Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. If the police forces are so powerful then what does that make the ONLF?? It makes them O' in Jerrycans ,,,,,,
  2. Somaliland Thwarts Terrorist attacks The Security forces of the break away republic of Somaliland thwarted an Al shabaab terrorist attack. In a joint press conference in Somaliland’s capital Hargeisa, Mohammed Abdi Gabose, Somaliland’s interior minister and Somaliland's police chief, Ilmi Rooble Furre said that the security forces foiled plotted terrorist attacks against Somaliland and even showed explosives. “The last few days our powerful police forces conducted search operations in different parts of Somaliland cities and towns and managed to seize more than ten explosive things, including remote control explosives and unexploded suicide vests,” Somaliland interior minister Gabose said. The minister blamed the failed terror attacks on Somalia’s hard-line terrorist group Al shabaab, which claimed responsibility for the deadly bombings which happened in the Ugandan capital of Kampala on July 12th. Law enforcement officials, said investigators are still busy in conducting their investigations however 18 suspects have been detained. However, no one has claimed responsibility for any of the attempted attacks in Somaliland so far. Somaliland and Puntland have been the most stable areas in Somalia after the collapse of the country’s military government in 1991. Somalilanders recently elected new president, Ahmed Siilaanyo, in free and fair national elections.
  3. Nigga in da house ............
  4. Originally posted by *Ibtisam: Yaa uu sheeg Burco wa rabshaad socoto 24/7. Did I tell you about the time a mad man chased me with huge dagax and everyone came to watch me run in circles from this mad man? Then when I picked up a huge dagax and tried to hit him over the head and women jumped out from the watching people and said ma ninkayad dagax uu heesta? Ha naga dhilin. I swear they are on fast gear.
  5. He is not talking about even Dagaal ,,, it says "rebshed" ,,,
  6. dabadeedna Dadkii Suuqa joogay ee waddooyinka marayaayey ayaa arrintii dareemay oo gadood ayaa dhici gaadhay.
  7. GOOD MORNING PEEPS ...................... A husband says to his wife everytime I hit you, you never fight back. how do you manage your anger? Wife says I clean the toilet seat............. Husband: how does it help Wife: I use your toothbrush!!!!
  8. A husband says to his wife everytime I hit you, you never fight back. how do you manage your anger? Wife says I clean the toilet seat............. Husband: how does it help ? Wife: I use your toothbrush!!!!
  9. Markuu mijin ku dhuftay laba habloodna hareeraha ka soo galeen uun buu bilaabay:
  10. Wuu yaabay dee ,,, Inuu Nairobi joogo uun buu is mooday ,,,
  11. Beelo Shiray Ma Aha e Waa Cawil iyo Hadhaagii UDUB Waxay xukuumaddu madaxa kala soo kacday arbush iyo cabashooyinka dadka ku qadhaabanayay magac beeleedyada ee ku cabanayay inaan beeshooda la siin “wasiiradii ay xaqa u lahaayeen”. Waxa imika tii beddeshay kuwo ku hanjaba inay qaadi doonaan tallaabo xukuumaddan dhaxalsiisa “cawaaqib xumo” haddii aanay yeelin sida ay doonayaan. Dadka arbushka wada waxa ugu mudan kuwa sheegta oday beeleedyo sheeganaya inay metelaan beel-wayn aan la garanayn goobta iyo wakhtiga la wakiishay ee ay heleen kalsoonida beeshaas. Waa meel ka dhac iyo nusqaan in odayaashaas tirrada kooban ee hoolalka yaryar ku shiray ay sheegtaan inay metelaan baalweyn kala aragti iyo fikir iyo aqoon duwan oo kala taageera saddexda xisbi qaran. Waxa mudan in lays xasuusiyo isbeddelka dalka ka dhacay cidda keentay inay ugu badnayd dhalinyarada iyo haweenka halka odayadu ahaayeen kuwo aan habayaraatee lagu arag goobaha codaynta halka goorwalbana ay ka soo horjeedeen in dalkani sameeyo wax horumar ah oo dhinac maamul iyo dimoqraadi midna. Haddaba haddii odayadaasi xukuumaddii hore uga barteen in marna lagu dhaqo xeer jajab marna xoolaha qaranka oo lagu kirayso taasi meesha way ka baxday wakhtigoodi dhamaa, xukuumadda hadda joogtaana waa tii ay ku xisaabtamayeen jiilka cusub ee beri dhaxli doona dalkan. Odayadaas farakutiriska ah ee shirarka qabsaday oo aan ka sheegi karo kuwa ku kala shiray Boorama iyo Burco waxay shirarkoodu salka ku hayaan arrimo kala duwan iyaga oo xukuumadda u soo jeedinayaa hadallo isugu jira baaq iyo hanjabaado. Odayada ku shiray Boorama waa kuwii xukuumadda siiyay digniinta inay qabandoonaan mudaharaadyo haddii xilka loo daynwaayo Kornayl Xudhuun. Way ku fashilmeen wax aan ceeb iyo magac xumo ahayna isumay soo jiidin. Kuwa Burco ku shiray oo ah koox tirro yar oo aan sheegan karin inay reer wakiil ka yihiin, ayaa xukuumadda ugu hanjabay inay ka noqoto baadhitaan ay ku samaysay guddoomiyii hore ee Baanka Somaliland iyaga oo u nisbaynaya in lagu haysto beel ahaan!. Waa yaabe ma waxa jira beel si gaar sharcigu aanuu u qaban oo muwaadiniinta kale ka saraysa? Haddiise ay rabaan in sharciga la laalo maxaa ka manacaya in dadka jeelasha ku jira oodda laga qaado dalku fawdo ha noqdee, mise kuwa jeelasha ku jira muwaadinimadoodu way kala dhimantahay oo kuwa Riyaale xilalka u dhiibtay ayaa ka faddiilsan. Baroortu orgiga ka wayn. Shirarkan waxa abaabulaya waa Cawil iyo hadhaagii UDUB ee dalkan saboolka ah kaga tagay daynta $40 milyan ee dollar ah oo aan oggolayn in lagala xisaabtamo hantida qaranka ama la ogaado tabaha ay ku lunsadeen hantida maqan iyo meesha ay ku dambaysay. Xaqbaa loogu leeyahay mana jirto cid ka joojin karta xukuumadda inay dabagal ku samayso hay’adaha lagu lunsaday hantii qaranka. Ninkii ku taamaya in layska iloobo, ha ku quus gooyo in aanuu jirin qof ka sareeya sharciga ama lagaga saamaxayo reer hebel ayuu yahay. Xukuumadda maanta joogta sababihii 50% shacbigu ugu codeeyeen ayay ahayd inay dalka iyo dadkaba si siman ugu dhaqdo sharciga, kuwii hantidooda xadayna la horkeeno sharciga. Sharcigaasi ayaa qabanaya masuulkasta oo xil haya ama soo qabtay oo ummaddan saboolka ahna ka xaday kagana tagay daymo aanay qaadi karin. Dadkaas ku baaqaya inaan wax baadhitaan ah la samayn waxa loo qaadan karaa inay xaaraanta wax ka cuneen oo iyagu aanay ceeb ka saliim ahayn, ma muuqato sabab kale oo dadkaasi uga soo horjeedaan tallaabooyinka xukuumaddu ku dabagalayso hantida maqan ee qarankani isku raacsan yahay. Marka aad u sii fiirsato baaqyada ka soo baxay shirarkaas waxaad muuqanaysa in labadaba ay ku taaganyihiin lugo booc ah oo ay doonayaan wax aanay awood u lahayn. Labadaba waxa ku jira hanjabaad aan meel gaadhsiisnayn oo xukuumadda loogu hanjabayo haddii ay ka noqonwaydo go’aamadadeeda. Axmed Xirsi axmedxirsi@yahoo.com
  12. Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo
  13. Madaxweynaha Maamul-goboleedka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb ee badhtamaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) oo socdaal ku jooga Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan jiritaanka iyo rabitaanka qaddiyadda madaxbannaannida shacka Somaliland. Madaxweyne Tiiceey oo shalay shir jaraa’id ku qabtay huteelka Maansoor, ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho martiqaad rasmiya oo uu ka helay xukuumadda Somaliland, isagoo shacabkana ku hambalyeeyey horumarka ay gaadheen iyo nabadgelyada. Ugu horayn waxa Maxweynaha Ximan iyo Xeeb uu faahfahin ka bixiyey ujeeddad Safarkiisa oo ay ku weheliyaan laba Wasiir oo maamulkiisa ka tirsan, goortii la aas-aasay maamulka uu Madaxweynaha ka yahay iyo sababihii dhaliyey dhismaha maamulkiisa. “Anigoo ku hadlaya magaca maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan Gobollada dhexe ee Soomaaliya, Baaxaddiisuna tahay 480 Km, dhinaca balacana ah 180 km, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo xukuumadda Somaliland, anigoo hambalyo iyo sallaan ay u soo direen walaalahooda Somaliland uga wada shacabka Ximan iyo Xeeb. Socdaalkaygu wuxu khuseeyaa sidii Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Ximan iyo Xeeb xidhiidh dhinaca amniga iyo ganacsiga ahba u wada yeelan lahaayeen.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha maammulka la magac-baxay Ximan iyo Xeeb Md. Tiiceey, waxaanu intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaan shacabka Somaliland ku bogaadinayaa doorashadii xorta ahayd iyo sidii ay u dhacday oo aan u arkayey inaanay ka dhicin meel kale o Afrikada xorta ah ka mid ah, islamarkaana aan lahayn qalalaase oo si wanaagsan u dhacday iyo dhinaca amniga ee ka jira Somaliland, waxaan leeyahay walaalahayaga Somaliland inay xejistaan nimcadaa ay haystaan. Bulshada caalamka waxaan ugu baaqayaa inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka iyo xukuumadda Somaliland.” Hadalkaa uu jeediyey Madaxweynaha maamul-goboleedka Ximan iyo Xeeb Md. Maxamed Cabdillaahi Macallin Aadan (Tiiceey) markii uu dhammeeyey, ayaa Weriyayaashii Shirkiisa Jaraa’id ka qaybgalay waxay waydiiyeen su’aalo kala duwan. Su’aalahaas iyo Jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sedan:- Su’aal: Madaxweyne, miyey jiraan Masuulliyiin Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo kugu qaabbilay halkan, goormaase la aas-aasay maamulka aad hoggaamiso ee Ximan iyo Xeeb? Jawaab: Maamulka Ximan iyo Xeeb waxaa la aas-aasay 2008 bishii afraad, waxaana magaalo madax u ah Cadaado, waxaanay fikraddu ka timi rabitaanka shacabka, islamarkaana waxaa majaraha u hayey dad qurba-joog ah, si amni iyo kala danbeyn loo helo. Intii ka horraysey 2008-dii deegaankaasi wuxuu ahaa mid dhinaca amniga iyo kala danbayntiisu ay aad u xumayd oo aanay ka jirin waxyaabihii kaabaha u ahaa nolosha aas-aasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka. Muddadii aan xilka heyney ugu yaraan shan kun oo Arday ayaa hadda iskuula tagta, amniguna meel fiican ayuu marayaa oo noloshii ayaa dib u soo noqotay. Intii aan joogey Hargeysa Madax badan waan la kulmay, inkastoo aanan jecleyn inaan magacaabo, laakiin, madax badan oo Somaliland ah ayaan la kulmay. Su’aal: Madaxweyne, dadku waxay is-weydiinayaan xidhiidhka ka dhaxeyn kara Somaliland iyo maamul-goblolleedka Ximan iyo Xeeb ee ka jira Soomaaliya, markaa xidhiidhkaasi muxuu noqonayaa? Jawaab: Xidhiidhkaasi wuxuu noqon karaa wacyi badan, waxaannu wada degganahay hal Qaarad, weliba haddaan dib u soo noqdo hal dal oo Soomaalia laysku odhan jiray ayaannu wada deggannahey, waxaa imanaya xidhiidh badan oo dhinaca Ganacsga iyo Amniga ah, waayo? Waxa laga yaabaa amni-darrada ku timaadda maammullada kale inay u soo gudbi karto Somaliland. Halkan [somaliland] waxaan ku imi casuumad aan ka helay Somalilad, Safarkaygana waxaa igu weheliya laba Wasiir oo ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb. Su’aal: Maamulkiinnu, ma leeyahay Ciidan, Calan iyo Lacag u gaara, mise wuxuu hoos tegayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, side baad-se u aragtaan Madax-bannaanida Somaliland? Jawaab: Maamul iyo dawlad way kala duwanyihiin, Somaliland waa dawlad, Ximan iyo Xeeb-na waa maamul-gobleed, markaa maamulku lacag khaasa ma yeelan karo, wuxuuse yeelan karaa Ciidan khaasa oo amniga ilaaliya. Arrinta jiritaanka Somaliland waxaan u arkaa muqaddas, sababtoo ah dimuqraadiyaddu waa wuxuu shacbku rabo, hadday shacbku dawladnimadooda rabaan cid u diidi kartaa ma jirto, 20-kii sanno ee la soo dhaafay shacabka Somaliland inay ka sii horumaraan halkay joogan mooyee waxba dib ugama dhicin, waxaan qabaa in caalamku indho gaara ku eego oo rabitaanka shacbku wuxuu yahay la tixgeliyo. Hargeisa star
  14. Askari xaday qori uu lahaa gudoomiyaha Al Shabaab Kismaayo
  15. Waar it is free but i'm not following any games ,,,, i prefer the other games