-
Content Count
17,710 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Hirshabeelle shenanigans
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Hirshabeelle oo ku waabariisatay Mooshinno iska soo horjeeda Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay xalay ka soo gudbiyeen mooshin ay doonayaan in ay xilka kaga qaadaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu qabtay oo uu gacanta ku hayo mooshinka ka dhanka ah Madaxwayne Waare. Mr Cismaan ayaa BBC-da u sheegay in Madaxwayne Waare ay tahay markii saddexaad ee mooshin laga keeno tan iy intii uu xilka qabtay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in Madaxwayne Waare lagu eedeeyay " in uu ku tuntay dastuurka,tagrifalid awoodeed iyo musuqmaasuq baahsan ". "Mooshin ayaan gacanta ku hayaa waa markii saddexaad oo laga keeno mooshin kalsooni-kalanoqosho ah ka dib markii lagu soo eedeeyay qodobo badan oo ay ka mid yihiin inuu ku tuntay dastuurka,ku tagrifalidda awoodda iyo musuqmaasuq baahsan", ayuu yiri gudoomiyaha. Sheekh Cismaan Barre ayaa xusay in mooshinkan ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan oo doonaya in xilka laga qaado Madaxwayne Waare. "Aniga waxaa la ii keenay mooshin ay ku saxiixan yihiin 54 xildhibaan, xildhibaanada waajibka ugu wayn ee ay qabtaan waa sharci dajinta, matalaadda shacabka iyo la xisaabtan, marka waa qeyb la xisaabtanka ka mid ah", ayuu yiri gudoomiye Cismaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa dhanka kale qiray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxwayne Waare. Balse waxa uu beeniyay in khilaafku yahay mid shaqsiyadeed isaga oo sheegay in uu yahay mid ku saleysan dastuurka. "Khilaafka naga dhaxeeya waa mid dastuuri ah, anaga waxaan halkan ku joognaa sharci, qof ra'yigii halkan kuma joogno, waxaan nahay dad hoos yimaadda dowladda Soomaaliyeed, dhisteena dadka reer Hirshabeelle ee ka kooban labada gobol," ayuu yir gudoomiyaha. Waxaa uu intaa ku daray in madaxwaynaha uu doonayo in uu "ra'yigiisa ku maamulo" Hirshabelle. "Madaxwaynaha waxaa uu caadaystay oo uu sharci ka dhigtay inuu ra'yigiisa ku maamulo Hirshabeelle anigana hay'addii sharci dajinta ayaan madax ka ahay," ayuu intaa ku daray. Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo kama soo baxin dhanka Madaxwaynaha Hirshabeelle oo ku aadan mooshinkan. Dhanka kale, waxaa iyana jira xildhibaanno kale oo Barlamaanka Hirshabelle ka tirsan oo iyana isla Guddoomiyaha Baaralamaanka Cismaan Barre Maxamed, ka gudbiyey mooshin ay ku doonayaan in ay xilka kaga qaadaan. Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi, ayaa BBC u sheegay in mooshinkan ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle. "Mooshinka caawa waxaa ii keenay xildhibaano dhowr iyo Soddon gaaraya guriga ayay iigu keeneen waxaa soo saxiixay xildhibaano gaaraya 63 xildhibaan oo baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan," ayuu yiri Mr Geedi. Guddoomiya kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdi Xuseen Geeddi,ayaa farta ku fiiqay in mooshinkan laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka qodobada loo cuskanayo ay ka mid yihiin in uu caqabad ku noqday howlihii Baarlamaanka Hirshabeelle. "Sababta loo keenay ayay yiraahdeen. waxay tahay inuu caqabad ku noqday baarlamaanka howshiisii in la socodsiiyo iyo howlihii fulinta ay laheyd faragalin uu ku sameeyay," ayuu yiri Mr Geedi. Mooshinadan iska soo horjeeda ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Soomaaliya uu fara ba'an uu ku hayo feyrsika Corona islamarkana aysan sahlanayn in kulamo ay yeeshaan baarlamaanka. - BBC Soomaali -
Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha barlamaanka oo laga gudbiyay mooshino kalsooni kala noqosho ah Khilaaf siyaasadeed oo xoogan ayaa ka jira dowlad goboleedka Hirshabelle, khilaafkaas oo u dhexeeya madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha barlamaanka maamulkaas Sheikh Cismaan Barre Maxamed. Guddoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle ayaa caawo soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, mooshinkaas oo ay soo diyaariyeen xildhibaanada barlamaanka Hirshabelle kamid ah. Waxaa mooshinka ku qoran in madaxweyne Waare uu musuq maasuqay kuna tagri falay dhaqaalaha Hirshabelle ka hesho dowladda federalka Soomaaliya iyo mashaariicda horumarinta ee laga helo beesha caaalamka. Waxaa kaloo ku xusan mooshinka in madaxweynuhu ku xadgudbay sharciga iyo wada shaqaynta laamaha kala duwan ee maamulku ka kooban yahay islamarkaana talada Hirshabeelle ay noqotay mid meelo kale laga maamulo. Dhinaca kale, Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen ayaa isla caawa qabtay Mooshin kalsooni kala noqosho Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre. Hirshabelle waxay xilligaan ku jirtaa marxalad kala guur ah, waxaana bisha Octobar ee soo socota ku beegan tahay in la qabto doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaa kasoo horeeya soo xulistii xldhibaanada iyo doorashada hoggaanka barlamaanka maamulkaas. Hirshabelle oo la aas aasay sanadkii 2016, waxaa soo maray labo madaxweyne. Weli maamulka si rasmiya uma cagdhigan. Wuxuuna ka bixi waayay khilaafaad joogto ah iyo madaxda xilka loo doorto oo Muqdisho iska farriista. Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in dhibaatada ka taagan Hirshabeelle ay sababteeda leedahay, iyadoo markii hore maamulkaan lagu dhisay qaab uu ka muuqday degdeg.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Madaxii xiriirka dibedda ee xiriirka kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo geeriyooday Cayaaryahankii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya, Baana Abdulle Ali ayaa isniintii xalay ku dhintay London, isagoo u geeriyooday COVID-19. Waa cayaaryahankii labaad ee Soomaaliyeed ee ugu dhinta cudurkaan isbitaal ku yaal London, UK wax ka yar bil. Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Baana oo loo yaqaanay halyeey qaran. "Eng, Baana Ali wuxuu ku dhintey Boqortooyada Ingiriiska, Anaga oo ku hadlaya magaca wasaaradda iyo dowladda Soomaaliya, waxaan tacsi u direynaa dadka Soomaaliyeed geeridii halyeeyga qaranka, gaar ahaan, waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii, Wasiirka Isboortiga Soomaaliya, Khadija Diiriye ayaa sidaa ku soo qortay barteeda Facebook. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Baana ayaa xanuunsanayay labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Ciyaartoygii hore ee kubbadda Koleyga oo ku jiray dabayaaqadii 40meeyada. Wuxuu ahaa madaxa xiriirka dibedda ee Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Renowned Somali National Basketball Player dies of COVID-19 complications in UK Former Somali Basketball player, Baana Abdulle Ali on Monday night died in London from COVID-19. He is the second Somali national player to die from the disease at a hospital in London, UK in less than a month. Somali ministry of Sports confirmed the death of Baana terming the player national hero. "Legend Somali national Basketbal Player, Eng, Baana Ali has died in UK, On behalf of the ministry and Somali government, we extend condolences to Somalia people over the death of the national hero, specifically, we extend our condolences to family and friends," Somali Sports minister, Khadija Diriye said in a Facebook post. According to sources, Baana had been sick for the last two weeks. Former basketball player who was in late 40s was the head of external relations of Somali Basketball Association. Messages of condolences to the family of late Baana continue to trickle in from netizens. Dozens of Somalis took to social media to eulogize the player. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dad looga shakiyey Covid-19 oo la dhigay isbitalka Baraawe Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay tiro dad ah oo looga shakiyey cudurka Coronavirus la dhigay isbitaalka magaalada Baraawe ee gobolkaasi. Agaasimaha isbitaalkaasi Dr. Cabdulaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo wareysi siiyey Idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in dadkaasi oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay qaabileen lagu arkay caalamado aad u eg, kuwa uu leeyahay xanuunka COVID-19. Dhaqtar Nuuraane ayaa xaqiijiyey in hal qof oo ka mid ah dadkaas uu ku geeriyooday isbitaalka, islamarkaana ay arrintaas sii kordhisay walaaca ay ka qabaan cudurka Coronavirus, isago oo sheegey in maalin walibo ay qaabilaan dad gaaraya 25 illaa 30 qof. Sidoo kale agaasimaha isbitaalka magaalada Baraawe oo hadalkiisa si wata ayaa shaaciyey in aysan heysan qalabkii loogu talagalay xakameynata cudurka Covid-19. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah. Qeylo dhaantaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu haatan dalka ku sii baahayo cudurka Coronavirus, kaas oo kiisaska la xaqiijiyey ay gaarayaan ku dhowaad 500 oo qof. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Alloow ummadaada u naxariiso: -
On the road to Bu'aale
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
CIIDAMO badan, gaadiid dagaal iyo diyaarado oo lagu arkay Baydhabo + Ujeedka Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Baay, waxaa maanta dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan laga dareemayaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gudaha u galay magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya ciidamadaasi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa u kala dhashay dalalka Itoobya, Uganda iyo Burundi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaan ay wehlinayaan diyaarado dagaal oo ka badan illaa soddon, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ujeedka dhaq dhaqdhaqaaqyadaan cusub ayaa waxaa lagu sheegay kuwo ka dhan ah Al-Shabaab oo looga saarayo gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo la xariira dhaq dhaqaaqyada milatari ee laga dareemayo magaalada Baydhabo ee maamulkaasi. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadooa shalay taliyaha ciidamada AMISOM, Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya uu kormeer ku tegay xeryo ku yaalla magaaladaasi. Xigasho -
Northern Vs Southern Somali:
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Come Learn Somali's topic in General
I guess Berbera and other Northern xeeb towns close to Carabiya has to do with heavily influenced Carabi words in Waqooyi Soomaali dialect. A few more I can remember now as well: In Waqooyiga, washroom/toilet is called xamxam from Carabi. In Koonfurta, it is musqul. In Waqooyi, most folks down there call a spoon macalgo from Carabi. In Koonfurta, it is the Soomaali word qaaddo. In Waqooyiga, kitchen is called kushiin from English word cousine, which itself is based on Latin. In Koonfurta, it is jiko, which shares with Kiswaaxili/Sawaaxili word jikoni. There are many more examples. -
Askarigii dilay the two civilians arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Waraa atheist diinlaawe ah anaga Muslimiinta waa soomanahay ee dhaladaada qamriga jidadka iskaga cab for no body pays attention qashinkaa qortidee. -
Viva Senegal! Successful African solution in fighting covid 19.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to qorane's topic in Politics
I hope our people listen and pay attention to this disease. Ciyaar ciyaar ayee wali la tahay. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Indha adeyga: -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Waxaaa xalay gegida Aadan Cabdulle ee Mudqisho kasoo degay agab caafimaad ee COVID-19 kaas oo qayb ka ahaan doona dadaalla ka socda dalka oo dhan. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Today, H.E. @AbikarDr had an online meeting with H.E. Donald Y. Yamamoto, US Ambassador to Somalia and senior officials from USAID/Somalia program including Jeff Bakken, Mission Director, Sam Sager, Stabilization Advisor, and Piya Smith COVID-19 Somalia Focal Point. They discussed how #US can fully contribute to the control and response of the COVID-19 outbreak in #Somalia Thanks to USAID/Somalia -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Dr. Fuje: Isbitaallada Xamar midka ugu yar waxaa COVID-19 laga helay 50 shaqaale Dr. Maxamed Maxamuud Cali Fuje ayaa sheegay in cudurka Coronavirus uu aad u saameeyey dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho, isagoo walaac badan ka muujiyey sida xowliga ah ee cudurkaas uu ugu sii faafayo dalka. Dr. Fuje ayaa sheegay in xanuunkaas uu ku dhacay dhakhaatiir badan, isbitaalada waaweyna midka ugu yar uu uga dhacay illaa 50 qof oo shaqaalaha caafimaadka ah. “Hadii ay dhacdo in cudurkan dadka dhan uu gaaro isbitaal looma hayo, dhakhaatiirna looma hayo oo dhakhaatiirta aad ayuu nooga dhacay, waxaan idiin sheegayaa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho kan ugu roon illaa 50 qof ayuu uga dhacay oo shaqaalihii caafimaadka ah, marka ma jirto cid shaqeyneysa oo dadka baxnaanineysa, hadii sidaan wax kusii socdaan, marka waxaan soo jeedinayaa aan joojino oo hakino cudurkan”ayuu yiri Dr. Fuje. Dhakhtarka ayaa ku taliyey in dadka waaweyn ay guryaha joogaan, isla markaana ay ka fogaadaan dhalinyarada ay waalidka u yihiin oo ay macquulka tahay inay cudurkaas u keenaan, maadaama ay iyagu u nugul yihiin. Dadka illaa hadda gudaha dalka ugu dhintay cudurkaas ayuu sheegay inay u badanyihiin dad da’doodu ay ka weyntahay 50-sano jir. Sidoo kale waxa uu aad ugu cel-celiyey Dr. Fuje in qof kasta uu xirto Maasgaraha afka lagu duubto, isagoo dadka ku shaqeysta Harqaamada kula taliyey, inay ka dhigtaan shaqa abuur oo ay sameeyaan maaskaraha afka lagu xirto, oo sida uu sheegay gaashaan weyn u noqon karta cudurka COVID-19. In lakala fogaado ugu yaraan hal mitir, laguna dadaalo nadaafadda ayuu mar kale dhakhtarku kula dardaarmay bulshada. Si buu yiri ‘loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID-19 oo kusii faafaya gudaha dalka’. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Xaalka ma sahlano. Alloow sahal amuuraha. Sagaal qof oo ku geeriyootay isbitaalka Martiini ee la dhigo dadka qaba COVID-19 Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay oo kaliya ay sagaal qof ku geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, oo ah halka lagu hayo dadka qaba cudurka COVID-19. Qoraal ay wasaaradda soo dhigtay barteeda facebook ayey ku tiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini.” Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda ayaa Caasimada Online u sheegay in dadkan ay isugu jiraan kuwa hore isbitalka loo jiifiyey oo la xaqiijiyey inay qabaan COVID-19, iyo kuwa ayaga oo garaab ah laga keenay isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, kuwaas oo dhintay ayaga oo aan weli la baarin, balse qabay astaamaha cudurka. Ugu yaraan saddex ka mid ah dadkan ayaa xalay la keenay isbitalka, isla xalayna geeriyooday. Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.” “Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh istaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.” Tiradan ayaa ah tii ugu badneydn ee dad 24 saac gudahood cudurka Coronavirus ugu geeriyooda isbitaalka Martiini. Xigasho -
Xabashiland is trying to fool the world by sharply under-reporting their Covid-19 positive cases. To date, the authorities there are reporting only 124 positive cases and three deaths. This from a claimed population of more than 110 million. This from an airline that flew daily on months to Chinese cities in January, February, March and April. On 24th of April, they reported a single positive case. Same with on April 26th, with another reported single digit case. Their daily reporting of positive cases fluctuates weirdly. See the graph below. The two first deaths occurred in April 5th and the third death happened, they said, on April 10th. No more deaths since then was reported. Xabashiland has lower cases than many countries and territories with a fraction of the population they have. Far lower cases than Rwanda, Jabuuti, Brunei, Gibraltar, Guadeloupe, Gabon, Faroe Islands, Maldives, Montenegro and more. These countries and territories whose combined population is not even a third of the claimed population of Xabashiland.
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Puntland: Shan qof oo laga helay covid19 kadib markii loo keenay qalabkii baaritaanka Puntland ayaa caawo shaacisay inay shan qof ka heshay cudurka Coronavirus, kadib markii maanta baaritaan laga qaaday 9 qof oo kamid ahaa dadka laga helay caalamadaha cudurka Covid19. Shaacinta tiradaan cusub ayaa kusoo aaday kadib markii Puntland ay maanta howlgalisay qalabka lagu baaro cudurka oo ay ka heshay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waa tiradii ugu badnayd ee hal mar laga helo cudurka, waxaana guud ahaan kiisasku haatan marayaan 6 qof. Keenista qalabka cudurka lagu baaro ee Puntland, waxaa la filayaa in kiisas badan soo bixidoonaan maadaama maalintii ugu horeysay tiro intaas ah la sheegay. Dhinaca kale, Muqdisho ayaa galabta waxaa laga diiwaan galiyay 62 kiis oo cusub, labo dhimasho iyo labo ka bogsatay cudurka. Haatan cudurka tiradiisa guud waxay ku dhowdahay 400 xaaladdood, dhimashaduna waa 20. Soomaaliya waxay kamid noqotay wadamada Afrika ee sida xoogan ugu faafayo cudurka Coronavirus. -
Askarigii dilay the two civilians arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I hope Reer Muqdisho ogaadaan waxa dantooda ugu jiro, amaankooda iyo caafimaadkooda ilaalsadaan. And not being used by siyaasiyiinta daneystiyaasha ah. Rabiyaa og intaan isku soo baxday cudurka isku faafiyeen. -
Askarigii dilay the two civilians arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cumar Filish oo goor dhow la hadlay dibad-baxayaasha Muqdisho, kana codsaday in aan la burburin waddooyinka laamiga ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa waxa uu maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho boqollaal dibad-baxayaal ah oo kasoo horjeeday fal dil ah oo uu xalay ka geystay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya Isgoyska Jubba ee Degmada Boondheere. Askariga ayaa dilay wiil dhalinyaro ah iyo hooyo umul aheyd dhowr maalin sida lagu sheegay xog laga helay ehelada labada marxuum. Dibad-baxa oo xalay bilowday ayaa waxa uu aad usii xoogeystay saaka, kadib markii dad u badan dhalinyaro iyo haween ay taayarro ku gubeen dhowr waddo oo muhiim u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda Soomaaliya. Waxeyna qaarkood la wadaageen warbaahinta hadallo kulul iyo farriimo ku socday madaxda dowladda gaar ahaan , Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa waxa dibadbaxayaashii uu la kulmay uu u sheegay , in askarigii dilka geystay uu ku jiro jeelka dhexe ee Muqdisho, lana horgeyn doono cadaaladda, sidoo kalena la tix-gelinayo cabashada shacabka iyo dareenkooda, dowladduna ay ka fadhiso bandowga iyo sidii laga yeeli lahaa, dhowaanna lagasoo saari doono war arrintaasi la xiriira. Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dibadbaxayaasha iney u turaan waddanka, oo aan la burburin waddooyinka iyo goobaha danta guud ee lagu dhisay canshuurta laga qaaday bulshada, taas oo meesha ka saareysa heykalka dib u kabasho ee Soomaaliya hadda ka muuqanaya , gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Xalay iyo saaka waxey Muqdisho ku sugneyd saacado jahwareer ah, waxaana hadda la eegayaa tilaabada tan xigta oo ay madaxda sare qaadaan , si ay uga jawaabaan cabashada bulshada iyo culeysyada jira. -
Askarigii dilay the two civilians arrested
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Bandowgii magaalada Muqdisho oo aad loo qafiifiyay iyo taliyahii booliska Boondheere oo xilka laga qaaday Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar oo shir jaraa’id goor dhow ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in xilii laga qaaday taliyaha booliska ee Degmada Boondheere , halkaas oo ay xalay askari ka tirsan booliska uu ku dilay laba qof oo rayid ah. Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya Xijaar ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in saacad dib loo dhigay bandowgii saarnaa caasimadda Soomaaliya, habeenkii, islamarkaana uu bilaaban doono sideedda fiidnimo (8:00PM), halka uu horay u ahaa todobada fiidnimo (7:00pm), taas oo uu ku sheegay in dowladdu ay kaga jawaabeyso cabashada dadka muqdisho. Taliyaha waxa uu sidoo kale sheegay in uusan bandowga qaban doonin dadka waddooyinka socda, goobaha caafimaadka iyo dadka wax iibsanaya , sidoo kale dadka hor fadhiya guryahooda ayuusan saameyn doonin bandowga saran xilliyada habeenkii ah caasimadda Soomaaliya . Arrintaan waxey muujineysaa in dowladda Soomaaliya ay aad u qafiifisay bandowgii maalmihii lasoo dhaafay dadku aad uga cabanayeen. -
I hope in sharciga la marsiiyo. Labada marxuum uu dilayna Eebbe ha u raxmado, reerkiisa samir iyo iimaan. Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis Xasan Aadan Xasan ina Dahabo Maxamed Cabduqaadir, 24 jir ku dhashay Xamar deggan Hodan kana tirsan Boliiska saldhigga Boondheere. Askarigaan ayuu talisku sheegay inuu ahaa ninkii riday xabaddii u geeriyoodeen labo ruux oo kale ah, Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere iyo Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere. Falka Dilka labadaan ruux ee shacabka ah, oo ka dhacay degmada Boondheere, ayaa dhaliyay mudaharaad caraysan oo ay shacabku kagasoo horjeedaan ciidamada dowladda oo ay ku eedeeyeen inay si ula kac ah u dileen dadka shacabka ah. Lama oga tilaabada dowladdu ka qaadi karto, iyadoo haatan ay weli xiran yihiin askar horey u dilay dad shacab ah, kuwaas oo aan la marsiin mudnaantii ay lahaayeen. Xigasho
