-
Content Count
17,696 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Ma Diidi Naaji ayaa hadda baraneysaa, Maakhiri? I thought he and most of Naaji family live around meeshaa degantahay.
-
Alloow u raxmo. I hope magalaadiisa ku dhashay ee Xamar lagu aaso.
-
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waxaa la xiray Taliyihii ururka 7-aad Taliyihii Ururka 9-aad iyo Taliyihii Ururka 10-aad Dhammaan Taliye Ururrada la xiray waxay ka tirsanyihiin Guutada 18-aad ee Gorgor oo ah guuto dalka dhiiggeeda u shubtay. Caawa waxaa si rasmi ah u billowday iska- hirkeenidda Madaxweynaha iyo ciidamadda. Dhowr arrimood oo cajiib ah ayaa is waydiin mudan waxay sababi doonaan in Khawaarija ay Xamar soo gaaraan. 1. Soo Madaxweynaha dalka ma aheyn ninkii habeen hore Twitter space-ka shacabka Soomaaliyeed uga sheegay in ciidanka lauu nasiino u dirayo, waliba uu abaal marin siinayo? 2. Maxaa keenay in ciidanka Milatari ah lagu xiro xarunta sirdoonka? 3. Sidee saraakiil dalka dhiiggooda u soo huray loogu quuray in Alshabaab lala xiro? 4. Haddii uu cadowgu xabsiga ku dhex dilo yaa masuuliyad darradaas qaadaya? 5. Tan ugu daran uguna muhiimsan ayaa ah; Aaway masuuliyiinta dhammaan la isla qoray ih ay ciidanka qayaameen oo xataa Madaxweynuhu qoray? 6. Haddii ay tan dhacday sidee danbe oo ay madaxweynaha suacabkiisu ku rumeeysanayaan wixii danbe ee uu u sheego? Madaxweynaha fashilin ayaa ku socota Gorgorna-na ciribtir ayaa ku socda labaduba waa dhibane. Yeey aheyd in Madaxweynuhu caawa la xisaabtamo? - Cali Yare Cali -
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shirqoolkii ayuuba ka soo guuray Xasan Socdaal. Will he learn his lesson and start sacking Mahad Qalaaye, wasiir Tiktok and taliyaha ciidamada, who all have zero military training? Xasan oo kasoo guuray Dhuusamareeb kadib markii ay hagradeen reer Galmudug Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad shalay tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada. Sida ay sheegtay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, “sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.” Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa. Xogta Caasimada Online ayaa intaas ku dareysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waa weyn Galmudug, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ee ****. Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay sii joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u muuqda dagaal kusoo koobmay kaliya beelaha *** iyo ***, kuwaas oo markii hore kooxda ka xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, haddana ay u muuqato in ayaga un laga sugayo inay kooxda ciribtiraan. Kumanaan ciidan oo lagu soo bandhigay Galmudug ayaa illaa iyo hadda u dhaqaaqi la’ inay wajahaan kooxda, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu dareemayo hagrasho. Hagrashada reer Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa horey si dadban ugu sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo khudbad uu ka jeediyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan kusoo geba-geboobay Dhuusomareeb. Axmed Madoobe ayaa gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo deegaannada Galmudug. Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo. -
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
And the latest shirqool from today: Dagaal culus oo ka socda Daaru-Nicma iyo wararkii ugu dambeeyay Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh. Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma. Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi. Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi. Xigasho -
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ciidamadii sanad gudaheeda ayuu ku burburiyey Xasan Socdaal by following the nefarious advises of anti-Soomaaliya group Sahan Research and their funders, Imaaraadka. -
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ciidamada had suffered far worse in the last ten days than ever. Boqolaal si shirqoonlsan loo xasuuqay, kuwii kalena meelahee ka joogeen ka soo baxeen and demoralized. Xasan Socdaal panicked, suddenly asking everyone to call for final war against kuwa afka duuban. Now he realized shirqoolka is from within and dadkuu xilalka ka qaaday ayuu la shiraayaa maanta: -
It just gives you a huge pause and reflection when you see facts seen below like this. Soomaaliya could honestly be one of the best countries, geographicallya and natural-resourcely speaking - ocean, sea, rivers, deserts, jungles, fsrm lands, high lands, low lands, humidity, bit colder and unchanging climate all year round, plus not to mention what is buried and above under these seas and lands. Waliba haddii Soomaali Galbeed, NFD iyo Jabuuti lagu dari kahaa ka sii badan. Rabi ayaa ku jisaarnay and didn't collectively offer mahadcelin iyo mahadcelin. Sad, very sad.
-
Soomaali iyo dowladnimo maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Jagadaan Xasan Socdaal dartiisa loo siiyey after Xasan quietly recognized Axmed Dhuxul's extension. Waana qof ku jufo hoose ah Xasan Socdaal. -
Soomaali iyo dowladnimo maxaa kala heysto
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Ar maxaa dowladnimo lagu ciyaaray. -
Edna Aden Ismail Says All Somalis Terrorists
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalia's topic in Politics
Photoshop waaye. Daaha iyo dariishada gadaal oo geedaha caleenta dhacsaday Soomaaliya ma'aha -
-
Grand Conference for reer Awdal in Ottawa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Taloow ma aadaa as an honorary Awdalian. -
Eebbe u mahadnaq that geeliina iyo gaalkeena isku meel kuma daaqaan oo isma arkaan otherwise adiga iyo geelkiinaba Afmaay ayaa ku hadli lahaydeen today, like an old family friend lady who is Muuse Muqayil jufo that speaks better Maay than myself. Reer Sool oo baariyaal ah ayaa aragteen oo kibirka idinka keenay.
-
Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Xasan Socdaal asagoo qiireysan ayuu hadal soo jeediye maalin dhawayd, lehna hala taageero ciidamada after ciidamadii soo faarujiyeen deegaano dhowr ah ka tirsan Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe after their complaints were not heeded. Qof diidan taageerida ciidamada oo damiir leh ayaa yar. Laakiin tuugo iyo munaafuq intuu Xasan isku hareereeye, ciidamadiina shirqool joogto ah ku haayo, ayuu la soo taaganyahay hala taageero kuwaas shirqoolka wado. Anyway, rumour has he asked for former leaders inay taageeraan ciidamada, which made Farmaajo to issue this baaq on yesterday. ____________________ Dagaalka Ciidamadda Qalabka Sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed. Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada. Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada. Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u horey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah. -
Edna Aden Ismail Says All Somalis Terrorists
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Somalia's topic in Politics
Real aqoonsi raadis. Iskoolkeeda ee jaamacadda ku sheegto ayee aqoonsiga ugu dalbatay dowladda dhexe, which gave a temporary certification valid for two years. Islaantiiba haddee aqoonsigaan raadineyao, meesha waa lagu kala tagay. -
Marka koowaad ilkahooda fiiriyaa kuwa iska daacsada, the worst crooked teeth they have - or not have at all - the most outlandish thoughts they have, hence indicating the more marqaamid they have had over the years, the crazier they are Three decades of non-stop marqaamid is not wax sahlan laga soo noqon karo. Waqooyiga direly needs mental institutions.
-
Kii lahaa fanka waaka baxay wadaadka iska dhigi jiray:
-
Maanta ayuu banaanka isa soo dhigay once again advocating war and destruction u dhaxeeyo ummadda Soomaaliyeed.
-
Lasanod war : the facts on the ground
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Game changer's topic in Politics
Another 'fact' on the ground, Mr. Butus Baanjar: Cabdibilaha dabajeex lama saari jirinee ee qoryihii weynaa ee dhashiikaha la saari jiray ma laga wada qabsaday? Hub la'aan ayaa meesha ka dhacday. -
They are acting jiljileec iyo walaaloow ayee wali wadaan. Start calling them Muuse Muqayil regime for a start. Maxee tahay 'Soomaalilaan adminstration' ee leeyihiin. Dadkaan waa like our own renowned self-proclaimed jaahil with arrogance - marka sharci aanan shantaada ahayn kaama qabto. If they send hanjabaad, send double hanjabaad. Meelahee Oog ee ciidamo isku aruursanaayaan madaafiic ku garaac including kuwii Laaska lagu duqeyn jiray ee la qabsaday and call it pre-emptive.
