskaxdiisa boqol jeer u kala tirinaya Qaadkaas markiyey waxaas oo foolxumooyin ah. Haddaba waxaa dhacaysa inay gartaan carruurtii qaar ku soo xoomay oo ay yidhaahdaan,"Allah, oo waa hebele!" iyagoo ay wejigooda yaab fara badani uu ka muuqdo. Markaa intuu naxo illayn waa nin weyn oo khashifmaye, ayuu odhanayaa si xanuun leh; "Aaaa, Aaaa, Aar waa Hebeloo Transit ahe", isagoo u jeeda inuu sidii diyaaradahii intay meel ku sii nastaan ku ahaan jiray transitka. Micnihii idinka idiinma aanan socone gurigaa kale ayaan ku socdaa.
  10. Nin badow ah oo dhawr sannadood magaalo ku noolaa ayaa qolooyin qaraabadoodu ay casumeen oo cunto kala nooc nooca u keeneen ka mid ahaa. Markii bariis iyo hilib la isla dhacay ee laga haagay haqab-tir ahaan, ayay u soo dhigeen macmacaan ay ku jiraan nooca loo yaqaan "Jelly". Sida aynu ognahayna Jellyadu way yara dhaqdhaqaaqdaa xataa markay iska taallo oo waxaad arkaysaa sidii baruur jaas ciyaaraysa dubaaxinteeda. Dabadeed waxaa dhacaysa in mar walba ninkii ay qoladii qaraabadu yidhaahdaan waar bal cun alaabtan macaan. Mar walbana isagu wuu is dhaafiyaa, isaga oo leh "Waan u iman doonaaye horta aan hilibka ka haago." Markuu hadalkaa leeyahay il-qoodha ayuu ka eegayaa macmacaanka sidii inan yar oo intuu bisad uu ka baqanayaa ay guriga joogto oo la yidhi wax cun. Markii uu qadadii si fiican u dhammaystay ee uu soo faraxashay ayay ku yidhaahdeen iminka haddaba iskaga deji, haddana wuu iska dhega-maray, isna dhaafiyey oo hadalkii sii watey. Markii danbe ayay qoladii wax casuuntey ka hadhi waydey oo ku yidhaahdeen " Waar waa fiitamiin miidhane cun". Daadeed inta uu si niyad ah u soo boodey ayuu yidhi "Waar isagaa isku taagi lahaa fiitamiinkiisa ee bahalka macmacaan lahaane i waydaariaya!"
  11. Good day folks ,,,, I see Ibti complaining a lot today ....... All is good here ,,,,,
  12. Looks like a made up calendar ,,,,,,,,,,,,,, as always
  13. He said "almost" ,,,, come on My cousin is called Sayid as well ,,,,
  14. Well, Sayidka is not weak and no, he is not Saado cali ,,, Didn't u notice he was attending such important meeting? ........
  15. There is no better magic than looking at the reality with your own eyes ..... ninku waxbuu arkay dee niyow ,,,
  16. I knew it and didn't care to post coz it doesn't concern us .............. It was tragic though ................
  17. That is if he has a choice ,,,,, he is already thinking of defection u know
  18. Hawlgallo la xidhiidha is-waafajinta habka Guurka iyo nidaamyada doonista Gabdhaha ee dhisitaanka Qoysnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo shareecada Islaamka oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday deegaamo dalka ka mid ah, ayaa laga soo saarayaa qodobo khuseeya nidaamka Guurka Culimada, Wax-garadka, Cuqaasha iyo Maamulka Degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa dhawaanahan ku hawlanaa hawl-gallo la xidhiidha habka Guurka iyo Aroosyada, si loo waafajiyo shareecada Islaamka. Tallaabooyinkan oo lagu gorfaynayay habkii loo xaddidi lahaa Hantida laga qaado Wiilka guursanaya, isla markaana ku baxda Aroosyada aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka, ayaa la filayaa in toddobaadada soo socda laga soo saaro qodobo khuseeya arrimahaas. Guddoomiyaha Degmada Wajaale Qawrax Muuse Xuseen oo uu Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay, ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha, isla markaana sheegay in dhawaan lagu baahin doono nidaamkaas guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Waraysigaas uu Wargeyska Ogaal la yeeshay Mr. Qawrax, ayaa wuxuu u dhacay sidan; S: Guddoomiye, maxaad nooga sheegi kartaa hawl-gallo la xidhiidha hababka Guurka oo maamul ahaan iyo Culimada degmadu la sheegay in aad ka waddaan halkaa? J: Haa, way jirtaa arrintaasi, waananu ku jirnaa. In muddo ah oo toddobaad ah ayaanu ku jirnayna, waxaanay la xidhiidha Guurka iyo waafajinta shareecada iyo dhaqanka. Sidoo kale, waxay la xidhiidhaa dhaqan-xumooyinka qaarkood dalka saameeyay. Markaa qodobada Shuruudahan waanu soo saari doonaa Insha Allah, balse wali maanu dhamaystirin. S: Markaa guddoomiye, maxaad nooga sheegi kartaa habka aad u doonaysaan in aad u isu-waafajisaan Guurka iyo Shareecada? J: Dee, kollay waa arrimo toosan oo Diinta iyo Dhaqankaba waafaqsan. Tusaale ahaan, waxan fasahaadka ah iyo Aroosyada dhaqanka ka baxsan, kuwa qayrul-caqliga ah iyo aroosyada kale ee lagu xidhayo Lacagta hantida faraha badan. Waxyaalahaas oo dhan bay ka turjumaysaa. Markaa markaanu is-waafajino arrimahan, ayaanu ka Warbaahinta la hadli doonaa. S: Guddoomiye, ma jirtaa kulamo aad la yeelateen Guddiyada xaafadaha ama cid metesha dadweynaha ku nool degmada Wajaale? Rejo intee le’egse ayaad ku qabtaan inay hirgeli doonto? J: Wallaahi, aad iyo aad baanu ugu rejo waynahay inay hirgeli doonto. Arrintanina waa arrin caam ah, waanay jiraan cid aanu kala kulanay dadka ku dhaqan Degmada Wajaale, waananu u bandhignay waxgaradka, Cuqaasha, Culimada iyo dadka masuuliyiinta ah ee kale ee Deegaanka. Iyaga ayaana ka talinaya oo naaqishaysa. Markaa anagu maamul ahaan wixii go’aan ah ee ay gaadhaan ee dhaqan ahaan ay saxaan, ayaanu Insha Allah ku rejo-waynahay fulintiisa. S: Go’aamada ka soo baxa habka aad u fulinaysaan waa caynkee, midda kale ma noqonayaan Amar ay waajib tahay in la fuliyo? J: Insha Allahu haa, Xukuumadda iyo Wasaaradahana waanu ogaysiinaynaa, waananu fulin doonaa. Wixii nagala gudboon ayaananu yeeli doonaa. Waxaana isla qaadanaya ciddaa aan soo sheegay. S: Qodobadan aad soo saaraysaan ma ku jiraan mid si gaar ah u taabanaya habka doonista Gabadha ama kharashka Guurka oo suurtogelinaysa in qof waliba awoodi karo guur? J: Haa, khasab arrimaha aanu wadno waxa kow ka ah qodobkaas. Xitaa waxa qodobada aanu soo saari doono ku jirta Caddadka Lacagta la bixinayo marka gabadha loo fadhiisanayo ama la doonayo. Waxaanuse jecel nahay in markaanu isla wada ansixino aanu baahino. S: Guddoomiye, fikirkani sidee ayuu u bilaabmay, yaase keenay? J: Fikirkan waxa keentay dhibaatada iyo arrimahan oo qof kastaba meeshiisa ku taabtay, taas ayuun bay ka dhalatay, runtiina dad saaxiibul-caqli ahina arrintii way hagaajiyeen oo Culimo iyo wax-garadba leh. Markaa waxaanu jecel nahay in aanu fulino. S: Qorshaha ma idiinku jirtaa haddii ay degmada Wajaale ka dhaqan-gasho arrintani, in loo soo gudbiyo deegaamada kale ee Somaliland? J: Haa, waa khasab waananu ku rejo-waynahay oo waanu wadnaa arrintaa. S: Tusaale ahaan, haddiiba ay idinka hor yimaadaan caqabado ama ay timaaddo cid diidda inay u hoggaansanto go’aamadan, maxaa idiinka qorshaysan? J: Kollay way jiraan waxyaabo nooga qorshaysan iyo cid aanu ka kaashan karno. Waxaa weeye, shareecada ayaa ugu wayn wax walba, dad Islaam ah ayaynu nahay. markaa mar haddaynu dad Islaam ah nahay, qodobkuna uu waafaqsan yahay shareecada, waa khasab fulintiisu, sharcigana dalkana wuu waafaqsan yahay. Sidaa darteed, Insha Allah kuma rejo waynin in ay caqabado naga hor yimaaddaan, sida aanu ka arkayno shucuurta umadda. laakiin, haddiise ay dhacdo inay cidi naga hor timaaddo, wax yar bay noqonaysaa. Haddiise ay jirto cid ka hor timaaddaa, waa cid ka hor imanaysa fulinta shareecada
  19. Jacaylbaro

    Life is

    Live is a Biatch ......