Suldaanka

Nomad
  • Content Count

    7,318
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    170

Everything posted by Suldaanka

  1. Is this avialable in both Audio and Video or just Audio? I know not much about the different bbc.
  2. India I am sure you will enjoy your stay... Muad, As far as Somalis go, it is the "Badda Cas" I've seen people call us that we are in the Horn of Africa, some others say we are in East Africa or Subsaharan Africa while others beileve that we are part of Arabia... confusing, if you ask me. Just, imagine how someone will have trouble trying to locate his own country under so many groupings and names.
  3. lol @ India yes indeed, "Siyaartaan" is the word that comes after. There are a couple of 5 star hotels that are currently being built in Berbera, specifically tailored for Somalilanders who want to relax and have good time after such long time working hard for their country overseas. In the next few years tourism in Berbera will take off. I am thinking of opening a small shop there that sells kites, surfboards and other beach-gears like towels, umbrella, lifejackets etc. and perhaps sunscreen for those cuties born overseas or those who use diana and can't stand the sun. I like the name with "soor" end. Like "maan-soor, gob-soor, xeeb-soor, arag-soor, qalbi-soor" lol Ambassador nevermind sxb, I was just making a lame joke about it. Dude, "Red Sea" I think that name can be decieving especiality when you look at the clearity of Berbera waters. [Old Berbera section. This is the HQ of the Othman Empire, built mid 1700s]
  4. So you are one of the black figures and at the same time behind the camera taking the picture? C'mon sxb, only a prehistoric camera would produce something like that. A more sound explaination could be that the heat in Bosaaso probably wrecked the film useless.
  5. Rules apply to everyone Originally posted by ORGILAQE: THANK YOU VERY MUCH FOR PROVING MY POINT
  6. ^^ you are a joker lol The problem is, one is trying to hide something behind that bushy mustache - read Morgan Faruur. While the other is frank about it as a choice of style.
  7. Amb. Is that you? it is nice How long ago was it taken? Here comes somemore pix... [The old lighthouse at the old Berbera port]
  8. Xeebsoor Restaurant is always convenient for a quick lunch, they serve grilled and boiled fish (yes they also serve meat) with Somali rice or spaghetti. One can also choose from a wide range of fresh fruit shakes, guava, orange, mango, watermelon and grapefruit.... for more...Berbera Shores
  9. ORGILAQE, Well, if I am anything, I am a fair game player. I am prepared for whatever decision as long as it is fair and applies to all. Can that be said about you? I guess your above replies are enough for the answer.
  10. Out of the two of us, I am for all nomads including this particular case. There were many nomads that unlike this case who asked for the admin's reprisal, got the knife very unfairly. If you were speaking for anyone, those nomads need your support too. That is if you were not making a fool out of yourself and proving a point of which you are a prime example of.
  11. The decision has already been taken and that nomad has been "BANNED". Now that he is in the "BANNED" list, then he has about the same rights as all those BANNED nomads. And that is where I am coming from. If this particular case gets a pardon, then all those BANNED nomads should also recieve a pardon, and that goes for all the future nomads that will get BANNED for the first time. Fair enough.
  12. ^^ You could have said that if I were selective in my assertion. But, I believe I weren't. Besides, lets treat this as a "case" and not as an indivitual. What ever the Admins decide on this should reflect on how they deal with others too. That is as fair as it gets.
  13. Somaliland was perhaps the highlight because it was incredible to see what the people had achieved with virtually nothing. That was a very moving experience and the people were quite inspirational. They rebuilt their country after a devastating civil war with very little help from the outside world, but with sheer hard work and a belief in their own national identity they've been able to build a functioning state. Somaliland a "real African success story"
  14. If pardon is to be given, then it should apply to all. And that means, anyone that gets banned for the first time, should get a pardon - once. Otherwise, it is still not fair.
  15. I thought it was against the "Golden rules" to open a plea thread. Will the Admins stick to their rules? :rolleyes:
  16. The guy was highly accomplished man, he used to work in the Somaliland Police before he was given his "Ruqsad" few years ago by the late President Ina Egal, after they disagreed on key policy changes. He was from Far Eastern Sanaag region. The recent killing marks the death of the 3rd Somalilander that is murdered in Mogadishu. Two months ago another Sarkaal who hails from Sool region was killed. And about 3 years ago a highly respected General from Awdal region was murdered near Abdiqasim's residence Hotel Ramadan.
  17. Why all the emotional outbursts I wonder? No one shed a tear for our nomad Otali who was banned for good for making a small comment on the relationship between Ayaan Hirsi Ali and... you know what I mean.
  18. We ask Allah for his protection - Ilaahaw adaan ku talo saaranaye dhibaatadooda na gees mari. Amin!
  19. Jilaato_Cambo Bring it on Actually, I've seen some beautiful pictures from Mogadishu walaahi. They were excellent. Seems like we are bouncing right back. wiil_duco I used to think that was a joke, but some people really think it so. FYI: Hargeisa region recieves very good rainfall sxb, and procudes most of its vegies and fruits. In fact, it always ranked in the top 5 largest producers of cereal (sorghum and maize) in ex-Somalia. So, there you have it sxb.
  20. Somaliland Photos Hargeisa Video Fast Connections ... Normal Connection ... Slow Connection .
  21. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer iyo Sanadkii tegay ee 2004. Sida la wada ogsoonyahay baahida bani aadamku ma aha wax dhaamada waxa kaliya oo dhameeya geeri sidii uu Rasuulkeennu sheegay SWSC (Afka Bani aadamka ma buuxiyaan waxaan ciid ahayni). Hadaba iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxa aynnu o urdaynaa, u kifaaxaynaa, geedi iyo galab carow ugu jirnaa sidii qaar ka mid ha bahiya jira sida nolol maalmeedka qof waliba u dabooli lahaa ama wax dheer u heli lahaa. Iyadoo taa la wada ogsoon yahay ayaa gobolka Togdheer dadkiisu ay geedi iyo galab carow ugu jireen siday horumar u tiigsan lahaayeen iyada marar badan ay dhacaysay in wax yaaba kale lugta jiidayeen ama xoogaga debedeed culays saarayeen si horumarka bulshadu aanu u noqon mid taaba gala. Sida badan waxa la sheegay danaha xoogagan debedeed ka lahaayeen lug jiidka reer Togdheer in uun uu ahaa si aanay uga xoroobin u bahnaanshaha meela kale ee ay Buroco ama Gobolkuba u noqdo mid uun meel kale iyo cid kale wax ka suga. Gobolka Togdheer oo ku caan baxay taarikhdana ku galay odayaynta, nabadaynata, dad isu keenka, marti-soorka iyo guud ahaan dulqaadka ayaa mar kaliya lagu shaanbadeeyay in uu yahay gobol aan nabadi ka jirin oo sida muqdisho Khad-cagaaran iyo khad casi ka jiraan islamkaana isaguna ubadkiisii iyo maatadiisii ku tuntay. Hadaba wax kasta oo lagu tilaamo waxa aan cidina beenin Karin in bulsha waynta ku dhaqan gobolka Togdheer ay udub dhaxaad u yahiin jiritaanka, horumarka, difaaca iyo nabadgalyada Jamhuuriyadda Somaliland, (an amprella ) isla markaana ay gaadheen guula aan la iska indha tir karin oo dhinac walba leh, taas oo ay ku kasbadeen hogaanka wanaagsan ee dawladda Madaxweyne Rayaale u magacaabay gobolka, iyo isku duubnida bulshada gobolka. Waa mid xusid mudan in sanadkii tagay uu reer Togdheer u ahaa mid ku dhaafay nabadgalyo iyo guud ahaan dhibaato la’aan, inkasta oo ay jireen saamayn wayn oo marwalba xaaladda Sool ka taagani ku yeelanaysay arimahaooda nabadgalyo iyo dhaqaale, hadana may dhicin sidii dad badani ka baqayay in deganaansho la’aan ay u keento gobolka. Sida uu noo sheegay Kornayl Saleeban Ducaale oo ah taliyaha mid ka mid ah Saldhigyada boliiska magaalada Burco mar aannu si guud wax uga waydiinayay arimaha nabadgalyada iyo dhul isku qabsiga, wuu yaraa dilku marka loo eego sanadahii ka horeeyay sidoo kale dhul isku qabsigii 2004 ta waxa uu hoos u dhacay in kabada 45% marka loo eego sanadahii ka horeeyay. Inkasta oo marwalba shacbiga reer Togdheer ay gacanta sare ee horumarka iyo nabadgalyada bulshada gobolkooda iyagu iska leeyahiin hadana waa mid aan messha laga saari Karin sida hagarla’aanta ah ee maamulka dawladda heer gobol iyo degmaba ee uu gadhwadeenka ka yahay Gudoomiyaha gobolka Mudane Cabdi X. Dheere ay gacanta wayn uga gaysteen, siiba dhiirigalinta, maamulka degaamada, horumarka degmooyinka iyo ka shaqaynta nabad galyo waarta oo ka aslaaxada beriga gobolka. Gudoomiayaha Gobolka oo ay weheliyaan dhamaan waxyahay iyo laamaha dowlladda gobolku waxay u gogola xaadheen in si wada jir, hagar la’aan oo niyad wadaniyadeed iyo walaalnimo leh dadwayanaha reer toghdeer gacmaha isu qabasadaan una dhaqaaqaan dhismaha bulsho caafimaad qabta oo ka xorowday cudurka qabiilka, iyo kala qoqobnaanta. Gobolka Togdheer oo sidaan kor ku xusay xuduud dheer la leh gobolka Sool isla markaana xidhiidh dhaqan/dhaqaale oo aad u da’weyn uu ka dhexeeyo dadyowga labada gobol hadana marnaba arimaha muranka xuduudaha ee Samaliand iyo Gobolka la baxay Puntlan. saamayn wayn kumay yeelan nabadgalayada iyo wada noolanshaha dadyaowga labada gobol, taas oo sida la wada ogsoonyahay doorka ugu wayn uu ka ciyaaray gudoomiyaha Gobolku isaga oo balan qaaday nabad galyada iyo wadanoolansha dadweynaha gobolka Togdheer in aan wxba laga hor marinayn. Mar aannu wax ka waydiinay gudoomiayaha Gobolka Mudana Cabdi Xuseen Dheere waxa uu damacsanayahay in uu gobolkan u qabto sanadka 2005 ta, waxa uu nooga xogwaramay qorshayaal farabadan oo guud ahaan la doonayo in gobolka laga hirgaliyo gaar ahaan magaala madaxada, kuwaas oo uu ka xusay wadoonyin isku xidhaya degmada Oodwayne iyo magaala madaxda Burco, wadooyin yar yar oo dhawra oo iyaguna xidhidhinaya wadada laamiga ah iyo tuulayoonka bali waynta siiba waddo isku xidhaysa Wadaamagoo, QoriLugud iyo Balli-Dhiig. Waxyaabaha gudoomiyuhu xusay waxa kale oo ka mid ah dhamaystirka Buundada Burco oo isagu dhagaxii ugu horeeyay uu dhigay, hirgalinta iyo ka qaybqaadashada Dhismaha cusub ee Jamacadda Burco, balaadhinta Dhaqtaka guud ee Burco, badinta Saldhigyada Booliiska ee Magaala madaxda Burco oo sida uu sheegay aad u ballaadhanaysa, iyo guud ahaan xoojinta, dhiiri galinta iyo taabagalinta nabadgalyada gobolka Togdheer. Gudoomihaya gobolku Mudane Cabdi X.Dheere waxa uu xusay mahad waynna u celiaya dhamaan masuuliyiinta sida wanaagsan ula shaqeeyay ee gobolka Togdheer siiba masuuliyiinta deganada Burco oo ay ka mid yahiin Taliyayaasha Booliiska, madaxda wasaradda Caafimaadka, Wasaradda waxbarashada, iyo gaar ahaan Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Burco oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa iyo isaga oo waliba sheegay in ay ka dhabtahay reer Burca nimadu si hagar la’aan ahana uu dadkiisa ugu adeegayo isaga oo wax kasta ka hor marinaya danaha bulsha waynta reer Burco. Ugu dabnayntii mar aannu waydiinay waxa uu u jeedinayo dadwaynaha reer Burco dal iyo debedba waxa uu yidhi†Marka ugu horaysa dhamaan dadkaygu way salaamanyahiin, intaas kadib waxa aan ilaahay uga rajaynayaa in ay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, badhaadhe iyo bash-bash Aakhirana ilaahay u deni dhaafo, waxaan intaa raacinayaa dalkeennu hawl badan oo ceeb iyo canaanba leh ayuu u baahanyahay qof aan waxba qabanayn ayaan ceeb iyo canaan lahayn. Waxaannu doonaynaa diyaarna u nahayn in aannu bulshada si daacadnimo iyo wadaniyadi ku jirto ugu shaqaynno. Waxaannu shacbigayga ka codsanayaa in ay nagu gacan siiyaan hawshaas balaadhan ee aannu dhabarka u ridanay (nin xil qaaday eed qaad) sidaa awalaba noogu gacan siinayseen, waxaan si gaara qurba joogga reer Togdheer u waydiinayaa in ay dhulkooda maal gashadaan, inay ay dib usoo eegaan maatada iyo danyarta jilicsan ee dhulkii kaga danbaysa, isla markaana gacan ka gaysataan horumarka arimaha bulshada oo ay wax tar ka gaystaan dhismayaasha Iskuulada, Dhaqtarada, Biyo galinta, nadaafadda guud ee bulshada iyo wax kasta oo nabadgalyada lagu horumariunayo. “ Isaga oo hadalka sii wata waxuu yidhi “Waxaan kale oo idinku baraarujinayaa qolyahiina qurba jooga ah in aad samaysaan jid ama dariiq aad iskaa wax UQABSO mudadu intay doontaba ha ahaatee dalkiina ugu shaqaysaan. Tusaale ahaan ninka/gabadha dhaqtar baratay/bartay hadii uu lix bilood ama saddex bilood yimaaddo Burco oo dadkiisa wax uqabto isgana wax bay utahay dadkiisana wax buu u qabtay. Masalan inanka ama inanta Jaamacad ka qalin jabinaysa ee sanad ama lix bilood dalkeeda ku soo noqda/ta miyaanay labada dhinacba wax ka faa-iidin, waa mare dhulkoodii, dadkoodii ayay barteen waxna bareen marka kalena iyagaa wax bartay oo shahaadadoodii wax ku siyaadiyay. Marwalba waxaan ilaahay inooga rajaynayaa in uu danteenna ina garan siiyo dadkeenna intiisa badani waxay ku mashquuleen wax if iyo aakhiro toonna aan dani ugu jirin.ee Ilaahay danteenna ha ina tuso oo ha inagu toosiyo†Hadaba hadaynnu guud ahaan soo koobno horumarka gobolku gaadhay mudadii uu mudane Cabdi X. Dheere xilka hayay, waa mid aan halkan lagusoo koobi karayn hase yeeshee waxa hoosta ka xariiqan waa markii ugu horaysay ee mashariic intaa tira leg gobolka laga hirgaliyo. Waxa kale oo iyana mid lagu faano ah in nabad galyo baahday oo aan liic liic lahayni gobolka ka hana qaaday iyada oo shacbiga gobolka toghdeer ay ka bislaadeen wax yaabahii xasaasiyadda badnaa ee marba isku kicin jiray. Waxa sare usoo kacay heerkii waxbarasho ee gobolka iyada oo aan ognahay in ilaa heer Jaamacadeed hadda la marayo. Dhinaca dhaqaalaha waxa dhiiraday ganacsatdii gobolka u dhalatay oo bilaabay in ay keenaan warshado sida Indhadeero oo hadda weshadii Bayl dib u furaya iyo waliba bayac mustar bahay oo dhamaan isku xidhay degmooyinka gobolka oo dhan. Xagga dhismaha waxa ka socda mashaariic badan oo dhismayaal hudheello cusub iyo guryo casriya oo sida badan qurba joogga reer Toghdheer maalgalinayaan. Waxyaabahaas oo dhamina waxay marqaati cad u yahiin in Gobolka Togdheer diyaar u yahay in uu muujiyo kaalinta muhiimka ah ee uu dalka kaga jiro. Ahmed A Ubaxle
  22. Horseedka Horumarka iyo Aasaaska Bilicda Somaliland Markii aan Somaliland tegay waxaan mudadii ugu badnayd deganaa Maan Soor Hotel, Hargeysa. Maan Soor Hotel waxa laga dhisay meeshii la odhan jirey Sheedda una dhow meesha loo yaqaan “Xero Awrka.†Markii aan Maan Soor tegay waxa maskaxdayda ka guuxayey macaamil xumadii iyo adeeg daradii aan kala kulmay diyaaraddii Star Airlines ee aan Dubai ka soo raacay iyo maamulkii Berbera Airport oo dadkii halkaas ka soo degay dhibaato aad u xun marsiiyey. [Maan-Soor Hoteel, wejiga hore] Inkasta oo ay weli wejigayga cadhadii Berbera Airport iga soo raacday ka buuxday oo aanan wax Soomaaliyi maamusho rajo weyn ka qabin, waxaa markii aan shandadihii soo degsadayba aad iiga cajebiyey shaqaalihii Maan Soor Hotel oo si xad-dhaaf ah iigu soo dhoweeyey weji furan, ixtiraam iyo gacaltooyo. Waxa la ii qaaday shandadihii, waxaana markiiba la ii horkacay madashii (reception) soo dhoweynta martida oo laba inan oo aad u weji furani soo taagan yihiin; “walaal soo dhowoow ayaa markiiba la igu yidhi.†Waxaa markiiba la ikala doorsiiyey qolalkii martida, iyada oo weliba la i weydiiyey in aan jeclahay dhinaca fooqa sare ama taxadka. Markiiba yididiilo ayaa i gashay, niyaddana waxa aan ka idhi “war ileyn weli dhulka dad wanaagsan ayaa jooga†Waxyar ka dibna waxa aan doortay qolkii aan degi lahaa. [siciid Cabdiqaadir Xaashi, Maamulaha Maan-Soor Hotel] Run ahaantii markii aan qolkii tegay waxa igu dhacay indho daraandar iyo filanwaa, habka loo qurxiyey, gogley iyo nadaafadda lagu faro yaraystay. Run ahaantiina ma ahayn wax aan ka filayey Afrika oo sida caadada ah adduunka oo dhan uga dambaysa xaggga maamulka iyo maaraynta. Qolalka habka casriga ah ee ugu dambeeyey loo qalabeeyey iyo nadaafadda ka sokoow, dhinac kasta oo aad eegtidba, sida cuntada, ka caawinta martida waxa ay u baahdaan iyo xishmadda iyo maamuuska maamulka sare ee hoteelku martida u hayo; waa wax weyn oo farxad iyo yididiilo gelin kara qof kasta oo dalka iyo dadkaba daneeya. Maan-Soor maaha meel martida ku soo degta keliya loogu adeego ee waxaa maalin kasta ka socda shaqooyin aad u fara badan oo loo qabto dad aan hoteelka deganayn, sida casuumadaha, aroosyada, shirarka iyo tababarada lagu kobcinayo maskaxda iyo garaadka shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah iyo meheradaha madaxa banaan. Waxa kale oo mar walba Maan-Soor ka socdo xaflado yar yar oo ay isu fidiyaan saaxiibada, qaraabada iyo madaxda maamulka dawladda. Waxa kale oo Maan-Soor caan ku yahay kofeega (coffee) casriga ah oo badanaaba loo sameeyo dadka qurbaha ka yimid, ajinebiga hay’adada caalamiga ah u shaqeeya iyo dadka reer magaalka ah ee iyagu cabitaanka kofeega qabatimay. Marka waxaas oo dhan laga soo tago waxa aad iiga cajebiyey shaqaalaha Maan-Soor Hotel oo aan dhihi karo waa hantida ugu weyn ee hoteelku ku faani karo. Laga bilaabo kuwa nabadda suga, soo dhoweynta, makhaayadda iyo kaafateeriyadda, maamulka iyo hablaha qolalka hagaajiya oo aan dhihi karo waxa ay kor u qaadeen sumcadda iyo magaca hoteelka. [Cabdiqaadir Xaashi iyo Shaqaalaha Maamulka soo dhoweynta martida] Mudadii aan Maans-Soor deganaa waxa aanu isbaranay mulkiilaha hoteelka Cabdiqaadir Xaashi Cilmi iyo shaqaalihiisa badankooda. Waxaana run ahaantii aad iiga yaabiyey habsamida maamulka iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya maamulka sare iyo shaqaalaha. Waxaanan dhihi karaa habsamida iyo maamul wanaagga Maan-Soor hoteel waxa uu la tartami karaa hoteelada caalamka ee hore u maray, haddaanuba meelaha qaarkood uga wanaagsanayn. Haddaba markii aan arkay maamul wanaagga Maamulka Maan-soor hotel ayaa waxa igu dhalatay in aan wax ka ogaado taariikhda hoteelka iyo sidii mulkiilaha Cabdiqaadir Xaashi ku hindisay dhismaha iyo maamulka hoteelka. [Cabdiqaadir Xaashi, mulkiilaha Maan-Soor Hotel] Fikradda in uu hoteelka dhiso waxa ay ku dhalatay aakhirkii 1991kii—markaas oo uu u shaqaynaayey shirkadda Kuwait National Petroleum, taas oo uu u shaqaynaayey muddo 30 sano ah. Ka dib markii Sadam Xuseen, madaxweynihii hore ee Ciraaq ku duulay Kuwait, ka dibna Maraykankku ka saaray; xukuumaddii Kuwait markii ay awooddii maamulka ku soo laabatay waxa ay shaqooyinkii ka ruqsaysay dad badan oo aan waddanka u dhalan, sida Cabdiqaadir muddo dheerna ka shaqaynaayey. Nasiib wanaag shirkaddii Kuwait National Petroleum waxa ay Cabdiqaadir u oggolaatay xaquuqdiisii. Arrintaas ayaa Caqdilqaadir ku kaliftay in uu dhulkiisii hooyo dib uga fekero kuna maal geliyo wixii uu kasbaday mudada 30ka sano ah. Cabdiqaadir Xaashi waxa kale oo uu ii sheegay in uu dhulka uu hoteelka ka dhisay qaybtiisii hore iibsaday bishii oktoobar 1992kii, qaybtii labaadna Diseembar 1992kii. Ka dibna waxa uu diyaarinta dhulka, si loo dhiso bilaabay badhtamihii sannadkii 1993kii. Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey – maadaama hoteelku dhul weyn ku fadhiyo sida ay ugu suurto gashay in aan lagu qabsan; ama wax dhibaato ahi uga imaan. Waxa uu iigu jawaabey “sida aynu wada ogsoonahay xilliga aan dhulka iibsaday waxa uu ahaa xilli adag oo nabad gelyadu aad u xumayd maamul dawladeed oo adagina aanu jirin. sidaas darteed, waxa aan ku dedaalay in aan dhulkaas wax khilaaf ahi ka iman dadka iska lihina si wanaagsan iibka iyo la kala wareegaba ugu qanacsan yihiin.†Waxa kale oo uu intaas ku daray in uu dhammaan dadkii jagooyinkaasi ka dhexeeyeen ama u ab-sheeganayey isugu yeedhay; iyadoo weliba qareenno (lawyers) u dhexyihiin, ka dibna halkaas lagu wada qancay. Waxa aan weydiiyey Cabdiqaadir sababta ku kaliftay in uu Maan-soor hotel dhiso, waxana uu iigu jawaabay, “Markii aan dhulka iibsanayey qorshahaygu waxa uu ahaa in aan lacagtayda waddanka ku maal geliyo, hase ahaatee ma hubin meheradda aan lacagtayda gelin doono. Sidaas darteed ayaa waxa aan go’aansaday in aan dhulkii tago 1993 si aan xaqiiqada meesha ka jirta u soo derso. Markii aan waddankii tegay ayaa waxa aan arkay shaqaale badan oo hay’adihii Hargeysa joogay u shaqeeya, hase ahaatee Jabuuti diyaarad kaga soo shaqo taga ka dibna ku laabta.†Cabdiqaadir isaga oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu yidhi “ ka dib markii aan dadkii magaalada degganaa weydiiyey sababta shaqaaluhu magaalada u seexan waayeen ee ay la sii caraabayaan, waxa ay iigu jawaabeen…in hoteel wanaagsan oo shaqaalahaasi seexdaan aanu markaas jirin.†Cabdiqaadir waxa kale oo uu is-tusay in iyada oo waqtigaas baahi iyo arrimo badan oo ijtimaaci ahi jireen ay ku haboonayd lacagtaas diyaaradaha Jabuuti loogu raacayey in waddanka gudihiisa lagu “kharash-gareeyo,†taas oo uu xalkeeda u arkayey in hoteel wanaagsan oo ay hay’aduhu isku aamini karaan laga dhiso Hargeysa…halkaas ayuuna Cabdiqaadir fikradda ka qaatay, kuna go’aansaday in uu Maan-soor hoteel dhiso. [Conference Halls, Maan-Soor Hotel] Cabdiqaadir waxa kale oo uu si dheer uga sheekeeyey dhibaatada soo dejinta qalabkii dhismaha, alaabtii lagu qalabayn lahaa hoteelka iyo shaqaale xirfad leh oo dhismaha ka qayb qaata. Helitaanka qalabka dhismaha oo ahaa kii ugu dhibaatada badnaa waxa laga kala keenay wadamada Kuwait, Iraan iyo Imaaraadka Carabta. Cabdiqaadir isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu ii sheegay dhibaatada iyo dib u dhaca ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay kuwaas oo caqabad ku noqday soo dejinta qalabka iyo hawshii dhismaha. Inkasta oo dhibaato weyn iyo baqdin fara badaniba ay jireen marnaba dhismaha ma joojin—ayuu Cabdiqaadir yidhi isaga oo hadalkii sii wata. Waxa kale oo Cabdiqaadir ka waramay dhibaatada ka haysatay xagga is-gaadhsiinta (telefoonada) iyo gaadhsiinta lacagta dadkii u shaqaynaayey. “Waxa ay noogu darayd markii ninkii lahaa telefoonkii aanu caalamka kula xidhiidhi jirey uu ula qaxay telefoonkiisii (markii dagaaladii sokeeye sii kordheen) magaalada Gebilay, arrintaas oo nagu kaliftay in haddii aanu telefoon u baahanno in aanu Gebilay u safaro---iyada oo weliba khatar badani jirtay;†ayuu Cabdiqaadir yidhi. Waxa kale oo aan Cabdiqaadir weydiiyey in cid kale dhaqaale ahaan ku caawisay maal gelinta hoteelka baaxaddaas leh, wuxuuna Cabdiqaadir ii sheegay in aan cidina ka caawin maalgelinta ee uu ku maal-geliyey xaqiisii uu ka qaatay Kuwait National Petroleum. Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey sababta uu ugu dhiiraday in uu xaqiisii oo dhan ku maal geliyo meel nabad gelyadeeda shaki weyni ka jiray, wuxuuna iigu jawaabay “dhulkayga oo aan aaminsanaa in aanan ku khasaarayn ayaa iigu wacnaa in wixii aan haystay oo dhan ciiddayda geliyo.†Cabdiqaadir waxa kale oo aan weydiiyey sida magaca Maan-Soor ku yimid iyo sababta uu u doortay magacaas, waxa uuna ku jawaabey “waxa aan ka fekeray magac xaaladda iyo wacyiga waddanku ku sugnaa ka turjumaaya---isla mar ahaantaasna muujinaya rajo iyo yididiilo.†Waxa kale oo Cabdiqaadir ii sheegay in magac bixinta hoteelka ay u saareen guddi metela dhinac kasta oo bulshadu ka kooban tahay sida: aqoonyahanada, culumaa’uddiinka, suugaan-yahanada, curiyayaasha iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo magaca ugu fiican ka xulan doona—marka loo soo gudbiyo. Waxaana guddigaas loo sheegay in magaca ay dooranayaan aanu noqon mid hore u jiray ama loo isticmaalay. Waxaana qofka magacaas ku guulaysta la siin doono abaal marin wanaagsan, ka dibna waxa gudigii loo soo gudbiyey ilaa 600 oo magac. Markii muddo dheer gudigii ka doodayeyna waxaa aakhirkii laga soo reebay shan magac oo ay ka mid ahaayeen: Negeeye, Gobsoor iyo Rays. Ugu dambayntiina waxa gudigii isku raacay Gobsoor oo ay u arkeen in uu yahay magacii ugu wanaagsanaa, abaal marintiina waxa la siiyey ninkii magacaas keenay. Arrintu siday doontaba ha ahaatee, markii dambe magacii Gobsoor waa la isku khilaafay, waxana dadka qaarkood is-tuseen in magaca loo turjumi karo in bulshada qaarkeed lagu xaqirayo maadaama erayga “Gob†ay dadka Soomaalida ah qaarkood u yaqaaanaan qabiilada nasabkoodu sareeyo. Cabdiqaadir oo hadalkiisii sii wata ayaa yidhi “maadaama magacii shaki weyni galay ayaanu mar kale isku daynay in magac cusub dib loo raadiyo---nasiib wanaagna waxaa markiiba Maan-Soor soo jeediyey abwaanka caanka ah ee Xasan Xaaji Cabdillaahi “Xasan Ganey†markii uu Maan-Soor soo bandhigay wuxuu sharxay sababta uu u doortay wuxuuna yidhi “maadaama lagu jirey xilli dhibaato, cabsi, welwel iyo rajo xumo huwan—magacani waxa uu ka turjumayaa mid maskaxda (maanka) iyo garaadka kobcinaya (sooraya), dadkana rajo iyo yididiilo weyn gelinaya kuna dhiiri gelinaya in ay dhulkooda hooyo aaminaan kuna nastaan.†Waxa kale oo Cabdiqaadir intaas ku daray in Xasan Ganey aanu wax abaal marin ah magaca ku qaadan, maadaama uu isagu ka tirsanaa guddigii xulashada magac bixinta. Dhismaha iyo abaabulka Maan-Soor oo dhawr weji ka koobnaa, waxaa qaybtii koowaad oo 12 qol ka koobnayd la furay 1996, ka dibna waxaa si tartiib tartiib ah loogu daray qaybihii kale sida fooqa sare ee hurdada iyo hoolalka (halls) shirarka lagu qabto. Hadddii aad maanta Maan-Soor ku degtid waxa aad dareemaysaa ama aad qiraysaa in uu magaca loo bixiyey si weyn ugu qalmo, soorayona maskax kasta oo nasasho u baahan—qurbaha ha ka timaado ama gudaha ha ku sugnaatee! [Dhirta laga beeray Maan-Soor Hotel ] Cabdiqaadir markii aan la sii sheekaystay waxa kale oo uu ii sheegay in uu hadda gacanta ku hayo hoteelkii labaad oo uu ka dhisayo Xeebta Berbera, kaas oo magaciisu noqon doono Maan-Soor Berbera. Ka dib markii aan su’aalo ka sii weydiiyey taariikhda Maan-Soor Berbera waxa Cabdiqaadir ii sheegay in uu dhulka iibsaday bishii Juulay 2000, ka dibna uu biyo gelinta iyo hagaajinta dhulka uu bilaabay bishii Oktoobar 2003. Dhulka hoteelku ku fadhiyo oo aad u ballaadhan waxa uu ilaa hadda ku abuuray 130 geed oo timir ah iyo ilaa 1000 geed oo ah kuwa sida fiican saxaraha uga bixi kara. Sida Cabdiqaadir ii sheegay Maan-Soor Berbera waxa uu filayaa in dhismihiisu dhammaan doono sanadka 2005, isla sanadkaasna la furi doono. Waxa aan Cabdiqaadir iyo shaqaalihiisa u rajeynayaa guul iyo horumar, run ahaantiina waxa aan si weyn ugu kalsoonahay in Maan-Soor Berbera uu noqon doono mid bila magaalada Berbera oo dhimasho qarka u saaran! Mar aan la kaftamaayey Cabdiqaadir ayaa waxa aan ku idhi “haddii adiga iyo dadka kula midka ah ee baayac-mushtarka ah muujiyeyna maamul wanaagga iyo dedaalka horumarka ku wajahan, maamulka Somaliland loo dhiibi lahaa; wax weyn ayaa xaaladda iska bedeli lahaa.†Hase ahaatee, xaajigu arrintaas ma jeclaaysan! Waxa iyaguna xusid mudan hoteelada kale ee aan tegay sida Ambaasador iyo Burco City Plaza oo ay ka muuqatay qurux casriyeysan, maamul wanaagsan iyo cunto heer sare ah.
  23. Some southerners will protest that Somaliland's recognition is a blow to Somali unity. But this is sheer nonsense and sounds hollow coming, as it does, from people who in the last fourteen years have done nothing to advance Somali unity and even less to further human rights and democracy What comes to mind: Dameertu geela ha didisee, hadana way qururufleeday!
  24. Suldaanka we all know Somalis are not fit for the popular election method Somalis from Somalia(proper) to be exact. I can understand. Sland's socalled popular election was just to improve the image of a democracy to the international community ...and you gotta respect for the fact that they executed it successfully. Boy, has that been brought to shatters now It was Free and Fair, though. If the current administration wants to win next time round, they know what the people are expecting of them. You only reap what you sow.