Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,254
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    245

Posts posted by Che -Guevara


  1. 19 May 19, 2008 - 6:41:22 AM

     

     

     

    Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweynaha DF ah Cabdulahi Yusuf qorsheynayo in uu bilaabo olole xilka loogu kordhinayo madaxa MGPL Cadde Muse oo xilkiisu ku eg yahay Jan 2009.

     

    Wararkaan oo laga heley ilo lagu kalsoon ayaa sheegaya in qorshahaan xil kordhinta ah go'aan ahaan lagu gaarey kulan labada mas'uul ku dhexmarey magaalada London April 25-28, 2008.

     

    Ilo waredyadaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG ah uu doorbidayo in Cadde Muse xilka Madaxweyna-nimada PL sii hayo inta laga gaarayo dabayaaqada sanadka 2009 xiligaas oo la filayo in dorashoyin guud ka dhacaan Somalia.

     

    Madaxweynaha DF ah ayaa wararku shegayaan in uu bilaabey sidii qorshahaan looga raaridi lahaa Issimada Puntland.

     

    Cabdulahi Yusuf ayaa codsigiisa saldhig uga dhigi doona xaalada guud ee Somalia ku sugan yahay iyo in xiligaan aysan habooneyn in doorsho laga qabto Puntland iyada oo wararkaan xusayaan in uu xiriiro hordhac ah la soo sameeyay qaar ka tirsan Issimada gobolka.

     

    Dhowaan ayay aheyd markii Wasiirka Maaliyada Puntland Mr.Gagaab 18 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka Puntland ugu sameeyay qado magaalada Bosaso kulankaas oo wararka ka soo baxey sheegayeen in uu kala hadalay xil kororsi ay damacsan tahay xukuumada Cadde Muse.

     

    Madaxweynaha DFKMG ah oo lug weyn ku leh siyaasada Puntland ayaa marna si toos ah uga hadlin dhibaatooyinka amni xumo, dhaqaale iyo musuq-maasuq ee ka taagan gobolka kuwaas oo dhibaato ku haya shacabka gobolka.

     

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKMG ah ku wajahan yahay wadanka Jabuti dhamaadka bishaan halkaas oo la filayo in uu kaga qayb galo fuitaanka wajiga labaad ee shirka la filayo in dowladiisa la yeelato mucaaradka Asmara.

     

    Madaxweynaha DGPL Cadde Muse ayaa xoggo aan wararkooda la xaqiijin sheegayaan in uu dalka Jabuuti ku sugayo Cabdulahi Yusuf.

     

    Cadde Muse oo dibada uga maqanaa maamul goboleedka muddo ku dhow Labo bilood ayaa xubno ka tirsan mamaulkiisa oo diidey in magacooda la shaaciyo sheegayaan in wajiga ka qarsanayo dhibaatooyinka ka taagan gobolka.

     

    Garowe Online, Garowe


  2. Originally posted by Isseh:

    Emperor, perhaps you are right. I may be naively expecting the impossible to happen, but a working between Hiiraale and Al-Shabaab is not altogether unimaginable. That is owing to the fact that 'interests' reign over characters lately. Both Hiiraale and Al-Shabaab, if they come to an agreement of a sort, are in it to gain. Whatever I wrote yesterday was speculative but read below:

    Temporary allaince with no common or shared longterm interest would hardly yield anything. These are people with no principles who will change sides at moment's notice. I wouldn't pin my hope on anything good coming out of the Jubbas


  3. K. Afrika: Inkabadan 500 oo Qof oo Soomaali ah oo Dukamadooda la boobay

     

    Axad, May 18, 2008(HOL) - Soomaalia badan oo dukaaman ku lahaa tuulooyinka ku xeeran magaalada Johensburg ayaa ku soo qulqulayo magaalada Mayfair oo ah barta Soomaalida ay ka dagto magaalada Johanesburg ayaga ku soo cararayo boob isdaba joog ha oo ay wadaan dad ka soo horjeedo ajinabiga ganacsiga ku leh waddankan Koofur Afrika.

     

    Tuulooyinka uu boobku kadhacay ayaa ah ilaa iyo hada shan tuulo iyadoo isla manta boobku uu soo gaaray gudaha magalda Johannesburg meel eey ubadan yihiin Ganacsato kasoo jeeda Dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Jeep Street taas oo sababtay in albaabada la iskugu dhuftay intabadan xarumaha Ganacsiga ee Xafada ey Soomaalidu ubadanyihiin ee Mayfair xili la layahay meel lakala istago xafadaa oo laciireysa dad badan oo kasoo Qaxay xarumohoodii ganacsiga.

     

    Cabdullaahi Farax Maalin oo kamid ah dadkii u gurmaday qaar kamid ah Dukaamankii laboobay ayaa Hiiraan Online u xaqiijiyay in dadka boobka geysanayay ey careysnayeen eyna qarkood ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin "Hadeey nolol rabaan wadamadoodii ha ku labtaano iyo ereyo kale".

     

    Arintan ayaan la ogeyn in ay tahay mid siyaasadeed ama mid isir naceyb ah iyadoo qof si macneynayo. Madaxweynaha dalka Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa ku baaqay in la sameeyo guddi baarta dhibaatada lagu hayo dadka qoxootiga ah. Sidoo kale guddoomiyaha Xisbiga ANC Mr.Jacob Zuma ayaa daleeceyn u soo jeediyey dagaalka lagu hayo dadka ajinabiga ah ee ku nool waddankan Koofur Afrika.

     

    Saciid Cabdulle Xerow

    Johannesburg

    South Africa


  4. Some Zimbabweans say they will go home, despite the political violence there, rather than face attacks in South Africa.

     

    The front page of several South African newspapers on Monday shows a horrific image of a man being burnt to death .

     

    The police say they have made more than 200 arrests for crimes including murder, rape and robbery.

     

    web page


  5. NGONE...You are right, and she died too.

     

     

    Does anyone know any links to Waheed Muraad movies from old Paki Cinema which was a lot better than Bollywood. I think Zola might know.