Kamalu Diin

Nomads
  • Content Count

    634
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamalu Diin

  1. Raadamiir keep up the good job you doing for un-speakable people of Somalia. Thanks one more time.
  2. songs are the instruments of shaytaan! which songs that would atract you if not this? ha noolaado, ha noolaado etc
  3. tabar yer ....waxaa iga talo ah in ay si kale wax ku raadiyaan. Somaaliyeey Nabadu Waa Caano! iyo Jano!
  4. Maxkamadaha waa dowlad yer oo ............
  5. C/llaahi Yuusuf “Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Al-jabarti, waxay-na awooweyaashey ka soo haajireen dalka Yeman” (Wareysi dheer oo xiiso leh) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu asalkiisu yahay Yemani ka soo jeeda magaalada Zubeyd, Beesha Jabarti, wuxuuna wareysi dheer oo arrintan uu ku faahfaahinayo iyo xaaladda Soomaaliya siiyay weriye Wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA oo u soo martisay. “Ma ogtahay in awoowgey la yiraahdo C/raxmaan Ismaaciil C/samad Aljabarti, waxay awooweyaashey kasoo haajireen dalka Yeman iyagoo khilaaf Yeman ka dhacay ay uga soo carareen, sidaas ayaa naaneys looga dhigay beesheyda (*******), waana beesha uu ka soo jeeday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, waana Beesha ugu badan Soomaalida” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf. Wuxuu sharaxay beelaha kale ee Soomaalida isagoo yiri: “Waxaa kaloo Soomaaliya ku nool Beelaha ****** ee ay kasoo jeedaan madaxweynihii hore ee Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan, waxaa kaloo Beesha ****** aha inta badan qabqableyaasha dagaalka iyo madaxdii Maxkamadaha”. Wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu warrmay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho (Villa Somalia) wakaalada wararka ee dalka Yeman SABA wuxuuna weriyaha wareysiga ka qaaday inuu sheegay inuu kula hadlay hadal degan oo kalsooni ay ka muuqatay isagoo weliba ku sugnaa caasimadda Muqdisho oo aanay imaan ilaa markii la doortay sanadkii 2004-ta, waxayna u muuqataa in maxkamadihii islaamiga ay howl weyn u qabteen markiii ay ka nadiifiyeen caasimadda qabqableyaashii dagaalka. C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa Warbaabinta dalka Yeman iyo kuwa Carabta inay joogaan Muqdisho iyo Soomaaliya oo iyagu xaaladda Soomaaliya tebiyaan halkii ay ka qaadan lahaayeen wakaalada reer Galbeedka. Wareysigii dhex maray Weriye Axmed Alzarqa iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Wxuu u dhacay sidatan: SU’AAL: Mudane Madaxweyne sidee u qiimeyneysaan doorka dalka Yeman iyo dalalka deriska ah ee xaaladda Soomaaliya?. JAWAAB: Madaxweynaha Yeman waa madaxweynaha kaliya ee Carbeed ee daneeya waxa ka dhacaya Soomaaliya, Yeman waxay ahayd oo ilaa iminka tahay kalain muhiim ah uga jirta arrimaheeda, Soomaaliduna ma iloobi doonto taageeradii Yeman ee guud ahaan xaalad kasta uga jirtay kooxaha Soomaalida ee iska horjeeday, taageeradii ay siineysay Soomaalida ilaa markii ay burburtay dowladii hore, madaxweynaha Yeman wuxuu taageero buuxda la daba joogaa nabadeynta Soomaaliya, dunida oo dhanna Soomaaliya ayuu uga doodaa, iyo shacabka Yeman oo wax weyn noo qabtay isagoo marti geliyay oo kaalmeeyay qaxootiga Soomaalida waxayna saameyn weyn ku leedahay dadka Soomaalida. Dhibaatada Soomaalida waa dhibaato aan Soomaaliya u gaar ahayn ee saameyn ku leh dalalka deriska ah ee doonaya nabad iyo xasilooni, waxaan dalalka deriskeena ah u qabanay shaqo weyn haddii aan la dagaalanay Maxkamadihii islaamiga maxaa yeelay waxay halis ku ahaayeen dalalka deriska nala ah iyo Gobolka oo dhan, waan in sidaas loo wada gartaa. SU’AAL: Maxaad ka leedahay dalalka Afrikaanka ee deriskiina ah? JAWAAB: Ma iloobi karo kaalinta taageerada Itoobiya siisay nabadda Soomaaliya, sidoo kale Kenya oo saaxiibadeen ah, laakiin mowqifka Jabuuti su’aalo badan ayaan ka qabnaa, sida aan soo sheegay dhibaatada Soomaaliya waxay waa dhibaato Gobolka oo dhan saameyn ku leh, sidaas darteed ayaan u aaminsanahay in nabad lagu wada noolaado Gobolka, anagu waxaan ka hortagnay Maxkamadihii inagoo dalalka deriska ah wakiil ka ah, waxaan maxkamadihii ula dagaallannay danaha Soomaalida iyo tan Gobolka guud ahaan. SU’AAL: Mudane madaxweyne kadib markii ciidamada dowladda ay qabsadeen Caasimadda Muqdisho, lagana adkaaday Maxkamadihii Islaamiga ahaa, maxay yihiin waxyaabaha ugu waeweyn ee dowladiina waqtiga soo socda qaban doonto si loo afjaro fowadda 16-ka sano socoyay?. JAWAAB: Run ahaantii, waxaa na horyaala arrimo muhiim ah oo fara badan, intooda badanna waxay ku xiran yihiin dhinaca ammaanka iyo habeynta maamulka caasimadda Muqdisho, magaaladan wa balaaran tahay waxayna u baahan tahay dadaal xoog leh si nabad loogu soo celiyo kadib cabsi ay ku jirtay 16 sano ka badan oo xilligaasna la burburiyay adeegyadii Bulshada, waxaana loo baahan yahay in dowladu dhisto maamulka 16-ka degmo ee magaalada, loona magacaabo mas’uuliyiintoodii, in la dhiso saldhigyadii Booliska, la soo nooleeyo Maxkamadihii, la dhiso Xabsiyadii,, haddii aan baahidaas la buuxin ma awoodi kareyno inaan ammaanka kusoo celino magaalada, hadda waxaanu magacawnay Duqa magaalada Muqdisho, wuxuuna bilaabay howshiisa maalmo gudahood waxaan magacaabi doonnaa guddoomiyeyasha degmooyinka caasimadda, waxaan diyaarinay dib u furista saldhigyada Booliska, waxaan bilownay soo nooleynta Maxkamadaha, waxana ku dhow nahay inaan diayarino goobaha lagu xiro dembiilayaasha, qeybta kale waxay la xiriirtaa ammaanka guud si loo gaaro waxaanu magaalada ka nadiifin doonnaa haraagii Maxkamadaha oo aan ka guuleysan doono, sida aan ogtihiin: qaarkood waa carareen, qaarkoodna halkan Soomaaliya ayay joogaan, waxayna hadda ku jiraan diyaargarow waxaana qasab ah inaan burburino qaab kasta haddii aysan hubka dowladda ku soo wareejin oo ay ku adkeystaan inay hubka sii sidaan waanu ladagaalami doonnaa.., arrinta saddexaad ee xukuumadda ku dhaqaaqeyso waa inay nabad iyo xasilooni ku soo celiso Soomaaliya oo dhan, xukuumaduna ay hubka dadka ka dhigto maxaa yeelay hubkaasi inta uu gacanta ugu jiro wuxuu nagu keenayaan dhibaato fara badan, marka shacabku hubeysan yahay wuxuu ka fekerayaa dagaal. Waxaan bilownay hub ururinta, toddobaadkii tegay waxaan soo dhameynay hub ka dhigistii qabqbaleyaasha dagaalka, kii ugu danbeeyay ee hubkiisa wareejinaya wuxuu ahaa Maxamed Dheere, waxaan ku dhex wadnaa qof waliba oo hubka iska dhigeysa inaan ka qaadno, sababta aan hub dhigista ugu bilownay Qabqableyaasha waa inay suuragal tahay inay dib ugu laabaan dagaalkii haddii hubku gacantooda ku jiro, waxaan ognahay inay awoodaan mar kale inay noqdaan qabqableyaal dagaal, haddii taasi dhacdana shacabka kuma kalsoonaanayo dowladda oo waxaan weyneynaa aaminkii nalagu qabay, mar dhowna waxaan u howlgeli doonna sidii dadka hubka looga qaadi lahaa, tallaabada labaad waxay noqon doontaa inaan ganacsatada hubka ka dhigno, waxayna heystaan hub fara badan oo kala duwan, waxayna u heysteen ammaan la’aan si ay ugu ilaashadaan hantidooda iyo ganacsigooda, markii sababtaasi meesha ka baxday oo dowladii ay soo laabatay, baahidii ay hubka u qabeen aad ayay u yaraatay. SU’AAL: Sidee ula macaamileysaan qabqableyaashii dagaalka?. JAWAAB: Waxaan bilownay inaan kala wareegno maleeshiyooyinkii taabacsanaa, waxaan ku xareyneynaa xeroyoin lagu tababarayo, kadibna waxaa lagu biirinayaa ciidamada dowladda, ciidamada la dhisayo waxay ka imaanayana marka hore dalbeyda maleeshiyooyinka ahayd, kadib ayaa loo furayaa dadka doonaya in ciidamada loo qoro oo markaa la dhisi doono ciidankii Qaranka Soomaaliya ee Gobol waliba oo dalka ka mid ka imaan doona si ay waajibaadkooda u gutaan si aan ugu baahan ciidamo dibadeen. SU’AAL: Dhibaatada Soomaalida waxaa ku xalismeysaa in hubka la ururiyo, maleeshiyooyikana la mideeyo?. JAWAAB: Dabcan.. intaasi kuma dhammaanayaan dhibaatooyinka Soomaaliya, waxaad ogtihiin in muddo 16 sano ah ay dagaallo iyo fowdo ka jirtay dalkan, waxaan hub dhigista barbar wadnaa wadahadal aan la yeelaneyno beelaha Soomaalida si dib u heshiisiin qaran Soomaaliya oo idil looga gaaro, ilaa markii aan imid Muqdisho waxaan bilaabay inaan la kulmo beelaha kala duwan Soomaalida maalin waliba oo beel ama laba beelood aan la shiro, waxaan la hadleynaa is fahamka iyo xalinta khilaafaadka Muqdisho inagoo ku qancineyna inay la shaqeeyaan dowladda, waxaan ugu yeernaa inay wixii tegay isla iloobaan. SU’AAL: Wadahadal mala yeelaneysaan Maxkamadihii Islaamiga ahaa, mase ku jiraan qorshihiina dib u heshiisiinta?. JAWAAB: Arrinta Maxkamadaha waa wax kale.., marka hore Waxaan maxkamadihii ula macaamileynaa laba qaab: Qaar waa kuwii madaxda u ahaa ee dhiigga badan daadiyay ee balaayada u soo hooyay Soomaaliya, iyo kuwo la adeegsaday oo u dagaalamyay kana amar qaadanayay madaxdaasi. Kuwa madaxda ah iyo mas’uuliyiinta sare gaar ahaan kuwa xagjirka ah lama cafin, maxaa yeelay waxay sababeen dagaal iyo burbur, kuwaasi waa dembiilayaal wax heshiis ahna lama galeyno, laakiin qolada labaad ee u dagaalantay haddii ay hubka iska dhigaan oo shidadda iska daayaan nabaddana qaataan, waan cafineynaa waxna loo raacan maayo, waxaan raadsneynaa kuwa xagjirka ah iyo madaxdii oo kaliya. SU’AAL: Ma jirtaa wax rabitaan ah oo aad lku dooneysaan inaad wadahadal kula yeelataan Sheekh Shariif Axmed?. JAWAAB: Lama hadleyno, sida aan u sheegayba waa madaxdii waaweyneyd ee kooxdaasi balaayada waday. SU’AAL: Ciidamada Itoobiyaanka ah ee aad u yeerateen oo gudaha Soomaaliya ku adeeegsateen sow dowladda dhibaato uma keenin maadaama colaad xasaasi ah ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxeysay?. JAWAAB: Soomaalidu 16 sano ah ayay is dileysay oo dhexdooda ay dagaalo sokeeye soo dhex mareen, waxayna ahayd sababtii ay u burburtay dowladda iyo qarankiiba, waxaa dhici kartay inay xasaasiyad labada shacabka ee Itoobiya iyo Soomaaliya u dhaxeyso taasina waxay ahayd waqatigii hore, laakiin iminka markii dagaalada sokeeye dhaceen kadib shacabka Soomaaliyeed ee 16-kii sano soo joogay ee dagaalada sokeeye ee dhexdooda ka dhacay ma garanayaan taariikhdii naceybka iyo coddowtinimada, waxayna hadda Itoobiya iyo imaanshaheeda Soomaaliya u arkayaan inay tahay ka badbaadinta xaaladii ay ku jireen, sidaas darteed waxaan qabaa inuusan jirin qof ka mida dadka Soomaaliyeed oo aaminsan in Itoobiya ay u timid isticmaar. SU’AAL: Ilaa goorma ayay ciidamada Itoobiya joogayaan Soomaaliya?. JAWAAB: Sidaan hore kuugu sheegay waxaan dalbanay ciidamo nabad ilaalin Afrikaan ah, sababta dalabkaasina waa inay howsha kala wareegaan ciidamada Itoobiyaanka oo marka ay ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay la wareegaan kuwa Afrika, joogitaankooda ma dheeraan doono ciidamada Itoobiya si uusan shacabku u dareemin inuu waqtigoodu dheeraady, waxaan intaas ku darayaa Itoobiya uma imaan rabitaankeeda, ee waxay ku timid codsiga aanu annaga uga dalbanay howshan, wayna aqbashay iyadoo ku mahadsan, gaar aan markii aan aragnay inay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin dariiq kasta oo colaadda looga badbaadiyo. SU’AAL: waxaad ka hadashay muhiimada dib u heshiisiin Qaran, miyaysan arrintaasi waxyeeleyn karin xilkii laga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka, ma wuxuuse eersaday inuu Maxkamadaha u debecsanaa? JAWAAB: Wax saameyn ah arrintaasi kuma yeelaneyso dib u heshiisiinta, Shariif Xasan wuxuu noqday Khaa’in, dadkuna waa ku faraxsan yihiin in xilka laga qaado, wax shaki ahna kama jiraan, waxaa xilka looga qaaday xubnaha Baarlamaanka oo cod u qaaday, cod aqbaliyad ah ayaana lagu casilay, haddii shacabku nala jiro wax dhibaato ah kama imaanayaan. SU’AAL: Goormuu Baarlamaanka u soo laabanayaa magaalada Muqdisho oo Baydhaba ka soo guurayaa?. JAWAAB: Baarlamaanku wuxuu Baydhaba ku degay go’aan Baarmaanka xubnihiisu qaateen, marka waxaan u baahan nahay qaraar kale oo Baarlamaanku gaaro si uu Muqdisho u yimaado. SU’AAL: Dhismooyinkii, ilihii dowladda miyaaney ku jirin gacanta qabqableyaasha dagaalka?. JAWAAB: Waxaan qabqableyaasha kala wareegnay xarumo fara badan iyo kuwii Qaranku lahaa sida Garoomada iyo Dekadaha, waxaan mar dhow bilaabaneynaa inaan diyaarino oo dib u howlgelino oo xukuumadu ku shaqeyn doonto si aanu canshuurihii u qaadno, laakiin taageero dhinac waliba leh ayaan uga baahanahay dalalka Carabta iyo kuwa caalamiga ah. Waxaana qasab ah in beesha caalamka ay nagu taageerto si aanu uga gudubno marxaladan. Waqtigii nala taageeri lahaa waa la joogaa ciddii dooneysa inay Soomaaliya caawiso. SU’AAL: Wax taageero ah miyaad ka hesheen dalalka Carabta iyo Beesha caalamka?. JAWAAB: Ma jiraan wax taageero ah oo na soo gaaray ilaa hadda, Yeman oo weligeedna na caawin jirtay ilaa wax yar ka hor inta aanan Muqdisho soo gaarin marka laga reebo dowladaha kale ee Carabta ma ogi waxa ay sugayaan si ay noo caawiyaan,, dowladaha Carabta ee Afrikaanka ah waxaan ka codsaneynaa inay na taageeraan, waxaan kaloo rajeynayaa inay Yeman qeyb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya haddii Qaramada Midoobay ay u saamaxdo. Haddii ay Yeman dooneyso inay ciidamo noo soo dirto anagu waan soo dhoweyneynaa, waxaan dooneynaa Soomaaliya inay nabad noqoto oo wadankan buburtay dib loo dhiso. SU’AAL: Laakiin waxaa jira warar sheegaya taageero aad ka hesheen Mareykanka & Midowga Yurub? JAWAAB: Inta aan ogahay waa in Mareykanka uu balanqaaday 40 Milyan doolar oo Soomaaliya uu ku saacidayo, waxaan maqalnay in Midowga Yurub ay Soomaaliya siinayaan 47 Milyan oo Euro, balanqaadyadaasi waan maqalnay oo kaliya, wax naga soo gaarayna ma jiraan. Waxaan ka soo xiganay wargeyska Codka Xorriyada, News Update in English www.dayniileone.com
  6. Ahmed_Guree is being rational this time. Ahmed_Guree somalis are not yet ready for nationalism based unity, centralism, and, dictetorial rule. but they rather live in seperation which is fine with me
  7. No other news source sited such info where those journalists are reporting from? If I guess - Matabaan.
  8. There is always a room for improvement, I hope we take advantage of this widow of opportunity. Somali's difference is not based only tribal disputes, only idiaological, only between Abdullahi yousuf and Dahir Hassan Aweys. If I guess Somali's reconcilition process would not even end the next thirty years because I can't imagine how many issues that we all dissagree each other in SOL. and much more.
  9. Xoog dhalaan soo galay maaro looma helo. Waxaan iga tallo ah in beesha Cabdiqasim Salaad Hassan Somalida wax la qabsadaan oo ay xubin beelaha Somali kamida noqdaan, oo aysan isu arag isha, afka, iyo adinka kaliya oo ay somalida leedahay. Waxaa hubaal ah in beeshan oo cudidoodu kaamilantay Markii uu Abdikasim Salaad Hassan noqday Madaxweynihii Dowladii Carta, wax qabadkoodina mashii ugu saraysay gaaray markii ay Shaardiimeed gashadeen oo dibad iyo kudaba mar qua la wada maqlay. Kuma xumo beel tiradeedu gaaraysa ilaa laba boqol oo kun in ay Somalia influence saasa ku yeelato. Su'aasha taalo waxaa weeye hadii beelkasta oo Somaaliyeed oo ay cududeedu kaamilanto sidaas iyo si ka daran yeelayso maxaa noo caaqiba ah?
  10. Beesha Abdiqasim iyo Tigree-ga Ethiopia oo kulmaya. Mogadishu - Beesha Abdikasim Sald Hassan, oo ka mid ah Beelaha ugu waaweyn Soomaalida iyo Beelaha Tigreega Ethiopia, ee taladada wadankaasi haya, ayaa la qorsheynayaa in ay kullamo muhiim ah ku yeeshaan Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Wasiirka arrimaha Dibadda ee Ethiopia Siyum Masfin, oo marti-qaadka kullankani fidiyey, ayaa lagu wadaa labada dhinac ay kulamadooda si wen iskula meel dhigaan marxaladda uu haatan dalku marayo iyo sidii ay Beesha Abdikasim Salaad Hassan taageero balaaran u siin laheyd Dowladda meel ku gaarka ee Ethiopian-ku si dabar-ka riix ah ku keeneen caasimadda. Beesha Abdikasim Salaad Hassan, ayaa kullan ay siyaasiyiinta, wax-garadka iyo culumaa’udiinkoodaba ku qaateen Muqdisho, waxaa ay si cad ugu shaacisay inaysan marnaba la shaqayn doonin C/laahi Yuusuf maadaama uu horay u diiday inuu la shaqeeyo Xukuumadii Dr. C/qaasim Salaad Xasan iyo maamuladii kale intaba. Lama shaacin xilliga rasmi ah ee uu kullanku qabsoomayo, iyadoona Magaalada Adis-Ababa lagu casuumay ilaa 14-Xubnood oo isugu jira Culamaa’udiin, Siyaasiyiin, waxgarad, Odayaal, Aqoonyahano, ka tirsan Beesha Abdikasim Salaad Hassan, oo sida uu qorshuhu yahay ay is hor fariisan doonaan mas’uuliyiin ka socota Beesha tigree e Ethiopia. Tigreega, ayaa waxaa hogaamiya Meles Zenawi, oo si weyn uga celceliya in Beesha AbdiKasim Salaad Hassan ay tahay Argagixiso maadaama ay iyadu laheyd fikradii unkida Maxkamadaha Islaamka Somalia Baidoa.com
  11. Masa Munsa Argentine political life is like the life of an ant community or an African forest tribe: full of events, full of crisis and deaths, but life is always cyclical, and the year ends as it begins V. S. Naipaul
  12. Will the TFG become dysfunctional once the occupation ends? Yes, unless they reconcile the Somali people! you said it right this time There is no government without its people rallying behind it. when are you gonna do that please tell me.
  13. Bandow lagu soo rogay magaalada Caabudwaaq Caabudwaaq 26, Jan.07 ( Sh.M.Network) Degmada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud ayaa xalay ciidamada dowladda KMG ah ay ku soo rogeen Bandow, ka dib markii shalay lagu dilay degmadaasi Nin Ganacsade ah. Bandowgaan xalay la saaray magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku soo rogay ciidamo ka tirsan dowladda Somalia oo shalay galinkii dambe soo gaaray magaaladasi, kuwaasi oo ka yimid dhinaca degmada Cadaado, iyadoo bandowga uu bilowday 8 dii fiidnimo kuna eg 6 dii aroornimo. Saraakiil ka tirsan dowladda Somalia ayaa waxa ay shabelle u sheegeen in Bandowgaan uu yahay mid lagu xakameynayo amaanka, uuna sii socon doono maalmaha soo socoda. Bandowagaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii shalay nin ganacsade ah lagu dilay magaalada Caabudwaaq, iyadoo wali aan la qaban gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay oo ku sugan W/magaalada Caabudwaaq. Laakiin Col. Xasan Lugeey oo ka mid ah saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in ay jiraan dadaalo ciidamada dowladda ay wadaan oo lagu baadigoobayo gacan ku dhiiglaha. C/kariim Bulxan Shabelle Media Network G/gaduud E-mail us: info@shabelle.net
  14. If I were Muse Sudi Yalaxow I would leave the parliment alone and become political commentator (talk show)because he is funny.
  15. Originally posted by Fanisha: Somali friend, the most anoying dude in SOL is gone. Whether he's banned, dead, or abducted by aliens, thank God he's gone. Wuhuu! that is funny
  16. Originally posted by Fanisha: Somali friend, the most anoying dude in SOL is gone. Whether he's banned, dead, or abducted by aliens, thank God he's gone. Wuhuu! that is funny
  17. War of words is on the rise! not guns, please!
  18. Originally posted by Ahmed_Guree: ^^^ these traitors called for a war then they fled to Qatar. If i see them i will personaly post them to Guantanamo. they think that hiding in Juboyinka will save them. they are the most tribal minded organisation i have ever seen. If they knew taht they were cowards they simply shouldnt have incited and declared war. A war that i lost relatives when these loonies were busy planing on escaping. shame on them. I an very sorry to hear that my friend.
  19. Originally posted by Jimcaale: Dear ICU: I'm sorry to see you go. I wished you stayed a bit longer and accomplished few more things. You did a great job in Moqdisho, removed the isbaarooyin, brought a sense of peace & stability, cleaned the streets, and made some good promises. For that you deserve recognition. I'm glad you're going down in history for performing excellent in Mogadisho. I wished you did things differently and toned down the war rhetoric and understood peace doesn't come without price. I wished you practiced patience and diligence and conveyed the message in Islamic manner. You left a good impression on Moqdisho residents and I wished you kept that in mind in your journey. It is sad you were part of costly avoidable war. For that I’m disappointed. Wow Jimcaale. I would add I wish they would have listened to the people at large instead of view circles.
  20. Somali_Friend good job. Maskin Macruuf-aqiyaar. I am sorry to say "your comments are not fair".
  21. Originally posted by Dabshid: 2 and half. yeah,they may extend as they wish,Geddi and Yusuf can not be trusted. Somaliland may join if they see peace and prosperity in the rest of SOmalia...for now to stay away, the have a point. I am dissappointed though that they didnt mediate between ICU and TFG,they coudl have done something,instead watching kill each other! May ALlah unite Somalia. SOMALIA: SOMALILAND STEPS INTO THE FRAY Mogadishu, 27 Dec. (AKI) - The unrecognised de facto state of Somaliland, located in the northwest Somalia has entered the widening conflict between Somalia's Ethiopian backed transitional government and the Islamist Union of Islamic Courts (UIC) movement - on the side of the government, the Qatari state news agency reports. Somaliland soldiers are reported to be fighting alongside Ethiopian ones on the Galcayo area front. The area is under the control of Somalia's neighbouring semi-autonomous Puntland region and former warlord Abdiqueybdid. Somaliland fighters and forces opposed to the UIC on Saturday took the city of Jalinsor, the second to fall to the anti-UIC military alliance after Bandiredley. The alliance is said to comprise Somali and Ethiopian government troops, as well as a loose alliance of Somali, Somaliland, and Punta warlords opposed to terrorism. Critics of the UIC allege it has links to the al-Qaeda terror network - claims the UIC denies. The Arab League is meeting in the Egyptian capital, Cairo, on Wednesday to discuss the escalating violence in Somalia, which appears to be verging on a civil war threatening to draw in Ethopia's longterm enemy Eritrea on the side of the UIC as well as other powers. The UN envoy to Somalia, Francois Lonseny Fall, has urged the Security Council to mediate to end the fighting in the war-ravaged country where 2 million people in the centre and south are also suffering the effects of flooding. The Security Council is due to resume later on Wednesday its discussions on Somalia after the African Union (AU) on Tuesday said Ethopia has the right to intervene militarily in Somalia as the country feels threatened by the Islamic militia operating there. The UN estimates that at least 8,000 Ethopian troops may be supporting the weak transitional government based in Baidoa in southern Somalia.
  22. Mystic Duke is not a TFG representative bro. This quetion is irrevelent.