-
Content Count
17,696 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Secessionist reporter lying through his thick teeth. Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay danjiraha Faransiiska ee Kenya Kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo danjiraha Faransiiska ee Kenya Aline Kuster-menager, ayaa lagaga wada hadlay, doorashooyinka, iskaashiga ganacsiga iyo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Danjire Menager iyo saraakiil kale oo ay hor kacaysay oo Somaliland safar ku yimid, ayaa madaxweynanaha Somaliland kala hadlay arrimo ay ugu mudanyihiin iskaashi ganacsi oo Somaliland iyo Faransiiska dhexmara, lakiin aan la faah faahin wuxuu yahay, wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo mudo istaagay iyo doorashooyinka, sida madaxtooyadu sheegtay. "Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi. Kulankaasina wuxuu ku soo dhamaaday Isfahan iyo wadashaqayn". Xubnaha waftiga ayaa ka koobnaa La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha Gobolka ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Gobolka Bariga Afrika, Caroline ABT iyo danjire MENAGER. Dhinaca kale, madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud.
-
Bless your innocent heart of believing Xasan Sh. could be different this time.
-
MBB online assassination have started
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Forget about that, I have siblings who were/are passionately diehard anti-Farmaajo iyo dowladiisa for years and here I am. We have a little heated discussions on Whatsapp group. -
Did he secretly fly to Telabiib and come back? Why no media rep. of his own accompanied him? What a shady trip.
-
Typical downtown maqaayad in Nayroobi filled with these failed politicians. Maxaa lacag lagu qasaariyaa these hotels and maqaayado - Laico Regency and Sarova Stanley among them.
-
Guddoomiye Sh. Aaden Madoobe poisoned?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waa caafimaad qabaa now, it seems. -
Qaar ka mid ah wafdiga madaxweyne Xasan oo lagu karantiilay Imaaraadka Qaar ka mid ah xubnaha madaxweynaha Soomaaliya ku wehliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii dib loo doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in karantiil lagu geliyey dalka Imaaraadka Carabta. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, welina dalka kuma soo laaban. Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay, waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida, ayada oo dadku is weydiinayaan halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay. Si kastaba, Caasimada Online ayaa ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha kasoo xigatay in qaar ka mid ah wafdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka coronavirus. Illo wareedyadaas ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo, oo aanu ku jirin xubnaha laga helay fayruska, laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wafdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu lahaa hoggaanka Imaaraadka Carabta.
-
Both of them are sick, probably with Covid, I think. Aaden Madoobe recovered now and is giving wareysiyo.
-
This is getting very fishy and shady. He is being programmed by certain intelligencies. No photos and videos released. Top issue is xiriirka dalka Qadar loo jaro. Taas muu ka caga jiiday and was taken hostage, a la Maxamed Salmaan of Sacuudiga-style.
-
Deni says he has been thrown under the bus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
-
Deni says he has been thrown under the bus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
More qaditaan la qadiyey Reer Bari. Faroole waa laga booday after being a prominent member of this guddi in last five years. See Jubbalaan ku heshay laba xubin and zero for Hirshabeelle iyo Buntilaan who has 11 senators? Aqalka Sare oo ansixiyey xubnaha ku metalaya guddiga dastuurka Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulankan ayey Senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada Aqal ee Soomaaliya. Kadib guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha lasoo xulay waxayna kala yihiin:- 1-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. 2-Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo. 3-Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo. 4-Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho. 5-Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo. Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka. -
Rabi ha u raxmado marxuumka. Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo la dilay Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood. Guddoomiyaha oo horayna usoo noqday xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xili uu siigalayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta xisbiyada iyo xukuumada ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe" oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday. Inkasta oo xukuumada Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, hadana waxaa muuqata in wali loo maaro laayahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood. Kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, booliiskuna kuma guulaystaan in ay raadraacaan oo ay soo qabtaan.
-
Deni says he has been thrown under the bus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
The little fudeed kid is also downright lying. What ra'iisul wasaare did his tol ever get since madaxbannaanimada? All ra'iisul wasaariyaal and madaxweyniyaal have been Reer Unukaaleh and one adeerkood - Aaden Cadde (adeerka), Xuseen Kulmiye (madaxweyne ku xigeen), Geedi, Nuur Cadde, Shariifka iyo Xasan Sh. Wuxuu tirinaayaa, I guess, C/llaahi Ciise, oo gobonimada ka hor ahayd iyo C/qaasin Salaad. -
Farmaajo will live in Xamar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
MBB calaacalkii ka dhamaaday: -
Deni says he has been thrown under the bus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
If you had seen the few photos of Xasan Sh. and Deni together, Deni's body language seemed very disappointed and saddened. Some of them he even looks annoyed and angry. Even Laftagareen's and Qoorqoor's body languages were not like that. I think Xasan Sh. balan weyn ugu baxay, that is why he is angry, angry even nin uu keensaday mid ee sanadooyin suyaasadda saaxiibo ku ahaayeen. He shouldn't have aired his grievance publically, to give the benedit and respect to his political friend to Axmed Madoobe. I am sure Axmed Madoobe is disappointed at Deni now. -
They made a bogus death certificate in Imaaraadka to claim a prominent Farmaajo supporter has died. Yaab, heerkaan la maraayaa.
-
Guddoomiye Sh. Aaden Madoobe poisoned?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Guddoomiye Sh. Aaden Madoobe poisoned?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
But how will Jawaari get the xildhibaan seat? Laftagareen would not allow it. He was a member of Shariif Axmed's urur and was never eye-to-eye to Xasan Sh. politically. -
The heavy news in the subclan grapevine - the subclan I share with Aaden Madoobe - are reporting that he has been poisoned. I take this with a heavy dose of skepticism. However, he is very sick, quickly and quietly flew to Nairobi without any fanfare and couldn't wait for any visa from Turkiga -- all this when baarlamaanka is expected to have heavy weeks ahead. Some are suspecting this sudden sickness might have to do with sumeyn by Xasan Sh. dowlad. Was he reluctant approving the new prime minister, who is expected to get in front of baarlamaanka this week? Can Mahad Geeljire dare a move like this? I personally do not believe poisoning narrative, but we will see.
-
Deni says he has been thrown under the bus
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to baala xoofto's topic in Politics
Deni has one sole problem - islaweyni iyo xanaaq dhow shaqsiyadiisa. Labadaan waxyaabood qofkii lagu arko siyaasad Soomaaliyeed mala gilgilan karo. He paid the most laaluush, yet he couldn't get any other single xildhibaan than those from gobolkiisa iyo Jubbooyinka. -
Farmaajo will live in Xamar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
