Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Faroole boys are loosing it .......... I didn't expect they will their father down like this ..
  2. Not really ,, I was just wondering where those comments are coming from but good that I know now ,,,, lol
  3. Mayaani;684775 wrote: markuu caqligu shaqeeyo waa laga bixi taa haddii eebe idmo. Marka caqligu kuu soo noqdo baynu wada hadli markaa ,,,
  4. The UN Embargo Committee will receive the cargo now ....... live with it
  5. Baabuurkii ayaanu rasaastii iyo waxayagii kala degnay oo gaadhigii baanu soo deynay saacadu markay ahayd 9:30 subaxnimo, waxaananu ku nidhi tuulo keliya ha dhaafin, waad wada maraysaa, dhuxulna dushaanu kaga sii daadinay, dhuxulayaal iska dhiga ayaanu ku nidhi saddex mujaahidna waanu raacinay, iyagana dhuxul baanu mar-marinay, waxaananu ka dhigney kuwii dhuxusha xamaalayey dhuxusha. Tuulana ha dhaafina oo tuulo walba waxaad ku tidhaahdaan waar wax dhuxul ahi may yaalaan ayaanu ku nidhi. 7:30 fiidnimo ayuu Gaashaamo galay gaadhigii. Maxamed Kaahin oo ahaa taliyihii ciidankaa soo direy ayuu dabadeedna u geeyey warbixintii. Alaabadayadii tuurtaanu ku qaadanay, 45 nin baanu ahayn Maxamed Xaashi Lixle falaytkii ugu horeeyey ee aanu samayno waxa uu nagu yidhi qof aan tukanini ma idinku jiraa, waana ereyga aanan weligey ilaawayn, dhawr mujaahid baa yidhi haa, wuxuuna yidhi imika maryihiina ku maydha durdurkan waynaynu wada tukanaynaa nin aan tukanayn dagaal wada geli mayno. 8 habeen iyo 8 maalmood ayaanu sahansanaynay jeelka Mandheera, 2-dii January ee 1983-kii ayaanu weerar ku qaadnay, waxaananu soo galnay buurta Gacan Libaax 25-kii December ee 1982-kii, waxaanu ka dhaqaaqnay socodkayaga habeenkii aanu ku duulaynay meesha la yidhaahdo Aadan Tuuksade, doox buurta Gacan Libaax hoosteeda ah, wixii intaa aanu ku sii socona noo soo gala waanu qabanaynay manaanu sii daynayn, halkaa aanu habeenkaa joognay inan yar oo geel jire ah baa noogu soo galay oo deegaanka dadka ah biyo dhaanso buu is-yidhi, waanu qabanay, maxaad noo malaynaysaa baanu ku nidhi dee ciidan dawladeed buu yidhi, habeenkii halkii buu nala joogey wuxuu yidhi geel baa iga baxsanaya deyreh waxba ma oga waxaanu ku nidhi geelu buurtan ma dhaafayo ee iska fadhi. Halkii buu nala fadhiyey habeenkii iyo maalintii dambe, habeenkii aanu dhaqaaqaynay ayaanu sii deynay fiidkii intaanan meesha ka kicin, waxaananu ku nidhi afkaaga waxbaan arkay ha ka odhan, hadaad tidhaahdo waa lagu dili, nasiib darro inankii operation-kii Mandheera markuu dhacay 7-ba maalmood ka dib ayuu sheegay oo uu leeyahay nimankaa waan arkay, waana la qabtey waana la diley. Aadan Tuuksade ayaanu socod ka bilawnay markay ahayd 4-tii galabnimo, qorshahayagu wuxuu ahaa inaanu Abdaal tagno dabadeedna halkaa ka qabsano 3 baabuur ama 4 baabuur oo Landcrueser- ama landrover-o ah oo aanu operation-ka Mandheera ku samayno, marka aanu dhamaynayna Berbera, marka aanu dhamaynayna haddana Sheekh, haddana Burco, dabadeedna aanu halkaa ka baxno oo aanu habeenkaa intaa isu marno Ilaahay isaga ayaa og sida inoo danta ah. Waxaanu istaagnay 9:00 fiidnimo laamida u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera (Abdaal), waxaanu isu jirsanay laba qaybood intaanu iska dhignay 3km, waxaanu haysanay laba Radio oo yar yar markaa ninka xaga Hargeysa xigaa gaadhiguu sidaa u eegayaa haddii uu y ahay kaan rabnay qabo ayuu ku odhanayaa ka kale ee dhinaca Berbera xiga, ka dhinaca Berbera xigaana sidoo kale. Waxa cajiib ah oo aanan weligay imika markaan xasuustaba aanan filan, aan Idhaahdo siday u dhacday amar Allah mooyee, ayaa meesha nagaga dhacay, 9:00 fiidnimo ilaa 3:30 habeenimo weyn gaadhi landcrueser ama Landrover ama nooc kale oo aanu hawlgalkaa ku fulino. 3:30 markay ahayd gaadhiga meesha marayaana yahay cresida ama gaadhi weyn oo ilaa dhigaha raran ayaa gaadhi eenataray ama isjiid ah oo madhani na soo marey kii baanu qabanay waxaanu tagnay Mandheera. Sidaanu hawlgalka u samaynayna waxay ahayd 29 nin oo aan wato waxa loo direy xerada milatariga oo ay degen yihiin 1500 askari lagana hayo waardiye 12×8 ah, Lixle iyo 9 uu wataana waxay qabteen jeelka si ay u sii joogaan intaanu halkaa soo dhamaynayno, xerada milatariga hadaanaan qaban noo suuro geli mayso inaanu jeelka jebino, ama aanu wax ka samayno, waayo way nagu soo dhaqaaqayaan. 29 Mujaahid, aniga iyo nin kale oo sarkaal ahaa oo la yidhaahdo C/Raxmaan Maxamed Case ayaa la galnay xeradii, Ilaahay mahadiis weeyaan, xoog aanu leenahay iyo raganimo kumaanu qaban, waxay nagu qaadatay 20 daqiiqo intaanu xeradii ku qabsanaynay iyada oo dhan ciidankana kaga sifaynaynay, markaa ka sifaynay ee aanu ogaanay inaanay xerada wax ku jirin wixii dhintey mooyaane ee aanu istoodhkii rasaastana ka jajabinay ayaanu isaga soo baxnay waxaanu Lixle jeelki baanu ku dhufanay baasuuke albaabkiisii aniga iyo 15 Mujaahid ayaa galay, gudaha ayey nagula dagaalameen waxoogay meel madaw, tiina Illaah guushii wuu naga siiyey, dabadeedna waan yara asqoobay rasaastii faraha badnayd iyo suntii, waxaan garan waayey qolkii ay ku jireen odayaashii ***** ee siyaasada u xidhnaa oo waxa iga halawday nashqada, nin laba dagaal galay baan ahay, markii horena xerada ku soo dagaalamay markii dambena jeelka gudihiisa, dabadeedii baaruudii iyo sanqadhii ayaan qolkii garan waayey, waan istaagay waxaanan idhi waar odayaashii reer Sh. Isaxaaq meeye, intaan qayliyey. Show waaban hortaagnahay, Ismaaciil X. Cabdi nin la yidhaa alla ha u naxariistee ayaa yidhi ma Cabdi Sumuni baa, markaasaan idhi haa ayuu yidhi waar waa na kan, dabadeedna qufulkii baan ka jebiyey, waananu soo saarnay, Lixlaa kaxeeyey Alla ha u naxariistee, aniguna ciidankii baan meeshii kula hadhay, si hadday raadco reeb iyo waxaasi hadday soo baxaan aan uga reebo, waayo waa odayaal fara madhan, aniguna ciidankiibaan la dabasocday, waxaanu tagnay garka Gacan Libaax hoostii, waanu ku qadaynay, aniga iyo odayaashii halkaa waxa nagu soo gaadhay markay ahayd 4:30 galabnimo 320 (Sadex Boqol iyo Labaatan) nin oo ciidanka daraawiishta ah, dabadeed halkaa dagaal baa nagu dhexmaray, Illaahay markaana guusha wuu naga siiyey. Markaa waanu israacnay ciidankii iyo odayaashiiba anaga oo wadana, dhexdaanu isu qaybinay inuu isaguna ciidanka kaxeeyo oo uu gooni mariyo aniguna odayaasha iyo inan mujaahid ah (Cabdi Kaydsane) I raaco oo aanu wado gooni ah marno, oo waanay wada socon karayn odayaal fara madhan iyo ciidan hubaysani, markaa anigu markii aan habeenkii halkaa u hooyey, habeenkii 2-aad baan ka soo daadejiyey buurta ciidanka ******ta oo buurta gacan Libaax hoosteed safan ayaan soo dhexmariyey, waxaanan soo mariyey wadada la yidhaahdo Shilmaale, dabadeedna Hara-Sheekh, dabadeed waxa halkaa naga soo baxay nin la yidhaa Ibraahim X. Axmed wuxuu yidhi waa idin qaadayaa waxaanan idin dhaafinayaa banka Tuunyo, waxaan idhi waxaan dadkeena ahayni meesha ma joogaa, haa buu yidhi nin beerta iiga shaqeeya ayaa jooga oo maxay ah waa aboo ayuu yidhi, I tus ayaan idhi, maxaad ku falaysaa buu yidhi, waaan dilayaa ayaan idhi, waayo buu yidhi, wuu ku sheegayaa anagana waa nala soo gaadhi, waayo nimankani waxay u wada shaqeeyaan wardoonka milatariga, adna waa lagu dili anagana waa lana soo gaadhi, wuu diiday haddaba aan kaa kaxeeyo oo aan wadankiisii geeyo ayaan idhi waa Itoobiyaan’e, tiina wuu diiday, ina Maxamed Siraad Alla ha u naxariistee ayaan idhi ninkan la hadal malaha wuu waalan yahay’e ninkaniy’e. Isna waa is-haligayaa, inaga waa ina haligayaay’e, wuu na diiday, calaa ayi xaal gaadhigii buu nagu qaaday, Hara-Sheekh buu na geeyey oo 14 nin joogaan, waanu ka degnay sokadeeda, dabeetana gaadhigii halkii baa askartii ******tu ku qabsatay, banka tuunyo ayaan habeenkii lugeysiiyey, nasiib wanaag markuu waagu baryey ayaan u talaabiyey meel la yidhaahdo Maraaboli oo aygii ah, habeen kalena waan la sii dhaxay, habeen saddexaadkiina xuduuda ayaan ka talaabiyey, dabadeedna meel la yidhaahdo Ramaale ayaanu tagnay. Maalintii aan talaabaynay Gaani baa meesha marayey, iyo dayuurado helicopters- ah iyo beebeeyaal, anaguu na doon-doonayey. Raamaale meel la yidhaahdo ayaan geeyey, dadkii baa nagu soo yaacay, halkii baanu baabuur ka raacnay sidii baanu ku tagnay Gaashaamo. Maxamed Xaashi Lixle isagu ciidankii wuu raacay Isku-*** meesha la yidhaa ayey ka soo wareegeen, iyo Qaylo-Ma-Yalaasi, halkaa markuu marayo ayuu isagu Burco ku leexday, waxaanu galay Burco, muu soo raacin ciidanka, waxaa soo kaxeeyey sarkaalka la yidhaahdo C/Raxmaan Maxamed Case iyo sarkaalka la yidhaahdo Xayd, dabadeedna Gaashaamo ayey keeneen ciidankii oo nabad qaba”.Sidaa waxa hadalkiisa ku soo gebagebeeyey alla ha u naxariistee Mujaahid C/Xakiim M. Aadan oo uu C/Laahi Cukuse ku waraystay Radio Hargeysa, isla markaana cajalada aanu ka qornay waxa aanu ka helnay Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.
  6. Hawlgalladii gudaha ee SNM guulaha ka gaadhay waxaa ka mid ah Jabintii jeelka Mandheere. Hawlgalkaa Jeelka Mandheera lagu jabiyay oo ahaa jeelka 3aad ee ugu weyn dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya kaasoo dhacay 02/1/1983kii hawlgalkaas oo ay fuliyeen koox ka tirsan Halgamayaashii SNM, iyagoo hawlgalkaa ku furtay dad badan oo maxaabiis ahaan ugu curduduubnaa jeelkaas oo uu taliskii Siyaad Barre u adeegsan jiray cabudhinta iyo cadaadinta dadkii ku noolaa goboladii waqooyi (Somaliland). Hawlgalkaas oo loogu magac daray (Badbaado) waxa uu ku beegnaa 02 January 1983kii, waxaa hogaaminayay halgamayaashii SNM ee hawlgalkaa fuliyay Ilaahay ha u Naxariistee Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyagoo ka soo ambabaxay saldhigii Gaashaamo oo uu taliye ka ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo ku guulaystay hawlgalkii ay fulinayeen, iyagoo u soo babac dhigay ciidamadii cududa isbidayay ee ka amar qaadanayay taliskii Muqdisho ee Siyaad Barre. Hawlgalkan oo ah mid aan qoraal kali ah lagu soo koobi karayn waxa aynu maalmaha soo socda soo bandhigi doonaa isagoo faahfaahsan balse maanta qormadan oo hordhac ah waxa ugu horeyn munaasibadan hadal kooban ka yidhi Muj: Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa wax ka qora taariikh halgameedkii SNM in badanasoo shaqeeyay qaybtii warbaahinta ee SNM maqaal taariikheedkana noo soo gudbiyay. Waxaanu yidhi “marka laga hadlayo Mandheera inta muhiimka ahi waxa weeye dabcigii uu lahaa halgankii SNM ay soo gashay, oo aad arkayso in labada arrimood ee ugu muhiimsan hawlgaladii ay fuliyeen xoogagii SNM inay ahaayeen hawlgalkii jebinta jeelka Mandheera oo SNM ugu suntanaa (Hawlgalkii Badbaado) iyo hawlgalkii lagu baxay Muj: C/laahi Askar oo isna loo yaqaanay hawlgalkii (Bad-Jeex). Labadaa hawlgal waxay tilmaamayaan awwoodii ay SNM lahayd oo ku dhisnayd laba tiir oo kala ah taageeradii ay dadku siinayeen halgankii SNM iyo Illaahay oo u hiilinayay maadaama ay xaq ku socdeen.” Ayuu yidhi Muj: Boobe isaga oo iftiiminaya baalka uu hawlgalkaasi ka galay taariikhdii SNM. Hawlgalkan waxa si faahfaahsan uga waramay Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Mujaahid C/|Xakiim Maxamed Aaden oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii kooxda SNM ee hawlgalkaa fuliyay isaga oo bishii January 1992kii uga waramay C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo markaa ka mid ahaa weriyayaasha Radio Hargeysa cajalada waraysigaasi ku duubanyahayna waxa noo soo gudbiyay Muj: Boobe Yuusuf Ducaale oo lagu yaqaan ururinta taariikhda halgankii SNM. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee Muj: C/Xakiim Maxamed Aaden (Sumuli) waxa uu ku geeriyooday Degmada Sheekh sanadkii 1995kii. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isagoo ka hadlaya sidii ay hawlgalkaa u soo qaadeen iyo sidii ay u fuliyeenba ” Hawlgalkaasi wuxuu ahaa laba weji, oo kala ah mid siyaasi ah oo ah sidii looga dhaadhiciyay dadkii meeshaa degenaa inay gacan na siiyaan oo na qariyaan anagoo ogolaysiinay taa odayaashii iyo rag kale ka tirsanaa saraakiishii milatari ee ciidankii meeshaa deganaa, iyo sidoo kale gaadiid nala shaqeeyayba Markaa ka dib ayay noo suurta gashay in aanu ciidan gayno agagaarka buurta Gacan libaax” ayuu yidhi Muj: C/Xakiim. Ka dib wuxuu u gundo degay sidii ay ku soo ambabaxeen iyo siduu jawigu ahaa, waxaanu yidhi “Ciidanku wuxuu ka dhaqaaqay Gaashaamo oo uu taliye ka ahaa Muj: Maxamed Kaahin Axmed oo hawshaas kaalin weyn ka qaatay. Madaxdii maalintaa na sagootiday waxaa ka mid ahaa Xasan Aaden Wadaadiid oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii SNM. Hawlgalkaana waxa hogaaminayay Alla ha u naxariistee Muj: Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), waxaanu ka dhaqaaqnay Gaashaamo 11:00 habeenimo. Markaanu marayno meel Gorayo Xun la yidhaahdo ayuu gaadhigii naga xumaaday isagoo noo dhaqaaqi waayay, markaas ayaanu dib u soo noqonay, balse todoba maalmood ka dib ayaanu dib ugu noqonay. Habeenkaa dambe 10:00 fiidnimo ayaanu ka dhaqaaqnay Gaashaamo habeenkii oo dhan ayaanu sii guuraynaynay, meesha la yidhaahdo Go’da Weyn ayaanu ugu galnay markay Saacadu ahayd 5:00 subaxnimo 15 isjiid oo ciidamadii ******ta ah oo halkaa hurda. Aniga, Xayd iyo ninkale oo sarkaal ahaa la yidhaa C/Raxmaan Maxamed Case oo naga mid ahaa waanu isu iljebinay markaanu aragnay 15ka isjiid ee magaalada badhtankeeda taagan. Waanu tashanay oo waxaanu isnidhi maxaynu samaynaa haddii la ina arko, ama ay inala hadlaan. Waxaanu gudoonsanay islamarkiiba hadday ina ogaadaan inaanu iyagaba ku bilawno oo aanaan halkiiba gaadhin baabuurtana ka qaadno. Gaadhigu wuu naga biyo la’aa magaalada dacalkeedaanu joojinay aniga iyo nin mujaahida ayaanu magaaladii, anagoo qoryahayagii sidana dib ugu soo noqonay, foosto hudheel hortiis taala ayaanu biyo ka shubanay, waxa noogu yimid nin askari ah isagoo nagu yidhi maxaad ahaydeen? Waxaanu nahay boolis la socda ciyaartoy ka yimid Ceerigaabo ayaanu ku nidhi. “Dabadeedna wuu iska noqday, halkiisiibuuna istaagey, waxaanu go’aan ku gaadhnay aniga iyo inankii kale ee Mujaahidka ahaa ee biyaha ila dhaaminayey hadduu qof la hadlo waynu ku bilaabaynaa rasaasta ileyn waa la inaga shakiyayaaye, cidna lamuu hadal nasiib wanaag waanu iska dhaafnay gaadhigayagii baanu biyeysanay, waxaanu ku wada hadalnay markaanu marayno meesha la yidhaahdo Go’da weyn ee aanu xagan Cadaadley u socono oo uu ku soo jira alla ha u naxariistee Maxamed Xaashi Lixle buurta weyn ee gacan Libaax sinteeda, ayaanu tooshash cadaan, iyo casaan ah oo afgarashadayada ahayd ayaanu isu shidnay, wuxuu noo sheegay in wadadii aanu ka kori lahayn buurta gacanta in 250 nin oo daraawiish ahi fadhiyaan, waxaanu noogu sheegay tooshka afgarashada, dabadeedna dib baanu u soo noqonay, markii aanu soo noqonay nimankiina aanu ku soo dhaafnay Go’da weyn ee 15-ka isjiid ahaa baa naga horyimid, iyaga oo soo dhaqaaqay, wadadii baanu dhinac iska taagnay, waxba ismaanu shidin, qunyar baanu iska fadh-fadhiisanay, iyaguna way na dhaafeen. Dabadeedna waxaan aad iyo aad u xusayaa inamadii mujaahidiinta ahaa ee 45-ka ahaa ee hawlgalkaa nala fuliyey, oo aad iyo aad rag geesiyaal ah u ahaa, isla markaana rag aad u calool adag ahaa, waxaananse weligey ilaawayn ninkii dirawalka gaadhiga ahaa oo isaguna Mujaahid aad iyo aad u calool adag ahaa, weliba aan deeggaankan aanu marayno dadka ku dhashay ee deegaankaas ah aan ahayn.
  7. Sanad Guuradii 28 Aad ee Hawlgalkii Badbaado ee lagu jebiyay Jeelka Mandheera (02/01/1983) Dooddigii Mandheeree Laga Qaxay Dayaankiyo Darban baan ku dhaartay (Daalalo, Hadraawi) ______________________________ Lixle Damacyadiisii Diric Ina Saleebaan Duxan baan ku dhaartay (Daalalo, Hadraawi) ______________________________________
  8. ragiina riyada 20 sano ku jira. How about ragiina dagaalka 20 sano ku jira ??
  9. then blame your eyes ....... Now the Cargo will go into the hands of the UN monitoring group ....
  10. reer-minded.com .................. wax kele ma taqaanaa oon reer iyo qabiil ahayn ??
  11. Western donors would be wise to resist the temptation to pour money into the south as a counterweight to Khartoum. Two countries will be created when more than 3 million Sudanese vote in a referendum on independence on 9 January. South Sudan will be reborn for the first time in over half a century, an act of secession which should put to rest the ghosts of Africa's longest and bloodiest civil war. North Sudan, however, will not be able to emerge from this process unchanged. President Omar Hassan al-Bashir vowed in his last speech to turn Sudan into a state governed by sharia law if the south chose to secede. Although the north is largely governed by Islamic law already, an interim constitution which recognised the country's ethnic and religious diversity would be overturned. The number of Christians living in the north is hotly disputed, but their ability to live in whichever part of the country they wish and to move freely across the border after a new state in the south is created would be integral to any post-referendum settlement. Al-Bashir's incendiary words were intended to raise the spectre of mass expulsions. His were not the only noises off. Sudan's army attacked a rebel group in a village in South Darfur, which was also an attempt to draw the southern ruling party, the Sudan People's Liberation Movement (SPLM), into the fray. This was preceded by a series of bombing raids on its territory, which the northern army denied any involvement in, even though theirs is the only airforce around. Day by day, the referendum is becoming a reality and with it the realisation that both sides will have to find a means of living with each other. There will be a number of hurdles. The first is whether al-Bashir's National Congress party (NCP) recognises the result. Their intentions are notoriously hard to read, and some observers doubt they themselves know how to play it. As the International Crisis Group said last month, the NCP feels threatened by the break-up, especially as it is about to lose the majority share of its most profitable resource – oil – and seeks assurances that the new capital in the south, Juba, will not side with opposition parties. The NCP do not want to be blamed for breaking the country up. The SPLM wants the reassurance that the referendum will take place, and once in, will be recognised, and not challenged in court. Neither side want to commit to a post-referendum deal before they get those assurances. The optimistic scenario is that mutual reliance will bind the two countries together. About three quarters of Sudan's 500,000 barrels of oil each day come from the south. The existing agreement to share the revenues of oil produced in the south was the single biggest factor behind the success of the comprehensive peace agreement which ended the civil war. But that ends with the referendum and a new deal will have to hatched. Until a southern export pipeline is built, the oil has to go through the north, so the deal will hinge on how much of a cut it gets and for how long. Then there is the question of negotiating a new international border. If Khartoum expels southerners living in the north, the south could reply by stopping the southern migration of nomadic cattle-herding groups which are an important constituency for the NCP. The obvious solution is to have an open border with clear rules for cross-border movements. Both sides have to realise that they rely on each other, not just on oil and the border, but a common currency and issues like Sudan's external debt. Western donors will be tempted to pour money into the south as a counterweight to Khartoum. But it's a temptation they would be wise to resist. Differential treatment would entrench the divide between north and south. The referendum on 9 January will be only the start of a long and hard transition period in which a number of vital deals will have to be hammered out. Next year will be a defining period for Sudan, both north and south. Source: http://www.guardian.co.uk/commentisfree/2010/dec/27/sudan-two-countries
  12. Xukuummada Somaliland Oo La Wareegtay Saanadii Military Ee Saarnayd Dayuuradii U Socotay Puntland, Sheegtayna Inay Ku Wareejinayso Qaramada Midoobay Hargeysa(HWN):-Waxa maanta Ka duushay Magaalada Hargeysa Diyaaradii saanada Military u siday Maamul goboleedka Puntland, kadib ay bixisay dayuuradaasi lacagihii ganaaxa ahaa ee ay maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay Maxkamada Gobolka Hargeysa ku xukuntay, iyada oo xukuummada Somaliland la wareegtay agabkii iyo saanadii military ee saarnayd dayuuradaasi. Alaabtan ay dayuuradu siday oo Kartoono ku jiray waxa la wareegay Wasiirada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,Arrimaha Gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Duulista hawada Maxamuud Cabdi Xaashi iyo saraakiil kale oo ka socday hay’adaha amaanka Somaliland. Xukuummada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay agabkii saarna Dayuuradii oo ahaa saanada Military inay ku wareejinayaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo arrintasi sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi“Waxaanu doonayna inaanu halkan ku soo afjarno, oo Diyaaradii iyo dadkii watayba waanu fasaxnay, Maxkamada Somaliland ayaa fasaxday oo sifo sharciga waafaqsan u martay, Qalabkii ay siday [Dayuuradu] oo mandaqadan mamnuuc ka ahaa waxa si ku meelgaadh ah gacanta ugu haya xukuummada Somaliland oo la wareegtay waxaanan ku wareejinayna jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa, Golaha u qaabilsan amniga, isla markaana shacabka iyo xukuumada Somaliland ay ka mid yihiin Adduunka ayna ilaaliyanaa Qawaaniinta Caalimiga ah ee ay dunidu sida Guud u wada leedahay, qalabkaas oo ahaa mid mamnuuc ka ahaa Gobolka wareejinayaa qaramada midoobay Golaheeda nabadgeyada oo horena u hayay dacwadada arrintan” Waxa kale oo ay xukuumaddu sheegtay inay maanta sii daysay lixdii duuliye ee watay diyaaradaasi oo dhalashadoodu ahayd Ruush oo siday sheegeen iibsaday xukunkii Maxkamaddu khamiistii ku riday ee ahaa min hal sano oo xadhig ah iyo min sadex malyan oo sh Sl ah. “Waxa madaarka Hargeysa dhawaan timid diyaarad saanad milatari u siday maamulka Punland, markii ay madaarka soo gaadhayna waxa hawl wadeenadda madaarku iyo ciidanka ammaanku ay ka guteen waajibaadkoodii qaran, markii ay arkeen dadkii iyo waxii saarnaana waxa ay ******** in alaabta diyaarada saarani ay tahay alaab u baahan baadhitaan. sifaha ay dalka ku soo gashay, waxa ay sido iyo waxa qoraal ahaan ku qoran warqadaheeduna ay kala duwanaayeen. taaasi oo jabisay qawaaniintii hawada iyo kuwa Caalamiga ahba.Waxa ay xukuumada Somaliland go’aansatay in ay arrintaas la socod siiso Golaha ammaanka, waxay noo soo direen guddi xaqiiqo raadis ah, Gudidaasi waxa ay cadaysay in dayaaradani ay jabisay xeerkii tirsigiisu ahaa 733 ee ka soo baxay Golaha Amaanka, waxa kale oo cadaatay in ay jabyeen qawaaniinta Somaliland, intaasi ka dib waxa ciidanka ammaanku dacwad u gudbinay Maxkamada Gobolka, waxa ay si madax banaan u gudo gashay dhagaysiga dacwadaas,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo shirjaraa’id ku qabtay maanta ku qabtay Madaarka Hargeysa, waxaana goob Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo Taliyaha ciidanka Booliska Isaga oo hadalkiisa sii watanaw axa uu yidhi “Waxay ka soo saartay go’aano isugu jira ganaax iyo xadhig oo lagu riday dadkii iyo dayaaradiiba, dadkaasi asalkoodu waxa ay u badnaayeen wadanka Ruushka. Waxa hore loo sii laba saxafi oo diyaarada rakaabka ka ahaa.” Mar uu Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi ka hadlayey sida lagu sii daayey ragaasi, waxa uu yidhi“Maxkamadu markay nimkaas xukumaysay waxa ay u jidaysay inay xadhigooda iibsan karaan. Xadhigoodii iyo ganaaxoodiiba way bixiyeen iyo kii dayaaradaba sidaasi darteed xukuumaddu way fulisay go’aanka maxkamadda waana ay sii daysay lixdii nine ruushka ahaa iyo diyaaradiiba waa ku waa imika tagay ee madaarkan ka duulay iyaga oo bad qaba laguna sii daayey go’aan Maxkamadeed,”. Dayuuradan maanta ka duushay gegeda diyaaraha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha 10/12/2010, waxaana la sheegay inay dayuuradani siday dharka iyo Kabaha Ciidanka iyo qalabka lagu baadho Miinooyinka, Waxaana magaalada Hargeysa u yimid khubaro ka socday Qaramada midoobay.
  13. Waxaan maqlay in Shariifka looga helay nigis uu si gaar ah u soo codsaday ......... xaaji-xunjuf baa u geynaya tomorrow ,,,
  14. Walaahi waa qiso la yaab iyo murugo leh ,,,,,,,,,,,,,,,,
  15. A&T's family have been fighting along side with Siyad Barre ,,,, they even have names in Hargeisa and known of their share in the genocide. So I so very well know where A&T is coming from ............... and still he wants me to support him and fight against Ethiopia ........ Reminds me of the old saying "Xamiido wasmana way rabtaa dariiqeediina ma hayso" ,,,
  16. Somaliland iyo Ethiopia oo ka wadahadlay codbixinta gooni-isutaaga Koonfurta Sudan Addis Ababa, 28, December 2010 (Ogaal)- Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa dalka ku soo laabtay ka dib markii uu socdaal dhawr maalmood qaatay ku tegay dalka Itoobiya. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed wasaaraddu soosaartay, wasiirku waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Itoobiya, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Waxaa dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia. Muddadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Addis Ababa, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal-wasaare xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Ambassador Seyoum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona dalka Shiinaha. Masuuliyinta labada dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba. Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wadajir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu meel-marinayo, lagagana midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada. Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen arrimaha Geeska Afrika guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga Koonfurta Sudan. Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wadajir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare-xigeenka, isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Ambassador Seyoum Mesfin. Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay, gaar ahaana dalka Ethiopia, kaasoo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya.”
  17. Somalina;684596 wrote: Stop hating! Sharif will be lifting that cup at Aden Adde International Airport very soon. He sent Tarzan to represent him, very diplomatic and mature president. Stop hating ok. Faroole buun buuni, waxba kuma oranaayo. Laakiinse Sharif ha ku soo ooynin. He is the man! his team are the CHAMPIONS! I think you need to read your script, I dont have one waayo never needed one, improv is my middle name odeyahow. Go read your script again. Better yet huddle up with your little skinnies to come up with a better response. lol... :)
  18. And for the first time .... I got a text msg from Ngonge wishing me a happy new year ,,,