Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,713
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    326

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Waa runtaa, Nina. Soomaaliya la'aanteed adduunka waxee nala noqoneysaa cusbo, xawaaji, sanjabiil iyo basbaas ka wada maqan waaye.
  2. Ms. Centric, isdaji nooh, see camal. Aaliya, soonka markuu soo dhowyahay maalmihii laguugu lahaa iska gudeysaa miyaa. You should have done that in Febraayo or Janaayo, more easier. By the way, meeqo saac ayaa soonkaan la afuri doonaa? 9:30 pm?
  3. Ha dhawoow, ha dhaaf, ha gal, ha mood.
  4. Muqdisho oo saakay Gurmad waji cusub leh laga bilaabay Shacab isxilqaamay ayaa albaabada xaafadaha gaaracaya isla markaana ka soo ururinaya qoysaska canjeero duban oo diyaarsan taasoo dhibanayaasha loo marinayo saliid iyo sonkar sidaasina ay ku cunayaan. Dadka gurmadkan fidinaya ayaa ah dhalinyaro iyo haween waxaana muuqaneysa in waji cusub oo gargaar ay noqoneyso talaabadan. Mudooyinkanba shacabka Soomaaliyeed waxa ay wadeen qorshayaal ay iskood isugu gurmanayeen, waxaana laga dareemayay dhaqdhaqaaqyada gargaarka xaafadaha iyo degmooyinka magaalada, iyadoona inta badan dadaalada ay hogaaminayaan dhalinyarada iyo jameecooyinka masaajida. Talaabooyinka ay isku gargaarayaan shacabka ayaa waxa ay muujineysaa sida shacabka ay diyaarka ugu yihiin in ay is kaalmeeyaan oo la daryeelo shacabka dhiban. Xigasho
  5. Canjeero maa saas ugu xiistay? Anigana inta wey iga bad badatay, for I hadn't eaten it for a week. I eat it once in a while.
  6. Wey suurowdaa, weyna dhici kartaa ee Eebba ha naga qabto shartooda.
  7. Today's pictorial blog: Yaa guess gareyn karo meeshaan? Waa makiinadii cajiinka Suuqa Bakaaraha oo Islii loo soo raray. Islii's only supermarket, Galmart The original Waayaha Cusub studio. Waa meeshee ka bilaabeen. No, you can't find the group in this tiny studio now.
  8. Aabahood wuxuu ahaa miyaa Marxuum Saleebaan Colaad Rooble, Eebba ha u raxmadee. Aabahooda qaraxaas Shaamoow ka dhacay wuu ku dhaawacmay, isla markii kuma geeriyoon. Saa u maleeyo bilooyin ka bacdi ayuu Sacuudiga ku geeriyooday. Aad ayaan ugu faraxsanahay in carruurtiisa waxbarasho sare oo bilaash ah helaan.
  9. Dhulbaraha Soomaaliya, near Jilib and Jamaame. Somewhere between Jilib iyo Kismaayo.
  10. Geed la jaro, geedo la gooyo, geeda la gubo -- soon or later inay tan iyo mid ka daran dhaceyso ma ogeyn miyaa dadkeena. Walaahi abaaraha ka taagan dhamaan Soomaaliweyn waa murugo aad u weyn. Just last night on Universal channel, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku ooyneysay iyadoo la wareysanaayo. I wasn't watching it, but waxa la ii sheegay inay tiri dhowr ciyaal inay dhashay kana soo qaxday Shabeellaha Hoose, sadex jidka ku dhinteen intee soo socdeen, hal kalena meydkiisa kaamirada qabaneysay oo xoogahoo yar kahor geeriyooday inta la wareysan, midkii u dambeeyana bastiisa ahaa. Dad ama hay'ad u maqan ma lahayn, wey iska ooyneysay sida la ii sheegay. Now boqolaal kun sideeda camal ku jiro, walaa Wajeer ilaa Jabuuti wada gaartay. Eebboow amuuraha sahal.
  11. Aaliya iyo 'marriage topics' maxaa kala heysto. Any topic lagu soo dhajiyo inta oo ka hadlaayo directly or indirectly about marriages/husband material/wife responsibilities/dooqa qofka la dooranaayo/etc, Aaliya is the midst of it all, right and left. Aaliya, saan si ma'aha, sister; mid keenso ama waa laguu keenaa. Saan ma u daawan karnee. Kaftan waaye yaah, ha u bixin.
  12. Showqi, Aaliya iyo Soomaalina, idinkaa wada mudan. _______________ Iswiserlaan Koob Lagu Maamusayay Munaasabada Sanadguurada 51aad ee 1 Luulyo oo ka dhacay Gobolka Zurich ee Wadanka Switzerland Waxaa ka dhacay Cariga switzerland magaalada zurich munaasabad balaaraan oo lagu maamuusayay maalinta xoriyada iyo qaranimada Soomaaliyeed ee 1da luulyo waxaana lagu qabtay koob ay ku tartamayeen afar kooxood oo heerka koowaad ah gobolka Zurich ee wadanka Switzerland Sii aqriso
  13. Atlanta, Mareykanka JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE ATLANTA OO U DABALDEGTAY MAALMAHA XORIYADDA SOOMAALIYEED Waxaa Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka lagu sameeyey Xaflad aad iyo aad u heer sareysa oo ay abaabuleen Somali_American Community Center oo loogu dabaldegaayey Maalmaha 26 Juun oo aheyd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed la taago iyo 1da Luulyo oo aheyd Xoriyaddi Goboladda Koonfureed iyo Midawgii Labadii Gobol oo ay halkaa ku noqdeen Jamhuuriyaddi Soomaaliyeed,waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Odayaal oo ay dhamaantood ka muuqatay Shucuur wadaninomo,waxaana Xaflaadasi lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka ah,waxaana ku xiga Heestii caanka aheyd ( SAREEYOW MA NUSQAAMOW KAN SIIB KANNA SAAR),waxaana heestaasi inta ay socotay kor u kacay shucuurtii Soomaalinimo oo ay Muujiyeen ka soo qeyb galayaashii,waxayna Ummadii ka soo qeyb gashay ay soo Bandhigeen in ay yihiin kuwa waligood aysan ka tirtirmeynin Wadaniyadda iyo Soomalinimadda,waxayna ka soo qeyb galayaashi ay u Mahadceliyeen Guddiga Soomali-Americaan Community Center,iyago ka codsaday in ay sanad walba Maalintaa oo kale la qabanqaabiyo Xaflado loogu dabaldegaayo maalmahaasi qiimaha leh. Sii aqriso
  14. Holland Jaaliyadda Soomaalida Holland oo sanadkan si weyn u xusay Munaasabada 1da Luulyo Aqriso maqaalka iyo sawiro kale
  15. Soderhamn, Iswiidhan Munaasabada 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Soderham iyo dad caan ah oo ka qeyb galay Waxaa lagu qabtay Magaalada Soderhamn ee dalkan Sweden munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu xusayey Maalinta Xornimada Umadda Soomaaliyeed. Munaasabaddan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Jaaliyadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda Haweenka Soomaaliyeed ee Magaalada Söderhamn ee dalkan Sweden. Munaasabaddan oo ay ka so qeybgaleen Marti sharaf badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalkan Sweden ah ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Cabdi Raxmaan Diinaari, Wasiirkii Ganacsiga hore, isla markaasna ahaa Afhayeenkii Dowladda Kumeelgaarka. Martisharaf ta kale ee ka soo qeybgalay munaasabaddan ayaa waxaa ka mid ahaa Abwaanka Weyn Mustafa Sheikh Cilmi, Abwaanka Weyn Cabdullahi Nuur Ducaale, Mudane Cabdullahi Yalaxow Maalin oo ah xubin sare oo ka tirsan Ururka Waddaniyiinta Soomaaliyeed iyo Madaxda Xisbiga Social Democrats ee Söderhamn Kommun iyo Madaxda Ururka ABF Hälsingekusten. Munaasabaddan ayaa abwaan Cabdullahi Nuur Ducaale ku soo bandhigay isla markaasna warbixin kooban ka bixiyey Ruwaayadda Sandareerta oo ah mid ka hadleysa sida ay u dhaqmaan madaxda dowladda ee ka doortay lacago yar yar halkii ay qaranimadda u istaagi lahaayeen. Khudbadihii la soo jeediyey oo runtii ahaa kuwa aad u xiiso badan ayaa waxaa khudbad xiiso badan ka jeediyey Mudane Cabdiraxmaan Diinaari oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga ee dowladda ku meel gaarka ah, isla markaasna ah Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Suuriya. Mudane Diinaari ayaa ka warbixiyey sida ay muhiim u tahay in dhalaanka soomaaliyeed lagu abaabiyo qaranimo iyo dal jaceyl, isagoo ku baaqay in ay wadaniyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan isku xirnaadaan waxna u qabtaan dalkooda. Dhinaca fanka iyo heesaha waxaa isku soo dubariday isla markaasna wacdaro ka dhigay goobta fanaaniintan kala ah Faysal Hobolka, Fanaanka Söderhamn Maxamed Warsame Ganey, Maxamed Saalax Qaasim iyo fanaanka da'da yar Maxamed Yare. iyadoo dhinaca fankana uu qeyb weyn ka qaatay Abwaan Mursal Geesaale. Munaasabaddan ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay laga dareemayey wadaninimo iyo dal jaceyl. Xigasho
  16. Landhan Xafladii Balaran oo lagu xusayey 1-da Luulyo oo lagu qabtey London Aqriso maqaalka
  17. Trondheim, Norway Wacdarihii 1da Luulyo oo magaalada Trondheim ee dalka Norway ku soo biirtay Xaflad heer sare oo aad loosoo abaabulay oo lagu maamuusayey munaasibada koowda luulyo oo ka dhacday magaalada Trondheim ee wadanka Norway. Sanadkaan oo eey 51 jirsatay Xuriyada qaranimada Soomaliyeed ayaa waxa xafladaan si weyn usoo qabanqaabiyay dhalinyaro isxilqaantay iyo Mudane Ismaaciil Muxudiin oo ah run ahaantii Shaqsi aad ugu firfircoon Bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Trondheim. Soomaalida ku nool magaalada Trondheim iyo agagaarkeeda ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Soomaalidua Trondheim waxay muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960. Sii aqriso
  18. Jarmalka 1d Luulyo oo Jarmal laga xusay - Soomalida Jarmalka oo u dabaaltagtay Maaalintii Xoriyadda Soomaaliya qaadatay Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay laguna xusayay 51 guurada ka soo wareegatay mideyntii gobolada waqooyi iyo koonfureed,ee giyaga soomaliyeed laguna qabtay magaalada trustoof ee dalka jarmalka,ayna ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ka kala yimid,guud ahaan Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Jarmalka iyo Wadamada deris la ah Dalka Jarmalka. Furintaanka xaflada waxaa ugu horeyn aayado quraana iyo hadal yar oo kooban, ka soojeediyay Dr. Aweys Cumar Xaayoow wuxuuna Dr Aweys Cumar Xaayoow dadkii ka soo qeyb galay xaflada xusuuyay,qiimaha ay 1 luuliyo ugu fadhido Ummada Soomaaliyeed, taas oo ah mid aan weligeed la ilaawi doonin,inta jiil soomaaliyeed jiro, waxaa kaloo halkaasi ka soo jeediyay eryo soo jiitay dadkii halkaas isagu yimid Safiirka Dowlada Soomaaliyeed u fadhiyo Dalka Jarmalka Maxamud maxamed Tiifoow. Sii aqriso
  19. Cumaan 1da Luulyo oo Cumaan laga Xusay iyo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Cumaan oo si heersare ah oogu Dabaal-degtay Sanad-guuradii 51-aad ee Xornimada Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqaan dalka Cumaan ayaa u Dabaal Degtay Maalinta 1 luulyo xafladan ay waxa sii gaar ah ulahaa Qabanqaabadeeda iyo isku-dubraidkeeda gudiga PDF community xafladda oo ahayd heer sare ah ayna kaso qaybgaleen dhamaan bulshada somaliya ee ku dhaqaan sultanate Oman Xaflada waxa kaso qaybgalay safaarad somalida.kowda luulyo waxa loogu talagay baramijo xiis gelyey dadka somaliyad ee goob joog ka ahayd xafladda Waxa lagu furay quuraanka karimka ah. Xaflada Waxaa Xiriirinayey Mohamed Yusuf waxaa halkas ka hadalay oo furay Gudoomiyaha Qaban Qaada Xafladaas Mudane: Mohamed Farah Xaaji Mire oo halks kaso jeediyey Taarikhda kowda luulyo oo kooban xooriyadii somaliya iyo Muhiimada Xaflada Caawa Wuxuuna Mahad Gaar Ah u Celiyey Dhamaan Dadkii kasoo Qayb Galay . Ay Ugu Horayso Safaarada Somalida . Somalida Iyo Sida Wanaagsan Ee Umudu Ugu Riyaaqday Xafladaas Quruxda Badan. Sii aqriso