Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Going to be an interesting topic depends on the objectivity given ...... we shall see
  2. Must be Alshabab thing .... they feel threatened and that is why they must use more Somalis.
  3. Dad jerekaano ku jira ayuu ka sheekaynayaa ,, Ibti, you're happy coz u started talking to people and raacing them ,, lol
  4. Wa'alaykum wasalaam ,,, Nuune,is talking bulshidh in the politics ,,
  5. Taas yaa diidan dee ...... after reading this report, this was the best operation ONLF carried out. The 2010 Best Smuggling Award .....
  6. Sleeping early makes me want more sleep .......
  7. ka dhekada waynloow makunbaad wayday hadaad kun waydayna ma kaartaad wayday
  8. No, the irony is that you are laughing at it ..... being: From: Mugdi Mudug | Joined Somalia Online: Jul 2010
  9. Oolax so dhacaydheh,haba yaabaane hore uso gaadha, labadaa lixa dheh jamaliyada waar soo gaadhay, waar ka dhekada waynloow makunbaad wayday hadaad kun waydayna ma kaartaad wayday, barooga carta leh barta laga helo sowma barataan, lacaameeya ciil daraadii cawa yuu ledin, wa fayaanoo feriidkaa cuna wa bilaash qac markaad ka siisa indhaha waab kaa duulaaye mana wareertid mana waalatid naxariis (Mirqaan) waad kala wareegtaa!!! lol
  10. They threaten everyone ...... and that is their problem.
  11. Wadaxaajoodkaasi ay yeesheen Wasiiradda Warfaafinta ayaa waxaa ka soo baxay in taageero loo fidiyo Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland
  12. DKMG oo Puntland ku Taageertay Qalab Warbaahineed Muqdisho: Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa qalab Idaacad FM ah ugu deeqday Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland, taasoo lagu tilmaamay in ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladu ku caawineyso dowlad goboleedyada in ay dhistaan awoodooda warbaahineed si ay u wacyigeliyaan bulshada. Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG ah, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo wada-xaajood faahfaahsan xarrunta wasaaradda Warfaafinta kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta Puntland, C/xakiim Axmed Guuleed, ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta Soomaaliya. Wadaxaajoodkaasi ay yeesheen Wasiiradda Warfaafinta ayaa waxaa ka soo baxay in taageero loo fidiyo Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland iyadoo laga taageerayo gaar ahaan dhismaha Machadka Saxaafadda ee laga furayo magaaladda Garowe taasoo lala kaashanayo Jaamacadda Puntland State University oo machadkaasi siin doonta deegaan iyo barayaashii wax ka dhigi lahaa, waxaana uu machadku dhisi doonaa awooda suxufiyiinta Soomaaliyeed si ay waajibadkooda u gutaan. Waxaa kaloo Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG ah ee Soomaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed ay isku raaceen in ay xiriir joogta ah iyo wada shaqeyn ay yeeshaan labada wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada ruqsada la siinayo Warbaahinta, in la wadaago barnaamijyada iyo in la qaban qaabiyo isdhaafsiga Suxufiyiinta iyadoo Wasaradda Warfaafinta Puntland ay gacan ka geysan doonto dib-u-soo-nooleynta Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Isgaarsiinta ee Dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed oo la hadlayay saxaafadda ayaa cambaareeyay maleeshiyaadka bililqeystay isla markaana la wareegay idaacadaha madaxa banaan taasoo uu ku tilmaamy in ay tahay wax aan loo dulqaadan karin in hanti gaar ah lala wareego lana caburiyo xuriyatul qowlka iyo madaxbanaanida saxaafadda.
  13. Guddidii Baadhista Dhacdadii Xeebaha Galbeedka Somaliland oo Sheegay In aanay Kiiskan Ku Luglahayn Saraakiil Ciidan Iyo Shaqaale Dawladeed-toona Hargeysa (HWN)- Guddidii Wasiirradda iyo Saraakiisha Ciidamada iskugu jiray ee xukuumaddu u xil saartay baadhista dhacdadii 10-kii bishan ay 250 ka mid ah Maleeshiyada ONLF kaga soo dageen xeebaha galbeedka Somaliland, ayaa caawa faah faahin ka bixiyay qeybo ka mid ah warbixintoodii oo ay maanta si rasmi ah qoraal ugu gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Guddidaasi waxay caawa shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta ku sheegeen in aanay jirin saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo ku lug yeeshay kiiskan. Guddoomiyaha Guddidaasi oo ah Wasiirka Wasaarada Gaashaan-dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, oo ka hadlay kiiskan iyo sidii ay hawshoodii u soo guteen wuxuu yidhi “Guddidu halkan ayaanu ka ambo baxnay oo afar cisho ayaanu soo marnay jiida galbeedka ee labada Gobo lee Awdal iyo Salal. Waxaanu habeenkii koowaadba la kulanay Badhasaabkii Gobolka Awdal ka dibna Taliyihii aaga galbeedka Somaliland oo markaa Boorame joogay. Madaxdaasi wixii su’aalo ah ee madaxayaga ku wareegayayba waanu waydiinay, iyaguna wixii xog ay hayeen way noo sheegeen. Waanu ka baxnay oo waxaanu tagnay Degmada Xariirad oo ahayd badhtamaha halkii gawaadhida maleeshiyadii lagaga soo guray.halkii ay isku qeybiyeen. Waxaanu waraysanay illaa Kontameeye qof oo wada masuuliyiin ah sida ciidamada Milatariga, Boolis, madax maamul iyo shacbi iskugu jiray.” Wasiirka Gaashaan-dhiga wuxuu sheegay in shacbiga labada gobol ee Awdal iyo Salal ay yihiin dadweyne wanaagsan oo ka xumaa dhacdadii xeebta galbeedka Somaliland lagaga soo dejiyay 250 ka mid ah maleeshiyada ONLF ee dagaalka hubaysan kula jirta dalka Somaliland xidhiidhka dhow la leh ee Itoobiya “Waxaanu ku dedaalay inaanu tagnay dhulkii la yidhi way soo galeen oo dharka ayay ku bedasheen, oo faaxadda ayay ku sii akhristeen. Waanu soo aragnay.waxaan la qarin Karin oo run ah Guusha u weyn waxay cadowgaasi ku gaadheen waxa la yidhaahdo sirta qarsoon, marka warkaaga aan la helinba guushaadu way badanaysaa. Marka warka lagaa hor helana waa lagaa tabaabushaysanayaa.” Wasiirka Gaashaan dhigu wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland iyo Itoobiyaba la marin habaabiyay oo meeshii ay maleeshiyadu ka soo degayeen meel aan ahayn loo tilmaamay. “Waxa arrintan cadowgani inay dalkeena ka soo degaan oo ay maraan u fududeeyay dad biidhi qaateyaal ah, oo damiirkooda iibsaday oo wax yar oo aan macno lahayn oo dunyawi ah lagu kasbaday, oo xataa u diyaariyay nimankii dal yaqaanka ahaa ee inta waddo ee ay buurta Maarmaar leedahay iyo ciidankeenu halka uu joogo u sheegayay ayaa jiray.waxay adeegsadeen dad inaga ah oo Somaliland u dhashay. Qaar waa la hayaa dadkaasi, Kuwo door weyn arrintaasi ku lahaa oo isku xidheyaashii ahaa oo illaa imika maqan oo aan Somaliland ka bixin oo gobaladeenan ku dhex dhuumanayaana way jireen,”ayuu yidhi Md. Axmed X. Cali Cadami. Wasiirku wuxuu sheegay in Ciidamada qaranku intooda badani aanay tagin meelaha qaarkood haddii aan lagu amrin oo aan loo xil saarin wax ka qabashadooda. Md. Cadami, oo sharaxaad ka bixinayay waajibaadkii Guddidiisa loo xil saaray wuxuu yidhi “Anaga (Guddi) ahaan waxa naloo diray xaqiiqo raadin ayaanu ahayn, nalama odhan cid soo xidh xidha, dambigu sida uu u kala culus yahayna soo kala qora nalama odhan. Maanta ayaanu warbixintayadii maanta ayaanu qornay oo aanu u gudbinay Madaxweynaha. Waxaana tallooyinkaasi ku jira sidii wax looga qaban lahaa arrintan, mana jirayso dib dambe cid isku keen dayaysaa. Dhacdaduna waa wax dhaca oo Maraykan ayaa wax ka dhici karaa. Ciidankii Itoobiya ee inaga awood badnaa ayaa la marin habaabiyay in kasta oo markii dambe ay si fiican ula dagaalameen oo aan khayr laga qaadin markii dhulkooda loo gudbay. Dhibaato badan ayaa soo gaadhay cadowgaasi.” “Ciidamadeena deegaanada xeebta jooga tiradoodu way yar tahay tamartooduna way yar tahaye in la xoojiyo way ku jirtaa warbxintayada, waxa kale oo ku jira in la soo qabto dadka ku lug lahaa arrintan ee aan wali lahayn ee dhuumanaya, Madaxweynaha waanu u gudbinay qoraal dheer oo akhris ugu filan yahay,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan dhiga. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jirre) oo la weydiiyay su’aal ahayd waxa ka jira warar sheegayay in ay kiiskan kaalin ka qaateen masuuliyiin ka tirsan ciidamada Militariga, Booliska iyo maamuleyaasha dawlada ee labadaasi gobol waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Illaa imika wax madax ah oo Milatari ah ama shaqaale dawladeed ah oo aanu arrintaasi ku tuhunsan nahay ma jirto, dadka waxan gadhwadeenka u ahaa waa wada shicib, sida darawallo baabuur leh iyo dad kale oo shicib ah. Wasiirka Warfaafinta oo ka jawaabayay su’aal kale oo la xidhiidhay in Ciidamada Sirdoonku ay arrintan ka gaabiyeen, wuxuu yidhi “Dhacdadani waxay ahayd mid dibada inagaga yimid Sirdoonkeenu inta aynu ka warhayno wuxuu ku xoog badan yahay xuduudaheenna. Arrintani waxay ahayd dhacdo caalami ah oo dawlado shisheeye soo abaabuleen wakhti yar oo dhawr iyo sodon saacadood ahna lagu fuliyay bilow illaa dhamaad. Wadamo badan oo adduunka ahba way dhacdaa in laga hoos duso laakiin waa in la is weydiiyaa inaanay dib dambe arrintaasi oo kale u dhicin.” Ugu dambayntii waxa labadaasi Wasiir ay Saxaafada u soo bandhigeen muuqaalka waxyaabo ay ka soo heleen goobihii ay maleeshiyadii ONLF ku sii nasteen intii aanay u gudbin dalka Itoobiya, waxana ka mid ahaa galka booshashka rasaasta, koofiyado, iyo Dirays googo´an.
  14. Guddoomiyaha Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay xaqiiqo raadin ku soo sameeyaan sidii ay ciidamaddii ONLF tu uga soo degeen xeebaha galbeed ee Somaliland Axmed X Cali Cadami oo ah wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo xubnaha guddidaasi ayaa warsaxaafadeed ay caawa si wadajir ah u qabteen ku cadeeyay inay warbixintii ay ka soo ururiyeen deegaankaasi u gudbiyeen Madaxweynaha isla markaana ay u raaciyeen Talooyinka ay u arkaan inay daruuri tahay in la qaado Wasiirka Gaashaandhiga Mr: Cadami ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay inay ahayd mid Sir ah oo ay ciidamadda ONLF tu adkeeyeen isla markaana ay adkayd sida loo ogaadaa, isagoo intaa raaciyay inay u sii fududaysay koox reer Somaliland ah oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen Bidhiidh-qaatayaal sharaftii dalkooda siistay lacag ay ugu adeegayaan Ciidamadaas cadawga ah, kuwaasoo uu sheegay inay u diyaariyeen Sahan adag iyo Isgaadhsiin Qarsoon Mr: Cadami waxa kale oo uu sheegay fursada ugu weyn inay ka heleen Tayada iyo Tirada Ciiddamadda Somaliland ee degen labada Gobo lee Awdal iyo Selel oo uu sheegay inaanay ahayn Ciidan ahaan kuwo leh awood ay ku horjoogsan karaan cadaw sidaas u foojigan, isagoo intaa ku daray inay kooban tahay goobaha ay ka kantaroolaan dalku Sidoo kale waxa uu sheegay in la majara habaabiyay Ciiddamadda Somaliland iyo kuwa Itoobiyaba oo goobaha loogu sheegay inay joogaan maahee meelo kale la geeyay, tusaale ahaan goobta laga dajiyay waxay ahayd meel 70 KM u jirta Saylac, waxaanay galeen meel Buuralay ah oo ay sadex cisho kaga nasanayeen daalkii tababarka iyo kii Safarka ay soo galeen ee dhinaca badda ahaa Arrimahaasi oo dhan marka la isku daro waxa uu sheegay guddi ahaan maadaama waajibaadkoodu ahaa uun in ay soo xaqiijiyaan sida ay wax u dhaceen waxa uu sheegay inay u gudbiyeen Madaxweynaha, una raaciyeen Talooyin muhiim ah oo ay ugu weyn tahay dhismaha Ciidamadda Somaliland ee jiidahaasi si ay uga feejignaadaan cadawga
  15. According to you YES it is saddening ..... according to me NO it is a good step forward.
  16. And you said it is : Originally posted by The Zack: A step to the right direction.