Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. SDWO (Hargeisa 07/05/08) Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo taageerayaashiisa ayaa maanta isugu soo baxay banaanka wayn ee Xarunta Xisbiga Kulmiye ku leeyahay Magaalada Hargeysa. Isu soo baxan oo lagaga soo horjeeday Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa oo muddadii la doortay ay ayaamo yari ka hadheen, isla markaana waxa kale oo ay kaga soo horjeedeen muddo kordhintii Golaha Guurtidu u kordhiyey Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Hase ahaatee, banaanbaxan oo ay isugu yimaadeen dad aad u tiro badan oo isugu jiray masuuliyiinta kala duwan ee Xisibga iyo sidoo kale taageerayaashiisa, iyada oo ay masuuliyiinta Xisbigu fagaarahaasia kala hadleen dadweynaha, dadkaasi ayaa guud ahaanba u muuqday ku wajiyadooda laga dheehan karayo qadiyad iyo kacsanaan xoogan, iyaga oo aan wax rabshad ah samaynayn, balse araahdooda ku muujinayay dareenkooda. Ugu horeyn waxa fagaarahaasi kala hadlay dadweynaha isu soo baxay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sheegay inay iyagu cid walba ka jecelyihiin nabadgalyada dalka oo jirta, isla markaana aanu Xisbiga Kulmiye ahayn kii maanta looga shakiyi lahaa mid nabadgalyada waxyeelaynaya. Waxaanu u mahad-naqay guud ahaanba dadkii taageerayaasha ahaa ee isu soo baxay. “Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabada iyo danaha ummadiiisa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed-siilaanyo Waxaanu ku dooday Guddoomiyuhu inay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay isu soo bax ku muujiyaan dareenkooda, “Iyada aynu nabadgalyada ilaalinayno, wada jirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana hadaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo balan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiyuhu. Guddoomiyaha Xibiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuus (Siilaanyo), isaga oo ka hadlaya halka xaalada dalku marayso waxa uu yidhi, “Xaalada halkay marayso waynu ognahay oo waynu ka wada dharagsanahay, iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaadatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Rayaale.” “Waxaanu leenahay Madaxweyne Rayaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii rambiqin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranka oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa. Dib u dhaca doorashooyinka waxa masuuliyadooda iska lahaa Madaxweynaha Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-siilaanyo, waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay hore samir ayaanu dalka iyo dadkaba ugu yeelanay imikana waanu u yeelanaynaa, iyada oo marar badan dib u dhacday doorashadii oo uu waajibaadkiisii ka soo bixi waayay hogaankii qaranku, waxaanu leenahay marka ugu horeysa ee la qaban karro ee Guddada ku shaqada lihi garato in la qabto diyaar ayaanu u nahay.” Waxaanu sheegay Guddoomiyuhu in ay jiraan mishaakilaad badan oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku hayso dadka maatida ah ee shacabka ah oo ay dil iyo xadhig sabab la’aan ah kula kacdo,, gaar ahaan taageerayaasha Kulmiye, taasina ay tahay dulmi aan la qaadan Karin. Isaga oo si gaar ah ula hadlayay Guddoomiyaha Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa, Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar ragbaana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa isna fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay , waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegaya imtixaanka aduunka oo dhami wuu soo maraa waxaan lagaga guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, oo shacbiga dulqaata ee dhabar-adayg sameeyaa mishkilad kasta wuu ka gudbi karaa, maanta waxa la inooga baahan yahay dhabar-adayg.” Sidaa ayuu yidhi Cadami. Isaga oo faah-faahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horeeyay shir Xisbiga iyo Madaxdiisu isugu timaado, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambeeysa waaynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo wadamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyada gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, deebadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna Carruurtoodii ayaa soo gaadhay.” Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinku, mar uu ka hadlayay qaabka qaldan ee ay dadku wax u isticmaalaan waxa uu yidhi uu yidhi, “Waqtigii Xamar la joogay ee xaaladu ay kululayd, ee la kacaamaysnaa ee ay ciidamadu wax walba soo qab-qabanayeen, waxa aan raacay qolo wafti ahayd oo meel ayaa la soo furay guri ah uu lahaa maamulihii degada Marka oo Talyaani ahaa, guraga waxa la yidhi waa cusub yahay, aniga laftayda waa la I caameeyay oo waan u qaatay inuu cusub yahay, sannadkii dambe ayaa la yidhi ina keen, waanu tagnay mise gurigii ayaaba la rinjiyeeyay mar labaad, isla markaana gurigaa rinjigu ku socdo ayaan sheeko ka bixiyay oo waxaan idhi ‘Ma laga baqaa gurigaasi inuu hadlo maalin maalmaha ka mid ah, oo uu yidhaahdo waar wax kasta igu qaba oo, rinjiga faraha badan iga daaya.” Isaga oo h adalkiisa sii watan waxa uu Cadami intaasi ku daray oo uu yidhi, “Marrkaa waxaan maanta leeyahay sidaa si le’eg ma laga baqaa nabadgalyada wanaagsan ee aynu ku jiro in aynu maalin ka hadlino, oo ay tidhaahdo qoldan masaakiinta ah maahaa cida nabadgalyada xumaynaysaa waa qolada awooda leh (xukuumadda), haday hadli waydo inaga ayaa ka hadli doonaa.” “Ummad garnaqsatay ayaynu nahay, oo aynu dhaqan u leenahay wada-hadal,, wada fadhiisan iyo is daw marin la dawmariyo qofka wax tirsanaya dhaqankeeniina ma bedalayno, hawl yarina laguma bedali karo oo dhaqankaynu ilaashanaynaa, waana lagama maarmaan in miiska la isugu yimaado oo laga wada hadlo khilaafaadka jira, cadaaladuna waxay ku jirtaa oo kaliya in la wada-hadlo.” Ayuu ku sii ladhay hadalkiisa Axmed Xaaji Cali Cadami. Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk – Hargeisa
  2. Good morning humans ,,,,,,,,,,,,,, another day another time
  3. Walee yaabnay oo yaabnay oo hadana yaabnay ,,,,
  4. Gaajo weynaa ,, harraad weynaa ,, daal weynaa ,,
  5. Hargaysa (Qaran)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Maanta Magacaabay Guddida Loo xil saaray Qaban qaabada xuska 17-aad ee Maalinta Qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka Bishan May,sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafdeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland, oo saxafda loo qaybiyay isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda Qarannews, warasaxaafadeedkaasi oo faafaahsana oo sii sharaxaya gudida loo saaray 18'ka May waxa uu yidhi. Guddidaasi oo ka kooban Masuuliyiinta ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin: Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali ‘’Cirro’’, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Axmed X. Daahir Cilmi, Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng Xuseen Maxamed Jiciir , Maayarka Magaalada Hargeysa Mudane Cabdillaahi Cali Ibraahim , Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Wasiirka Dalxiiska iyo Hidaha iyo Dhaqanka Mudane Siciid Cadaani Mooge , Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Nuux Ismaaciil Taani , Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sidaa daraadeed, Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintaasi Faray in iyada oo ay muddo yari ka hadhsan tahay 18-kii May ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl galaan qaban qaabada Maalintaasi qiimaha iyo qadarinta weyn ka mudan shacbiga Somaliland oo ah maalintii ay la soo noqonay Qaranimada Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu Gudoomiyayaasha gobollada dalka iyo Maayarada Dawlada Hoose ee degmooyinka Somaliland oo dhan uu faray in si aad ah la isaga xil saaro xuska iyo dabaal daga 18-ka May.
  6. Waxaa warqad qoraal ah oo ku saabsan Dalka Eritrea u diray Q.M wasiirka arimaha dibada ee Dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf taas oo uu kaga hadalayo xaalada adag ee haatan ka taagan xuduuda u dhaxaysa labada dal ayna dalka Eritrea uu wado dhaqdhaqaaq xoogan oo ku saabsan military. Dhaqdhaqaaqan ayaa wasiirka arimaha dibada ee Dalka Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf uu ku tilmaamay inay waday ilaa bishii February ee sanadkan aysana garanayn ilaa hadda ula jeedka dhabta ah ee ka danbeeyay dhaqdhaqaaqa military ee ay wado dalka Eritrea kana wado xuduuda u dhaxaysa labada dal. Qoraalkan uu hordhigay wasiirka arimaha Dibada ee Dalka Djibouti Q.M ayaa waxa uu kaga codsanayaa in si dagdag ah wax looga qabto arimaha ay wado dalka Eritrea taas oo meel ka dhac ku ah ayuu yiri madax banaanida Dalka Djibouti wadona ciidamo lasoo dhoobay xuduuda labada dal ee dhinaca badda cas. Arintan ayaa waxa uu wasiirku ku tilmaamay inay dabo socoto khariirad ay soo saartay dalka Eritrea sanadkii 1996 kaas oo ay ku sheegaynayso qaybo kamid ah dalka Djibouti iyadoo ay hadda dhufaysyo adag ka qodotay buuraha dhinaca badda cas ee lagu magacaabo Rasdumera. Hadaba arintan u dhaxaysa labada dal ee Djibouti iyo Eritrea ayaa waxa uu yahay mid cirka isku sii shareertay kadib markii xuduuda ay soo dhoobtay dalka Eritrea ciidamo aad ufara badan kuwaas cabsi wayn ku keenay dalka Djibouti iyadoo qoraal ku saabsan arinkaasina ay hordhigtay Jaamacada Carabta iyo Q.M taas oo keentay in wafdi ka socda Jaamacada Carabta loo soo diri doono maalmaha soo socda labada dal ayna baadhi doonaan xaalada ka jirta halkaasi. Afnugaal News Desk
  7. Waxay iigu darnayd maalintaan anigoo dariiqa maraya suuqa dhexdiisa uu oday i hor galay ,,, wuxuu is lahaa malaa cidi kuma daba socoto oo inta ay neeftii qabatay buu is yidhi iska nefis ,,,, dee DHUUUQ DHAAAAQQ BADHBADHBADH ,,, BARARARARAQ ,,,, uun buu kaga kacay ,,,, maxaan sameeyaa dee wadadiiba waan uga leexday ,,
  8. Come on ,, you must hiding a comment there ,,,
  9. When I get home tonight I'm going to ask her if she was having an affair with the man in the gully. hahahahahaha ,, Allah yakhrib baytak miyaan ku idhaahdaa ,,,
  10. Originally posted by Kool_Kat: quote:Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: loooooooool ,,, ,Sheikh is good niyow ,, i just want to spend more time in that place. It is a place designated for rest and enjoyment. Maansho wiilka Sheikh, Sheikh igu wareerisay!!! Ana here I thought it was a town for Sheikh yaasha only, hadaaba ku lug leedahay, oh GOD ha'idambaajin idaa, waxaan soo waday waa ceshtay...And seeing those pics from Sheikh, gosh, beaudhiful baleys... hee ,, maxaa dhacay sheekhnimadaad ii diidan tahay miyaa ??
  11. Jacaylbaro

    Firearms

    jAMAAL BUDUL WAA AYO ?? ,, Xageed ku maqlay magacaa niyow ??
  12. looooooooooooooooooool ,, waan la socdaa ,,,
  13. loooooooool ,,, ,Sheikh is good niyow ,, i just want to spend more time in that place. It is a place designated for rest and enjoyment.
  14. Koolkat, anigu qoladaan ahay hadaan kuu sheego armaaad suuxdaa naxdin darteed ??
  15. Tell them i'm ready to occuppy that terrirory and ready to increase the number of the inhabits in that area ,,,,,,,
  16. I like the day when it is not sunny and the clouds are covering the sky ,,,,
  17. Annaguna qorrax baanu khaatiyaan ka taaganahay all the time ,,,,,,,,,,,,,,,
  18. I know your qabiil Buuxo ,,,,,,,,
  19. "but at the moment there is no question of putting (French) troops on the ground."
  20. Jacaylbaro

    Firearms

    xataa signature kaaga ayaa weird ah ,,,,,,