-
Content Count
17,680 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
325
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Traders in Bakara forced to pay double tax or close Government forces arrested nine traders on Saturday and closed several business centers in Bakara, Somalia's largest open-air market, after traders refused to pay extra taxes without being informed in writing by the Ministry of Finance. Traders staged a demonstration in front of their shuttered businesses on the market's first and second streets, demanding that the government intervene and fix the excessive tax problem. "People from the Howlwadag district administration have asked us to pay money, claiming it is taxed, and when we tell them we have already paid, they arrest the traders and order the business centers to close." One trader remarked, "We demand that the new president and those who worked for the previous government fix this issue." During the demonstration, another trader stated, "I believe our businesses are being extorted. This is why they have forced our closure." According to one of the traders, Finance Minister Abdirahman Duale Beileh and the traders have already agreed that the Bakaaro market tax will be levied at the port because the government will not enter the Bakara market for security reasons. He added that since we are licensed importers, we have been paying the tax at the port. Al Shabaab operatives regularly target tax collectors in Bakara Market. The traders requested that the Ministry of Finance intervene in the Bakara market standoff. Hassan Sheikh Mohamud was inaugurated as the 10th president of Somalia Thursday in a colourful ceremony in Mogadishu as he is expected to appoint his Prime Minister in the coming days. -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Already isbaarooyinkii boobka ahaa magac lagu qaraabanaayo. We had not a news like this in five years, yet barely in four weeks of this maafiya, foreign-controlled regime: Qeybo ka mid ah Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo xiran Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xirxiray goobahooda ganasiga iyo waliba qaar ka mid ah ganacsatada. Ilaa sagaal ruux oo ka mid ah ganacsatada keenta qalabka dhismaha ayaa la sheegay in lagu xirxiray xabsiyo ku yaala saldhigyada degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay iney diideen bixinta lacago lagu sheegay canshuur oo ay weydiyeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Qaar ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen inaysan garaneen lacagaha laga doonayo, iyagoo tlmaamay iney horay u dhiibeen dhamaan waxii canshuur ah ee looga baahna. "Dhamaan goobahii ganacsiga ee ku yaalay wadooyinka loo yaqaano Howlwadaag iyo Aadan Cadde ama jid Mareexaan waa kuwa xiran oo waxaa xirxiray ciidamo ka tirsan dowladda, waxay sidoo kale qaab afduub ahaan u xirteen ilaa 9 ruux oo ka mid ah ganacsatada suuqa, wasaaradda Maaliyadda waxaan ugu baaqeyna in arintaan ay soo faragaliso inaga wax Canshuur ah naguma baaqato" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha. Ganacsatada waxay sidoo kale tilmaamen in sanad waliba sidaan oo kale looga xirxiro goobahooda ganacsiga, iyaga oo si sax ah u dhiiba dhamaan Canshuurta laga rabo oo ay sheegeen inay ku bixiyaan gudaha dekada weyn ee magaalada Muqdisho, islamarkaana aysan garanen canshuurta kale ee laga rabo in laga qaado. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Another bombshell. Fahad Yaasiin: Magacaabidda Mahad Salaad waxay ka dhigan tahay in xogtii amniga dalka gacanta loo galiyay Alshabaab Agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, Mahad Salaad inuu xiriir weyn la-leeyahay ururka Alshabaab islamarkaana uu qeyb ka ahaa weeraro iyo shirqoolo saraakiil badan lagu qaarajiyay. Fahad Yaasiin waxa uu sheegay magacaabidda Mahad Salaad inay ahayd qalad weyn oo uu galay madaxweyne Xasan Sheikh, isagoo sheegay inay ka dhigan tahay in xogtii amni ee dalka loo gacanta galiyay Alshabaab. “Waanka naxay ninkaas markii loo magacaabay xilka NISA, Xitaa Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh warqad ayaan u qoray inuu Mahad Salaad u dhiibin xilkaas, Laakiin si Saaxiibtinimo ah ayuu ugu dhiibay,” ayuu ku yiri Fahad wareysiga lala yeeshay. Fahad oo ka hadlayay qeybtii afaraad wareysi taxane ah oo laga qaaday wuxuu ku sheegay inuu hayo caddaymo ku saabsan in Mahad Salaad uu kamid yahay dadka Alshabaab kala shaqeeya inay Muqdisho qaraxyo soo galiyaan iyo fududaynta goobaha lala beegsanayo. Waxyaabaha uu Fahad ku eedeeyay Mahad Salaad waxaa kamid ah inuu iskudayay inuu dilo mid kamid ah raysal wasaaraayashii dalka soo maray, isagoo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso. “Wuxuu isku dayay inuu dilo Raysal Wasaare hore, Qorshahaas markaan ogaaday ayaan wacay Raysal Wasaarihii, waxaana ku idhi Mahad Salaad miyaad kulan la leedahay, Haa ayuu igu dhahay, Kadib waxaan ku idhi iska baaji kulankaas xaalad amni darro darteed, Xogtaas aan ogaaday darteed ayuu Raysal Waasaarihii ku nool yahay maanta,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. (Kheyre?) “Mar labada aqal madaxweynuhu shir ugu furayay iskool Boolisiya, Mahad wuu qorsheeyay oo Alshabaab kala shaqeeyay oo Mahad Karataay oo uu u shaqeeyo kala shaqeeyay, meeshaas in labo baabuur oo qarax ah lasoo galiyo. Waxaan wacay guddoomiyaha aqalka sare iyo madaxweynaha, waxaan u sheegay in shirka sababo amni awgood loo baajiyo, waana la baajiyay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale eedayntiisa ku sheegay in Mahad Salaad uu wax ka abaabulay dilkii taliyihii NISA ee Dhuusomareeb, Qooje Yare iyo qaraxii 18kii decemeber ee 2020, ka dhacay Gaalkacyo ee lagu dilay taliyihii ciiddanka milatariga qeybta 21-aad Qooje Dagaari, taliyihii Danab iyo saraakiil kale. Fahad Yaasiin wuxuu sheegay iyadoo NISA og arrimahan oo idil in haddana aysan awoodin inay Mahad Salaad tallaabo ka qaado, isagoo sheegay inuu isku ilaalinayay xasaanadda xildhibaanimo. Wuxuuse hadda ku baaqay in lala xisaabtamo. Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu soo bandhigo caddeymihiisa. -
Farmaajo will live in Xamar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ahahaha, MBB isbaaristiyaal xaarka isku walaaqa. Public will never buy corrupt, foreign-controlled Xasan Sh, waligiinaba calaacala. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Boqol kun reactions saaran qeybta sadexaad ee dilka ka hadleyso, 83 kun ka mid ah like ah, 11 kun love ah iyo kun shoog () ah saaran. Soomaalida dhankee aaminsantahay ka arkeysaa. Cajal Soomaaliyeed u dhigmo wali Facebook laguma arkin. Wariyaha waa u gishay. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Rooble and isbaaristiyaal wanted to Jamaal Khashooji him markee Jabuuti rabeen ku qabtaan and hand over to Imaaraadi sirdoon. Fahad was very lucky, he came very close in la waayo forever and jirkiisa la googooye Badda Cas lagu tuuro. And this dude says Xamar haku soo noqdo, meel bahalkii Mahad Geeljire awoood yar ku yeeshay oo aanan sharci ixtiraamid yaqaanin. -
Hours after meeting this rufyaan...
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Whereas the Imaaraadi milkiile and jaajuus met Xasan Sh. at least four times in three weeks so far, very interesting that the Turkish daljire in Xamar has yet to meet Xasan Sh. He however met both guddoomiyaal Sh. Aaden Madoobe iyo Cabdi Xaashi after the selections. Turkiga also sent a low key delegation - wasiirka beeraha - to the caleemosaarkii lacagta lagu qasaariyey. Is Turkiga openly showing how dissatisfied they are? N. B. - Personally, I do not like daljiriyaasha shisheeye to meet Soomaaliya's highest office holders. However, should it happen, Turkiga should've been the top in the list. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Bishii sagaalaad la qoray: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Sadexdaan isbaariiste, siiba Baahane, inta sharci la soo saaraayo xaalka sahlano. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ma riyooneysaa, Maakhiri? Waaba la isla wada ogyahay. Ra'iisul wasaare xilkiisa dhamaaday nominated Mahad Geeljire, his fellow co-conspirator of the murder, to NISA, in order to destroy all sensitive files. Fahad has the files, though. Xasan approved this move. This never happened before in xil sare la magacaabo iyadoo ra'iisul wasaare cusub imaan. Rooblaawe still thinks inuu jago haayo, jago xilligeeda waa hore dhamaaday. They wanted to destroy NISA oo awood yeelaneysay under the advice of shisheeye using a case they themselves created. Same way they - along with their paying foreigners -wanted to destroy ciidamada qaranka using kuwii Eritareeya loo qaaday. Ciidamada qaranka awood ayee yeelanaayeen, too. Their moves are classical - always using hooyooyinka ee lacagta siiyeen warbaahinta see ugu qeyliyaan. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Shocking move by kaligiitaliye Ismaaciil Cumar Geelle: Meeshii Ikraan inay marsiyaan ayee rabeen. And because of this move, Turkish Airlines stopped a stop-over in Jabbuuti and now flies directly to Istanbuul. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Jaajuuskii shisheeye is bitter. This alone tells you a lot: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Qeybta sadexaad wareysiga: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Rooblaawe iyo isbaaristiyaashiisa kuma cusbo inay qof afduubtaan oo ay dilaan. Read on: Family says, Somali PM Roble ordered abduction of Abdiwahab - September 12, 2021 - NAIROBI (HORN OBSERVER) - Somali prime minister, Mohamed Hussein Roble has directed the abduction of scholar Abdiwahab Abdisamad, the family claimed barely four days after Abdiwahab went missing in Nairobi. In an interview, Abdiwahab’s wife, Halima Mohamed said they had received information that PM Roble was behind the disappearance of the outspoken scholar was a fierce critic of the PM and a vocal supporter of President Mohamed Farmaajo on Twitter. "Abdiwahab has been missing for four days and we have received information that an order from the office of the Prime Minister [Mohamed] Roble has caused him to be abducted,” Halima Mohamed said. "It is official that the office of the Prime Minister Roble is involved in Abdiwahab's case. If Abdiwahab is harmed, Roble will take responsibility." His sister Faiso Sheikh Abdisamad echoed similar sentiment noting PM Roble had ordered the abduction of her brother. "We have been informed that Roble's office has requested for the arrest Prof. Abdiwahab and we did not expect that, because Abdiwahab is not interested in Somalia’s politic; he is a man who wants Somalia’s unity," said Faiso. Abdisamad who also the executive director of the Institute for Horn of Africa Strategic Studies, was last seen in Nairobi on Wednesday. Abdisamad was accosted by four men along Turbman road in Nairobi’s Central Business District at about 10 am local time and forced into a double cabin pick up on September 8. Kenya’s Directorate of Criminal Investigations (DCI) announced that they has launched investigations into the circumstances under which Abdiwahab who was abducted in Nairobi. DCI boss George Kinoti committed to investigations to establish the whereabouts of Abdiwahab Sheikh Abdisamad. A security guard narrated how Abdiwahab struggled with his abductors numbering four, one of whom held hand cuffs and another who was armed with a pistol in his belt. The vehicle that was used according to eye witnesses was a white double cabin pick up registration number KCW 341Y. Xigasho -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Now we know why Mahad Geeljire and co. kiiskaan ka dhigteen mid ka kun badan inta Xamar lagu qaarjinaaye and why he wanted to get the leadership of NISA. These allegations were also mentioned by wasiirkii arrimaha gudaha, Xasan Xundubeey Jimcaale. Rooblaawe kidnapped and tried to kill Nayroobi-based commentator, C/wahaab Sheekh. Sadexda dilaa: -
Who is the 'elusive' Fahad Yaasiin Xaaji
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Haye Dhagaxtuur ma aaminsantahay saan wali? Beentii Mahad Geeljire iyo munaafiiqiintii mucaaradka ahaa ayaa ku sirtay xilligaas filaa. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Saa sheegay waa maafiya magaca Soomaali ku qaraaban jiray Hanoolaato markuu la baxay, si hoose basaas ka tirsan Sahal waaye maanta. Fahad aabihiisa sagaashameyadii in lagu dilay Gedo jeclahay. -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Fahad Yaasiin: Axmed Madoobe waa mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin oo wareysi gaar ah lala yeeshay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mashruuc Ajnebi oo lagu beeray Soomaaliya. Fahad Yaasiin oo wajigiisa ay ka muuqatay caro, ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay Kansar ku jira siyaasada Soomaaliya, Maalinta uu ka baxana uu aaminsan yahay inuu dalku hagaagayo. Fahad Yaasiin wuxuu sheegay Axmed Madoobe inuu la diriray dhammaan madaxweynayaashii Soomaaliyeed ee ka dambeeyay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dan- Soomaaliyeed inuusan kursiga ugu fadhiyin. "Marar badan ayaa Kenya ku dhahnay, Soomaaliya arrimaheeda faraha kala baxa, Jubbaland faraha ka qaada. Wixii aad Jubbaland uga baahan yihiin Xamar kalasoo xiriira. Xataa waxaan gaaray iyadoo masuuliyiin Kenyan ah fadhiyaan inaan dhaho, “Axmed Madoobe u sheega, madaxweynahaaga Farmaajo waaye, ma ahan Kenya. Ixtiraanka uu u muujinayo Kenya, waxaa ka mudnayd Soomaaliya"ayuu yidhi Fahad Yaasiin. Fahad Yaasiin wuxuu sheegay marar badan inay iskudayeen inay Axmed Madoobe ka wada hadlaan masaalixda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay dhankiisa ka socon weyday, sida uu sheegay. Fahad wuxuu sheegay sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya inay tahay fara galinta ay Kenya ku hayso Jubbaland. Wuxuu sheegay Kenya inay Axmed Madoobe ku hayso kursiga si ay danaheeda gaarka ah ufushato, sida uu hadalka dhigay. Xigasho -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Ar Soomaalidaa: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Fahad Yaasiin oo weerar xun ku qaaday Axmed Madoobe – “Waa Kansar siyaasadda Soomaaliya" Taliyihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usoo jeediyey eedeymo waaweyn. Taliyahii hore ee NISA oo wareysii uu siiyey Gaylan Media kaga hadlay khilaafkii soo kala dhex galay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamay inuu yahay mashruuc ajnabi oo lagu abuuray Soomaaliya. “Axmed Madoobe yaa keenay Soomaaliya, yuu u joogaa Jubbaland, wuxuu Kismaayo yimid isagoo saaran Taangi Kenyan ah, ma waxaad u maleysaa in doorasho ku yimid,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Axmed Madoobe sidiisaba waa mashruuc ajnabi oo lagu beeray Soomaaliya, Soomaaliyana ku nool, haddii aan si kale kuugu dhigo Axmed Madoobe waa kansar siyaasadda Soomaaliya ku jira, maalinta uu Axmed Madoobe dhinac uga baxo Soomaaliya ayey hagaageysaa Soomaaliya.” Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Axmed Madoobe ku sheegay inuu yahay nin aan danta Soomaaliya u joogin jubbaland balse u joogo danta dowladda Kenya iyo arrimo la xiriira murankii badda ee labada dal. Fahad Yaasiin ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu lasoo diriray madaxweynayaashii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ka dambeeyey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dooday inay taas caddeeneyso inuu isaga ka gardarnaa dhammaan madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya intuu uu joogay Jubbaland. “Axmed Madoobe madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waa la diriray isagoo magac diineed wato, madaxweyne Shiikh Shariif wuu la diriray isagoo magac diineed wata, madaxweyne Xasan Shiikh teeramkiisii hore wuu la diriray isagoo magac kale wata, madaxweyne Farmaajana wuu la diriray isagoo magac kale wata, Xasan Shiikhna mar kale wuu la diriri doonaa taariikhdana way qori doontaa, anaga haddii aan ka gardarneyn intaas oo madaxweyne ma ayagaa ka gardarnaa, Axmed Madoobe wuxuu dhibaato ku ahaa jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri. Fahad Yaasiin ayaa qiray inuu Magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo uu kula kulmay Axmed Madoobe si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeyey Jubbaland iyo dowladda Dhexe. “Waa sax Axmed Madoobe iyo saraakiil ka socotay Kenya waxaan ku kulanay Nairobi, wixii laga hadlayey waxay aheyd in dowladda Kenya ay joojiso faragelinta ay ku heyso gudaha Soomaaliya, weliba Axmed Madoobe oo maqlayo ayaa saraakiishii ka socotay Kenya ku dhahay Axmed Madoobe u sheega in madaxweynihiisa uu yahay Farmaajo oo uusan aheyn Uhuru.” Mar wax laga waydiiyey xayiradii ay dowladda Farmaajo saartay diyaaradihii tagi jiray Kismaayo ayuu ku andacooday inay tallaabadaas la xiriirtay in laga hor tago diyaarado dowlado Ajnabi ah ka socday oo doonayey inay si sharci darro ah ku yimaadaan Soomaaliya. Ugu dambeyntii Fahad Yaasiin ayaa inkiray in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay isku dayday inay xirto ama shirqool ku disho Axmed Madoobe, balse taas badalkeeda wuxuu sheegay inay sameeyeen cadaadis dhanka siyaasadda ah. -
Abiy Axmed: Soomaaliya ha noolaato!
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shacabka Soomaaliyeed uu afkiisa ka ilaalinaa Xabashka: -
Former NISA Director Fahad Yasin interview
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Second part of the wareysiga: Wariyahaan waa u gishay. Tens of thousands of new subscribers and followers on both YT and FB. Fahad Yaasiin Xaaji, nin adag iga dheh. Fahad's wareysi videos are already one of the most reacted and watched Soomaali videos on FB. -
Soomaali iib ah, ifkana ka iib ah
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And it beings, just hours after Uhuru's Xamar visit. Very sad: -
Very sad day. Jaajuusiintii Sahal that are wanted in Soomaaliya were present. Xasan Sh. dowladiisa deliberately not enforcing the court's rule:
